Wakiilka Daafaca Bidix Ee Liverpool Alberto Moreno Oo Ka Hadlay Wararka Xidigaan La Xiriirinaya Kooxda Real Madrid
Isniintii ayey aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya in 23-jirkaan heerka caalami ay xiiso u qabto kooxda Real Madrid inkastoo uu kaliya sanadkii 2014 kooxda Reds kaga yimid Sevilla wuxuuna kooxdaan u saftay in ka badan 60-kulan.
Javier Moya oo ah wakiilka Moreno ayaa yiri: "Waxey ahaan laheyd farxad” .
"Hadii koox sida Real Madrid ah ay nala hadleyso isla markaana ay Liverpool ku qanacsan tahay arinkaan wey nala hadli karaan, hadii koox Real Madrid oo kale ah ay dalab kasoo gudbiso waxey u ahaan laheyd farxad” Ayuu yiri mar kale.
Dhanka kale Moreno ayaa kursiga keydka galay bilowgii xagaagan iyadoo Rodgers uu ka doortay Joe Gomez, balse tan iyo dhaawacii da’yarka reer England wuxuu ahaa mid aan ka bixin safka hore iyadoo Klopp uu haatan aad ugu qanacsan yahay bandhigga wiilkaan orodka badan.
Wakiilka Daafaca Bidix Ee Liverpool Alberto Moreno Oo Ka Hadlay Wararka Xidigaan La Xiriirinaya Kooxda Real Madrid
Wakiilka daafaca bidix ee kooxda Liverpool Alberto Moreno ayaa diiday inuu inkiro arimaha soo jeedinaya in xidigaan uu ku biiro Real Madrid marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo.