Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay inaanu wax baqdin ah ka qabin hujuum kaga yimaada Ciidanka Itoobiya

0
Thursday September 10, 2015 - 10:17:17 in Wararka by
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay inaanu wax baqdin ah ka qabin hujuum kaga yimaada Ciidanka Itoobiya

    Maxamed Cabdi Kaliil oo ku adkaysanaya weli inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, ayaa sheegay inaanu wax cabsi ah ka qabin inay hoygiisa ku soo weeraran Ciidanka Militariga Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cabdi Kaliil oo ku adkaysanaya weli inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo, ayaa sheegay inaanu wax cabsi ah ka qabin inay hoygiisa ku soo weeraran Ciidanka Militariga Itoobiya. Ciidanka Itoobiya waxay taageersan yihiin xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu bishii hore ee August ku sameeyay Maxamed Cabdi Kaliil.

Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa ku celiyay inuu isagu weli yahay Gudoomiyaha xaqa ah ee Gobolka Gedo, isla-markaana aynaan sharci ahayn xil ka qaadistii uu ku sameeyay Axmed Maxamed Islaam.

"Aniga kama cabsanayo inay i xiraan Ciidamada Itoobiya, waxaan ahay Gudoomiyaha saxda ah, xil ka qaadistii Axmed Madoobe ma ahayn wax jiro, waayo isaga xaqba uma lahan.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay Idaacada Goobjoog.


Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Magaalada Garbahaarey, ayaa Isniintii isku deyay inay soo xiraan Maxamed Cabdi Kaliil, ka dib saacado yar oo uu ku sugnaa Xarunta Gobolka Gedo.

Boqolaal ka mid ah shacabka reer Garbahaarey oo taageero u haaya Gudoomiye Kaliil, ayaa Ciidanka Itoobiya waxay ku khasbeen inay dib ugu laabtan xerada, ay kaga sugan yihiin Magaalada.

Iyadoo Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan Amisom ay xiisad siyaasadeed ka abuurayan Gobolkaasi Gedo, ayaa waxaa dhinaca kale jirin tallaabo la xiriirta, oo ay qaaday Dowladda Somaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip