
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 10-KA SEPTEMBAR 2015-KA
"Waxaa Sababay in aan baaq u diro Xildhibaanadii aan Mooshinka wada saxiixnayDaruufra ka jirta Dalka,Xildhibaano gaaraya 125 Mudane ayaa keen ay Mooshin keenii lagu laalayo,marka intii uu Dalku gali lahaa Qal qal siyaasa deed ayaan waxaan dooneynaa in aan Tanaasul sameyno Xildhibaanadeenii Mooshinka ka keelany Madaxweynaha Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Maxa muud.
MADAXWEYNAHA IYO RA’IISUL WASAARAHA OO SOO DHOWEEYAY GO’AANKII MAREYKANKA
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Was aare Cumar Cabdirashiid ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyay go’aankii dowlad da Mareykanka ay ku dhawaaqday ee ahaa in ay bilaabeyso howlihii dibloma asiyadeed ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray dowladda Mareykankan, iyadoo tani ay ka dambeysay markii 5-tii May ee sanadkan uu booqasho rasmi ah Muqdisho ku yimid Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John F. Kerry.
Madaxda Qaranka iyo shacabka waxa ay soo dhaweynayaan dadaalka dowladda Mareykanka ay ugu jirto inay soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo qorshaha Mareykanku uu yahay in safaaradooda ay dib uga furtaan gudaha caasimadda, si ay ugu adeegaan gudaha dalka.
"Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka ay qaadatay dowlada Mareykan ka ee ah in howlaha diblomaasiyadeed ay ka bilaabeyso caasimadda, taasi oo xoojin karta xiriirka labada dal, waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa qorshaha Madaxweyaha Mareykanka Barack Obama uu ku doonayo in safiir cusub uu u soo magacaabo Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Fed-eraalka ah ee Soomaaliya sanadkii 2013, iyadoo Mareykanka uu dib u bilaabay xiriirkii Soomaaliya kala dhaxeeyay, ka dib kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ku yeesheen Aqalka Cad.
BAARLAMANKA OO SHALAY ANSIXIYAY MIISAANIYADDA DOWLADDA EE SANADKA 2015-KA
Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowl adda ee sanadka 2015-ka, ka dib markii dib u eegis lagu sameeyay.
Kulan ay mudanayaasha baarlamanku shalay ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ayeey ku ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka, ka dib dib u eegis lagu sameeyay miisaamiyadda dowladda ee sana dkan.
Dib u eegista miisaniyadda dowladda Soomaaliya ee Sanaadka 20-15-ka ayaa waxaa barlamaanka Soomaaliya u soo gudbiyeywasaradda Maaliyadda ka dib markii uu dib u dhac ku yimid miisaniyadii 2015-ka oo ay horay u meel mareyeen golaha shacabka.
Xoghayaha Guddiga maaliyadda ee barlamaanka oo kulanka golaha sha cabka ka hadlay ayaa sharaxay dib u eegista lagu sameeyay miisaniyadda dal ka iyo inta laga dhimay misaaniyaaddi hore. Isagoo sheegay in dhimista lagu sa meeyey miisaniyadda aysan saamayn dooninmusharaadka ciidanka iyo shaqalahaRayidka dowladda.
Wasiirka maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim "Fergeeti” ayaa tilmamay indib u eegista miisaniyadda lagu Sameeyay inta badan talooyinkii ay soo jeediyen xildhiabanadda barlaamaanku markii la horkeenay bishii hore.
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa kula dardaarmay guddiga Arrimaha bulshadda Barlamaanka Soo maaliya inay baaritaano ku soo sameeyaan Tiraddamacalimiinta wax ka dhiga dugsiyada dowladda sida ay codsatay ayuu yiri wasaaradda Maaliyadda.
AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA GANACSIGA OO SHEEGAY INAY DIYAARIYEEN SHARCIYO BADAN
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumda Soomaaliya ayaa kahadashay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhafay, iyadoo dhanka ka le ugu digtay dad lagu sheegay in ay donayaan boobka dhulka Wasaaradu leedahay.
Shirkan jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Agaasimaha Guud Wasaara dda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdulaahi Xayir Ducaale ayaa waxa uu kaga warbixiyay waxqabadka tan iyo bishii February ee sanadkan, isagoo xusay inay ka midtahay dejinta siyaasadda warshadaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, sahminta warshadaha dowladda ee ku yaalla caasi madda difaacidda dhulkii warshadaha oo lagu hayo boobka iyo dajinta siyaasa dda dhulkii lagu hagi lahaa, laguna maareyn lahaa dhulkii Warshadaha dowla dda.
"Madaxda Wasaaraddu waxa ay ka qeyb galeen shirar ka kala dhacay bishii April ee sanadkan dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo lo oga hadlayay tayada beecadaha dalka laga keenayo, waxay kaloo ka qeyb galeen shir looga hadlayay maalgeshiga Afrika oo bishii April lagu qabtay dalka Morocco, waxay ka qeyb galeen furitaanka carwada caalamiga ah ee Expro Milano ee dalka Talyaaniga, kaasi oo ahaa bishii May ee sanadkan” ayuu yiri Agaasimaha guud.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaancsiga iyo Warshaha ayaa hoosta ka xariiqay in bishii June ay kormeer indho indheyn ah ku tageen Warshadda dharka ee Balcad, kaasi oo ahaa mid ay ugu kuurgalayeen, isagoo intaa ku daray inay jiraan sharciyo ay meel mariyeen.
"Wasaaradda Ganacsiga waxay dib u habeen ku sameeysay sharciyo ay diyaarisay, kuwaasi oo kala ah, Sharciga maalgashiga shisheeye, Sharciga liisamada ganacsiga iyo Warshadaha iyo Sharciga sumadaha iyo calaamadaha” ayuu yiri Agaasimuhu oo hadalkiisa ku daray "Wasaraddu waxey casriyeesay liisamadaGanacsiga iyo warshaddaha oo ay kadhigtay mdi casri ah [Compu terized system], waxeyna diyaarisay ololaha hirgelinta liisamada oo dakhli badan lagu sooxareynayey, waxaana iska kaashadayWasaaradda Maaliyadda, Wasa aradda Ganacsiga iyo Ciidanka ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Bool iska”.
DHALINYARO SOOMAALIYEED OO SI QAFAAL AH LOOGU DARAY URURKA DAACISH.
Sida Hooyo Soomaaliyeed oo la soo xiriirtay Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyay illaa 10 dhalinyaro Soomaali ah oo la qafaalay ayaa lagu biiriyay Ururka Daacish.
Dhalinyaradaan oo laga kaxeeyay Magaalada Boosaaso ayaa loo shee gay in loo tahriibinayo qaaradda Europe iyadoona markii ay raaceen doonta lagu wargeliyay in ay ka mid noqonayaan dagaalamayaasha Daacish. Hooyadaan ayaa sheegtay in warbixinta dhalinyaradaan ay heleen markii mid ka mid ah isa goo suuli ku jira uu la soo xiriiray una sheegay in aysan hadli karin mar weliba balse uu u sheegayo in lagu biiriyay Ururka Daacish.
Arrintaan ayaa walaac xooggan ku abuurtay qoysas badan oo dhalinya radooda ay tahriib u aadeen si ay u gali lahaayeen qaar ka tirsan wadamada Europe.
CIIDAMADA ITOOBIYA OO IS’HORTAAG KU SAMEEYAY MASUULIYIIN DF KA TIRSAN OO TAGAY GARBAHAAREEY
Wararka aan ka heleyno degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in shalay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan ay is hortaag ku sameeyeen Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soo maaliya oo u socday in ay dhex dhexaadiyaan maamullada kala duwan ee halkaas ku wada sugan.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay ku wargeliyeen ma suuliyiinta in arrimaha muranka labada dhinac ku wada sugan Garbahaareey ay iyagu ku filan yihiin xallintooda aana loo baahneen gacan kale.
Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa dhawaan gaa ray guddoomiyihii Gobolkaasi Max’ed Cabdi Kaliil xilli madaxweynaha Maamulka Jubba uu maamul u cusub u soo Magacaabay Gobolkaasi.
Ciidamada Itoobiya oo dhawaan ayaa dhawaan isku dayay in ay hareere eyaan guddoomiye Kaliil hayeeshee Boqolaal shacabka Garbahaareey ayaa isu gu soo baxay irida hore ee Guriga guddoomiyaha taas oo ku xambaartay Ciidamada Itoobiya in fariisimayaashooda ay dib ugu laabtaan
. DOWLADDA FEDERAALKA OO DALBATAY IN LA JOOJIYO DAGAALKA CABUUDWAAQ
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Max amed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa ku boorriyay dhinacyada ku dagaalamaya de gmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud iney joojiyan dagaalka islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka sababay gacan ka hadalka.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay aad uga xun tahay dagaalkaasi iyo waxyeellada soo gaareeysa dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamayo, isagoo xusay in dowladdu kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto joojinta dagaalkaasi.
Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi maalintii labaad ka socda degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ka dhacay degmada Cabuudwaaq waxaa ku geeriyooday Sid eed qofood oo rayid ahaa, tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen, sida uu ku soo waramay wariyaha Radio Muqdisho uga soo warama halkaasi Cabdikariin Axmed Bulxan.
DAGAALLO KHASAARE NAFEED SABABAY OO MAR KALE SHALAY KA DHACAY DEGMADA CAABUD-WAAQ
Ugu yaraan Afar Ruux oo ka mid ah dhinacyo ku dagaalamay shalay de gmada Caabud waaq ee Gobolka Galguduud ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen dagaalka toban ruux oo kale.
Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidammo ka kala tirsan Ahlusunna iyo Gal mudug oo isku haya gacan ku haynta degmadaas, iyadoo Dhinacyadan uu dhinac Walba ku eedeynayso kooxda kale inay iyadu weerarka ku-soo qaadd ady.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in shacabkii degmadaas ku noolaa ay intooda badan ka barakaceen, iyadoo haatan ay xabbadu hakatay, balse ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan.
"Afar qof ayaa dhimatay inta aan arkay, waxaana dhaawacmay 10-qof oo kale, kuwaasoo u badan dhinacyadii hardamayay. Way jiraan in dadka qaarkood ii sheegeen in khasaaruhu intaas ka badan karo,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan Caabud-waaq oo Warbaahinta la hadlay.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda Caabud-waaq ay aad u kacsan tahay, ayna xoogag kala duwan soo galayaan degmada, inkatsoo aanay weli ka hadlin dhinacyada dagaalamaya dagaalkan shalay dhexmaray.
Wararka ayaa Waxay Sheegayaan in Ciidamadii Dagaalladu u Dhexeey een ay weli ku kala sugan yihiin goobihii ay horay ugu kala sugnaayeen, balse ay jirto cabsi ah in dagaallo kale ay dhexmaraan.
Dagaalkan ayaa dabasocday iska horimaad daraad ka dhacay degmada Caabud-waaq oo daraad lagu weeraray Wasiirka Ganacsiga Galmudug, Cabdil adiif C/llaahi Warsame oo maalin ka hor tagay degmadaas, dagaalkaasoo ay ku dhinteen laba qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
TALISKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMALIYEED OO SHALAY GAADIID CIIDAN LAGU WAREEJIYAY..
Taliska Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa shalay lagu wareejiyay 56-gaadiid oo ay isticmaalaan ciidanka.
Deeqdaan gaadiidka ah ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa soo gaarsiiyay Dowlada Jaban,oo inta badan taageerta xukuumada iyo Shacabka Soomalaiyeed,waxayna ugu talagashay sidii ciidamada Booliska horay ugu sii wadi lahaayeen Howshooda.
Munaasabad kooban oo gaadiidka lagu guddoonsiinayay taliska ciidanka booliska ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga gudaha, taliyaha ciidanka booliska, saraakiil ka tirsan cidamada booliska, kuwa AMISOM iyo saraakiil kale oo ka socotay Qaramada Midoobay.
Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horeyn dowladda Jabaan uga mahad celiyay sida ay u garab taaganyihiin ciidanka booliska.
"Waxaan dowladda Jaban uga mahad celineyaa sida ay u caawiyaan ciid anka booliska, marar badan ayay ciinka ugu deeqeen gaadiid, waxaana ka file ynaa in goordhaw ay nagu soo wareejin doonaan dhar ciidan” ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.
Tomohiro TOMMATSU oo ah u qeybsanaha dhanka gaashaandhigga safaaradda Jabaan ee Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiidkan ay ugu tal agaleen inay ku caawiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed.
"Gaadiidkan waxaan ugu tala galnay in ciidanka booliska ay ugu adeega an bulshada, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in shalay aan ciidamada ku wareejino gaadiid”
Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in gaadiidka lagu wareejiyay taliska ciidanka booliska uu qeyb weyn ka qaadan karo howlaha ay u hayaan bulshada ee ah ka hortagga kuwa maleegaya amni darrada."Runtii dowladda Jaban waxa ay ka mid tahay dowladaha caawiya Soomaaliya, runtii aad baan u soo dhaweyneynaa sida ay u garab taaganyihiin ciidanka booliska, taliska ciidanka waxaan ku bogaadinayaa inay sii labo jibaar aan adeegyada ay bulshada u hayaan” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.
AL-SHABAAB OO SHAACIYAY IN AY HAYAAN ASKAR MAXAABIIS AH OO U DHALATAY UGANDA
War ka soo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay Gacan ta ku hayaan Askar ka tirsan Ciidamada Uganda oo Maxaabiis ah,kuwaas oo lagu qabtay Dagaalkii ka dhacay Degaanka Jannaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Afhayeenka Al-shabaab u hadla Markii uu dagaal dhaco Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Idaacada Al-shabaab Afkooda ku hadasha ee Al-andulus u sheegay inay hayaan Ciidamo u dhashay Wadanka Uganda oo Max aabiis ah laguna qabtay dagaalkii ka dhacay Jannale 1-dii Bishaan.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay soo gudbin doonaan Magacyada iyo darajooyinka ay leeyihiin Askartaan Yugaandheyska ah ee ay sheegeen in ay Gacanta ku hayaan.
AHLU SUNNA OO SHALAY GALAB DAGAAL CULUS LOOGA SAARAY MAGAALADA CAABUDWAAQ
Xoogagii Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ee ka dagaalamaayay Magaa lada Caabudwaaq, ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa looga adkaaday dag aalkii daraad ka bilowday Magaaladaasi.
Xoogaga Maamulka Galmudug oo gacan ka helaaya dad shacab ah, ayaa dagaal culus Ciidanka Ahlu Sunna kaga wada saaray gebi ahaanba Magaalada, waxayna hadda ku sugan yihiin duleedka.
Dhammaan goobihii lagu dagaalammay waxaa ku sugan Ciidanka Gal mudug iyo maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan, waxayna tani ka dambeysay markii Ahlu Sunna lagu eedeeyay inay diiday wada hadal in lagu xaliyo xiisadda siyaasadeed ee Galmudug kala dhaxeyso.
Wararka waxay intaa ku darayaan dagaalkii shalay galab inuu gaystay khasaaro badan oo ka soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga hayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.
Isbitaalka Al xayaat ee Magaalada Caabudwaaq, ayaa waxaa shalay ga lab la keenay tiro dhaawacyo ah, iyadoo horeyna loo dhigay dhaawacyo ka badan 15 ruux. Dhaawacyada waxaa la tilmaamay in hadda 22 ka badan yihiin.
Warar aan la xaqiijin, ayaa sheegaya in dhimashadu ay sii caga cagayna yso 12 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, inkastoo la lee yahay waxaa suurta gal ah in khasaaraha dhimashadu uu intaa ka badan karo.
Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Galmudug, Daahir Faarax Siidow oo ka hadlay tallaabada Ahlu Sunna looga saaray Magaalada, ayaa ku faanay in iya goo gacan ka helaaya dadka reer Caabudwaaq, ay Ahlu Sunna ka eryen Maga alada, sida uu yiri.
Wasiir Ku Xigeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa xaqiijiyay dagaalku inuu khasaaro sababay, laakiin ay dib ka soo sheegi doonaan inta uu le’eg yahay.
Dagaalkan oo daraad ka bilowday xaafadda Oktoobar, ayaa yimid markii hal habeen ka hor uu Magaalada Caabudwaaq uu soo galay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Maamulka Galmudug, C/ladiif C/laahi Warsame (Gacamey).
XILDHIBAAN XANAFI "MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN ARDAY BADAN BUU QALQAL KU BEERAY”
Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Xanafi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan magaalada Baladweyne, waxa uu sheegay in maamulka gobalka Hiiraan uu qalqal ku beeray arday dhiga neysay iskuul ku dhex yaalla Xeradii daraawiishta ee magaaladaasi.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in aan la ogeyn sababta maamulka ku kaliftay in lagu xad gudbo xarun shacabka oo dhan ay wada leeyihiin, is-lama rkaana la burburiyo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay farayaan dhammaan hay’adaha ay quse yso arrintani inay badbaadiyaan xeradaasi oo uu sheegay in la iibsanayo.
"Maamulka gobalka Hiiraan waxaan la aadi donnaa hay’adaha ay suqeyso xarrintani hadii aan hadda laga waan toobin, maamulka waxa uu qalqal ku bee ray ardaydii wax baraneysay, waxaa lagu xadgubayaa hantidii shacabka, sidaa darteed hay’adaha arrimahaan quseyso waa inay degdeg wax uga qabtaan” ayuu yiri xildhibaan Xanafi.
Tani ayaa imaanaysa xilli la sheegayo in maamulka gobalka Hiiraan uu burburin ku billaabay xeradii daraawiishta ee magaalada Baladweyne, waxaana xusid mudan in halkaasi uu ku yaallo Iskuul wax lagu barayay ardayda, iyadoo waxgaradka ay sheegeen in dhulkaasi shaqsiyaad laga iibiyay.
GUDDOOMIYE KU XIGEENKA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY GAALKACYO
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Sooma-aliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo waxaa ku soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,ku xigeenki-isa, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan
Puntland,Guddoomiyaha gobolka Mudug,ku xigeenkiisa,odayaasha Dhaqa-nka,haween,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Galka cyo kuwaasi oo uu mid mid u gacan qaaday.
Soo Dhaweynta ka dib waxaa wafdiga Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka loosoo galbiyey xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ha lkaasi oo kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
"aad iyo aad ayaan ugu farax sannahay inaan shalay kusoo dhaweyno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Puntland guud ahaan Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,si gaar ah ayey sharaf iyo qiimo weyn ugu leedahay Golaha wakiillada Puntland” ayuu yiri Mudane Saciid Xasan Shire Guddoomiyaha
Baarlamaanka Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaali ya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka iyo shacabka Puntland sida ball aaran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in socdaalkan uu daba socdo safar uu sanadkan horaantiisa ku yimid Puntland ilamarkaana uusan Gaalkacyo horey u imaan.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Feder aalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay islamarkaana khudbad ka jeediyey munaasabad uu Madaxwey-naha Puntland ku daah furayey sanduuqa hormarinta gobolka Mudug oo munaasabad daaha looga rogayey lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
RAALI GELIN "Dhammaan Akhristayasheena Sharafta leh waxaa laga Raalli Gelinayaa Qaladkii farsamo ee ku yimid Bogga 5aad iyo 6-aad oo hal bog isku noqday Cadadkii shalay ku soo baxay ee wargeyskan
Magafe waa Alle
Saxid :-BOGGII shalay laga tagay ee Maanta ayaa lagu daray kaasoo ahaa "Seddex Sano Ka dib Khudbaddii Musharraxnnimada Madaxweyne Xasan Sheekh”Waana kanaa:-
SEDDEX SANO KADIB KHUDBADDII MUSHARAXNIMADA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH
Darraad oo kale 8-dii bishii Sebteembar, 2012 waxa ay ahayd maalintii uu jee diyey khudbadiisa musharaxnimo markii uu xilka madaxweynenimada u tartamayay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xilkaasi oo labo maalin kadib ku guuleystey.
Seddex sano ayaa laga joogaa maalintaasi, waxayna ahayd maalin taariikhda Soomaaliya baal calaamadaysan ka gashay, waxayna ahayd biloowga muddo afar sano ah oo Soomaaliya ay galaysay xukun cusub iyo xaalado aanan markaasi la saadaalin karin.
Dadka intooda badan dhug iyo dareen gaar ah uma aysan heynin hadal-jeedi nta Xasan Sheekh Maxamuud maadaamaa aanan markaasi wax badan laga aqoo nin, islamarkaasina aanan loo saadaalineynin in uu xilka ku guuleysto maadaamaa ay tartamayeen dad siyaasadda kaga horeeyey.
Laakiin sida aad ka arki doonto tuduca ugu horeeya ee khudbadda, Xasan Sheekh isaga kalsooni badan ayuu ku qabay inuu ugu yaraan rajo wanaagsan leey ahay, sababtoo ah xildhibaano badan oo baarlamaanka ku jirey ayuu taageero ka heystey.
Haddaba waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa khudbaddii oo dhameys tiran bal si aad wax uga xusuusataan balanqaadyadii uu sameeyey iyo waxa shalay ka qabsoomey.
Khudbadii Murashax Xasan Sheekh Maxamuud
Taariikhda: 08/09/2012
Goobta: Golaha Shacabka
Hore u dhaca Khudbadda
Bismilaahi raxmaani raxiim asalaamu caeykum, ugu horeyntii Mudane gudoo miye, xildhibaanada iyo marti sharafta waa idiin salaamayaa dhamaantiin, salaan ka gadaal, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo xildhibaanada federaalka Jamhuuriyada Soomaliya ee waqtigooda iyo dhagahooda I siiyay inaan halkan uga soo jeedyo bar naamijkayga siyaasadeed, waxaa kaloo rabaa inaan u mahadceliyo xildhibaanadii Soomaaliyeed ee soo rashaxay ama I soo jeediyay inaan noqdo murashax ka tirsan murashaxiinta tartanka madaxweynimada sanadka 2012-ka
Mudane gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada qaranka Soo maaliyeed iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo marti sharafta nagala soo qeyb gashay fadhigaan, salaan ka gadaal, waxaan u mahadcelinayaa waqtigiina qaaliga ah ee aad i siiseen, si aan idiinku soo bandhigo aragtidayda siyaasadeed ee la xirii rta hogaaminta dalka xili Soomaaliya ay qabto baahi is badal iyo hoggaamineed oo leh karti, hufnaan kaasoo ku shaqeynaya caddaalad, nabad iyo horumar
Mudane guddoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, dhibaatadeeda ma aha, waxa nagula tilmaamo oo kaliya, duruufo aad iyo aad u adag ayaa ka jira dalkeena oo ay ummaddeena shalay soo martay in ka badan 22-sano oo dhibaata ah oo dalka duruufo adag ku jiray, waxaan maraynaa marxalad xasaasi ah oo ku sifaysan sida uu tilmaamay abwaankii Soomaaliyeed ee yiri ’Markay is wada dooxataybaa daad u soo galaye, dab haduu baqtiyo meelbaa dadab ka qiiqaaye’……qiyaaso xanuun bad an oo shacaka Soomaaliyeed soo maray oo uu muteystay in lagu tilmaamo tilmaa mo xun laakin ay sababeen duruufihii soo jiray mudada dheer Bal qiyaas gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay xero qaxooti ama xero barakac gudaheed kadibna ku kortay kadibna ku noqotay hooyo Soomaaliyeed oo leh caruur iyada iyo caruu rteedana ay ku wada noolyihiin xeradaii inta ay Soomaaliya ka garanayaane ay ta hay inta ay saxaafadda ka maqlaan ama ay ka arkaan, bal qiyaas subax subaxyada ka mid ah oo aad soo joogtay oo hooyo Soomaaliyeed oo caruurteeda canjeero u du banaysa uu madfac habaw ah inta ku habsaday oo caruurtii iyo ayadaba qaarna ay dhinteen qaarna ay dhaawacmeen oo ay la kulmeen naafow nolashooda inta ka hartay ay la noolaadaan, bal xasuuso kuwa cabsi amni iyo kuwa dhaqaale awgood isugu tuuray badaha oo boqolaal iyagoo ah ku naf waayey badda gudaheeda ama markii ay ka gudbeen badahana lagu xadgudbay xuquuqdoodii banii’aadanimo, me eqa Soomaali ah oo laga yaabo qaarkood inay goobtan nala joogaan ama hawada naga dhageysanayaan oo iyagoo aan dambi laheyn inta la afduubtay la dulleeyay, xuquuqdoodiina meel looga dhacay
Mudane guddoomiye,mudanayaal iyo marwooyin bal milicsada degmada ama xaafadda aad ku nooshahay ama tuulada aad ku nooshahay oo aad joogto, inta yar ee fursadda tacliinta heshay ka sokow meeqa caruurteena ka tirsan ayaa wadd ada carrada ku beegta ka dibna ku sifooba dib-jirnimo, meeqa caruurteena ka tirsan ayaa la il daran ama u geeriyootay xanuuno la daaweeyn karay, meeqa waayeelke ena ka tirsan ayaa waayey daaweyntii iyo xanaanadii ay u baahnaayeen, xaqana ay u lahaayeen dalkooda, imisa jeer ayaad goobjoog u soo aheyd nin danbiile ah oo gacan ku dhiigle ah oo qof muwaadin ah oo aan dambi galin inta dilay ka dib damb igii uu galay inta laga xayuubiyay oo laga qaaday la yiri reer hebel baa reer hebel dil ay, kadibna ay sababtay kuwa ka loo aan dambi laheyn oo sababta ay u dhinteen ama u dhaawacmeen ay tahay ninkaas dambiilaha ah inay ku reer ahaayeen oo kaliya.
Xaddiga kala aamin baxa iyo kalsooni darada ummaddeena dhex martay ee asbaabtaas aan soo sheegay iyo in kaloo la mid ah ay geysatay waxaa sabab u ahaa dowlad la’aanta ama dowlad dalka hanata oo aanan dhicin.
Mudane gudoomiye,mudanayaal iyo marwooyin haddii aan intaas kusoo kobo muuqaalka aan quruxda badneyn ee shalay ka jira dalkeena, waxaa xusid mudan inaan leenahay taariikh midnimo iyo mid siyaasadeed oo magac iyo maqaam kusoo yeelatay dunida hadda ka hor, waxaan ku sifoownay marka la fiiriyo Afrikadii xuro wday 1960-yadii, waxaan aheyn kuwoo dal si sahlan oo colaad iyo maquunis laheyn ku midoobey iyagoo waliba ka xuroobay labo nidaam gumaysi oo aad iyo aad u kala duwan, waxaa in lagu faano mudan inaan laheyn madaxweynihii ugu horeeyay Afrikadii xurowday 60-kii ee xafiiska doorasho ku yimid kadib doorasho uga tagay, aad iyo aadna ay ugu yareed dalalkii xuroobey 60-kii inay sidaa ka dhacdo.
Waxaan aheyn dalka kaliya ee qaarada Afrika ku yaala ee u hardamaayey sidii ay ummaddiisa dowladnimo iyo dowlad u noqon laheyd, halka dalal kale oo fara badan oo qaarada ku yaala ay halgamayeen oo dadaal badan ugu jireen ummadn imo kala duwaashaha ay kala duwanaayeen awgeed, sidoo kale Soomaaliya waxay magac iyo maqaam ku laheed ururo caalami ah oo waaweyn oo ay wax ka dhistay oo aababulkoodii ama dhismahoodi ay laheyd, Jamhuuriyada Soomaaliya waxay aheyd dowladihii ugu horeeyay ee wax ka aasaasay ururkii Midowga Afrika ee loo yaqiin OAU, waxaa kaloo aan hormuud ka aheyn aas-aasidii ururka OAU oo aan ma daxweyheenii waqtigaa ka mid ahaa ra’yigaas uu kasoo curtay ama uu ka yimid, Soomaaliya waxay xubin firfircoon ka aheyd oo laga qadarin jirin dhamaan siyaasadda ururadaas oo ay aad iyo aad caan ugu ahyed.
Lix da Tiir ee Saldhiga u ah Siyaasadda Dowladda Madaxweyne Xasan Shiekh
Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin hadii aad ii doorataan iguna aamintaan xilka madaxweynaha dalka waxaan barnaamijkeyga siyaasadeed kusoo koobayaa, waxaa saldhig u ah lix tiir oo aan u bixiyay tiirarka waaweyn oo aan u ugu magacdarnay dib usoo kabashada ama dib u soo noolaashada Soomaaliya.
Xigashogoobjoog.com
IIRAAN OO SHEEGAY INAYSAN MAREYKANKA LA GALAYN WADAHADAL AAN AHAYN ARINTA HUBKA NUCLEAR-KA
Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay Arbacada shalay ah in aysan jirin Wada xaajoodyo Gaar ah oo ay la ye elanayaan Mareykanka, marka laga Reebo Arrinta Hubka Nuclear-ka, kaasoo ay bishii July ee Sannadkan heshiis hordhac ah laga gaaray.
"Waxaan Ogol nahay oo keliya Wada xaajoodka ku Saabsan Hubka Nuclear-ka ah ee aan kula jirno Mareykanka, balse kuwo kale ma ogolin xaalado jira awgood,” ayuu Khamenei ku yiri khudbad uu shalay ka jeediyay Magaalada Tehran, isagoo intaas ku daray. "Arrimo kale oo aan ogol nahay inaan Mareyk anka kala hadalno ma jiraan.”Sidoo kale, Khamenei ayaa ku eedeeyay Washin gton inay Tehran kala hadasho Arrimo ay ka mid yihiin Xuduudaha, kuwaas oo uu Xusay inay yihiin Kuwo ay Dano Siyaasadeed ka leedahay.
"Mareykanka wuxuu raadinayaa sidii uu wadahadallo ula furi lahaa dowladda Iiraan, balse Wadahadalladan Waa kuwo ay ku doonayaan inay nagu soo Dhexgalaan si wixii ay iyagu doonayaan nooga Sameystaan,” ayuu Hada lkiisa ku daray Khamenei.
Isagoo intaa raaciyay. "Shacabka Iiraan way iska eryeen sheydaanka weyn [Mareykanka], waxayna u diideen inuu soo dhexgalo arrimahooda gaarka ah. Marka hadda waa inaynaan u ogolaan inuu si dadban arrimaheenna u soo dhexgalo.”
Hadalka Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Dalka Iiraan uu ku sheegay in Arri maha Iiraan ay yihiin kuwo iyaga u gaar ah, ayaa kusoo beegamaya xilli xildhib aannada Mareykanka ay billaabeen daraad oo Talaado ahayd inay ka doodaan Heshiiskii Nuclear ka ee horay loola gaaray Iiraan.
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa Heshiiskaan meelmari ntiisa Taageero ku filan uga haysta Aqalka Senate ka Mareykanka, taasoo ah mid aan lagu hor istaagi karin heshiiska Nuclear ka Iiraan.
Balse, inta badan Xildhibaannada Mareyknaka ayaa kasoo horjeestay heshiiskan, iyagoo Cuskanaya sheegashada Israa’iil ee ah inaanay haysan kal sooni ku filan oo looga hortegi karo in Iiraan ay horumariso hubkeeda Nuclear-ka.
Xukuumadda Iiraan ayaa diiday codsiga Israa’iil, iyadoo Khamenei uu mar kale yiri. "Alle Mahaddiis, Waxaa Israa’iil ka jira waa nidaam sahyuuni ah oo 25-sano soo jiray. Sidoo kale, jihaadka lagula jiro sahyuuniyadda ma dhammaanayo illaa nabad buuxda laga helo.”
Ugu dambeyn, Dowladda Iiraan ayaa inta badan diidda inay sameynayso hubka Nuclearka ah, iyadoo Khamenei uu isagaba Dhawr jeer ku Celceliyay in Siyaasad oo looga Horjeedo dalkiisa ay tahay colaad ka dhan ah Islaamka.
DIYAARADDA BRITISH AIRWAYS OO DAB KA KACAY, XILLI AY KA DUULEYSAY GAROONKA LAS VEGAS
Diyaaradda British Airways ayaa si lama filaan ah uu dab uga kacay, xilli ay ka duuleysay garoonka diyaaradaha ee McCarran Airport ee magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.
Rakaabka diyaarada ayaa si deg deg ah looga soo saaray, markii dabka bilowday, waxaana markaas xaalad naxdin iyo cabsi soo wajahay Rakaabkii saarnaa diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 777 oo ku sii jeeday magaalada London.
Dabkan ayaa ka kacay qeyb ka mid ah matoorka diyaarada, iyadoo durb aba qiic iyo holac uu hareeyay diyaarada, intii ay ku socotay wadada runway-ga ee diyaaradaha ku ordaan.
Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku dhaawacmay dabka, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka si loogu daweeyo.
Kooxaha gurmadka deg dega iyo baabuurta dab damiska oo deg deg diyaarada ugu gurmaday ayaa ku guuleystay inay baqiyaan dabkii ka kacay diy aarada.
Lama oga waxa sababay dabka ka kacay diyaarada, hase ahaatee waxaa loo maleynaya in cilada tahay mid ka mid ah matoorada oo xilligii ay garoonka ka kaceysay dab ka kacay.


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANT OO AH KHAMIIS 10-KA SEPTEMBAR 2015-KA
XIDHIBAANADA MOOSHINKA KA KEENAY M/WEYNAHA OO SHEEGAY IN AY TANAASULAYAAN.. Mid kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soo maaliya oo lagu Magacaabo Maxamuud Cali Nuur oo la hadlay Idaacada Ku lmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu