Qof ku dhintay iyo 20 ku dhaawacantay Howlgal tijaabo ahaa oo ka dhacay jaamacada Strathmore
Japheth Koome oo ah Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa howl-galkaas ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta ardayda tirada badan ee Jaamacadaas wax ka barato.
Dhank kale qofka geeriyooday oo ahaa gabar dhanka nadaafada ka shaqeyneysay, ayaa wakhtigii ay geeriyooneysay waxaa ka jiray dhismaha jaamacadaas is-buurasho xoogan madaama ardaydu ay ku saseen dhawaqa rasaasta ay Ciidamada ammaanku kor u rideen.
Qaar ka mid ah ardayda, ayaa la sheegay iney iska soo tureen dabaqyada afaraad iyo midka Shanaad ee dhismaha jaamacada oo ku yaallo agagaarka xaafadda Lang’ata ee magaalada Nayroobi, halka kuwa kalana ay isku qariyeen Musqulasha jaamacadda.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in dhacdadaas ka dib ay ardaydii dhaawacantay ula cararay qaar ka mid ah Isbitaalada ku yaallo magaalada Nayroobi oo ay ka mid yihiin Nayroobi West iyo Mater Hospital si gar-gaar caafimaad loogu fidiyo.
Goob-joogayaal, ayaa iyaguna sheegay in ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska Bir-madka ee loo yaqaano AP-da (Administration Police) ay si kadis ah u galeen jaamacada iyagoo iska dhigaayay koox soo weerartay, waxeyna kor u tureen rasaas nool-nool oo ay damacsanayeen inay ku baqdin galiyaan ardayda, Macallimiintooda iyo weliba Maamulka jaamacada oo aanan horay loogu sii war galinin howl-galkaas tijaabada ahaa.
Shacabka Kenya, ayaa siyaabo kala duwan oga hadlay howl-galkaas mala’awaalka ahaa ee laga kor fuliyay arday waxbarashadoodii ku jiro, xilli aanan sidoo kalena lagu war-galin ciidamada booliska ee saldhiga ku leh aaga ay jaamacadaas ku taallo.
Xigasho:-Hiiraan.com
Qof ku dhintay iyo 20 ku dhaawacantay Howlgal tijaabo ahaa oo ka dhacay jaamacada Strathmore
Qof ka mid ahaa howl-wadeennada Jaamacadda Strathmore ayaa ku geeriyooday in ka badan labaatan Ardayna wey ku dhaawacmeen howl-gal mala'awaal ahaa oo shalay galinkii dambe ka dhacay Jaamacada Strathmore ee ku taalo Magaalada Nayroobi ee caasimad