RASMI:Sergio Ramos Iyo James Rodriguez Oo Ku Kala Guulaystay Difaacii Iyo Dhexdii Xili Ciyaareedkii 2014/15 Ugu Fiicnayd Horyaalka La Ligaha

0
Tuesday December 01, 2015 - 10:48:17 in Sports News by
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI:Sergio Ramos Iyo James Rodriguez Oo Ku Kala Guulaystay Difaacii Iyo Dhexdii Xili Ciyaareedkii 2014/15 Ugu Fiicnayd Horyaalka La Ligaha

    Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa loo doortay in uu ahaa difaacii ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La Ligaha ee xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay ee 2014/15. Xaflada sanadlaha ah ee La Ligaha taas oo sanadkasta lagu bixiyo abaal marino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa loo doortay in uu ahaa difaacii ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La Ligaha ee xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay ee 2014/15. Xaflada sanadlaha ah ee La Ligaha taas oo sanadkasta lagu bixiyo abaal marino kala duwan ayuu Ramos ku gudoomay abaal marinta in uu ahaa difaacii ugu fiicnaa xili ciyaareedkii hore ee La Ligaha.

Sergio Ramos ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ku guulaystay abaal marinta difaaca La Ligaha ugu fiican taas oo muujinaysa tayada qalbi difaaca Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Ramos.
Dhinaca kale James Rodriguez oo isla kooxda Real Madrid ah ayaa ku guulaystay xidigii khadka dhexe ee xili ciyaareedkii 2014/15 ugu fiicnaa La Ligaha. Xidiga ree Colombia ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Madrid oo u u dhaliyay 12 gool hlka uu sidoo kale caawintooda lahaa 12 gool oo kale. James ayaa markii uu abaal marintiisa gudoomayay la kulmay soo dhawayn iyo sacab badan.

Xidiga xulka qaranka Colombia iyo kooxda Real Madrid ee James Rodriguez ayuu xili ciyaareedkii hore u ahaa mid aad u fiican inkasta oo uu xili ciyaareedkan isfahan la’aani ka dhexayso tababare Benitez halka uu mararka qaarna dhaawac ku maqnaa.
Ramos

Ramos2

JAMES

James2



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip