RASMI: Goolhayaha Kooxda Barcelona Ee Claudio Bravo Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Goolhayihii La Ligaha Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2014/15

0
Tuesday December 01, 2015 - 10:45:19 in Sports News by
  • Visits: 1389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Goolhayaha Kooxda Barcelona Ee Claudio Bravo Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Goolhayihii La Ligaha Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedkii 2014/15

    Goolhayaha kooxda Barcelona ee Claudio Bravo ayaa ku guulaystay abaal marinta goolhayihii horyaalka Spain ee La Ligaha ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2014/15. Bravo ayaa xili ciyaareedkii hore Barcelona ka dhigay kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhayaha kooxda Barcelona ee Claudio Bravo ayaa ku guulaystay abaal marinta goolhayihii horyaalka Spain ee La Ligaha ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2014/15. Bravo ayaa xili ciyaareedkii hore Barcelona ka dhigay kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay iyada oo 19 gool oo kaliya xili ciyaareedkii dhamaa laga dhaliyay, waxaana Bravo loogu codeeyay in uu ahaa goolhayihii La Ligaha ugu fiicnaa.

Goolhayaha ree Chile ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ayaa horseed ka ahaa in Barcelona ay La ligaha ku guulaysato kaas oo uu 37 kulan ka ciyaaray halka uu kulankii ugu danbeeyay Enrique goolka ka badalay.Claudio Bravo ayaa xili ciyaareedkii hore rekoodh ka dhigay La Ligaha kadib markii uu 754 daqiiqo shabiqiisa gool ka ilaaliyay. Wuxuuna Bravo shabiqiisa ilaaliyay 8 kulan oo buuxa iyo waliba 35 daqiiqo taas oo ka dhigtay goolhayihii abid ugu horeeyay ee rekoodhkan ka gaadhay La Ligaha.


bravo

Bravo2

Claudio Bravo ayaa sidoo kale 23 kulan shabiqiisa wax gool ah ka ilaaliyay taas oo rekoodh ay hore u haysteenAndoni Zubizarreta iyo Victor Valde, wuxuuna Bravo noqday goolhayihii saddexaad ee rekoodhan gaadhay xili ciyaareedkii hore.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip