RASMI: Tababaraha Kooxda Barcelona Ee Luis Enrique Oo Ku Guulaystay Tababarihii Xili Ciyaareedkii 2014/15 Ugu Fiicnaa Horyaalka La Ligaha

0
Tuesday December 01, 2015 - 10:36:19 in Sports News by
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Tababaraha Kooxda Barcelona Ee Luis Enrique Oo Ku Guulaystay Tababarihii Xili Ciyaareedkii 2014/15 Ugu Fiicnaa Horyaalka La Ligaha

    Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa ku guulaystayabaal marinta tababarihii xili ciyaareedkii hore ee 2014/15 ugu fiicnaa horyaalka La Ligaha. Enrique ayaa abaal marintan ku guulaystay kadib markii uu kooxda Barcelona la soo qaatay xili c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa ku guulaystayabaal marinta tababarihii xili ciyaareedkii hore ee 2014/15 ugu fiicnaa horyaalka La Ligaha. Enrique ayaa abaal marintan ku guulaystay kadib markii uu kooxda Barcelona la soo qaatay xili ciyaareed cajiib ah.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay Camp Nou ku soo raaxaysatay xili ciyaareed taariikhi ah isla markaana waxa uu 45 jirkani kooxda Baluagrana kula guulaystay afar koob mudoo kooban oo uu kooxdan macalin u ahaa. Luis Erique ayaa Barcelona la qaaday koobabka kala ahLa Liga, Copa del Rey ,UEFA Champions League iyoUEFA Super Cupka.
Enrique
Enriuqe3

Enriuqe

Tababarha ree Asturia ayaa magiciisa ku qoray taariikhda kooxda Azulgrana, wuxuuna Enrique Barcelona la soo qaatay 50 kulan oo ay soo guulaysatay, afar kulan oo ay barbaro soo gashay iyo lix kulan oo ay ilaa hadda guuldaro aragtii intii uu xilkan hayay.

Enrique ayaa ku soo baxay liiska saddexda tababare ee aduunka ugu fiican, waxaana la filayaain uu noqdo tababaraha ugu cad cad ee sanadkan ku guulaysan karo abaal marinta tababaraha sanadka ugu fiican oo uu ku soo baxay saddexda tababare ee u tartami doona. Enrique ayay farxad u tahay in kooxdiisu ay ku guulaysatay abaal marinaha goolhayaha ugu fiican oo uu qaatay Claudio Bravo, goodhaliyhihii iyo xidgii La Ligaha ugu fiicnaa oo uu Messi ku guulaystay halka uu Neymar ku guulaystay abaal marinta la siiyo xidiga koofur America ugu fiican ee ka ciyaara La Ligaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip