RASMI: Lionel Messi Oo Kuwada Guulaystay Abaal Marinaha Goodhaliyhii Iyo Xidigii Ugu Fiicnaa Horyaalka Spain Ee La Ligaha Ugu Fiicnaa Xili CIyaareedkii 2014/15

0
Tuesday December 01, 2015 - 10:29:34 in Sports News by
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Lionel Messi Oo Kuwada Guulaystay Abaal Marinaha Goodhaliyhii Iyo Xidigii Ugu Fiicnaa Horyaalka Spain Ee La Ligaha Ugu Fiicnaa Xili CIyaareedkii 2014/15

    Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa loo doortay goodhaliyihii xili ciyaareedkii 2014/15 ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La ligaha, kadib markii uu kooxda Barcelona ka caawiyay in ay ku guulaysato koobkeedii 23 aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa loo doortay goodhaliyihii xili ciyaareedkii 2014/15 ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La ligaha, kadib markii uu kooxda Barcelona ka caawiyay in ay ku guulaysato koobkeedii 23 aad ee La Ligaha isla markaana uu 43 gool ka dhaliyay La Ligaha

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimayay oo lagu bixinayay abaal marinaha sanadlaha ah ee La ligaha ayaa Messi loogu doortay in uu xili ciyaareedkii hore ahaa gooldhaliyihii ugu fiicnaa La Ligaha. Messi ayay 43 gool u dheeraayeen 18 gool caawineed oo la Ligaha ah.

.Messiii

Messi

Xidiga afarta jeer ee xidhiidhka ah ku soo guulaystayFIFA Ballons d’Or ee Lionel Messi ayaa soo qaatay sanad cajiib ah oo uu kooxda Barcelona ka soo caawiyay afar koob, wuxuuna Messi kooxdiida Barca ka caawiyay in ay ku guulaysato koobabka kala ah La Liga, Copa Del Rey, Champions Leaque iyo UEFA Super Cup. Messi ayaa Ronaldo iyo Neymar kula soo baxay liiska saddexda xidig ee sanadkan ku tartami doona abaal marinta Ballon d’Orka.Messi2

Messi ayaa goolal ka dhaliyay finaladii UEFA Supper Cup, Copa Del Rey iyo kulankii ay Barcelona ku qaaday La Ligaha ee ay guusha muhiimka ah ka soo gaadhay kooxda Atletico Madrid. Waxa kale oo Messi intaas u dheerayd in uu xulka qarankiisa Argentina la soo gaadhay finalkii Copa America 2015 ee lagu qabtay dalka Chile.Messi ayaa sanadkanu muuqda in uu yahay xidiga ugu cad cad ee ku guulaysan kara abaal marinta Ballon d’Or.

Halkaan laacibtv.net ka daawo qaabkii uu u gudoomay abaal marinta

Dhinaca kale Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaal marinta xidiga horyaalka La Ligaha ugu fiicanaa xili ciyaareedkii aan soo dhaafnay ee 2014/15. Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkii hore noqday xidiga abid goolasha ugu badan ka dhaliyay La Ligaha isaga oo jabiyay rekoodhkii gool dhalinta abid ee uu waqtiga dheer haystayTelmo Zarra kaas oo 251 gool rekoodhkan ku hayay laakiin Messi ayaa rekoodhkan la wareegay xili ciyaareedkii hore kaas oo uu hadda ku hayo 290 gool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip