Suuqa Kala Iibsiga: Chelsea Oo Saxiixa Thomas Muller Kula Dagaalameysa Man United Si Uu Badal Ugu Noqdo Diego Costa

0
Tuesday December 01, 2015 - 10:22:12 in Sports News by
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Kala Iibsiga: Chelsea Oo Saxiixa Thomas Muller Kula Dagaalameysa Man United Si Uu Badal Ugu Noqdo Diego Costa

    Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa diyaar u ah iney dagaal kala hortagto dhigeeda Manchester United si ay u hesho saxiixa weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa diyaar u ah iney dagaal kala hortagto dhigeeda Manchester United si ay u hesho saxiixa weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ayaa markaan ku fakareysa iney iska fasaxdo Diego Costa kaas oo sabtidii garankiisa tababarka ku tuuray Jose Mourinho markii loo arki waayay inuu muhiim u yahay kulankii London Derby ee ka dhacay White Hart Lane.

27-jirkaan Asal Brazil-ka ah balse qaatay dhalashada Spain ayaa la filayaa in lagu badalo Thomas Muller kaas oo mar hore bartilmameed u ahaa macalinkiisii hore Louis Van Gaal.

Muller
Dhanka kalana halyeeygii hore xulka Jarmalka Lothar Matthaus ayaa uga digay Muller inuu waayahiisa u weeciyo horyaalka Ingiriiska.

"Uma baahna Man United iy Chelsea, laga yaabee iney Barcelona isticmaasho, balse ma ogi hadii uu la qabsan karo ciyaarteeda”

"Fikradeyda waxey tahay inuu noloshiisa dhan joogo Bayern Munich”

"Wuxuu waayahiisa ka bilaabay Bayern, waxaan ku farakayaa inuu waayahiisa kusoo dhameyn doono halkaan, uma baahna tartan cusub madama uu mar walba heerka ugu sareeya sanad walba uga ciyaaro Bayern”

Sidoo kale Chelsea kaliya kuma raad joogto Muller, balse waxaa jira dhowr xidig oo ay rajeyneyso iney Janaayo lasoo saxiixato.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip