Napoli Oo 25-sano Kadib Markii Ugu Horeysay Kali Ku Noqotay Hogaanka Serie A-da Kadib Guushii Ay Ka Gaartay Inter Milan
Gonzalo Higuain ayaa hogaanka ugu dhiibay Napoli wax ka yar 2-daqiiqo ka hor inta uusan goolka labaad qeybta labaad ee ciyaarta shabaqa galin.
Tani waxey ka dhigan tahay in Napoli ay markii ugu horeysay si kalinimoah u qabato hogaanka Serie A-da mudo 25-sano ah.
Inter qeybtii labaad oo dhan waxey ku ciyaarayeen 10-xidig madama Yuto Nagatomo laga saaray ciyaarta.
Inter Milan shabaqooda lama soo taaban afartii kulan ee kulankaan ka horeysay balse Higuain oo ah hogaamiyaha gooldhalinta Serie A-da ayaa soo afjaray markii uu weerarkii ugu horeeyay ee kooxdiisa dhamestiray.
Adem Ljajic ayaa niyad soo galiyay Inter Milan daqiiqadii 67-aad markii uu dhaliyay gool soo celiyay hamigii ciyaarta ee kooxdiisa, balse kuma guuleysan wiilasha Mancini iney barbaro helaan inkastoo ay sameeyeen dadaal aad u fiican.
Napoli Oo 25-sano Kadib Markii Ugu Horeysay Kali Ku Noqotay Hogaanka Serie A-da Kadib Guushii Ay Ka Gaartay Inter Milan
Laba gool oo uu dhaliyay Gonzalo Higuain ayaa u sahlay Napoli iney guul ka gaarto 1-xidig oo Inter Milan ah kulan ka dhacay San Paolo xalay.