Jose Mourinho Muxuu Ka Yiri In Diego Costa Uu Xanaaq Dartiis Garankii Tababarka Kusoo Tuuray
"Hadii uu doonayay inuu i dhaawaco, ma aheyn inuu igu soo tuuro garanka” Ayuu yiri Mourinho mar wax laga weydiiyay ficilka uu sameeyay Costa.
"Diego wuu mudnaa sababtoo ah wuxuu ahaa qofka ugu dambeeya ee kursiga keydka gaan galiyo, qof walba ayaana sidaas soo maray xagaagan”
"Terry, Ivanovic, Cahill, Fabregas, Pedro iyo Hazard, intaba wey arkeen kursiga keydka” ayuu yiri Jose.
"Qof walba kursiga wuu fariistay, Costa wuu mudnaa sababtoo ah waxaan garoonka ku hayay dhamaan kulamadaas, maanta waxaan ku fakarnay hanaankii ugu wanaagsanaa iney tan tahay, waan ku faraxsanahay go’aanka iy ciyaartoydaba”
Mourinho ayaa la weydiiyay hadii uu adeegsan doono Diego Costa kulanka soo aadan, "Kulanka soo aadan waxaa Stamford Bridge imaanaya Bournemouth, ma garan karo”
Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in mustaqbalka Costa oo markii hore ay kooxda qadyaan ka taagneed uu sii dhumayo isla markaana ay macquul tahay in la iska fasaxo gabi ahaantiisba.
Jose Mourinho Muxuu Ka Yiri In Diego Costa Uu Xanaaq Dartiis Garankii Tababarka Kusoo Tuuray
Diego Costa ayaa caro darteed garankiisii tababarka kusoo tuuray tababare Jose Mourinho markii uu ogaaday inuusan boos uga banaaneen ciyaartii barbaraha kusoo dhamaatay ee ay Blues White Hart Lane kula soo ciyaartay Tottenham Hotspur waxeyna aheyd ma