Halyeey Thierry Henry Oo Arsene Wenger Ku Dhaleeceeyay Inuusan Nasin Alexis Sanchez Ka Hor Inta Uusan Dhaawacmin Kulankii Xalay
Halyeey Thierry Henry ayaa dhaleeceeyay go'aankii uu macalin Arsene Wenger ku doortay Alexis Sanchez kulankii ay barbaraha la galeen Norwich City iyadoo xidigaan reer Chile uu dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray kulankaas.
Balse
Wenger ayaan ka qaadan talada xidigisii hore balse wuxuu garwaaqsaday
in Henry uu saxnaa markii uu daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta uu badal
kusoo saaray Sanchez oo dhaawacii muruqa uu kusii xumaaday.
Henry oo falanqeeye ka ah Sky Sports ayaan dooneyn in Sanchez la ciyaarsiiyo kulankii Carrow Road madama uu shaqo adag qabtay ciyaartii Dinamo Zagreb sido kalana ay jireen cabsi laga qabo in xidigaan uu dhaawaca muruqa ah kusii xumaado.
Bartamahii isbuucii lasoo dhaafay Henry ayaa u sheegay macalinkiisii hore in 26-jirkaan heerka caalami uu u baahan yahay nasiino.
Dhanka kale Alexis Sanchez waa mid ka mid ah xidigaha ugu shaqada badan qaarada yurub sidoo kalana waa halbowlaha kooxda Gunners inkastoo aan wali war laga soo saarin dhaawaciisa hadana Jamaahiirta Gunners ayaa si aad ah uga naxsan xidigaan xanuunka soo wajahay.