Halyeey Thierry Henry Oo Arsene Wenger Ku Dhaleeceeyay Inuusan Nasin Alexis Sanchez Ka Hor Inta Uusan Dhaawacmin Kulankii Xalay

0
Monday November 30, 2015 - 11:15:24 in Sports News by
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halyeey Thierry Henry Oo Arsene Wenger Ku Dhaleeceeyay Inuusan Nasin Alexis Sanchez Ka Hor Inta Uusan Dhaawacmin Kulankii Xalay

    Halyeey Thierry Henry ayaa dhaleeceeyay go'aankii uu macalin Arsene Wenger ku doortay Alexis Sanchez kulankii ay barbaraha la galeen Norwich City iyadoo xidigaan reer Chile uu dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray kulankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halyeey Thierry Henry ayaa dhaleeceeyay go'aankii uu macalin Arsene Wenger ku doortay Alexis Sanchez kulankii ay barbaraha la galeen Norwich City iyadoo xidigaan reer Chile uu dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray kulankaas.

Henry oo falanqeeye ka ah Sky Sports ayaan dooneyn in Sanchez la ciyaarsiiyo kulankii Carrow Road madama uu shaqo adag qabtay ciyaartii Dinamo Zagreb sido kalana ay jireen cabsi laga qabo in xidigaan uu dhaawaca muruqa ah kusii xumaado.

Bartamahii isbuucii lasoo dhaafay Henry ayaa u sheegay macalinkiisii hore in 26-jirkaan heerka caalami uu u baahan yahay nasiino.

Sanchez
Balse Wenger ayaan ka qaadan talada xidigisii hore balse wuxuu garwaaqsaday in Henry uu saxnaa markii uu daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta uu badal kusoo saaray Sanchez oo dhaawacii muruqa uu kusii xumaaday.

Dhanka kale Alexis Sanchez waa mid ka mid ah xidigaha ugu shaqada badan qaarada yurub sidoo kalana waa halbowlaha kooxda Gunners inkastoo aan wali war laga soo saarin dhaawaciisa hadana Jamaahiirta Gunners ayaa si aad ah uga naxsan xidigaan xanuunka soo wajahay.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip