Rag hubaysan oo Muqdisho ku dilay nin macalin ahaa

0
Wednesday September 09, 2015 - 11:51:02 in Wararka by
  • Visits: 1227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag hubaysan oo Muqdisho ku dilay nin macalin ahaa

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, Kooxo hubaysan ayaa xalay Degmadaasi, waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu ahaa Macalin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, Kooxo hubaysan ayaa xalay Degmadaasi, waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu ahaa Macalin.
Ninkaan ayaa xilliga la tooganayay wuxuu ku sii dhawaa aqalkiisa oo uu geli rabay, balse rag hubaysan oo Bistoolado wata ayaa rasaas la dhacay ninkaan oo durba ku nafbaxay halkii lagu dilay.

Dilka wuxuu ka dhacay Xaafada Mac-macaanka ee Degmada Dharkiinleey, waxaana wararka ay sheegayaan kooxihii ka dambeeyay dilka macalinkaasi inay goobta ka baxsadeen.

Macalinka la dilay, ayaa waxaa loo yaqaanay magaca Caano geel oo uu caan ku ahaa, hayeeshe waxaan la garaneyn cida ka dambeysay dilkiisa iyo sababta loo dilay intaba.


Wararka qaar ayaa sheegaya in Caano Geel uu ka tirsanaa Guddiga Ciyaaraha Maamulka Degmada Dharkiinleey, suurtagalna ay tahay in arimahaasi loo beegsaday.

Ciidamada ammaanka Degmada Dharkiinleey ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, waxaana ay ka qaadeen meydka Marxuumka oo ay geeyeen aqalkiisa, lama sheegin ciidamada qof ay gacanta ku soo dhigeen.

Maamulka Degmada Dharkiinleey faah-faahin kama aysan bixin dilkaan loo geystay Macalinkaan la sheegay inuu wax ka dhigi jiray Iskuulo ku yaallo Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa Degmada Dharkiinley waxaa sidaan oo kale loogu dilay madaxii dambi baarista Saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkiinley, kaasi oo Ciise lagu magacaabayay.
XIGASHO:-DHACDO,COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip