WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25KA NOVEMBAR 2015KA
Waxaa shalay si rasmi ah uga furmay shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Shirka waxaa furay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in ujeeddada shirku tahay :
in ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
In warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen
In aan fursad u helno hay’adaha taageera warbaahitna Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.
Wasiir Maareeye, ayaa sheegay inuu rajo aad u wanaagsan ka qabo in natiijo aad u wanaag sani ay ka soo baxdo shirka oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda iyo dowladaha federaalka xubanaha ka ahi isugu yimaadaan.
" Natiijada shirka laga sugayaa waa in isbaddel weyn dhaco o omarka uu dhammaado, oo saddexda qeybood ay sameystaan qorshe mideysan oo daweynaya baahida warbaahineed bulshada” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Wasiirrada warfaafinta ee dowladgoboleedyada Jubbaland,Koofur Galbeed iyo Galmudug oo hadallo ka jeediyay shirka ayaa iyaguna soo dhoweeyay qabsoomidda shirkan , iyagoo wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka uga mahad celiyay qaban qaabadiisa, waxa ayna wasiirradu ballan qaadeen in ay rajeynayaan in ay ka soo baxaan natiijooyin gacan ka geysanaya horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed iyo iskaashigeeda.
Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo xafiiska banneynaya, waxaana uu tilmaamay ahmiyada ay leedahay horumarinta warbaahinta.
Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo ka wakiil ah wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isaguna muujiyay sida Puntland u taageersan tahay shirkan oo uu ku tilmaamay mid macne weyn ku fadhiya.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah,waxaa ka qeyb gelaya wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa bannnaan iyo hay’adaha warbaahinta taageera eek a howl gala Soomaaliya.
Shirkan ayaa la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo, iyadoo laga soo saari doono qodobo la xiriira horumarinta warbaahinta iyo laguna aas aaso gole ay ku mideysan yihiin dhamaan warbaahinta dalka iyo hey’adaha warbaahinta.
MICHAEL KEATING OO LOO MAGACAABAY WAKIILKA QARAMADA MIDOOBE EE SOOMAALIYA
Michael Keating oo ah diblomaasi u dhashay dalka Britain, ayaa waxaa loo magacaabay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya.
Ninkan, ayaa wuxuu xilka kala wareegi doonnaa Nicholas Kay oo xilkaan soo haayay muddo laba sano iyo bar ah, iyadoona uu waqtigiisu ku egyahay dhammaadka sanadkan.
Michael Keating oo muddo dheer la soo shaqeeyay Qaramada Midoobe, ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin aqoon badan u leh taageerada siyaasadda iyo xilliga kala guurka.
Wuxuu horey uu Qaramada Midoobe kaga soo shaqeeyay Wadamada Pakistan, Afghanistan, Malawi & Israel, waxaana loo arkaa mid buuxin kara booska uu baneynaayo Nicholas Kay, oo qudhiisa u dhashay Britain.
Keating named to head UN mission in Somalia
Mr. Keating, ayaa shaqada ugu weyn ee hortaala waxay tahay dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka Somaliya iyo sidii uu Somaliya ugu hogaamin lahaa doorasho ka dhacda 2016.
Is bedelka lagu sameeyay Hogaanka Xafiiska UNSOM, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo uu waqti badan ku lumay xal ka gaaridda halkii lagu qaban lahaa Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.
Si kastaba haahaatee dabayaaqada bisha soo socoto ee December, ayaa waxaa lagu wadaa in ninkani uu la wareego Xafiiska Qaramada Midoobe Ee Magaalada Muqdisho. Diblomaasigan ayaa ku dhashay Magaalada Kampala (1959kii), wuxuuna wax ku soo bartay Magaalada London.
MAREYKANKA OO MUWAADINIINTIISA U JEEDIYAY DIGNIIN ADAG OO DHANKA AMMAANKA AH
Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinta u dhashay dalkaasi waxa ay u jeedisay digniin dhanka ammaanka ah oo caalami ah, kadib markii Dowladda Mareykanka ay sheegtay inay heshay macluumaad ku saabsan weeraro Kooxaha Xagjirka ay geysan rabaan.
Sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada dalka Mareykanka ayaa sheegay inay heleen xogo ku saabsan weeraro ay geysan rabaan Kooxaha Daacish, Boko Haram iyo AlQaeda intaba.
Mareykanku waxa uu sheegay in hadda aysan si gooni ah u xusi karin in muwaadiiniinta Mareykanku ay yihiin bartimaameedka saxda ah ee dadka doonaya in ay wax dilaan, waxaana si gaar ah digniinta loogu jeediyay muwaadiniinta Mareykanka ee safra.
Digniintaan ayaa soo shaac baxday, xilli dalalka Yurub ay si weyn uga cabsi qabaan weeraro ka dhaca dalalkooda, maadaama Kooxda Daacish weerar adag ay ku qaadeen Magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Sidoo kale jimcihii la soo dhaafay Koox ka tirsan AlQaeda ayaa weerar ka geysatay Hotel caalami ah oo ku yaallo dalka Mali, taasi waxa ay sii kordhisay walaac reer galbeedka ay ka qabaan ammaanka muwaadiniintooda.
Dalka Belguimka heerkii ugu sareysay feejignaan dhanka ammaanka ah ayaa la geliyay ciidamada u tababaran suggida ammanka, waxaana socda howlgalo dad badan lagu qab qabtay.
Xaaladaha adag ee dhanka ammaanka ah ee reer Galbeedka soo food saaray sidoo kale waxa ay culeys ku noqonaysaa dadka Muslimiinta ee dalalka reer Galbeedka ku nool, maadaama dadkaasi ay ka cabsi qabaan in Muslim ahaan loo bartilmaameedsado.
UHURU KENYATTA OO KA HADLAY MUSUQ MAASUQA BAAHSAN EE HALAKEEYAY DALKA KENYA …
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenya, ayaa wuxuu ka hadlay musuq maasuqa baahsan ee ka jira dalkaasi, isagoo dhinaca kalana ku baaqay inaanan dowladda oo qura looga seexan la dagaalanka musuq maasuqa.
Madaxweynaha oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Nairobi, ayaa sheegay in musuq maasuqu uu dhibaato dhinaca ammaanka ah uu ku yahay amniga dalka Kenya.
"Musuq maasuqa waa dhibaato dhanka amniga ah oo soo wajahday dalkaan. Waxaan farayaa hay’adaha amniga iyo Waaxda Garsoorka inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah, oo lagula dagaalamaayo, loogana hortagaayo musuq maasuqa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha, ayaa ku baaqay in Warbaahinta iyo Hogaamiye Diimeedyada ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa, bedelkii dowladda oo keliya lagu halleen lahaa.
"Waxaa loo baahan yahay inaanan dowladda oo qura looga seexan la dagaalanka musuq maasuqa. Waxaa loo baahan yahay Warbaahinta iyo Hogaamiye Diimeedka inay ku soo biiraan dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynuhu wuxuu Warbaahinta kaga digay inay baahiso warar aan sax ahayn oo musuq maauqa ku saabsan, islamarkaana ay wararku noqdaan kuwo cadayn loo haayo.
"Saxaafaddu waa inay diiraddu saartaa musuq maasuqa, hase yeeshee ma wanaagsana inay baahiso, kana sheekeyso waxyaabo ku saabsan musuq maasuqa, iyagoo aan haynin wax cadayn ah. Wararka musuq maasuqa ay tebinayaan waa in ay u hayaan cadaymo buuxa.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Kenya.
Uhuru Kenyatta oo Isniintii la kulmay guddiga ganacsatada Kenya, ayaa waxay isku raaceen in la dhiso Maxkamad gaar ah, oo ka shaqaysa la dagaalanka musuq maasuqa.
Lix ka mid ah sagaalka iyo tobanka Wasiir ee Kenya, ayaa noqday kuwo shaqada laga joojiyay iyo kuwo is casilay, xilli Dastuurka Kenya uu qeexaayo in aanay Wasiirada Kenya ka yaraan karin 14 xubnood, waxaana hadda shaqaynaysa 13 Wasiir oo keliya.
Wasiirkii Dowlad Wadaajinta & Qorshaynta Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Anne Waiguru, ayaa maalintii Sabtida xilkaasi iska casishay, markii culeys la saaray Wasaaradeeda, sababo ku aadan musuq maasuq lagu soo eedeeyay.
Dalka Kenya, ayaa waxaa hareereeyay musuq maasuq baahsan, waxaana la tilmaamaa in musuq maasuqa ka jira dalkaasi uu maraayo, heer aan laga warami karin.
TURKIGA OO SOO RIDAY DIYAARAD LAGA LEEYAHAY DALKA RUUSHKA
Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa iney soo rideyn diyaarad Millateri oo laga leeyahay dalka Ruushka, iyadoo ku dhacday xuduuda ay wadaagaan dalalka Syria iyo Turkiga.
Wakaalada wararka Ruushka ee Interfax ayaa iyadoo soo xiganeyso Wasaaradda difaaca Ruushka oo sheegtay in diyaarada oo lagu magacaabo Su24 oo ku dhacday Waqooyiga dalka Syria.
Saraakiil ka tirsan Millateriga dalka Turkiga ayaa sheegay iney soo rideen diyaarad dagaal kadib markii ay digniin u jeediyeen wadayaasha diyaarada, waxaana la sheegay iney ku soo xad gudubtay hawada dalka Turkiga.
Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaayay in diyaarada ay ku dhacday buuraha gobolka Latakia ee dhanka xuduuda.
Ruushaka ayaa ka geystay dalka Syria duqeyn ka dhan ah ciidamada dowlada Bishaar AlAsad dhamaadkii bishii September.
Dhawaan ayeey aheyd markii diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Ruushka ay ku bur burtay Gobolka Siinaay ee dalka Masar, waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya 200 oo ruux.
CIIDAMADA DOWLADDA OO 20 RUUX OO SHABAAB LALA XIRIIRIYAY KU XIRAY GOBOLKA HIIRAAN ..
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa Magaaladaasi waxa ay ka sameeyeen howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay.
Howlgalkaan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad badan oo dhalinyaro ah oo ciidamada ay kala saareen, waxaana la xiray dad gaaraya 20 ruux oo ciidamada weli baaris ay ku wadaan.
Duqa Degmada Buulo burde Cismaan Geedi, ayaa sheegay howlgalkaan inuu ka dambeeyay qarax Isbuucaan gudihiisa ka dhacay Maqaayad ku taallo Magaalada Buulo burde oo dad shacab ah ay ku geeriyoodeen.
Cismaan Geedi wuxuu sheegay ciidamada inay joogteyn doonaan howlgalada ammaanka ay ku xaqiijinayaan si looga hortagga kuwa falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ka geysanaayo Magaaladaasi.
"Howlgalka waa la sameeyay dad badan ayaan ku soo qab qabanay qaar waan siideynay kuwa kalena xabsiga ayaan gelinay oo Baaritaan dheeri ah ayaa lagu sameynayaa.” Ayuu yiri Duqa Degmada Buulo burde.
Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ayaa howlgalo waxa ay ka sameeyan Magaalooyinka ay joogaan, iyadoo inta badan howlgaladaasi dhalinyaro badan lagu soo aruuriyo, kuwaasi oo Shabaab lala xiriiriyo.
Shabaab ayaa ku sugan duleedka Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka cunaqabateeyaan Magaalada.
TARSAN "MARXUUM GENERAL DHEGA BADAN DOWLADDA WEY DAYACDAY …
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan” ayaa Dowladda Federalka Somaliya ku eedeeyay inay dayacday Saraakiishii hogaaminaysay dagaalkii Shabaab looga saaray Magaalada Muqdisho, xilligaasi oo door muuqato uu ku lahaa Marxuum Generaal Dhega badan oo weerarkii Hotel Saxafi ku geeriyooday.
Tarsan ayaa carabka ku dhuftay Marxuum Dhega badan iyo Gacmo Duulle inay yihiin labo Sarkaal oo shacabka Somaliyed dhexdooda qiimo ku leh, balse mudnaantii ay lahaayeen Dowladda Somaliya aysan siin.
Wuxuu ku eedeeyay Dowladda inay dayacday ammaanka Saraakiishaasi muhiimka ah, balse hada uu ku talinaayo inaan la dayacin caruurtii uu ifka uga tagay Marxuum Generaal Dhega badan.
"Dowladda Somaliya waxaan leeyahay yaanan la dayacin caruurtii uu ka tagay Marxuum Dhega badan hala ogaado horay ayaa loo dayacay Marxuumka isaga iyo Saraakiil kaleba.” Ayuu yiri Tarsan oo ka hadlaayay kulan loogu baroordiiqaayay dadkii ku dhintay Hotel Saxafi oo London lagu qabtay.
Mar uu ka sheekeynaayay waxyaabaha lagu xasuusto Generaal Dhega badan ayaa wuxuu sheegay inuusan jeclaan jirin marxuumka inuu fadhiisto xafiiska Shaqada, taasi bedelkeedana uu ka door bidi jiray inuu tago furinta dagaalka oo rasaasta ay ka dhaceyso si uu u dhiso mooraalka ciidanka.
Dadka Somaliyed ayaa si aad ah u xasuusto Marxuum Generaal Dhega badan Allaha u naxariiste oo caan ku ahaa la dagaalanka Shabaab iyo hadalada adag ee Ururkaasi uu Warbaahinta u marin jiray.
Dowladda Somaliya ayaanan mudnaan gaar ah siinin ammaanka Generaal Dhega badan ka hor inta uusan geeriyoon, sidoo kalena dowladda ma aysan muujin qiimihii uu lahaa Sarkaalkaasi, inkastoo goor dambe Taliyaha ciidanka Xooga dalka uu shaaciyay in Dugsigii tababarka Jazeera loogu magacdaray Marxuum Dhega badan.
URURKA AL SHABAAB OO SHEEGAY INAANAN LA AQBALI DOONIN IN URURKA ..
Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa shaaca ka qaaday in halmeel looga soo wada jeedsan doono cid kasta, oo damacda in ay kala qaybiso Al Shabaab.
"Cid waliba iyo ciddii ku xadgudubta midnimadeena ama doonaysa in safka Mujaahidiinta ay inshiqaaq ku dhex samayso, Wallaahi halfar baan ka nahay, waana iska celinaynaa Insha’Allah. Arintaas waa go’aan cad oo Mujaahidiintu ay gaareen,mindimada iyo raayada Mujaahidiintu shalay waa hal, hal Amiir ayayna lee yihiin, qof waliba oo doonaya in uu kala jabiyana Wallaahi ka yeeli mayno.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Wuxuu kaloo sheegay in kuwa la soo istaaga meel kale inay ku biireen, laga rabo inay u taggaan cidda ay ku biireen, balse aan laga yeeli doonin in calan aan ahayn midka Al Shabaab ay dalka ku dhex haystaan.
"haatan cid Alle iyo ciddii la soo istaagto, Anigu meel kalaan ka tirsanahay, aad’ meeshaad ka tirsan tahay. Anigu Raaya kalaan wataa iyo waxyaabo la mid ah ma aqbali doono.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla.
Abuu Cabdalla, ayaa markale yiri "Anaga go’aankeena waa mid, meesha aan u socono iyo hadafka aan leenahay waa noo cadahay. Qilaafo Islaamiyah ayaan u soconaa, Insha’Allaah xilligeeda iyo waqtigeeda ayaan ku gaari doonnaa. Marka ninkii yiraahdo Aniga raayo kale ayaan wataa ama Jabhad kale ayaan ka tirsanahay, Afaarahaas halkaan kama shaqaynaayo.”
Abuu Cabdalla, ayaa hadalkan ku sheegay farriin cod ahayd oo uu jeediyay, lagana baahiyay Radio Al Andalus, oo ku hadla afka Ururka Al Shabaab.
Hadalka ka soo yeeray Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo toddob aadyadii la soo dhaafay ay soo bateen weerarada uu Ururka Al Shabaab ku haayo, kuwooda taageersan ku biirista Ururka Daacish, ee ku sugan Gobolada Koonfurta Somaliya.
CARRUUR U GEERIYOOTAY CUDUR AAN LA AQOON OO KA DILLAACAY MAGAALADA JOWHAR ..
Degaanno ka tirsan magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa ka dillaacay cudur aan la aqoon oo ku cusub dadka degaanka, kaasi oo ilaa iyo iminka galaaftay nolosha in ka badan shan caruur ah.
Isbitaalka Magaalada Jowhar waxaa saacadihii ugu dambeeyay ee gelinkii dambe shalay waxaa la dhigay ku dhowaad toban caruur ah oo uu soo ritay cudurka aan la aqoon, iyadoo qaar ka mid ah caruurtaasina ay ku geeriyoodeen isbitaalka dhexdiisa, halka kuwo kalena ay ku geeriyoodeen guryahooda.
Tuulada uu cudurkani ka dillaacay oo lagu magacaabo Maandheere ayaa ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo Guddoomiyaha xaafadaasi oo lagu magacaabo Cali JImcaale Arwaax uu sheegay in cudurkani uu yahay mid ku cusub bulshada degaanka.
"Canuga waxaa qabaneysa qandho markii la gaaro xilliga dambe ee habeenka, maalintiina wuu roonaanayaa” ayuu yiri Guddoomiye Cali Jimcaale Arwaax oo sheegay in cudurkani uu yahay mid canuga uu ku dhaco ku keeneysa dhimasho degdeg ah.
Guddoomiyaha degaanka Maandheere ayaa ugu baaqay hay’adaha caafimaadka, kuwa samafalka, dowladda federaalka iyo kooxaha gurmadka caafimaadka in si degdeg ah looga soo gaaro, taasi oo uu sheegay in khatarta cudurkaan ay sii kordheyso saacadba saacadda ka dambeysa.
Dhinaca kale dhaqaatiirta isbitaalka magaalada Jowhar ayaa bilaabay in caruurta uu soo ritay cudurkaan la karantiilo si aanu ugu dhicin dadka kale ee caafimaadka qaba, iyadoo guud ahaan magaalada Jowhar uu ka bilowday dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo looga hortegayo waxyeelada cudurkaan ku cusub bulshada ku dhaqan gobolka Sh/dhexe.
TALIYAHA CXD: WAA INAAD ILLAALISAAN SHARAFTA, NAFTA IYO HANTIDA SHACABKA SOOMAALIYEED
Taliyaha ciidanka xoogga Somalia Jen. Maxamed Aadan Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku jooga magaalada Kismaayo, ayaa shalay kormeer uu ugu kuurgalayay xaaladda ay ku nool yihiin ciidanka dalka wuxuu ku tagay xeryaha ciidamada xoogga dalka ee duleedka Kismaayo, isagoo ciidamadii halkaa ku sugnaa la hadlay.
Jen. Maxamed Aadan ayaa sidoo kale kormeerro ku tagay dekedda weyn ee Kismaayo iyo xarumuhii ciidanka badda Somalia ee Kismaayo ku yaalla oo aan lagu shaqeyn intii dalku uu dagaallada sokeeye ku jiray.
Sidoo kale, taliyaha xoogga dalka oo la hadlayay ciidamada ku sugan Kismaayo ayaa kula dardaarmay inay noqdaan ciidan ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana ay illaaliya xaquuqda bani'daamka; maadaama ay nasiib u yeesheen inay noqdaan ciidamadii la isku dhafay ee ugu horreeyay.
"Waa inaad illaalisaan nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, kana difaacdaan dalka cadowga oo ay ugu horreyso Alshabaab," ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka.
Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. "Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamadii Qaranka oo loo sugi lahaa xuquuqda ay Qaranka ku leeyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran. Waxaana idiin sheegayaa in aad nasiib u yeelateen in aad noqotaan ciidankii ugu horreeyay ee la isku dhafo.”
"Taliska xoogga dalka Somalia waxba dib uma dhiganayo si loo dhiso dhammaan qaybihii ciidamada xoogga dalka oo la doonayo inay ka yimaadaan dhammaan gobollada dalka oo dhan. Ciidanka waa la isku dhafayaa, waxaana laga qorayaa dalka oo dhan,” ayuu mar kale ku yiri hadalkiisa tliyaha ciidanka xoogga dalka.
Ugu dambeyntii, taliyaha iyo wafdigiisii oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha ciidamada ee maamulka Jubbooyinka ayaa kormeer ku tagay xerada akadeemiyada ee ku taalla duleedka Kismaayo iyo xeryihii ciidamada badda Somalia ee ku yaalla gudaha Kismaayo.
Taliyuhu ayaa wuxuu kormeerkiisa kusoo gabagabeeyay Dekadda weyn ee Kismaayo oo xilligii uu booqanayayay ka socotay shaqo maalmeedka caadiga ah ee dekedda.
RA’IISAL WASAARAHA BRITAIN OO MAGAALADA PARIS KULA KULMAY MADAXWEYNAHA FARANSIISKA ..
Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron oo booqasho ku joogga Magaalada Paris, ayaa waxa uu Isniintii kula kulmay Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ka dib weeraradii 13kii bishan ka dhacay Caasimadda Faransiiska.
Labada hogaamiye oo kulan uu ku dhex maray Xarunta Madaxtooyada Paris, ayaa waxay ka wada hadleen ficilka militari ee looga jawaabi karo weeraradii Paris.
Labada dhinac, ayaa waxay sidoo kale ku heshiiyeen in ay iskaashi ka yeeshaan arrimaha ammaanka, iyagoo markaasi wadaagaaya macluumaadka xagga sirdoonka, sababo ku aadan iyagoo isla wada qiray in halis dhinaca amniga ihi, ay soo korortay.
Gaba gabadii kulankoodan shir jaraa’id oo ay wada qabteen, ayuu Ra’iisal Wasaaraha Britain ku sheegay in ay samayn doonaan wax kastaa, oo ay ku caawin karayaan Faransiiska, si looga jawaabo weeraradaasi.
Madaxweynaha Faransiiska, ayaa ku hanjabay in uu laba laabi doono dagaalka ka dhanka ah Ururka Daacish, oo sheegtay masuuliyadda weeraradii ruxay Magaalada Paris.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Faransiiska iyo Britain ay wadaagi doonaan wararka laga helaayo kooxaha argagaxisada, si loo difaaco ammaanka dadkooda iyo dalalkooduba.
Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Cameron, ayaa booqday goobihii ay weeraradu ka dhaceen, isagoona soo indha indheeyay sida ay wax kaga dhaceen goobahaasi, xilli uu wehlinaayay Madaxweyne Hollande.
PUNTLAND OO SHALAY LOOGU BAAQAY INAY SII DAYSO WARIYE JAAMAC DABARANI OO MAALINTII 7 AAD XIRAN
Maamulka Puntland ayaa shalay loogu baaqay in ay sii dayso wariye Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka tirsan Somali Channel TV oo maalintii lixdaad ku xiran xabsiga magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Dalabka la xiriira siidaynta wariye Jaamac Dabaraani ayaa laga sheegay shirweyne looga hadlayo hourmarinta saxaafadda Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana baaqan jeediyay ururka NUSOJ, xafiiska QM ee Somalia.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim ayaa ugu baaqay maamulka Puntland inay sii dayaan wariye Jaamac Dabaraani, isagoo yiri. "Waxaan xukuumadda Puntland ugu baaqaynaa in lasii daayo wariye Jaamac Dabaraani oo muddo lix maalmood ah xabsiga ku jira. Waxaana shirka weydiisanayaa in codkooda ay ku biiriyaan oo sii daynta wariyaha taageeraan.”
Sidoo kale, ergayga QM ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo isaguna shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu la qabo xoghayaha Guud ee NUSOJ fikirka ah in la sii daayo Wariye Jaamac Yuusuf Dabaraani.
"Wuxuu damaanadqaadayaa dastuurka federaalka Somalia madaxbannaanida fikirka iyo xorriyadda saxaafadda; waxaana idin ka rajeynayaa shraciga gaarka ah saxaafadda ee aad ka doodi doontaan in la waafajiyo dastuurka Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.
Dhanka kale, waxaa isna xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka ka hadlay wasirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo sheegay in marnaba dowladdu aysan raalli ka noqonayso in saxafiyiinta la dhibaateeyo.
Maareeye ayaa sidoo kale wuxuu tacsi u diray dhammaan wariyeyaashii Somalia lagu dilay sanadihii lasoo dhaafay iyagoo waajibaadyadooda gudanayay, wuxuu kaloo xusay inay ka xun yihiin wariyeyaashii lagu dhaawacay gudaha Somalia.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii saxaafadeed ee ka socday maamulgoboleedka dalka ka jira ayaa iyaguna muujiiyay walaacooda ku aaddan dhibaatooyinka loo geysto suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, wariye Jaamac Dabaraani ayaa la xiray kaddib markii uu wareysi ay qoonsatay Puntland uu la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] oo ku saabsanaa ergooyinkii ka qaybgalay shirkii wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ka dhici doona Somalia sannadkii 2016kii.
BURCADBADEEDA OO DIB U SOO NOOLAANAYA KA DIB AFDUUB AY GEYSTEEN
Burcad Badeeda Soomaalida ayaa afduubtay Markab laga leeyahay dalka Iran kaas oo ay saarnaayeen illaa 15 shaqaale.
Wasiirka arrimaha Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters in Burcad badeeda xeebaha Waqooyi ee Ayl ay ka afduubteen Markabkaasi.
Burcadbadeeda ayaa la rumeysan yahay in illaa iyo iminka ay gacanta ku hayaan 26 la heystayaal ah.
Saameyntii Burcadbadeeda ayaa u muuqata mid dib u soo noolaaneysa iyadoo loo aaneynayo sababta kalluumeysiga sharci darrada ah ee ku baahaya Xeebaha Soomaaliya.
QARAMADA MIDOOBAY OO WALAAC KA MUUJISAY SIDA GARGAAR LOO GAARSIIN KARO DAD BADAN OO KU NOOL KOOFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in roobabkii ka da’ayey maalmihii la soo dhaafay qaybo ka mid gobalada koofurta iyo bartamaha Somalia in ay saameyn ku yeesheen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan gobaladaasi oo la sheegay in wadooyinka qaarkood ay go,een.
Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka beni’aadinimo ee qaramada midoobay UNOCHA ayaa ka digtay xaalada dad badan oo u baahan gargaarka taasoo ay keentay daadad ka dhashay roobabkii dhawaan da’ay.
Hay’adda UNOCH iyo qaar ka mid hay’ada kale ee la shaqeeyay ayaa ka walaacsan siyaabaha loo gaarsiin karo gargaar deg deg ah oo ay u baahan yihiin dadka ku barakacay gobollada iyo koofurta Somalia.
Xafiiska gargaarka ban’aadinimo ee Somalia ayaa xusay in ay jiraan dad badan oo la il daran cudurka shubanka kuwaasoo u baahan dawooyin iyo waliba daryeel kale si loo samata bixiyo dhibaatooyinka ay qabaan dadkaasi.
Ilaa iyo 60,000 oo ruux ayaa ku barakacay gobollada koofurta iyo bartamaha Somalia kuwaasoo ay sameeyeen daadadka ka dhashay xilli roobaadka dayrta iyadoo meelaha ugu daran ay ka mid tahay gobalka shabeelada dhexe oo la sheegay in ilaa iyo 11,000 ruux ay ka barakaceen degmooyinka Jowhar,Mahadaay,iyo Balcad
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO :-
Delegation To The Federal Republic Of Somalia is Looking For The eu Ropean Union An
ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT
THE EUROPEAN UNION DELEGATION TO THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA IS LOOKING FOR AN
ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT
We are
The European Union (EU) is an economic and political partnership betwe en 28 European countries. It plays an important role in international affairs through diplomacy, trade, development aid and working with global organisations.
Abroad, the EU is represented through more than 140 diplomatic representations, known also as EU Delegations, which have a similar function to those of an Embassy. The EU Delegation to Somalia seeks to contribute to a more prosperous Somalia where the impact of conflict and instability is reduced and the dividend of a more stable environment will allow the Somali people to benefit from EU investments in state functions and in social and productive sectors.
We are looking for
An assistant to the Head of Cooperation to give support in managing and coordinating the EU Somalia Operations specifically in the follow areas:
Responsibilities
Management
• Support to the development and updating of Operations annual strategic priorities and work-plan,
• Support to the Heads of sections in developing and monitoring their specific sector objectives and work-plans
• Establish and follow up of training and mission plans
Reporting and Briefings
• Preparation of management plans and reports to Headquarters as well as other briefings
• Preparation of financial/ contractual forecasts and other reports Preparing country as well as regional and sectoral briefings
• Establish and update together with Program Managers project fact sheets and other briefings
• Supporting in the development of tools for monitoring financial/ contractual performance
Facilitation of coordination structures and processes including meetings
• Facilitating information flow and exchange in Operations and between Operations and other sections/ structures including preparation and documentation of meetings
• Supporting and Facilitating information flow and exchange in external coordination structures and processes (for example EU
Development Counsellor group or SDRF/ New Deal meetings) co-chaired by the EU including preparation and documentation of meetings
• Preparing, facilitating and documenting any other meeting, workshop or mission when required
Monitoring and Evaluation
• Development of a Monitoring and Evaluation plan, support contracting and follow-up on implementation
• In close cooperation with the program managers support the development and implementation of other cross-cutting projects such as the
TCF
Any other cross-cutting task required by the Head of Cooperation or Head of Delegation
We require
Post-secondary education diploma ideally in Business Administration, Public Administration and/or Development related filed –
(preferably a University degree at Bachelor level) - Eligibility.
At least 5 years’ working experience ideally in the field of Business or Public Administration Management and/or in Development Cooperation - Eligibility.
Working language is English – excellent knowledge is required;
Knowledge of Somali would be an asset;
Excellent oral and written presentation skills; Thorough understanding of Excel and Power Point required;
Ability to work accurately with figures and financial planning;
Understanding of financial information management systems is an advantage
Knowledge of the functioning of EU Development Aid is desirable;
Proven ability to build and maintain positive working relationships with colleagues, national counterparts, donor agencies, other stakeholders and ability to adapt well in a multi-cultural environment;
Ability to identify needs and constraints, to set priorities and translate them into action; Personal initiative and ability to prioritise, monitor and evaluate progress, and to meet deadlines;
Open, flexible personality; team player; willingness to work outside office hours and to travel; A high degree of integrity and the ability to deal with confidential information is required.
The contract is for a limited period until 31/12/2016 based in Nairobi and funded under a Program Estimate.
The position is open to nationals and residents of Kenya with a valid work permit (compulsory).
How to apply
Please send your motivation letter and detailed CV in the EU FORMAT to
Delegation-Somalia-Recruitment@eeas.europa.eu by 27 November 2015, midnight and should have in the subject line "Assistant to Operations Management”.Only Short-listed Candidates will be contacted.The Delegation will not supply additional information or discuss the selection procedure by telephone: please address any queries concerning this procedure to the provided email address.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25KA NOVEMBAR 2015KA
SHIRWEYNE LOOGA HADLAYO HORUMARINTA WARBAAHINTA OO SHALAY KA FURMAY MUQDISHO Waxaa shalay si rasmi ah uga furmay shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowla