Madaxweynaha: ''Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda''

0
Monday November 23, 2015 - 10:20:06 in Wararka by
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: ''Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda''

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi diray shacabka ,qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi diray shacabka ,qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud oo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Masar.

"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo u ugu adeegayey qaranka muddadii burburka aan ku jirney”.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jannadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Cabdullaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira, waxaana uu muddo dheer ka mid ahaa diblomaasiyiinta udub dhexaadka u ahaa xiriirka Soomaaliya iyo waddamada Carabta.

--DHAMMAAD—



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip