Jarmalka iyo Austria oo qaabilay kumanaan qaxooti ah
Jarmalka iyo Austria ayaa albaabada u furay kumanaan qof oo muhaajiriin ah, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku xayirnaa dalka Hungary.
Xiisada Muhaajiriinta magangalyo doonka ah ee ku qul quleysa Yurub ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeysatay, iyadoo wadamada Yurub ay ku kala qeybsanaayeen qaabilitaanka qaxootiga.
Jarmalka ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay qaxootiga dalkaasi gaaray, waxaana xalay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Munich soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay qaxooti halkaasi gaaray.
Dadka muhaajiriinta oo ka imaanayay dalka Suuriya ayaa ahaa kuwo habeen iyo maalin lugeynayay dhul qabow ah, waxaana ay ka soo gudbayeen dalka Turkiga.
Dowladda Jarmalka ayaa dhowaan sheegtay inay dabicsay sharcigii muhaajiriinta u yaalla Midowga Yurub, waxaana ay haatan gacan ka geysatay xiisada bani’aadanimo ee ka dhacda xuduudaha ay wadaagaan dalalka Hungary iyo Austria.
Jarmalka iyo Austria oo qaabilay kumanaan qaxooti ah
Jarmalka iyo Austria ayaa albaabada u furay kumanaan qof oo muhaajiriin ah, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku xayirnaa dalka Hungary. Xiisada Muhaajiriinta magangalyo doonka ah ee ku qul quleysa Yurub ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoogeysatay,