SHIINE:-Madaxweynaha DDS wuxuu raalli-gelin ka bixiyay qaladaadkii ka dhacay Liyuu Booliiska

0
Thursday November 19, 2015 - 19:38:32 in Wararka by
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIINE:-Madaxweynaha DDS wuxuu raalli-gelin ka bixiyay qaladaadkii ka dhacay Liyuu Booliiska

    Barasaabka gobolka Gabiley Mustaf Cabdi Ciise, ayaa sheegay inuu madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya raalli-gelin ka bixyay khaladaad ay sameeyeen ciidanka Liyuu booliska ee kililka shanaad oo ka hor-joogsaday masuuliyiinta xukuumadda S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barasaabka gobolka Gabiley Mustaf Cabdi Ciise, ayaa sheegay inuu madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya raalli-gelin ka bixyay khaladaad ay sameeyeen ciidanka Liyuu booliska ee kililka shanaad oo ka hor-joogsaday masuuliyiinta xukuumadda Somaliland inay yimaadaan xabaashii lagu ridayey marxuum Axmed xasan CAWKE ka dib markii salaadda JInaasaha lagu soo tukaday.
Guddoomiyaha Gabiley Mustafe Shiine oo sharaxaya sababta masuuliyiintii xukuumaddu uga soo cadhoodeen dhinaca shishe ee Xadka Itoobiya ee u yimaadeen dhanka Somaliland waxa uu yidhi " Waxaa wax laga xumaado ah in warbaahinta Somaliland ay qaarkood faafinayaan warar aan faa'iido laga gaadhayn wax xiiso iyo qiimo ahna aan u lahayn shacabka reer Somaliland iyo Dawlada aynu jaarka nahay ee Ethiopia, taasi oo ay sawir khaldan ka bixinayaan dhacdo ka dhacday xabaashii Marxuum Axmed Xassan Cawke oo hayd sidan. Waxa kolkii laga soo baxay salaadii jinaasada u soo dhaqaaqay dhinaca xabaasha oo uu markaa nagu soo gaadhay madaxweynahaa DDIS Cabdi Maxamed Cumar, taasi oo keentay in ciidamada Ethiopia ay amaanka adkeeyaan, waxoogaa kadib ayaa waxa dhankii salaadii jinaasada ka yimid Madaxweyne xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici iyo

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi oo ay daba iyo hareera socdeen kumanaan dadweyne ah, kuwaasi oo ay ciidamada amniga oon aqoon u lahayn si wada jira u joojiyeen madaxdii Somaliland iyo dadweynihii mawjadaha ahaa ee hareera iyo daba socday, waxaana ay keentay in masuuliyiinta reer Somaliland oo danaynaya amaanka ay u dhaqaaqaan dhinaca gaadiidkooda uma tallaabaan dhinaca Somaliland”.


Waxaanu intaas ku daray "Markii warkaasi na soo gaadhay waxa aniga iyo Wasiirka Cadaalada Somaliland aanu gaadhsiinay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo runtii aad uga xumaaday goobtiina ku canaantay masuuliyiintii uu u xilsaaray protocolka aaska iyo soo dhawaynta madaxda Somaliland waxana uu iga codsaday in aan arrinka dhexgalo oon ka daba tago masuuliyiinta Somaliland, iyadoo uu I siiyay gaadhigiisii gaarka ahaa oo isaguna isku dayay inuu I soo raaco, balse boqolaal gaadhi oo dhinaca Somaliland u soo talaabayay ay na xanibeen, aakhirkiina waxa aniga, wasiirka Cadaalada iyo raxan wasiiro ah oo DDIS ka tirsan noo suuro gashay in aan Madaxweyne xigeenka Somalialnd iyo Gudoomiye Muuse Biixi aanu ka qancino inay na raacaan, taasi oo aanu kulan isugu keenay Masuuliyiinta Somaliland iyo Madaxweynaha DDIS, halkaasi oo uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka raali geliyay Madaxweyne xigeenka iyo gudomooyiha xisbil xaakimka dhacdadaasi, iyadoo ay Masuuliyiinta Somaliland u sheegeen in wax cadho la yidhaahdaa aanay jirin, balse farsamo dhinaca amniga ah maadaama ay kumanaan qof daba socdeen uga soo tallaabeen xadka, halkaasi oo masuuliyiinta Somaliland uga mahadnaqeen sida dareenka leh ee uu Mdaxweyne Cabdi Muxumed uga hawlgalay arrinta isla markaasina uu ugu dhabar adaygay inaanu noqon isagoo la kulmay madaxda Somaliland mooyee”.
   

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Liyuu booliska Itoobiya markii xabaasha lagu ridayey marxuum Cawke ilaali xoogan ka qabtay maadaama madaxweynahoodu goobta joogay, waxaanay ciidankaasi kala garan waayeen masuuliyiinta Somaliland ka socotay iyo dadweynihii faraha badnaa ee xabaasha ka soo qaybgalay, sidaas darteed ay ku joojiyeen madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaya xisbiga kulmiye, halka Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirrol isaga la siidaayey, taasina waxay ka cadhaysiisay masuuliyiinta Somaliland, taasina waxay keentay inay dib ugu soo noqdaan xadka Somaliland, haseyeeshee madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa arrintaasi ka raaligaliyey, isagoo habeenimadiiba ugu yimid hoteelkii ay ku jireen ee dhinaca xadka Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip