Daacish oo toogatay labo muwaadin oo u kala dhashay Norway iyo Shiinaha
Xoogaga Daacish ayaa waxa ay toogteen labo muwaadin oo u kala dhashay dalalka Norway iyo Shiinaha, kuwaasi oo Kooxda afduub ahaan ay u haysteen muddooyinkii dambe. Labada nin oo Daacish ay toogteen ayaa lagu kala magacaabaa Ole Johan
Grimsgaard-Ofstad oo 48 jir ahaa iyo Fan Jinghui oo 50 jir ahaa, lama
oga Daacish rasmi ahaan halka ay ka afduubteen raggaan ay toogteen.
ISIL ayaa Labo Bil kahor dalbatay lacag madaxfurasho ah si ay u sii daayaan Labada qof ee hadda la dilay.
Muwaadiniintaan ayaa ka soo kala jeeda Ole Johan oo ah 48 jir u dhashay dalka Norway kaas oo ka soo jeeda magaladda Oslo, iyo Fan Jinghui, oo ah 50 jir u dhashay dalka Shiinaha oo ahaa la taliye madaxbanan oo ka soo jeeda Magaladda Beijing.
Dilka raggaan ay ugeysteen Daacish wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo wadamada reer Galbeedka ay sii xoojiyeen dagaalka ka dhanka ah Daacish, wixii ka dambeeyay weerarkii Paaris ay ka geysteen Daacish.
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu ku hanjabay in cadaadis xoogan ay la kulmi doonto Daacish, ka gadaal markii ay weeraro ka gaysatay Magaalada Paris.
Daacish oo toogatay labo muwaadin oo u kala dhashay Norway iyo Shiinaha
Xoogaga Daacish ayaa waxa ay toogteen labo muwaadin oo u kala dhashay dalalka Norway iyo Shiinaha, kuwaasi oo Kooxda afduub ahaan ay u haysteen muddooyinkii dambe.