Safiirkii hore ee TURKIGA oo si lama filaan ah uga fal-celiyey khudbadii DENI

0
Monday February 22, 2021 - 21:48:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii hore ee TURKIGA oo si lama filaan ah uga fal-celiyey khudbadii DENI

    Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya sanadihii 2011-kii illaa 2014-kii Amb. Cemalettin Kani Torun ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee hadda lagu jiro. Mr Cemalettin Kani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya sanadihii 2011-kii illaa 2014-kii Amb. Cemalettin Kani Torun ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee hadda lagu jiro. Mr Cemalettin Kani Torun ayaa marka ka facl-celiyey khudbaddii uu xalay Garoowe ka jeediyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed Deni oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed & is mari-waaga ka taagan doorashooyinka. Diblomaasigan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka aya ugu baaqay xubnaha beesha caalamka inay ku baraarugaan hadallada kasoo yeeray madaxweyne Siciid Deni, isaga oo shaaciyey in xiligan Afrika aysan u baahneyn kaligii-taliye iyo dagaal sokeeye. "Digniinta Deni baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka, Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay," ayuu yiri safiirkii Turkiga ee arrimaha Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo uu haatan dalku ka jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana uu muddo xileedkii ka dhamaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo aan weli heshiis lagu heyn hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip