HALKAAN KA AKHRISO WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA FEB. 2021KA

0
Monday February 15, 2021 - 10:02:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA W.M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA FEB. 2021KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

MAGACYADA XUBNAHA DF IYO D/GBOLEEDYADA U MATALAYA SHIRKA OO LA SHAACIYEY

Ra’iisal Wasaaraha xilka siihaya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalayeyd magaacabay guddi farsamo oo ka kooban 14 Xubnood, kuw aasi oo ka shaqeyn doona sidii uu u furmi lahaa shirka uu hore u iclaamiyey madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday, kaasi oo ku mudeysnaa maalinta berri ah ee 15ka Febraayo.

Guddiga farsmo ee uu maga caabay Rooble ayaa waxay ka kala yimaadeen Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Was aaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Ban aadir, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha xilka siihaya.

"Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wad ahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhax eeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubna ha ka ah iyo Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Guddigan cusub ayaa waxa qeyb ka ah gudd iyo ay soo gudbiyeen madaxda Puntland iyo Ju baland oo iyagu si weyn uga soo horjeeday go obta loo asteeyaya shirkaas, waxaana ugu tun weyn xubnaha maamulaadaas ka yimid Wasiir ka Arrimaha GudahaDowladgoboleedka Punt land, Wasiirudowlaha Madaxtooyada Dowladgoboleedka Jubaland.

Arrinta ayaa imaneysa xili ay Dorraad Caas imada Online baahisay xog la xiriirtay Warqada uu maamulada dalka u diray Rooble, taasi oo maamullada loogu sheegay in ugu dambeyn 13ka bishan, oo Habeen hore ku ekeyd ay soo di rsadaan min 2qof oo ah guddi farsamo oo ka soo shaqeeya xal u helida qodobada dooda ka taagan tahay ee doorashada Soomaaliya.

Shaqada guddigaan ayaa ah in ay soo diy aariyaan dhowr qodob oo la kala xusho, kuwaas oo ku aadan qodobada muranka dhaliyay ee do or ashada Soomaaliya. Xubnaha ayuu qorshuhu yahay in 14ka bishaan oo ku beegan Shalay oo Axad ah ay ku kulmaan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Xubnaha guddiga ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasi irka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowl adda Federaalka Soomaaliya.

3.Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasi irka Arrimaha Gudaha Dowladgoboleedka Pun tland.

4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta DowladGoboleedka Puntland.

5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiirudowlaha Mada xtooyada Dowladgoboleedka Jubaland.

6.Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaad ka Dowladgoboleedka Jubaland.

7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladgoboleedka Galmu dug.

8.Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasi irka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladgoboleed ka Galmudug. 9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowladgoboleedka Koo fur Galbeed.

10.Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladgoboleedka Koofur Galbeed.

11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladgoboleedka Hirshabelle.

12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haween ka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladgoboleedka Hirshabelle.

13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee G/ Banaadir.

14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

MIDOWGA MUSHARAXIINTA OO BANNAANBAX WEYN KAGA DHOWAAQAY MUQDISHO

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Gud doomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka oo Shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa si adag u dhaleeceyay madax weynaha uu waqtiga ka dhamaaday.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxwe ynaha uu waqtiga ka dhamaaday, Maxamed Ca bdullaahi Farmaajo uu lix maalmood si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, maadama uu muddo xileedkiisu ka dhamaaday 8dii Feb.

Madaxweyinhii hore ee dalka ayaa ku dha waaqay in xiligan loo baahan yahay in dalka ka dhacaan bannaanbax nabadeed oo shacabka ku dalbanayaan doorasho loo dhan yahay, taasi oo meesha ka saaraysa damaca madaxda muddo xileedkoodu dham aaday, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalkaan ay aheyd inay ka dhacaan doorashooyin, hase yeeshe aysan muuqan ifif aallo ku aaddan in dalka ay ka dhacdo doora sho loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tas hadaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhammaaday ku eede yay inaysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro arr imaha taagan, si uu dalka u aado doorasho, wu xuuna carrabka ku adkeeyay inay dhacayaan banananbaxyo looga soo horjeedo qor shayaasha ka hor imanaya doorasho wadaogol ah.

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi shakuur oo isaguna kamid ah musharaxiinta ku bahoobay Golaha Mucaaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in bannaan baxa uu ku dhawaaqay Sheekh Shariif uu dhici doono maalinta Jimcaha oo taariikhdu ku be egan tahay 19ka Febraayo 2021.

Waxa uu sheegay in bannaanbaxaas uu ka dhici doono Taallaada Daljirka Dahsoon ee deg mada Boondheere, kaasi oo lagu dalbanayo in dalka uu si dhaqso ah ku aado doorasho, isla markaana laga wadashaqeeyo arrimaha ku hor gudban doorashada.

Si kastaba, dhawaaqan ayaa imaanaya xili ay hore u hirgeli waayeen bannaanbaxyo ay mu caaradka ku baaqeen, kadib khasaaro ka dha shay kuwo hore u dhacay, hase yeeshe midka an ay Shalay shaaciyeen ayaa u muuqda mid ay kusoo bandhigi doonaan cudud dadweyne, kaasi oo u dhici doono qaab nabdoon.

Xigasho:caasimadda.net

GUDOOMIYE CABDI XAASHI OO SHARCI DARRO KU TILMAAMAY XEER UU SAXIIXAY MADAXWEYNE FARMAAJO.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlam aan ka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Ca bdullaahi ayaa caddeeyay mowqifkeediisa ku aaddan magacaabista Madaxweynaha Waqtigi isu dhammaaday Farmaajo ee Golaha adeega Garsoorka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska cabdi Xaashi ay aa waxaa uu sharci darro ku tilmaa may magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Far maajo ee 7da xub nood ee Golaha adeega Garsoorka, sidoo kalena ku eedeeyay inuu jebiyay Dast uurka KMG ah ee dalka.

Waxaa uu sheegay Cabdi Xaashi in 22kii Bi shii November 2020 Golaha Shacabka ee Baa rlamaanka usoo diray Aqalka Sare Qararka uu ansixiyay 7 xubnood oo kamid noqnaya Golaha Adeega, kuna jiraan Guddoomiyaha Maxkamad da sare ee dalka iyo Xeer ilaaliya guud.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Guddoomi yaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu caddeeyay qaabka ay tahay in loo maro magacaabista xubnaha Golaha adeega

.QORAALKA UU SOO SAARAY CABDI XAASHI:   

GOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD GOLAHA SHACABKA OO GAARAY BAYDHABO

 

Wefdi uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xig eenka 1aad ee golaha shacabka Baarlamaan ka JF/Soomaaliya Md,Cabdiwali Ibraahim Sh. Muuday ayaa Shalay gaaray magaalada Bay dhabo ee xarunta ku meel ga arka ah ee dowlad D/G/K/G/ Soomaaliya.

Waxana garoonka diyaarada ha ee Shaati Ga duud ku soo dhaweeyey guddoomiye ku xigee nada 1aad iyo 2ee Barlamaanka DGKG Soomaaliya

Socdaalka wafdiga ayaa ah is xog wareeysi ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo midda dowlad gobaleedka K/galbeed ee sooma aliya, asagoo kulamo kala yeelan doono mada xda dowlad gobaleedka K/galbeed ee uu ugu ho rreeyo Madaxweynaha DGKDS Md.Cabdul casiis Xasan Maxamed (laftagareen).




MID KAMID AH MAAMUL GOBOLEEDYADA OO GAADIID CIIDAN LAGU WAREEJIYAY

MAdaxweynaha dowlad Goboleedka Hir shabeelle Cali C/hi Xuseen Guudlaawe ayaa Shalay shir gudoomiyay kulanka Golaha Wa siirada Maamulka Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalda Jow har.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Shirka Golaha Xukuuma da warbixin uga dhageystay Wasiirada Wasaar adaha Amniga, Caafimaadka Warfaafinta, iyo Madaxtooyada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa golaha la wadaagay in Hirshabeelle ay soo gaareen 10 gaadiid oo qeyb ka noqonaya dib u dhiska bala aran ee ku socda ciidanka Booliska Hirshabe elle sidoo kale Wasiirka ayaa golaha uga wa rbixiyay howlgalo qorsheysan oo Alshabab loo ga saaray deegano badan oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Madaxweynaha iyo golaha la wadaagay inuu soo labakacleeyay Xanuunka Cudurka COVID19 Wasaarad ahaana ay u diyaar garoobayeen.

adceliyay Xubnaha Golaha waxa uuna kula bala may inay sii dardar galiyaan howlaha shaqo ee ay umadda iyo u hayaan.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA OO FARR IIN U DIRAY BEESHA CAALAMKA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Mu sharrax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay qeyb noqdaan xalinta muranka iyo iska marin waaga ka taagan qabsmooda doorashada dalka ka dhaceysa.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdi sho ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Caalmaka looga baahan inay ka qeyb qaatan xalinta khilaafka taagan, is la markaan qabtaan qofkii aan xalka diyaar u aheyn.

Musharax Xasan ayaa Saaxiibada taageera Soomaaliya ka dalbaday inaysan qeyb ka noq on Mushkilada ka taagan doorashada lagu he shiin la’yahay, wuxuuna u caddeeyay in Mushar raxiinta aysan marnaba Eedeyn u jeedineyn Beesha Caalamka.

Sidoo kale nasiib darro ayuu ku tilmaamay in dhagxaan xiligaan Isgoyska Dabka lagu xiro, hayeeshee Shalay lagu qaaday Amar kasoo ba xay Dowladda, wuxuuna sheegay in wax laga xumaado ay tahay arrintaas, sidoo kalena ay ka xun yihiin Ciidamo lagu daabulayo G/ Gedo.

Hadalkaa Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ku soo aadaya, iyada oo Dorraad Beesha Caalam ka ka digtay inuu dib u dhac ku yimaado Shirkii uu ku baaqay Farmaajo, iyadoo cudurdaar noq on doonin halka lagu qabanayo, xili Musharaxiin ta ay dalbadeen Shirkaas lagu qabto Muqdisho, sidoo kalena taladaas ay soo jeediyeen Punt land iyo Jubbaland.

ROOBLE OO RAALLIGELIN UGU TEGAY IMAAMKA MUDDULOOD MAXAMED YUUSUF

Ra’iisul Wasaaraha XF/Sooma aliya ee xilka siihaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay hoy giisa ku booqday Imaamka Beesha Mud dulood Imaam Maxamed Yuusuf.

R/Wasaare Rooble ayaa Imaam Maxamed Yuu suf ugu tegay raalligelinta rasa astii Dorraad Cii damo ka tirsan kuwa Astuubta Soomaaliya ay ku fureen gaari uu la socday, xili uu marayay ag agaarka Xarunt a Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Warar la helayoayaa sheegaya in Imaamka Beesha Mudullood uu aqbalay raaligelinta R/ Wasaaraha xilka siihaya, waxaana booqashadi isa ku wehlinayay qaar kamid ah Golaha Wasi irada Xukuumadda.

Habeen hore aheyd markii Wasiirka Amniga iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Fedetaal ka ay ugu tageen Imaamka xallin, iyagoo doona ya inay u dhaqaan arrintaaas si hoose, balse la gu celiyay, sida ay sheegayaan warar lagu kals oonaan karo.

Khasaaro dhaawacyo ayaa Dorraad soo ga aray qaar kamid ah Ciidanka Ilaalada ee la socd ay Imaamka Beesha Mudullood ee Maxamed Yuusuf, kadib markii rasaas lagu lagu furay gaa riga ay saarnaayeen.

Imaamka iyo xubno kale oo ka tirsan Dhaq anka Mudullood ayaa ka yimid gogosha Tacsida Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Nuurl Gal aal, waxaana la tilmaamay in labada kamid ah xubnaha la socday Imaamka oo gaariga saa rnaa ay dhaawacmeen.

ODAWAA OO SHEEGAY SABAB YAAB LEH OO FARMAAJO ‘U AMRAY IN LA XIRO’ JIDKA DABKA

Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odawaa) oo ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaa day ayaa si kulul uga hadlay xiritaanka isgyska Dabka oo ay hay’adaha amniga xireen Habeen hore.

Odawaa wuxuu sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu isgoyska Dabka difaac ka galay, wuxuuna ugu baaqay inuusan cadibaad galin shacabka Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in Farmaajo looga ba ahan yahay inuu si nabad ah isaga baxo xarun ta looga taliyo dalka maadaama uu wakhtigiisa dhamaaday.

"Markii aad ciidamadaada oo dhan geyso gobolka Gedo, Xamarna aad difaac ka gasho is goska dabka waa sidaan oo kale,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odawaa.

Isagoo hadalkiis wata ayuu hadana yiri: "Ma daxweynaha xilkiisa dhamaaday waxaan ka cod sanayaa inuusan nolosha dadka cadaabin, si fududna Villa Somaliya isaga baneeyo maadaa ma shaqadiisii afarta sano aheyd ay dhamaa tay”

Isgoyska Dabka ayey Habeen hore hay’ada ha amniga xireen kadib markii gaari waxyaaba ha qarxa laga soo buuxiyay uu xoog ku maray bar koontorool oo ku talla halkaas, ka hor inta uusan ku qarxin meel u dhaw isgoyska dabka.

Cabasho badan oo ka timid dadka, sii hayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuse en Rooble ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku amray in la furo wadada isla markaana shacabka Muqdisho uga mahad celiyay dulqaadkooda.

GUDDOOMIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY DEG MADA HODAN, KA DIB DILKII MARXUUM DHAGAJU UN

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Ma xamuud Maxamed (Filish) ayaa Shalay gudd oomiye cusub u magacaabay degmada Hodan, kadib wareegto uu soo saaray.

Cumar Filish ayaa guddoomi yaha cusub ee maamulka deg mada Hodan ee gobolka Bana adir u magacaabay Mudane Cabdif itaax Xayir Ciise Dhagajuun, kadib markii la dilay guddo omiyihii degmadaas Marx uum Cabdixakiin Cab diraxmaan Ciise (Dhaga juun).

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa la faray inuu si degdeg ah ula wareego xilkiisa, isla mar kaana uu halkaasi kasii wado howlaha maamul ka ee degmada.

Sidoo kale laamaha ammaanka iyo shacab ka ku dhaqan degmada Hodan ayaa loogu baaq ay inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo ah nin dhalinyaro ah.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo aan weli lasoo bandhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay Allaha u naxariisteen Cabdixa kiin Dhagajuun.

Marxuumka ayaa bishii lasoo dhaagay ee Janaayo, xilli habeen ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

DF OO WAR KASOO SAARTAY HAWEENKII MUQDI SHO LAGU DILAY IYO XOG LAGA HELAYO

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray saddex haween ah oo Shalay lagu dilay dagmada Dayniile ee gobolka Banaa dir.Booliska oo sheegay iney baaritaanno ku wadaan falka dhacay ayaa sidoo kalana haweenka la dilay labo kamid ah saddexdaas dumarka ah ay xaamilo ahaayeen (Uur lahaayeen), isla markaana dilkooda lagu tuhunsan yahay AlShabaab.

"Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gay stay Shalay 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Mal eeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yi hiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaa liyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurt ooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Booliska.

Inkastoo aan si rasmi ah wali loo shaacin, haddana ilo ku dhaw dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in haweenkaas la dilay ay ka mid ahaayeen shaqaalaha wasaar adda Gaashaandhigga, gaar ahaan qeybta Nad aafadda.

Dilalka qorsheysan wey kusoo badanayeen Muqdisho, waxaana haweenka la dilay oo sa ddex ahaa magacyadooda lagu kala sheegay Faadumo, Fartuun & Maymuun halka mid kale ay ka baxsatay.

Haweenka saddexda ah mid ka mid ah ayaa dhaawac looga qaaday goobta, balse isbitaalka ayey ku geeriyootay.

DOWLADDA SOMALIA OO WAR KULUL KASOO SAA RTAY WEERAR KA DHACAY SACUUDIGA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si ku lul u Cambaareysay weerar duqeyn diyaarade ed oo kooxda Xuutiyiinta la beegsatay Garoon ka diyaaradaha Magaalada Abha oo ku yaalla Koonfurta dalka Sacuudiga

Qoraal kasoo baxay Wasa aradda Arrimaha Dibadda So omaaliya ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid argagax iso ah oo aan marnaba nabad u keenaynin Gobolka, hayeeshee uu carqala daynayo howsha nabadda ee Yemen.

Dowladda ayaa tilmaamtay in weerarka duq eynta ee Xuutiyiinta la beegsatay Garoonka Abha uu qalqal gelinayo amniga iyo deganaan shaha, waxaana dowladda caddeeysay in Boq ortooyada ay ku garabtaagantahay dagaalkee da ka dhanka ah argagaxisada.

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan ku weeraray garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya , waxa ayna rumaysantahay in weerarkaasi arg agaxiso aanu marnaba nabad u keenayn gobol ka balse uu carqaladaynayo howsha nabadda ee Yemen, sidoo kalena uu qalqalgelinayo amni ga iyo deganaanshaha. Soomaaliya waxa ay ca ddaynaysaa in Boqortooyada ay ku garab taa gan tahay dagaalkeeda ka dhanka ah argagax isada” ayuu yiri Qoraalka DFS.

Dowladda Sacuudiga waxay ku eedeysay dowladda Iiraan inay ka dambaysay falka ay Ko oxda Xuutiyiinta ku duqeeyeen Garoonka Maga lada Abha oo ku yaalla meel ku dhow Xuduudka Sacuudiga la wadaagaan dalka Yemen.

HAY’AD LAGA CERIYAY DALKA OO KA HADASHAY KHILAAFKA DOORASHADA SOMALIYA

Agaasimaha Hay’adda Cilmibaarista ee Sa han Research, Mathew Bryden (Matt Brydan) oo u dhashay dalka Canada, balse deggan Nair obi ayaa sheegay qabashada doorashada Soo maaliya ay qaadan karto 3 bilood, kadib markii Wareysi siiyey Wararka News Desk.

Waxa kale oo uu ka hadlay Khilaafka dhanka Doorashada iyo Awoodaha Madax weynaha ee dhanka Dastuurka iyo Baaqa Midowga Murashixiinta xil ka Madfaxweynaha oo iyagu ku dhawaaqay inay dhisi doono Gole Qaran oo KMG oo xilka sii haya inta laga qabanayo Doo rasho la isku raacsan yahay.

Agaasimaha Hay’adda Sahan Research, Ma thew Bryden (Matt Breydan) waxa uu tilmaamay Madaxweyne Farmaajo xilligiisa dstuuriga ah uu dhamaaday, balse uu Siihaye Madaxweyne sii ahaan inta laga qabanayo Doorashada.

Waxa uu saadaliyey in Doorashada Madaxtinim ada ee haatan la isku khilaafsan yahay lagu qaban karo muddo 2 ilaa 3 bilood gudaheeda.

Waa Falaanqeyntii ugu horeysay ee uu kaga hadlo Doorashada Somalia, tan iyo markii ay DFS ay isaga iyo Hay’adiisa Sahan ee Cilmiba arista Siyaasadda iyo Dhaqaalaha laga cayriyey gudaha Somalia sanadkii 2017kii. Cayrntiisa ayaa timid, kadb, markii ay Hay’ad da Sirdoonka ee NISA xilligaasi ku heleen Matt Breydan iyo Hay’adiisa Sahan falal khatar ku ah Qarani mada Somalia.

DUQII HORE EE MAGAALADDA ISTANBUL OO U GEERIYOODAY COVID19

Maayarkii hore ee Magaaladda Labaad ee ugu weyn Turkiga ee Istanbul , Kadir Topbaş oo la xanuunsanaa Cuddurka Laayaanka ee COVID 19 ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaa lla magaalladdaasi oo uu ku jiray tan iyo bishii November 16dii ee sanadkii hore.

Marxuumka oo 76 jir ahaa waxa uu ku geerriyooday qeybta Darye elka Khaaska ee ICU, sida laga soo xigtay qoyskiisa. Kadir Topbaş oo lagu naaneysi jirey Kadir Abi waxa uu Duq magaallo ka ahaa Istanbul muddo 13 sano ah, wuxuuna noqday Duqii ugu hore eyey ee magaalladda Istanbul oo 2 jeer xilkaasi oo isku xigta loo doortay sanadihii 2009kii iyo 2013kii.

Waana Maayarka keliya ee saddex jeer loo doorto Xilkaasi. 13 sano oo uu ahaa Duqa Ista bul ayaa waxa uu bishii September ee sanadkii 2017kii ku dhawaaqay inuu iska casilay xilk aasi.

Waxa kale oo uu Maayar ahaan u soo shaq eeyey isagoo Murashax u ah Xisbiga Caddaal ada iyo Horumarka ee AK Party ee haya talada dalka Turkiga muddadii u dhexeysay sanadihii 2004tii ilaa 2017kii.

AUN Marxuumka waxaa la filayaa in Shalay oo Axad ah lagu aaso Qabuuraha Baladiyada ee (IBB) oo ku yaalla Degmadda Fatix ee ma gaalladda Istanbul, iyadoo salaada Janaasadda lagula tukanayo Masjidka Taariikhiga ee Fatix.

DALKA GUINEA OO MARKII UGU HORREYSAY DIIW AANGELISAY KIISASKA CUDURKA EBOLA TAN IYO SANADKII 2016-KII

Ugu yaraan 3 qof ayaa u dhintay cudurka Ebola gudaha dalka Guinea halka cudurka laga helay shan qof oo kale, sida ay sheegayaan sar aakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Waxaana dadkan uu soo ritay cudurka lagu arkay shuban, matag iyo dhiig kaddib markii ay ka qeybgal een munaasabad aas ah.

Intii u dhexeysay sanadihii 2013kii iyo 2016kii, in ka ba dan 11,000 qof ayuu cudurka Ebola ku dilay gal beedka Afri ka.

Waxaa socday dadaallo dhowr ah oo lagu baadigoobayo tallaal looga hortaggan cudurkan, waxaana tallaalka laga adeegsaday Jamhuuriy adda Dimuqraadiga ee Congo markiii ugu horr eysay uu ka dillaacay halkaas.

XAALADDA NOLOLEED EE SIYAASIYIINTA U XIRAN DOWLADDA ITOOBIYA OO LAGA DEYRINAYo.

Waxaa sii kordheysa cabsida ku aaddan xaa ladda caafimaad iyo midda nololeed ee ay wa jahayaan maxaabiista siyaasadeed ee dalka Ito obiya oo dhawaan ka soomay cuntada.

Bekele Gerba iyo Jawar Moha med ayaa ka mid ah ugu yar aan 20 siyaasiy iin ah oo ku jira xabsiy ada Itoobiya kuwaas oo cu nt ada diiday tan iyo dabayaa qadii bishii hore ee Janu ary.Raggan u xidhan xukuumadda dalkaas ayaa l agu soo eedeeyay in ay ku kaceen falal ar ga gix iso iyo heysashada hub sharci darro ah oo sabab u noqotay rabshado ka dhacay dalkaas ka dib dilkii hobolkii Hachaalu Hundessa.

Siyaasiyiintan maxaabiista ah ayaa cuntada ka soomay iyaga oo arrintaa uga jawaabaya xa dhig iyo cabudhin lagu sameeyay xubno ka ti rsan qoysaskooda iyo taageerayaashooda.

Mid ka mid ah qareennada u doodaya ma xaabiistan siyaasadeed ayaa sheegay in afar ka mid ah raggan ay xaaladdoodu culus tahay lana dhigay isbitaal haka qaarka kalena ay aad u liitaan oo ay suuragal tahay in ay geeriyoodaan.

Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa todobaadkii hore sheegay in ay maxaabiistaasi booqasho ugu tageen oo ay soo arkeen in ay cuntada ka soomanyihiin.

Kulan maxkamadda ku dhagaysan lahayd eedeymaha raggan ayaa todobaadkii hore la ba ajiyay kaddib markii eedeysanayaashu tabar da rro awgeed ka soo qeybgeli waayen fadh iga.

MAYDADKA ASKAR TURKI AH OO LAGA HELAY BUURALEYDA WAQOOYIGA DALKA CIRAAQ.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo bax ay sa meydadka 13 askari oo uu dhashay dalka Tu rkiga kuwaas oo laga helay god ku yaalla go bol ka buuraleyda ah ee waqooyiga dalka Cira aq, ka dib hawlgal ka dhan ah kooxda Ku rdiy iinta, ee PKK oo halkaa laga fuliyay. Wasiirka gaa shaandhigga ee Turkiga, Hulusi Akar, ayaa she egay in dhammaan maydadka la helay mid mooyaane inta kale ay ma daxa kaga taallo ras aas, taas oo muujineysa dil toogasho ah oo askr taas lo gaystay.

Illo dhanka amaanka ah ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay ay ku jiraan sirdoonka Turkiga, militariga, iyo booliska.

PKK ayaa Websit ay leeyihiin waxaa ay si fudud ugu sheegteen in maxaabiista qaar ay ku dhinteen intii ay socdeen isku dhacyadii ay la galeen ciidamada Turkiga.

Mr Akar wuxuu sheegay in afartan iyo side ed dagaal yahan la dilay intii uu socday howlgal qaatay afar maalmood.

NIN HUBEYSAN OO DIL IYO DHAAWAC KA GEYSTAY DULEEDKA MUQDISHO

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dha cdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo tooreey ama Middi loo adeegsaday oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibra ahim eee duleedka Magaalada Muqdisho.

Nin ku hubeysnaa Middi ayaa weerarka ku qa aday saddex ruux oo isku qoys ahaa, , waxaana falkaas uu ka dambeeyay, ka gadaal markii mu ranka kooban uu soo kala dhex galay qoyska Ninka falka geystay iyo qoyska kale.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninka oo carooday uu soo qaatay tooreey oo ku dhu ftay laba gabdhood iyo aabaha dhashay, wax aana soo gaaray dhaawac culus, iyagoona dur badii loo qaaday Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii daraya an in aabaha dhalay gabdhaha uu markii dam eb u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray Midd ida oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirka iyadoona goobta uu ka baxsaday Ninkii falkaas ka dambeeyay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dha cay oo ageyd Tabeelaha Sheekh Ibraahim, iya goona sameeyay baaritaano lagu baabi gooba yay ninka falka geystay, in kastoo aan la sha acin in lasoo qabtay iyo in kale.

Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa sidaan oo ka le waxaa horey uga dhacay dhacdooyin naxdin ah, waxaana xusid mudan in halkaas kal horey

Nin hubeysan oo ku dilay dad isku qoys ahaa.

Xigasho:radiodalsan.com

MAS'UUL KA TIRSAN MAAMULKA BIDEN OO SHAQA DIISA KU WAAYAY WERIYE UU U HANJABAY

Kuxigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqal ka Cad, TJ Ducklo, ayaa xilkaasi iska casilay maalin uun kaddib markii shaqada laga joojiyay, iyadoo lagu eedeeyay inuu u hanjabay gabar weriye ah.

Ducklo ayaa lagu soo war ama yaa inuu gabadhaasi oo la gu maga caabo, Tara Palmeri, ugu hanjabay inuu "baabi'in do ono" kaddib markii ay su'aalo ka weydiinaya noloshiisa gaar ka ah.

Ducklo ayaa bayaan uu soo saaray Dorraad ku sheegay in uu adeegsaday luuqad aan hab boonayn.

Madaxweyne Joe Biden ayaa horey wacad ugu maray inuu shaqada ka eryi doono qof kas taa oo ka tirsan maamulkiisa oo qof kale oo ay wada shaqeynayaan ula dhaqmo "ixtiraam da rro".

Ducklo ayaa sheegay in arrintaasi dhex mar tay isaga iyo gabadhaasi asyan ka turjumeyn shakhsiyaddiisa, sidaa awgeedna uu soo ce shan doono kalsoonidii ay dadku ku qabeen.

Gabadhaasi weriyaha ahiee Tara Palmeri ayaan ilaa iyo haatan ka hadlin tallaabadani uu qaaday Ducklo.

Ducklo ayaa shaqada laga joojiyay Jimcihii dhawaa, kaddib markii majaladda Vanity Fair ay baahsiay hanjabaadda la sheegay in uu u gey stay Palmeri.

Gabadhaasi ayaa baaraysay xiriirka Ducklo uu la leeyahay, Alexi McCammond, oo ah wer iye ka tirsan Axios oo ka soo warramayay ololihii doorashada ee Biden.

Sida la sheegay Ducklo ayaa gabadhaasi wacay kaddibna ugu hanjabay in uu "baabi'in do ono". Wuxuu sidoo kale ku yiri hadallo sharaf dhac ku ah gabadhaasi, sida lagu sheegay war bixinta Vanity Fair.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in go'aanka Ducklo ee uu shaqa da ka tagayo uu ahaa mid aad looga soo dhaw eeyay xafiiska madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Ron Klain.

MADAXWEYNE KU XIGEENKII HORE EE SUUDAAN OO XABSIGA LOO TAXAABAY.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan Hassabo AbdelRahman ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay in uu hurinayay dad diba dbaxyo dhigayay oo kasoo horjeeday aha rootiga dalkaas oo sare u kacay.

Waxaa sidoo kale la xiray xubno ka tirsanaan jiray dowladdii Cu mar Al Bashiir.

Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii xabsiga loo taxaa bay 300 qof oo ka qeyb qaadan ayay dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan wad danka Suudaan.

Waxaana xaalad deg deg ah looga dhawaaq ay afar gobol oo ka tirsan Suudaan.

Suudaan waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado rootiga, shidaalka iyo koronta la’ aan saameysay dalkaas xilli dowladda kumeel gaarka ah ay la daalaa dhaceyso wax ka qaba shada dhaqaale xumida.

MUXUU YAHAY MUUQAALKA DOWLADDA RUUSHKA "AY KU CABSI GELINEYSO SHACABKEEDA"?

Xilli maalmihii lasoo dhafay dalka Ruushka ay ka dhacayeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda kadib xariga hogaamiyaha mucaa rad ka ee dalkaas, Aleix Navalny ayaa waxaa soo shaac baxay muuqaal la sheegay inay soo dus iyeen qaar kamid ah ciidamada booliska, kaas oo muujinaya dhibaato loo geysanayo qof kamid ah dadka wax ku qora bogagga intarnetka.

Ninka muuqaalka kasoo muuqday oo lagu magacaa bo Gennady Shulga oo ku nool magaalada Vladivos tok ayay booliska ugu dhac een gurigaas, waxayna u xireen garba duub ama xabadxabad. Muuqaalka lasoo dusiyay ay aa muujinaya qof boolis ah oo su'aalo wey diinaya Gennady, sidookalena madaxiisa ku foo rarinaya weelal ay ku jiraan raashinka la siiyo eyda. Booliska Ruushka ayaa sidookale barti lmaameedsaday dadka soo bandhiga tacadiyad da la sheegay in booliska ay geystaan. BBCda oo la kulantay ninka muqaalka laga duubay ay aa waxaa uu sheegay in ujeedada muuqaalka loo soo dusiyay ay tahay sidii "loogu cabsi gelin lahaa dadka kale ee bannaanaaxay ee ku nool dalka Ruushka".

"Guriga ayay iigu soo galeen, luqunta ayay i qabteen oo dhulka ayay igu riixen, ujeeda ugu weyn ee muuqaalka loo soo dusiyayna waa in la gu cabsi geliya dadka", ayuu yiri Gennady Shulga.

Shulga oo sidoo kale ah weriye ayaa si toos ah u tebinayay dibadbaxyada looga soo horje edo dowladda ee ka dhacayay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. Xaaskiisa ayaa sidookale la joogtay markii ay booliska usoo dhacayeen gurigooda, waxaana Shulga uu sheegay in ujee dadu ay tahay sidii isaga iyo xaaskiisa loo saari lahaa cadaadis, loona cabsi gelin lahaa.

"Falkan la igu sameeyay ma ahan mid sharc iga waafaqsan oo anniga ma ihi dembiile", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ruu shka oo wax laga weydiiyay arrinkan ayaa ka ga absatay.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushka waxaa ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horje edo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Vlad mir Putin, kadib markii la xukumay Alexei Nav alny oo lafdhuungashay ku noqday Madax weyne Putin.

Mr Navalny oo mar la sumeeyay ayaa lagu soo daweeyay dalka Jarmalka, waxaana la xiray markii uu kasoo laabtay dibadda.

Dowladda Ruushka ayaa midowga Yurub uga digtay inay soo farageliso arrimaha gudaha ee dalkeed, maadaama ay ku eedeeyeen in ay san ixtiraam u heynin madaxbanaanida dalka Ruushka.

Xiriirka dalalka reer galbeedka iyo Ruushka ayaa la aaminsan yahay in uusan wanaagsa neyn, maadaama ay isku hayaan arrimo badan oo ka taagan dalalka Carabta iyo dalka Ukraine.

DHULGARIIR XOOGGAN OO JAPAN KU DHUFTAY

Boqol qof iyo dheeraad ayaa ku dhaawa cmay dhulgariir xoogan oo ku dhuftay meel ka durugsan xeebta Fukushima ee dalka Japan.

Dhulgariirkan oo xoogiisu ahaa 7.3 ayaa aad lo oga dareemay Tokyo laakiin digniin Sunaami lama soo saarin.

Dhulgariirkani wuxuu dhacay qiyaastii toban sano ka dib dhulgariirkii Sunaamida sababay ee ay ku dhinteen 18,000 ee qof.

Sunaamidii waagaasi waxay dhaawac gaadh siisay warshadda korontada nukliyeerka ee Da iichi ee ku taal Fukushima, khasaarahaas oo no qday kii ugu xumaa ee nukliyeer tan iyo masi ibadii ka dhacday Chernobly 1986.

Dhulgariirkani wuxuu dhacay qiyaastii 23:08 habeenimo xiliga Japan, waxaanay xudu ntiisu ahayd badda dhexdheeda meel berriga u jirta 60 km.

Guryo lagu qiyaasay ilaa hal milyan oo guri ayaa lay dhku ka go'ay, waxaana joo gsaday tareennadii. Laalkiin ilaa haatan ma jiro wax khas aare ah oo laga soo sheegay oo gaadhay war shadaha nukliyeerka.

In kasta oo ay saraakiishu dadka niyadda u dejinayaan, hadana dad badan oo ku nool xee baha ayaa guryahooda ka qaxay oo u baxay dhulka sare ee buuraleyda ah, sida ay ku soo warantay wakaaladda wararka Kyodo ee dalka Japan.

"Xataa haddii nalagu yidhaahdo waxba ha ka biqina ma dhacayso Sunaamiye, ka rumaysan maayo" ayuu yidhi nin 50 jir ah oo wakaaladda la hadlay. "Waayo aragnimadii qadhaadhayd ee 10 ka sano hor aan u soo taagnaa ayaan wax ka bartay waana sababta aan uga baxayo guri gayga ee aan dhulkaa sare ee taagga ah ugu baxayo"

GUDDOOMIYE ABSHIR OO FARMAAJO KU YIRI: NOLOSHII IYO NABADGELYADIINA "DADKII ‘HAAH’DUU HAYAA”!

Gudoomiye kuxigeenka 1aad Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Senator Md. Abshir Maxamed Axmed ayaa sheegay in Far maajo intuu dalka joogay uu burburiyay arrimo badan oo masiiri ahaa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twit terka ayuu ku sheegay in marka la ga soo tago jabinta qodobada das tuurka iyo xerarka dalka u yaallo, Farmaajo uu dalkan u horseeday kala tag, isa goo sababay in ay burburaan Heshiisyo bulshada u yiilay.

Guddoomiye Abshir Maxamed ayaa ugu dam beyntii intaa raaciyey in madaxweynihii hore Farmaajo uu dadka Soomaaliyeed gaarsiiyey heer aad xun oo ay sheegteen isaga oo yiri ‘dad ku haah’duu hayaa’,

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip