WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA JANNAAYO 2021
RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO KULAN GAAR AH LA YEESHAY SAFIIRADA QATAR IYO TURKIGA
R/wasaaraha XFSka Md.Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Shalay oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjirayaasha Turkiga iyo Qatar.
Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Faceb ook ee Xafiiska R/was aare Rooble, ayaa lagu sheegay, in Ra’iisul wasaaruhu qaabilay Safiirka Turkiga Mohmet Yelmez iyo safiirka Qatar Has san Hamza.
Qoraalka waxa sidoo kale lagu xusay, in R/was aare Rooble iyo labada safiir ka wadaXalayhadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya saddexda dal ee Soomaaliya Turkiga iyo Qatar.
"R/Wasaaraha XJFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Md. Mohmet Yelmez iyo Md.Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xo ojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Sooma aliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.
CUMAR FINISH OO OO LAGU SOO WAREEJINAYO SHA QO AY HOREY U HAYSAY WASIIR FOWSIYA
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho ayaa Shalay kulan la qaatay Wasi irka caafimaadka, Fowsiya Abuuba kar Nuur iyo xubno ka tirsan waasaradda caafimaadka Soom aaliya.
Kulankan ayaa waxa diirada lagu saaray sidii gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa gacan ku haynta maamulka caaf imaadka, kaasi oo ay had da gacanta ku hayso Was iir Fowsiya.
Ujeedka kulankan oo ah aa sidii loo daadejin lahaa adeegyada caafimaad ka iyo daryeelka bulshada oo ay bixiso Wasaarad da Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, ayaa waxay dhiseen guddi labo geesood ah.
Guddiga cusub ee W/caafimaadka iyo G/Bana adir ay dhiseen ayaa waxay ka wada shaqeyn do ona sidii G/Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala gobolka Banaadir.
Wasiir Fowsiya oo kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in guddiyada 2da dhinac ay xooga saari doonaan sidii bishan gudaheeda xarumaha caafimaad ugu wareejin lahaayeen maamulka G/Banaadir, oo uu horkacayo Cumar Finish.
Sidoo kale guddoomiye Finish oo ka hadlay kulankaas ayaa isaguna sheegay in qorshahan ay kula wareegayaan caafimaadka uu wax badan ka bedeli doono tayada caafimaadka ee Gobolka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka G/Banaadir uu isbedel wax ku ool ah ay ka sam eyn doonaan caafimaadka dalka oo wajahaya xaalado kala duwan.
Maamulka G/Banaadir iyo W/caafimaadka Soomaaliya ayaa dhamaadka bishan wada saxii xan doona heshiiskan loogu wareejinayo gobolka maamulka xarumaha caafimaad.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO KA QEYB GALAY KULAN LOOGA HADLAYAY XAALADDA SOOMAALIYA
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caa lamiga ah ee XFS Md. Maxamed C/risaaq Max amuud, ayaa aaladda fogaan arragga kaga qey bgalay kulan ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen, machadda Nabadda Mareykanka iyo safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.
Wasiirka oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter ayaa sheegay in ka qeybgaliyaasha kulanka uu si iyay warbixin ku aaddan dib u habeynta agendiy aasha qaran iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.
"Waxaan warbixin kooban ka siiyay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo dib u habeynta agen diyaasha qaranka iyo dib u soo kabashada dhaq aalaha,” ayuu ku qorey TwitterXalayka.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in kulan mi ro dhal ah la yeeshay, Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, ayagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo taageerada Mareykanka ee Soomaaliya.
Mareykanka waxaa uu kamid yahay dalalka ta geera dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ah aan arrimaha amniga oo ay ugu horeyso la dag aalan ka argagaxisada hor taagan nabad dalka.
CALI GUUDLAAWE OO MUQDISHO KA BILAABAY XAL INTA KHILAAFKA DOORASHOYINKA SOOMAALIYA.
Madaxweynaha D/G/HirXalayShabeelle Cali Guu dlaawe Xuseen oo maalmahaan ku sugan M/Mu qdisho ayaa Shalay wuxuu la kulmay Cabdi Kar iin Xuseen Guuleed oo ka mid ah Xubnaha Mido wga Musharixiinta Madaxweynha Soomaaliya.
Kulanka ayaa 2da mas’uul waxaa ay uga wa da hadleen xaaladda dalka uu marayo gaar ahaan hanaanka doorashooyinka qaranka ee aan wali la’isku fahmin sidii loo xaqiijin lahaa in wada ogol iyo wadatashi lagu xaliyo.
Musharax Madaxweyne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweynaha HirXalayShabeelle Cali C/hi Xuseen Guudlaawe waxaa uu kula dardaar may in uu kaalin lixaad leh ka qaato sidii isfaham degdeg ah looga gaari lahaa doorashada dalka.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay doorasha da dalka, isla markaana khilaafkaas uu salka ku haayo Guddiga doorashooyinka dadban oo Mid owga Musharixiinta ay sheegeen inay kujiraan Saraakiil ka tirsan NISA.
XUBNO KA SOCDA DOWLADDA & DOWLAD GOBOLE EDYADA OO SHIR UGA FURMAY MUQDISHO
M/Muqdisho waxaa Shalay ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeraha Sooma aliya, kaas oo ay ka qeybXalaygalayaan Xubno ka socda dowlad goboleedyada dalka kajira.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cali Maxamed She ekh Bagadi oo furay shirka Madasha Iskaashiga Ganacsiga Beeraha Soomaaliya, ayaa sheegay in shirkani yahay mid xoojinaya siddii waxXalaysooXalaysaarka beeraha looggu heli lahaa suuqyo ganacsi oo dibaddeed.
Agaasime Ayaanle oo ku hadlayey Afka daw ladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa sheegay inay dhankooda soo dhaweynayaan Madashan Iskaa shi oo uu xusay inay ahmiyad weyn u lee dahay dhaqaalaha dalka.
Shirka ayaa la filayaa in gebaXalaygabdiisa laga soo saaray Warmurtiyeed looga hadlayo iskaashi la xiriira dhanka ganacsiga, iyada oo sidoo kale Madaxda ka qeybXalaygaleysa ay talooyin soo jeedin doonaan.
LAFTAXALAYGAREEN OO KU FASHILMAY DALAB UU HOR DHIGAY AXMED MADOOBE IYO DENI
Madaxweynaha D/G/Koonfur Galbeed, Cabdi casiis LaftaXalaygareen ayaa xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, oo si weyn uga soo horjeeda hana anka doorashada.
LaftaXalaygareen oo Dorraad ku laabtay Baydhabo ayaa bilaabay dhexXalaydhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan doorashada, midaasi oo uu hore ugu fashilmay madaxweynaha Galmudug, QoorXalayQoor.
Sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Caasima da Online, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay aa Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka dalbaday inay soo magacaabaan guddiyada doorashada Heer dowlad goboleed, kadibna laga wadaXalayhad lo xal u helista khilaafka doorashada.
Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa durba diiday dalab uu Lafta Gareen usoo gudbiyey oo ahaa inay marka hore soo magacaabaan guddi yada doorashada kadibna la galo xalka khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Dhexe.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad ugu sheegay Lafta Gareen in aysan soo magacabeyn guddiyada doorashada illaa xal laga gaaro muranka Doorashada sidoo kalana ay Dowladda Soomaaliya ciidamada kasoo celiso Gobolka Gedo.
Waxaa xusid mudan in dalabka uu LaftaXalaygar een u gudbiyay 2da madaxweyne uu hore mada xweyne Deni uga diiday R/wasaare Rooble, xili uu socdaal ku tagay M/Garoowe ee Puntland.
Waanwaanta LaftaXalaygareen oo timid markii uu meesha ka baxay Madaxweynaha Galmudug Ax med Qoorqoor ayaa u muuqata mid aan natiijo ka soo bixi doonin, iyadoo ku bilaabatay qodobo ho re loogu fashilmay.
Muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana dhowr jeer fashilmay isku dayo la doonayay in lagu xal iyo,waxaana xubnaha M/Musharixiinta iyo Mad axweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay si cad uga soo horjeesteen guddiga doorashooyinka dadbadan oo ay sheegeen inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.
Madaxweynaha Soomaaliya oo mudada xil heyntiisa ay uga dhiman tahay wax ka yar bil ay aa weli ka dhaga adeegaya baaqyada uga imaa nayo M/Musharixiinta oo ah inay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.
TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO ABAABUL DAGAAL KA BILAABAY SHABEELLAHA HOOSE
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaal iyeed Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ciidan oo la socota ayaa Shalay gaaray magaalada Mar ka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Taliye Odawaa oo safar dhinaca dhulka kusoo maray degaano ka tirsan gobolka Shabeellalaha, waxaana uu la kulmay saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Gobolkaas.
Sidoo kale taliye Odawaa ayaa la kulmay Saraa kiisha Ciidamada Guutada 14Xalayka Octoober ee ku sugan Magaalada Marka, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.
Saraakiisha Ciidamada uu la kulmay taliyaha xoogga ayaa waxaa uu kala hadlay sidiii Ciidam ada ay howlgallo kala duwan uga sameyn lahaa yeen degaannada hoostaga Magaalada Marka oo qaarkood ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan AlXalayShabaab.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada xoogga dal ka Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa la filayaa in uu booqdo xerooyin Ciidan oo ku yaal Sh/Ho ose, isaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doona dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah AlXalayShabaab.
Degaano & degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/ Hoose ayaa waxaaCiidamada dowladda ay ka wadaan howlgallo kala duwan, iyaga oo horay ula wareegay degaano ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan AlXalayShabaab.
XALIIMO YAREEY ” DOWLAD AAN XALANE LAGA XUKUMIN AAN SAMEYSANO”
Marwo.Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee Doorashooyinka Dalka oo hadal ka jeedisay Shirka Sanadeedka Garsoorka 2021 oo Shalay ka furmay Muqdisho ayaa sheegtay in aysan jirin Hay’addii u xilsaarneed ilaalinta Dastuurka.
Guddoomyea Xaliimo Yarey waxa ay sheegtay in dalka dhibaatooyin kala duwan uu soo maray ilaa markii dambe la diyaariyay dastu us qabyo ah oo u baahan in la dhammeysto, shaq adaasna ay tahay mid ay qabaneyso Hay’a dda u xilsaaran oo aan dhisneen.
Marwo.Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Yarey waxa ay soo jeed isay in qadarin uu u baahan ya hay Dastuu rka oo muddo lagu soo meel maray, balse waxa ay farta ku tilmaamtay in aan laga maarmin dhismaha Hay’adda qaadaneysa mas’u uliyadda oo kala qabaneysa marka uu muran yimaado.
"Dastuurka Dalka waa qabyo balse waa in sid aas lagu qadariyaa, haddii aan la ilaalineen waxa uu leeyahay horay uma soconeyno, hay’addii in oo ilaalin lahayd dastuurka ma jirto, Haykalkii kala hagi lahaa ee wax kala qaban lahaa haddii la wa ayo Soomaaliya meel uma socota, mindi mindi ku taag ayaa lagu jiraa haddii aan heysan wax aan heshiis ku nahay” ayay tiri Xaliimo Yarey. Waa ay sii hadashay Xaliimo Yarey waxa ay tiri "D/G/yada Dastuur ayay heystaan oo ay ku dhaqmayaan wa ana ku saxan yihiin, waxaa jira Dastuur Qaran ma is leeyihiin labada Dastuur, qoloba meel ayay u socotaa, haddii aan meel wax wada dhigan, meeshaas ciddii inoo ilaalin lahayd aan wada sameysan, waxa aan ku jirnaa waa been, qalad & Dambi, oday in uu wax xulo, anigaa kursigaan iska leh in la ii xiro waaye, waxa loo dagaalaa ee loo socdaa ma ahan in Kursigaas Ummada la dhigo ee waa in gooni la isku lahaysiiyo”.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey ayaa soo jeedisay in la sameeyo Hay’adda ilaalisa dastu urka si meesha looga saaro is qabqabsiga jira oo aysan jirin meel lala aado & ciddii awoodda u lahayd in ay xaliso.
Ugu dambeyntii Xaliima Yarey ayaa sheegtay in dalkaan uu u baahan yahay dowlad aan Xalane laga xukumin.
Hadalka Guddoomiyaha Guddiiga Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashoyinka Qaranka Xali imo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran xoogan uu kajiro doorashooyinka dalka oo aan weli heshiis laga gaarin.
5 QOF OO GALGADUUD LOOGU GAYSTAY DIL LA XIRIIRA SARAAKIISHII HOREY LOO DILAY
Deegaanka Xersi Lugey oo qiyaastii 7XalayKM u jira magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, waxaa Shalayta hal goob lagu dilay shan qof oo shacab ah, iyadoo laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.
Dadkaas oo ku sugnaa hal guri oo ku yaalla deegaankaas waxaa soo weeraray rag hubeysan, kuwaas rasaas huwiyey guriga ay ku jireen ragaas, waxaana goobta ku geeriyootay shan nin, halka laba kale oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah loola cararay degmada Gurceel.
Magacyada ragga Shalay la dilay ayaa kala ah: 1Xalay Ga arane Cawil Samatar, 2Xalay Cabdi Xirsi Carab Ka ahiye, 3Xalay Cabdiyare Maxamed Ow Faarax, 4Xalay Cad aawe Xirsi Lugey, 5Xalay Ibnu Calidhere Xirsi Caw aale. Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shi re Falagle oo falkan ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay daba joogto tii bishii hore lagu laayey saraakiishii ciidanka xoogga dalka.
9Xalaykii bishii hore December ayaa meel aan ka dheereyn goobta Shalay lagu dilay dadkan wax aa lagu weeraray saraakiil ka baxday Gurceel oo u socotay Balambal, kuwaas oo laga dilay lix nin, waxaana weerarkaas ka badbaaday seddax kale.
Wasiir Falagle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku bexeen goobtii Shalay lagu dilay dadkaas, isla markaana ay xo oga saarayaan sidii loo soo qaban lahaa raggii geystay falkaas.
Degmada Balambal ee gobolka Galgaduud wa xaa ka taagan dagaal beeleed bada dheeraaday, kaas oo u dhaxeeya beelo asal ahaan ka soo kala jeeda magaalooyinka Gurceel iyo Caabudw aaq, kuwaas oo ay ka soo kala jeedeen saraaki ishii la laayey bishii hore iyo ragga Shalay la dilay.
HAY’ADAHA GALMUDUG OO LA AMRAY SOO QABASH ADA MALEESHIYAADKA DILKA GEYSTAY
Ku simaha madaxweynaha Galmudug ahna madaxweyne ku xigeenka GalmudugCali Daahir Ciid ayaa Tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii marxuumintii Shalay ku dhintay weerarkii arxan dhacay Deeganka Xirsi lugey.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Ciid amada amniga Galmudug awaamir ku siiyay in si dag dag ah aay howl galo u fuliyaan una soo qab taan maleeshiyaadkii Dilalka Geystay.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmud ug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada iyo badbaada shacabka Galmudug isagoo sheegay in Tilaabo laga qaadi doono dadkii falkaas foosha xun geystay.
GABAR SOOMAALI AH OO XIJAABKEEDA AWGII LOOGA ERYEY ISKUUL KU YAALLA LONDON.
Maamulka Iskuulka Uxbridge High School ee galbeedka magaalada London ayaa gabadh ka mid ah ardyda wax ka barata ugu gooddiyay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono haddii aanay wax beddelin lebbiska ay iskuulka ku dhigato.
Sihaam Xaamud oo 12 jir ah oo la sheegay in ay ka soo jeeddo Soomaaliya ayuu maamulka dugsiga ka soo eryay fasalkii waxbarashada iy ada oo lagu amray in ay soo qaadato goonno ga aban oo ay beddesho midda dheer ee ay hadda wadato.
gabadhan ayaa sheegtay in lebbiskeedu yah ay mid la jaanqaadayo diinteeda oo aanay bedd eleynin, waalidiinta dhalay Sihaam ayaa haatan maxkamad looga yeedhay iyada oo wax laga we ydiin doono sababta ay Sihaam uga maqantahay iskuulka cudurXalaydaar la’aan.
Ardayadda da’da yar ayaa sheegtay in marar badan ay la kulmi jirtay cagajugleyn ku aaddan diinteeda iyo labbiskeeda. Saddex todobaad oo la soo dhaafay ayay sheegtay in iskuulka laga soo ceydhinayay iyada oo lagu amrayay in ay soo beddesho goonnada dheer hase yeeshee ay haatan go’aansatay in aanay aadin dugsiga.
Sanado badan ayay sheegtay in iskuulka ay ku dhiganaysay goonnada dheer ee asturka u ah jirkeeda hase yeeshee ay aad uga naxday markii ay maamulku ku wargeliyeen in ay beddesho goo nnada dheer oo ay qaadato mid gaaban.
Aabbaha dhalay Sihaam oo lagu magacaabo Idris Xaamud ayaa sheegay in goonnooyinka gaa gaab ee uu iskuulku dalbanayo yihiin kuwo ka hor imanaya diinta qoyska ay Sihaam ka dhalatay sidaasina ay gabadhiisu uga biyo diidday amarka maamulka dugsiga.Xigasho:Xalaysomaliweyn.com
MARAYKANKA OO DIL LAGU FULIYAY HAWEYNEYDII UGU HOREYSAY MUDDO 70 SANO AH.
Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horey say xukun dil ku ah fulisay qof dumar ah muddo ku dhow toddobaatan sano, Xilli uu khilaaf xoog leh ka dhex jiro xil ware ejinta Madaxtinimada dalka Mara ykanka.
Lisa Montgomery oo ahayd 52 sa no jir ayaa lagu duray irbad ay ku jirto maadada pentobarbital oo awood leh xabsi ku yaal Terre Haute, Indiana.
Haweeyneydan ayaa noqotay qofkii 11aad ee xukun dil ah lagu fuliyo tan iyo markii uu ku dhowaaqay Madaxweynaha xilka ka sii degeya Trump bishii July ee sanadakan dib u soo celinta xukunka dilka ah muddo 17 sano kadib.
Montgomery ayaa lagu helay dambi ah inay di shay haweeney la oran jirey Bobbie Jo Stinnett ka dibna uurka soo dooxday ilmo siddeed bilood calo osha ugu jirey sanadkii 2004.
Dadaalo lagu doonayay in lagu baajiyo xukunk an ayaa suurtogeli waayay iyadoo qareenada daa facayay Lisa ay sheegeen in
Haweeyneydii ugu dambeysay ee xukun dil ah lagu fuliyo dalka Maraykanka ayaa waxa ay ah ayd Bonnie Brown Heady oo la diley 18ka Dec ember 1953,kadib markii lagu helay dambi ah di lka iyo afduubka wiil lix sano jir ahaa xilligaas.
ITOOBIYA OO DISHAY XUBNO UU KUJIRO WASIIRKII HORE EE ARRIMAHA DIBADDA
Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciida madeeda ay dileen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan kooxda TPLF, oo dhawaanahanba ay daba jog tay, ka dib markiiay diideen inay si nabadgalyo ah isku dhiibaan.
Ragga la dilay waxaa ku jira Se youm Mesfin oo muddo dheer Ethi opia ka ahaa wasi irka arrimaha dibadda, kana soo jeeda qawmiy adda Tigrey, Abay Tsehaye iyo laba sargaal oo kale, kuwaas oo ka mid ahaa madaxda kooxdan oo dhawaan looga adkaaday dagaal toos ah oo ay dawladda Ethiopia la galeen dhammaadkii 2020Xalayka.
Seyoum Mesfin waxa uu ka mid ahaa raggii udub dhexaadka u ahaa maamulkii Males Zan awi, isagoo 1991Xalaydii ilaa 2010Xalaykii ahaa wasiirkii arrimaha dibadda dalkaas, waxaana uu noqday gudoomiyaha ergada gaarka ah ee IGAD u qaabilsan South Sudan, isagoo dhinaca kalena aad ugu lug lahaa ciidamada Ethiopia ee Mu qdisho soo galay dhammaadkii 2006Xalaydii.
RAIISAL WASAARAHA DALKA KUWAYT OO ISCASILAY.
Raiisal wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sa baax AlXalayKhalid AlXalaySabaax ayaa Shalay oo Arb aca ah iscasilaadda xukuumadiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas Shiikh Nawaaf AlXalayAxmad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasiirro ka tirsan xukuum adda ay Dorraad is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.
Xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa ho re u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaamnka si wax looga waydiiyo qaab dhis meedka xukuumadda
AMAR LAGU SOO ROGAY DHAMMAAN DADKA TEGAYA MAREYKANKA
Saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay, in hadda ka dib qof walba oo raba inuu yimaado Mareykanka la weydiin doono, war qad caddeyneysa in laga soo baaray lagana waayay xanuunka COVIDXalay19.
Xarunta Xakameynta iyo ka hortagga Cudurr ada ee loo so gaabiyo CDC ay aa sheegtay, in amarkaan oo muddo 2 todobaad ah ku dhaq angali doono uu qaban doono, muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ah ee u soo safraya America.
Dalka Mareykanka, xanuunka COVIDXalay19 ayaa waxa uu ku dhacay in ka badan 22 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 375 kun oo qof.
Amarka cusub ayaa imanaya xilli tiro maalmeed ka dadka cudurka u dhimanaya ay Dorraad gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo markii uu cudurka dillaacay, ayada oo ay dhinteen in ka badan 4,500 qof.
SACUUDIGA OO SOO DHOWEEYEY TALLAABO UU QAADAY MAREYKANKA
Dowladda Sacuudiga ayaa soo dhoweeyay go ’aan ay dowladda Mareykanka urur argagixiso u gu aqoonsatay kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka ku la jirta dowladda Sacuudiga ay taageeraan ee dalka Yemen.
"Wasaaradda arrimaha dibedda waxay soo dhoweyneysaa go’aanka uu maamulka Mareykanka ugu calam eeyey maleeshiyada Xuutiyiinta urur argagixiso,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay baa hisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.
"Tani waxay waafaqsan tahay baaqyada dowl adda sharciga ah ee Yemen ee ah in lasoo gebaXalaygebeeyo dhaqXalaydhaqaaqyada maleeshiyada ay ta gaeerto Iran.”
Dhinaca kale taliyaha siyaasada Xuutiyiinta Mohamed Ali alXalayHuthi ayaa cambaareeyey go’ aanka dowladda Mareykanka, wuxuuna sheegay "inay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan.”
"Shacabka Yemen kalama jecel go’aan kasta oo uu maamulka Trump wax ku calaameeyey, ay ada oo saaxiibadooda ay dilayaan shacabka Ye men, ayna cunaha qabteen,” ayuu yiri.
Sidoo kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa cambaar eeyey go’aanka Mareykanka, wuxuuna ka digay "in dowladda musalaftay ee Mareykanka ay sii dhaawaceyso sumcaddeeda” maalmaha ugu dambeeya ee xukunka Trump.
MUSEVENI OO DIFAACAY GO’AANKA LAGU XIRAY BARAHA BULSHADA KA HOR DOORASHADA.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay aa ku eedeeyay shirkadda Facebook inay tahay mid isla weyn oo u xaglineyso hal dhinac ah ka dib markii uu xaqiijiyay in dowladdiisa ay xirtay baraha bulshada ka hor doorashada Khamiista ka dhaceysa dalkaas.
Madaxweyne Museveni oo ku labi san dareyska ciidamada xilli uu khud bad ka jeedinayay teleefishinka ayaa sheegay in uusan marnaba aqbali doonin wax far agelin ah ama in la go’aamiyo cidda wanaagsan ama cidda xun. Wuxuu sheegay in haddii Facebo ok uu ka howlgalayo Uganda ‘waa in qof kasta uu si sinaan ah uu ugu adeegaa.
Dadka adeegsada baraha bulshada ee dalk aas ayaa shaley ka cabanayay inay adeegsan waayeen baraha bulshada.
Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in xiritaanka baraha bulshada Uganda ay tahay tallaabo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo mabaadii’da ku saleysan adeegsiga Internetka.
Dhinaca kale, Mareykanka ayaa cambaareey ay go’aanka dowladda ay ku xirtay baraha bul shada halka xoghayaha guud ee Qaramada Mido obey Antonio Guterres uu ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqul insaanka.
DOORASHADA UGANDA: DOWLADDA OO MAMNUU CDAY ADEEGSIGA BARAHA BULSHADA
Dowladda Uganda ayaa soo saartay go’aan ay ay dalkeeda uga mamnuucayso baraha xiriirka bulshada ee xilli lagu wado in maalinta berri ah ay dalkaasi ka dhacdo doorasho mad axtinnimo.
Dowladda ayaa waxaaha bix iya adeegga internetXalayka ee dalk aas oo amar ku siisay in ay gabi ahaanba haw ada ka saaran dhammaan baraha bulshada ilaa amar dambe.
Xukuumadda Uganda ayaa si gaar ah u be egsatay Facebook, Twitter, WhatsApp, Viber iyo Signal.
Uganda ayaa horay barta Facebook ugu eede ysay in ay jahawareerin ku hayso ra’yul caamka dadka reer Uganda eek u aaddan arrimaha door ashooyinka.
Afhayeen u hadlay madaxtooyada Uganda ay aa sheegay in falalkii maalmihii la soo dhaafay ay ku kacaysay Facebook ay ahayd faragelin diba deed oo lagu gacansiinayay musharraxa mucaar adka Bobi Wine.
Madaxweynaha Uganda oo dalkaas xukuma yay tan iyo 1986Xalaykii ayaa haatan u sharraxan in uu sii hoggaamiyo dalkaas.
DOWLADDA ITOOBIYA OO DIGNIIN CULUS U DIRTAY DOWLADDA SUDAN.
Dowladda Itoobiya oo hadallo digniin ah u dir tay dhigeeda Sudan ayaa sheegtay inuu dulqaa dkii ka dhamaaday kadib markii Sudan ay ciid amo soo dhoobtay halka ay 2da dal isku hayaan.
Waxaa guuldareystay dedaalo la doonayay in xal looga gaaro xiisadda ka taagan xadka 2da dal. Xiisadda oo mudod dhan 10 sano soo jiit ameysay ayaa ah mid u dhaxeysay dalalka Su dan iyo Itoobiya, waxayna salka ku heysa deega anka beeraha qaniga ku ah ee alXalayFashqa, oo katir san qariiradda Sudan balse ay muddo deganaayeen beerale yda Itoobiya.
Ciidamo ka kala tirsan laba da dhinac ayaa laba asbuuc kahor isku dhac ku dhex maray xadka labada dal.
"Dhinaca Sudan waxay u muuqdaan inay doo nayaan inay xaaladda sii huriyaan,”ayuu yiri af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoo biya, Dina Mufti oo saxaafadda kula hadlay Addisababa.
Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya ay dagaal geli doonta ayaa waxaa uu sheegay in marka ho re ay wanaagsan tahay in diblomasiyadda ay sha qeyso. Wuxuu intaa ku daray in waxwalba ay dha maad leeyihiin, isagoona ula jeeday in xallinta arr intan ee dhanka diblomaasiyadda ay tahay wax mudeysan.
MAREYKANKA OO FAAH FAAHIYEY DUQEYN UU LA BEEGSADAY XARUMO ALXALAYSHABAAB
WarXalaysaxaafadeed ka soo baxay taliska Ciida mada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaq aano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duq eyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Baay.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciida mada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibad ooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 13/1/2021 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Buulafuulaay ee Gobolka Baay ,isla markaana ay la beegsadeen Xaun ay ku sugnaa yeen Xubno ka tirsan AlXalayShabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu shee gay inay ku dileen Sarkal ka tirsanaa AlXalayShaba ab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Urur ka AlXalayShabaab, sida uu sheegay Taliyaha, Talis ka Hawlgallada Gaarka ah Mareykanka ee Afrika.
""Duqeynta ka dhacday Buulo fuulaay, waxay muujineysaa go’aankeenna waxayna hoos u dhig eysaa awoodda AlXalayShabaab ee hanjabaadda Soo maaliya iyo deriskeeda, waxaan qorsheyneynaa in aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku dhuunt aan AlXalayShabaab ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin Ande rson.
Mareykanka ayaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeysaa xilli Mareykanka inta badan Ciidamadii ka joogay Soomaaliya uu kala baxay, isla markaana ay yaraadeen duqeymihii uu fulin jiray.
KENYA OO KA HADASHAY WEERAR BAS OO AY FULIYEEN ALXALAYSHABAAB
Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka AlXalayshabaab ayaa weerar jidgal ah waxaa ay ku qa adeen gaari Bas ah oo ka tegay Magaalada Ma ndeera kuna sii jeeday Magaalada Nairobi ee da lka Kenya.
Booliska Kenya oo weerarka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska caabiyeen Ciida madooda weerar kaga yimid dhinaca AlXalayShabaab, xilli ay galbinayeen gaadiid farabadan oo kusii jee day Magaalada Nairobi.
ILHAN CUMAR: "MADAXWEYNE TRUMP WUXUU SABAB U AHAA RABSHADIHII KA DHACAY DHISMAHA CAPITOL..”
Xilli ciidamada dembi baarista Mareykanka ay wali ku raad joogaan dadkii weeraray aqalka Kon gareeska, ayaa dhanka kale isla xubnaha Dimu qraaddiga ee ka tirsan aqalkaasi waxay shee geen inay ku raja weyn yihiin xil ka qaadista mad axweyne Trump.
Ilhaan Cumar oo ka mid ah xubnaha Kongareeska, ayaa waxay madaxweyne Trump ku eedeysay inuu sabab u ah aa rabshadihii ka dhacay dhismaha Capitol.
"Dembiyo badan ayaa lagu heystaa, laakiin kul ligood waxay isugu imaanayaan in madaxweyn aha uu la shaqeeyay uuna dhiirrigeliyay in do wladda la soo weeraro, inay ku dhintaan dad ba dan, inay noqotay in saacado dhan lala wareego US Capitol. Waxaan aaminsannahay madaxwey naha inuu halis ku yahay dadka iyo dowladda,”
Waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu ku hadlay arrin aan madaxweyne laga fileyn, isaga oo kaddib weerarkii Capitol farriin uu bartiisii Twi tterXalayka ugu qoray dadkii soo qaaday weerarkaas ku yiri "waan idiin jeclahay”.
Ilhan waxaa kale oo ay sheegtay in haddii xuk uumadda cusub ee madaxweyne Biden ay tim aaddo ay wax badan ka rajeyneyso, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya.
"Rajadeenna way weyn tahay, Xisbiga Dimuq raaddiga keliya madaxweyne ma helayaan oo baarlamaanka guud ahaan annaga ayaa maamuli doonno, marka waxaan aaminsannahay in nolo sha Soomaalida keliya maahee ee dadkoo dhan inay ay isbeddel ka dareemi doonaan. Waxaan ra jeyneynaa in shaqo abuuris aan ka shaqyen do onno, in waaxda socdaalka sidii ay u shaqeyn jir een iyo si ka fiican ay u shaqeyn doonaan.”
Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka iyo FBIXalayda ayaa bilaabay baaritaan dembi oo lagu samey nayo in ka badan 160 qof oo loo heysto inay qeyb ka ahaayeen weerarkii toddobaadkii hore ka dha cay dhismaha Capitol ee Washington.
XIGASHO:XalayBBC
XILDHIBAANNADA JAMHUURIGA OO KU BIIRAY MOOSHINKA XIL KA QAADISTA TRUMP
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee dalka Mareykanka ayaa laga filayaa in ay cod u qaad aan mooshin xilka looga xayuubinayo madaxw eyne Donald Trump, sababo la xiriira rabshadihii ka dhacay Aqalka CongressXalayka.
Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu taageerayaa shiisa ku dhiirrigaliyay inay weerar ku qaadaan dhismaha Capitol ee xarunta u ah baarlamaanka iyo laamaha dowladda. Shan ruux ayaa ku dhi matay qalalaase halkaas ka dhacay.
Xubno ka tirsan xisbiga uu Trump kasoo jeedo ee Jamhuuriga ayaa Shalay oo Arbaco ah sheegay in ay ku biiri doonaan ololaha xisbiga Dimuqraaddiga ee xilka looga qaadayo, iyadoo si rasmi ah madaxweynaha loogu soo oogayo dac wad ku saabsan in uu abuuray kacdoon ka dhan ah maamulka dowladda..
Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa beeniyay in uu wax lug ah ku leeyahay qalalaasahaas.
Rabshadaha ayaa Arbacadii lasoo dhaafay dhac ay kaddib markii Mr Trump uu taageerayaashiisa goob fagaare ah oo ay isugu soo baxeen magaalada Washington ugu sheegay in "ay u dag aallamaan si daran" kana soo horjeestaan nati ijadii kasoo baxday doorashadii dhacday bishii November.
TRUMP XILKA MALAGA XAYUUBIN DOONAA?
Maadaama ay xisbiga Dimuqraaddiga heystaan Aqlabiyadda Golaha, waxay u badan tahay in codeynta ay guuleysato. Kiiska ayaa markaas u gudbi doona Aqalka sare ee SenateXalayka, halka asoo lagu qaadi doono dacwad lagu go'aaminayo in madaxweynaha dambigiisa lagu helo.
Aqlabiyad saddex meelood labo meel ah ayaa loo baahnaan doonaa si Trump xukun loogu rido, taasoo ka dhigan in 17 xildhibaan oo ka tirsan xis bigiisa Jamhuuriga laga doonayo in ay kasoo hor jeestaan.
Xildhibaanno badan oo ka tirsan Jamhuuriga, oo gaaraya ilaa 20 mudane ayaa hadda diyaar u ah in ay madaxweynaha garabkiisa ka baxaan, si da uu shaaciyay wargeyska New York Times.
Lama oga xilliga dacwadda la qaadi doono, laak iin uma badna in la dhammeystiri karo ka hor inta uusan Trump xafiiska banneynin 20Xalayka bisha Jan uary, markaas oo Joe Biden loo dhaarin doono xil ka madaxweynaha Mareykanka.
Aqalka SenateXalayka ayaa sidoo kale codeynta dacwadda xil ka qaadista u adeegsan kara in ay Mr Trump ka mamnuucaan inuu dib dambe xil do wladeed u tartamo.
Horay wuxuu madaxweynuhu u bidhaamiyay inuu isu soo sharrixi doono doorashada madax weynenimada ee sanadka 2024Xalayka.
Codeynta Shalay la qaadayo waxay ka dhigan tahay in Mr Trump uu noqon doono madaxweyn ihii ugu horreeyay ee Mareykanka oo abid xil ka qaadis lagu sameeyo labo jeer.
Bishii December ee sanadkii 2019Xalaykii ayuu noq day madaxweynihii saddexaad ee Mareykanka oo lagu fuliyay Mooshin xil ka qaadis ah. Xilligaas waxaa lagu heystay dacwad la xiriirta in uu jabiyay sharciga Mareykanka oo uu dalka Ukraine ka dalbaday in ay baaritaan ku billaabaan Mr Bi den si uu u seego doorashada. Laakiin SenateXalayka ayaa markaas ka bari yeelay eedeymaha iyo dacwadda lagu soo oogayba.
Maxay dhaheen Jamhuurigu?
Liz Cheney, oo ah siyaasiyadda saddexaad ee ugu sarreysa mudaneyaasha xisbiga Jamhuu riga ee Aqalka Wakiillada, ayaa wacad ku martay inay taageero buuxda siin doonto mooshinka xilka looga qaadayo madaxweynaha, iyadoo ku dood day in Mr Trump uu "abaabulay dadkii weeraray dhismaha Capitol, ayna ku socdeen amarkiisa".
"Waligeed ma dhicin khiyaano taas ka weyn oo uu madaxweyne Mareykanka ah ku sameeyay xafiiskiisa iyo dhaartii uu u maray ilaalinta Dast uurka," ayey tiri haweeneysan oo ah gabadh uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Ma reykanka, Dick Cheney.
Saddex kale oo ka tirsan xildhibaannada xisbi ga Jamhuuriga ee Golaha Wakiillada, oo kala ah John Katko, Adam Kinzinger iyo Fred Upton, ay aa iaguna sheegay in ay u codeyn doonaan mo oshinka xilka looga qaadayo Trump.
Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka, Kevin McCarthy, oo ay xulafo dhow yihiin Trump, horayna uga soo horjeestay mooshinka xil ka qa adista, ayaa go'aansaday in uusan xildhibaanna da xisbigiisa ka codsanin inay kasoo hor jeestaan mooshinka, sida ay tabiyeen warbaahinta Mare ykanka.
Muxuu yidhi Trump?
Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in khudbaddii uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimasha da sababay, ay ahayd mid "gabi ahaanba sax ahayd".
Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee CongressXalayka.
Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isa goo dhanka kalena "wax fool xun" ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee CongressXalayka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaa se kiciyay. Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan.
XIGASHO:XalayBBC
MAXAMUUD MAXAMED XASAN: DIBADBAX KA DHASHAY WIIL SOOMAALI AH OO "LAGU DILAY" CARDIFF
Taliye ka tirsan booliska ayaa sheegay in shac abka looga baahan yahay "iney dursad siiyaan" baadhitaan madax bannaan oo lagu sameynayo waxa sababay geerida nin dhowr saacadood ka hor xilligaas laga sii daayay gacanta ciidamada amniga.
Qoyska Maxamuud Maxamed Xasan, oo 24 jir ahaa, ayaa dha nkooda sheegay in wiilkooda la weeraray ka dib markii la gu xidhay Ma gaalada Cardiff ee ka tirsan UK.
Boqollaal ruux ayaa Talaadadii isugu soo baxay badhtamaha magaaladaas, iyagoo socod ku tagay ilaa saldhigga booliska Cardiff Bay, iya goo ka cadheysan arrinta dhacday.
Ciidamada booliska iyo sarkaalka dambiya qabi lsan ee lagu magacaabo Alun Michael ayaa dad weynaha ku boorriyay in ay "dulqaad muujiyaan".
Mr Michael, oo dusha sare ka maamula boolis ka Wales, ayaa sheegay in ay xaqiiqo tahay arr inta ku saabsan in laanta dabagalka falalka bool iska ee magaceeda loo soo gaabiyo IOPC ku how lan tahay baaritaanka la xidhiidha waxyaabihii dhex maray Xsan iyo booliska ka hor inta uusan dhimanin maqribnimadii Sabtida.
Natiijooyin hordhac ah oo ay waaxdu soo saartay ayaa muujinaya in Xasan uusan u dhimanin dhaw acyo jir ahaan uga muuqda.
Waxaa hadda la sugayaa natiijada dhamme ystiran ee baadhitaankii lagu sameeyay meydkii sa. Sida ay sheegeen booliska Koonfurta Wales, Xasan waxaa xabsiga loo taxaabay isagoo gur igiisa ku sugan habeenkii Jimcada, waxaana la geeyay saldhigga booliska ee Cardiff Bay.
Waxaa la sii daayay Sabtidii marka uu waqt iga ku beegnaa 08:30 GMT, booliskuna waxay ku laabteen abaare 22:30 kaddib markii uu dhintay.
"Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi u diro qoyska Mr Xasan iyo saaxiibbadiisiyo waliba dhammaan bulshada ay dhacdadan saameynta ku yeelatay, gaar ahaan dhimashadiisa iyo waxyaabihii dhac ay dabayaaqadii isbuuca," ayuu yidhi Mr Michael, oo ah taliyaha laanta dambiyada ee Booliska.
"Hadda waxaan ognahay in uusan jirin dhaa wac jirkiisa ka muuqda oo sharrixi kara sababtii uu u dhintay, waana muhiim in aan sugno natiijada kama dambeysta ah ee ay soo wadaan kooxda baaritaanka madaxa bannaan samey say," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Booliska Koonfurta Wales ayaa sheegay in mar walba ay laanta IOPC howsha ku waree jiyaan marka ay dhacdo dhimasho daba socotay arrin ay booliska ku lug lahaayeen.
Waxay dhankooda sheegeen in ilaa hadda ay san caddeyn u heynin awood xad dhaaf ah oo wiilkaas lagu waxyeelleeyay.
Qiyaastii 300 oo ruux ayaa bartamaha magaal ada ku bannaan baxay kaddib markii uu soo ifbaxay warka ku saabsan dhimashada wiilkaas.
Shacabka ayaa dalbanayay in booliska ay sharr axaad ka bixiyaan dhacdadaas, iyagoo sidoo kal ena ugu baaqay in ay soo bandhigaan muuqaal lada kaamirooyinka CCTVXalayga ee saldhigga ku xiran.XIGASHO:XalayBBC
NIN QUUSTAY OO NAFTIISA DAB QABADSIIYAY DALKA KUWAIT
Markii 27 jirka Hamad uu bishii December isku gubay dalka Kuwait, waxay arrintaasi fajac ka ab uurtay gudaha dalkaas.
Waxay u muuqataa wax aan dhici karin in dal kan yar ee shidaalka qani ga ku ah kuna yaalla Kha liijka ay ka dhici karaan xaalado qof ku kallifi kara inuu fal noocaas ah ku dhaqaaqo. Bal se Hamad wuxuu ka mid yahay qow miyadda aan aqoonsiga lahayn ee Bidun ee dalkaas.
Bidun waa eray Carabi ah oo la micno ah "la'aan" Xalay dhalasho la'aan, taas oo la micno ah in qowm iyaddan aysan la macaamili karin bulshada int eeda kale; aqoonsi la'aan, waxay la micno tahay inay waddooyin adag u maraan waxbarashada, daryeelka caafimaadka iyo shaqo la'aanta.
'Wax walba way soo xirmeen'
Magaalada Sulaibiya oo ku taalla meel 17 kiilo mitir (11 meyl) dibadda ka ah magaalada Kuwait, waa duni ka go'doonsan xarumaha laga dukaame ysto iyo dhismayaasha sare ee caasimadda ku ya alla. Cumar wuxuu halkaas kula nool yahay waal iddiintiisa, walaalihiis oo toban ah iyo qoysas kooda, waxay deggan yihiin guri shan qol ka koo ban oo ku yaalla dhul deegaameyn ay ka socoto oo ay degeen dad badan oo ka soo jeeda qomw iyadda Bidun.
Ninakn oo 33 jir ah ayaa aad ugu dhow wala alk iisa ugu yar, Hamad.
" Waaqofka ugu naxariista badan ee dunidan ku nool, waa qof shakhsiyad dhab ah leh, mar wal bana dhoolla caddeynaya," ayuu yiri Cumar.
Balse qiyaastii sanad kahor ninkan dhalinyarada ah ayaa noqday goonni socod, isagoo isku soo xi ray qolkiisa kuna gacan seyray dadaalkii uu wa laalkiis uga soo saari lahaa qolka.
Cumar ayaa dareemay xanuunkiisa: "Wax wal ba way ka soo xirmeen."
Arrinta Bidun ee dalka Kuwait waxay soo bilaab atay sanadkii 1961, markii qaar ka mid ah qoysas ka oo degganaa xadka aysan dalban dhalashada dalkaas, kaddib markii Kuwait ay xornimadeeda ka qaadatay Britain. Dalalka kale ee gobolka Khaliijka ayaa sidoo kale waxaa ku nool dad aqo onsi la'aan ah. Dalal kale oo Carabta Khaliijka ka tirsan sida Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta wa xaa sidoo kale ku nool dad dhalasho la'aan ah, kuwaasoo ka soo jeeda qowmiyadaha reer miyiga ah ee aan dalban aqoonsiga.
Meelaha kale ee gobolka, dadka ayaa aqo onsi la'aan noqday kaddib markii dowladda ay ka qaadday dhalashadooda, sida Baxreyn oo tiro dadka deegaanka ah ka qaadday waraaqaha aq oonsigooda.
Arrintan ayaa mid cakiran ku noqotay dowlad da Kuwait, oo qowmiyadda Biduns u aqoonsan "dad sharci la'aan ku jooga dalkaas".
Waxay sheegtay in keliya 34,000 oo ka tirsan in ka badan 100,000 oo aqoonsi la'aan ku ah dal kaas ay xaq u leeyihiin inay codsadaan dhala shada iyo inta hartayna ay yihiin dad dal kale u dhashay ama kuwo iyaga ka faracmay.
Hardan joogto ah
Kaddib markii Hamad uu dhammeeyay dugs iga hoose, ma uusan awoodin inuu iska diwaan geliyo dugsiga sare sababo la xiriira inuu ka soo jeedo bulshada Bidun. Qoyskiisa ma aysan heysan lacag ay ku geeyaan iskuul si gaar ah loo leeyahay.
Wiilkan ayaa ku soo koray isagoo arkaya aab bihiis iyo walaalihiis oo nolo aan degganeyn ku nool iyagoo soo iibsanaya iskana sii iibinaya gaw aari; waxay hal bil iska iibinayaan gaari iyagoo af arta bilood ee xigtana la dalaa dhacaya nolosha.
Wuxuu u muuqday mid go'aan ku gaaray in sida asi ay ahayn noloshii uu doonayay. Walaalkiis ayaa sheegay in riyadiisa ay ahayd inuu ku biiro milatariga.
Balse iyadoo ay fursaduhu gabaabsi ku noqdee, Hamad wuxuu awooday inuu waddooyin ka qare ku iibiyo ilaa ay qabteen saraakiisha dowl adda hoose.
Wuxuu kaddib iksu dayay inuu qoolley ku soo iibsado kala bar diinaarka Kuwait ($1.65; £1.21) balse wuu iska daayay markii uu khasaaro kala kulmay. Kaddib markii Hamad uu dhammeystay side ed bilood oo xabsi ah sababo la xiriira inuu lax xaday si uu u iibiyo, walaalkiis kale, Jasem, ayaa warqad safar ah u soo jaray wuxuuna dalxiis ugu kaxeeyay Morocco. Omar wuxuu sheegay in dalxiiskaas uu wala alkiis u bidhaamiyay nolol kale.]"Wuxuu arkay dunida, wuxuu arkay nolosha, wuu faraxsanaa. Wuxuu halkaas joogay muddo sad dex toddobaad ah balse waxay la ahayd inuu sa ddex sano joogay. Shantii sano ee xigtay wuxuu ka hadli jiray safarki uu ku tegay Morocco."
Dadka is dilaya oo kordhay
Dhowaan, Hamad wuxuu bilaabay inuu hooyadiis u sheego inuu doonayo inuu nolol dhisto, guursado uuna dego. Balse iyadoo uusan qoysku dhaqaale heynin, wax yar oo ay ku caawiso ayay heysay iyadoo xusuusisay in "Allah uu irsaaqada furi doono".
Omar ayaa sheegay inuu ka hadlay inuu is dili doono balse qoysku uusan taas ka filan ilaa laga gaaray subax, uu naftiisa dab qabad siiyay.
Kaddib dhacdadaas, xildhibaan Marzouq alXalayKhalifah ayaa dowladda ugu baaqay inay guddi u saarto waxa sababay kiisaska dhowrka ah ee dad ka ka soo jeeda Bidun ee is dilaya.
"Waxaan ku nool nahay dal ay nimco taallo... welina dad baa isku dilaya inay ku nool yihiin nolol adag iyo ciriiri ay maalin walba la kulmaan."
Abdullah alXalayRabah oo u dhaqdhaqaaqa qowmiy adda Bidun ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko dadka Bidun ee gaaraya 34,000 ee loo og golaaday dhalashada la siiyo dadka kalena loo oggolaado xuquuqda shacabka oo u suurto gelineysa inay noolaadaan.
Cumar wuxuu sheegay in isaga iyo dad kale ay dareemeen in dalkii ay ku dhasheen uu xaq ku leeyahay balse uu la socdo dhibaatooyinka ay marayaan dhalinyarada bulshadiisa.
"Tani waa jiilkii saddexaad ee aanan xalka u heyn arrinta, muddo intee ah ayay sugayaan? Dabcan way saameyneysaa."
Cumar, waxa keliya ee uu doonayo waa inuu walaalkiis garab joogo.
Caadi ahaan, wuu ka tagaa Sulaibiya mar walba oo uu fursad u helo, si uu u illaabo walwalka hey sta wuxuuna keligiis tagaa badda. Balse haatan maalin walba, wuxuu isbitaalka ku booqdaa Ha mad isagoo ka daawada daaqadda qolka dary eelka gaarka ah ee uu ku jiro.
Wuuna sugaa, isagoo rajeynaya inay dha qaatiirtu u sheegaan war farxad leh.Dhammaan magacyada warbixintan ku jira waa la beddelay si
loo ilaaliyo aqoonsiga shakhsiyaadka.
XIGASHO:BBC
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA JANNAAYO 2021
..