Doorashada Uganda: Dowladda oo Mamnuucday Adeegsiga Baraha Bulshada

0
Wednesday January 13, 2021 - 22:45:26 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Uganda: Dowladda oo Mamnuucday Adeegsiga Baraha Bulshada

    Dowladda Uganda ayaa soo saartay go'aan ay ay dalkeeda uga mamnuucayso baraha xiriirka bulshada ee xilli lagu wado in maalinta berri ah ay dalkaasi ka dhacdo doorasho madaxtinnimo. Dowladda ayaa waxaaha bixiya adeegga internet-ka ee dalkaas o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Uganda ayaa soo saartay go'aan ay ay dalkeeda uga mamnuucayso baraha xiriirka bulshada ee xilli lagu wado in maalinta berri ah ay dalkaasi ka dhacdo doorasho madaxtinnimo. Dowladda ayaa waxaaha bixiya adeegga internet-ka ee dalkaas oo amar ku siisay in ay gabi ahaanba hawada ka saaran dhammaan baraha bulshada ilaa amar dambe. Xukuumadda Uganda ayaa si gaar ah u beegsatay Facebook, Twitter, WhatsApp, Viber iyo Signal. Uganda ayaa horay barta Facebook ugu eedeysay in ay jahawareerin ku hayso ra'yul caamka dadka reer Uganda eek u aaddan arrimaha doorashooyinka. Afhayeen u hadlay madaxtooyada Uganda ayaa sheegay in falalkii maalmihii la soo dhaafay ay ku kacaysay Facebook ay ahayd faragelin dibadeed oo lagu gacansiinayay musharraxa mucaaradka Bobi Wine. Madaxweynaha Uganda oo dalkaas xukumayay tan iyo 1986-kii ayaa haatan u sharraxan in uu sii hoggaamiyo dalkaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip