Galmudug oo ka hadashay weerarka dadka lagu dilay

0
Wednesday January 13, 2021 - 22:30:26 in Wararka by
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo ka hadashay weerarka dadka lagu dilay

    Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay weerarka Shanta qof ee Shacabka ahaa ee galabta lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa loogu tacsiyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay weerarka Shanta qof ee Shacabka ahaa ee galabta lagu dilay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa loogu tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay deegaanka Xirsi Lugeey ee duleedka demmada Balanballe, iyada oo lala wadaagaysaa ehelada, qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan umadda reer Galmudug. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegay in ay isku xilsaareyso sidii xal looga gaari lahaa coolaad beeleedyada soo laab laabtay, waxaana loogu baaqay laamaha Amniga Galmudug inay gacanta ku soo dhigaan dadkii dhibkaas geeystay. Wasaaraddu waxay xil gooni ah iska saaraysaa sidii loo xakamayn lahaa colaadaha nuucaan ah iyo kuwa la midka ah waxayna laamaha amniga Galmudug amraysaa in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii dhibkaas geeystay lagana hor tago inuu dhib kale ka dhaco deegaanadaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip