HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-DEC-2020

0
Monday December 28, 2020 - 10:49:14 in Wararka by
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-DEC-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

W Rooble oo ku dhawaaqay inay la hadlayaan Madaxda tabashada ka qabta Arrimaha doorashooyinka

   R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Roo ble ayaa shir muhiim ah la qaatay wakiiladda iyo safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya  kaas oo looga hadlayey Dar-dar gali nta hanaanka doorashadda dalka.

    R/Wasaare Rooble  ayaa    cad die yay sida ay xukuumadda uga go’an tahay qabashada doorasho nabdoon ku dhacda isagoo mar kale ku celiyay in uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid kasta oo cab asho ka qabta arrimaha doorashooyinka dalka.

   Sidoo kale R/wasaaraha waxaa uu sheegay in xubnaha beesha Caalamka uu kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashada dalka, isla mar kaana kulankaas uu qeyb ka aha wadatashiyada la xiriira arrimaha doorashada.

     Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dalkaan uusan u wanaagsaneyn hadalo dalkaan dhibaao u horseedi karto, waxaana uu sheegay in cid kas ta oo tabasho qabta in uu la kulmayo.

Hadalka

  R/Wasaaraha XFS Md.Rooble ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Midowga Musharixiinta & inta badan xubnaha mucaaradka ay tabasho ka qaba an guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in lag soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.

Guddoomiyaha G/Banaadir oo digniin ka soo saaray isku-dhacdaya Ciidamada

     Guddoomiyaha Maamulka G/Banadir Md.Cum ar Maxamuud Maxamed (Finish) aayaa si kulul u ga hadlay shaqaaqadii dhwaan ka dhacday D/Ka araan ee G/Banaadir, isaga oo u tacsiyadeeyay dadkii  ku dhintay Shaqaaqaadaas,   Isaga oo ka qeyb-galayay Guddoomiyaha Kulan ka dhacay D/Kaaraan ayaa waxaa uu ugu baaqay bulshada inay ka hortag aan dadka duhsooda ku dagaalama ya, isla markaana meel uga soo wada jeestaan.

  "Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiil ashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda ayuu yiri” Guddoomiye Cumar Finish.

      Ugu dambeyn G/G/B/dir waxaa uu sheegay in dalkaan uu soo maraya burbur xoogan oo ku yim id,goobaha waxbarashada,Waddooyinka & caaf imaadka loona baahan yahay in dib loo dhiso.

    Hadalka Gudodomiyaha  ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan degmada Kaaraan ay ku dagaalameen laba Ciidan oo ay kala hoggaamina yeen laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada, iyada oo weli saan saan colaadeed laga dareemayo de gmadaasi Kaaraan.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo saxiixay Xeer-ni daamiyaha sharciga shirkadaha Soomaaliya

    Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada ha XFS Md.Xil Khaliif Cabdi Cum ar, ayaa Shalay si rasmi ah u saxi ixay Xeer-nidaamiyaha sharciga shi rkadaha Soomaaliya ee sharci la mbar 18 oo la soo saaray 26-kii bi shii 12-aad 2019 islamar ahaantaa na noqon doona xeer lagu dhaqan-geliyo sharciga shirkadaha kaasi fududeynaya hab-raaca dhismaha, diiwaan-gelinta shirkadaha, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay.Kulanka lagu saxiixayey Xeer-ni daamiyaha, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb-galay wasiiru-dawlaha W/ganacsiga &warshada ha XFS Md.C/dir Shariif Sheekhunaa Maye, Was iir-ku-xigeenka W/G.Md.Cali Maxamed Sh. Bag adi, agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabd icasiis Ibraahim Aadan, la-taliyeyaasha, Agaasi me Waaxedyada wasaaradda & mas’uuliyiin kale.

     Wasiir Khaliif Cabdi Cumar oo markii uu saxii xay sharcigaan ka dib, la hadlay warbaahinta, aya a ka waramay ahmiyadda uu xeer-nidaamiyahani u leeyahay ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay mid dhiiri-gelinaya ganacsiga, wax so osaarka iyo maal-gashiga sidoo kalena uu yahay sharci horumarin doona guud ahaan dhaqaalaha waddanka.

  Wasiirka sido kale tilmaamay in xeer-nidaamiya hani sahlaayo in iyada oo la adeegsanayo fursa daha farsamada iyo tiknoolajiyadda ay ganacsata du adeegyada Wasaaraddu bixiso heli doonaan iy aga oo jooga xafiisyaddooda iyo goobahooda sha qo ku sugan.

Xubno Ka Tirsan Midowga Musharaxiinta Oo U Duulay Magaalada Garoowe

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aa dan Cadde ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda M/ Garoowe. Md.Xasan Sheekh ayaa waxaa socda alka ku wehlinayay Madaxweynihii hore ee Maam ulka K/Galbeed Shariif Sh Axmed Aadan iyo xub no kale oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta, iya doo tegaya Caasimadda Puntland.

    Ujeedkooda ayaa waxaa uu yahay ka qeyb gal ka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo ka furmaya M/Garowe, kaasi oo markii horreeyay ee lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

  Guddoomiyeyaasha 2da Aqal ee BFS Maxamed Mursal Sh.&Cabdi Xaashi C/hi iyo wafdi la socday aya a Dorraad gaaray Garoowe, iyagoo uga qeyb geli doona Shirka Madasha Aragti Wadaagga.

    Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa Garoowe wufuud kala oo qeyb galaya Shirka oo looga hadli doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya. Inta badan siyaasyiinta  dalka ee la gu casuumay shirkaasi iyadoo ay ku sii qulqula a an waxaana la filayaa in maanta laga furo shirk aasi M.Garwoowe ee puntlnad.

Dowladda Somaliya oo ku dhawaaqday in Ciidamo gaar ah loo diyaariyay Amniga dorashooy inka

    Xukuumadda FS ayaa sharaxaad ka bixisey qo rshaha xukuumadda ee ku aaddan sugidda amn iga Doorashooyinka dalka maadaama meelo ba dan oo kamid ah dalka ay ka dhac ayaan dorasho oyinka Baarlamaan ka 2da Aqal.

    Wasiiru dowlaha W/amniga Soo maaliya Farx aan Cali Axmed ayaa shegay in qor shaha amniga doorashooyinka ay dejiyeen, isla markaana DFS & D/Goboleedyada ay ka wada heshiyeen.

     Waxaa uu sheegay in sidoo kale Ciidamo gaar ah loo diyaariyay 11 magaalo oo dalka ah oo la fil ayo inay ka dhacayaan doorashooyinka, kuwaas oo isigu jira Ciidamada DFS & kuwa AMISOM.

    Hadalka Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu muran ka taagan yahay guddiga qaban lahaa doorasho oyinka oo ay kasoo horjeesteen Musharixiinta Mu caaradka, iyaga oo sheegay in laga soo xulay Ha y’adda NISA & Shaqaalaha dowladda.

Galmudug oo faah faahisay halka ay maraya an howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

     Wasiirka Wasaaradda amniga Galmudug Axm ed Macalin Fiqi oo jaraa’id ku qabtay  magaalada Gaalka cyo  ayaa ka warbixi yay  halka ay maray aan howlgalada la dagaalanka Al-Shabaab ee ka socda degaann ada Maamulkaas.

     Wasiir fiqi ayaa sheegay ina ay weli howlgall ada ka socda Magaalada Gaalkacyo, iya da oo ay baadi goobayaan dadkii soo abaabulay weerarkii ismiidaminta ahaa ee lagu dilay saraakiisha, kaas oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Galmudug & kuwa Feder aalka ay diyaar u yihiin inay ka saaraan degaanna da ay ka joogaan Galmudug Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda & kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo waxaa ay Magalada Gaalkacyo ka wadeen howlgallo kala duwan oo lagu qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo la geeyay Sal dhiga Booliska Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Xeebaha Gobolka Jubadda Hoose oo lagu la’yahay Rag Kaluumaysato ah.

     Dabeylo xooggan ayaa ka kacay xeebaha go bolka Jubbada Hoose kuwaasi oo saameyn ku ye eshay kalluumeysatada iyo doomaha ganacsiga ee shixnadaha ganacsi u qaada jaziiradaha iya goo ka cabsi qaba in dabeyluhu ay dhibaateyan.

   Arrintan ayaa keen tay ko ror ku yi mid sic irka kalluun ka ee suuq yada M/Kismaa yo maadaama do omuhu aysan badda gelin karin si ay u soo jil laabtaan.

    Qaar kamid ah Ganacsatada Kalluunka ee M/Kismaayo ayaa waxay sheegeen in Kalluunka uu aad u yaraaday dabeylaah aawgood, isa mar kaana uu aad qaali u noqday, siodoo kalena ay d hibaato soo wajahday dadka ka Gacacsada Kallu unka. Waxaa uu sheegay in saddex doon lagu la’ yahay Xeebaha G/J/Hoose, isla markaana dadkii saarnaa qaarkood la helay qaarna la la’yahay, wa xaana ay sheegeen in saameyn ballaaran ay ku yeesheen dabeylaah ka dhacaya Xeebaha G/ J/Hoose.

    Inta badan markii Xeebaha gobolada dalka ay ka dhacaan dabeylaha ayaa waxaa saro u kaca qiimaha la iibiyo Kalluunka noocyadiisa kala du wan, waxaana sidoo kale dabeylaha ay sababaan in la waayo doomo farabadan iyo dadkii saarnaa.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Saxiixay Miisaaniyadda Sanadka 2021

      Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa M/Mu qdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Finish) ayaa Shalay saxiixay Miisaaniyadda sa nadka 2021 ee Maamulka G/Banaa dir,ka dib markii ay meel mariyeen gu ud ahaan Masuuliyiinta kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

     Tirada guud ee Maamulka ee Goobta fadhiyey ayaa waxay aheyd 65 Ergo, Waxaa ansixiyey Mii saaniyadda 62 Ergo, waxaa diidey 0 waxaana la aamustay 3 Ergo.

     Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir ee la meel mariyey ayaa noqo neysa $36,857,503.00.

    Ansixinta Miisaanidda G/Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenada Ma amulka G/Banaadir,Xoghayaha Guud ee G/Ban aadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir.

Sh.Umal oo jawaab ka bixiyey hadal nax din leh oo kasoo yeeray masuul reer Puntland ah

     Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo maalmo ka hor ka had layey amniga M/Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka go’een in salaadda ay ku dukadaan Masaajidda, isagoo eedeyn la xariirta amniga u jeediyey culumada magaal ada. Guddoomiyaha ayaa sheegay in culumada masaajidda Gaalkacyo aysan khudb ada uga hadlin dhacdooyinka ka jira magaalada.

    "Maalintii guddoomiyihii aniga iga horeeyey la qarxiyey oo dad badan oo aniga ehelkeyga ah is ku meel lagu laayey, Jimcihii ku xigay waxaan dhageystay khudbadda masaajidkii ii dhawaa, wa xuuna Sheekhii uga hadlay ‘Tarabiyatu awlaad,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif Muuse.

    Waxa uu sheegay in Sheekh laga rabay todo baadkaas wixii magaalada ka dhacay inuu ku qa ato khudbadda.

     "Culumada waxaan u sheegayaa masaajidda kaligiin ku dukan meysaan ama waan xireynaa ama Shabaab waan la wada dirireynaa,” ayuu ha dalkiisa ku sii daray.

    Sidoo kale guddoomayaha ayaa sheegay in cul umada uu horay ula kulmay, isla markaana uu u sheegay in masaajidku uusan ‘waxaba ugu fadhin oo Adinkiisuna uu dhibo’ sida uu sheegay, isagoo tilmaamay in masaajidda ay xiri doonaan ama si nabad ah ay ugu wada dukan doonaan.

    Hadalka guddoomiyaha G/ Mudug ee Puntland waxaa ka jawaabay Sh.Maxamed Cabdi Umal, waxuuna hadalkaas iyo sacabkii shacabka goo btaas fadhiyey ku tilmaamay mid laga naxo.

    "Waxaan is iri ninkan ma culumo gooni ah ayuu ka hadlayaa? laakiin markaan dib u sii dhageyst ay hadalkiisa culumada oo dhan ayuu ka hadlay aa, marka hadalka noocaas ah oo qof muslim ah uu ku dhiiraday oo sidaas baraha bulshada loogu faafiyey oo hadana qof masuul ah uu ka soo yeer ay, waa arrin runtii aad iyo aad looga naxo,” ayuu yiri Sheekh Umal.

      Sheekh Umal oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdiladiif hadii uu aw ood u leeyahay uu albaabada isugu dhifan lahaa masaajidda magaalada, sida madaxweynaha Far ansiiska Macron oo kale. Isagoo ugu baaqay in uu toobad keeno allana denbidhaaf weysiisto.

Muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka oo Shalay ku eg (Yaa bedelaya)

    Waxaa Shalay ku egkeyd muddo xileedka Baa rlamaanka 10aad ee FS oo soo shaqeynayay muddo 4 sano ah, iyadoo Shalay ay ku beegneyd hay maalintii la dhaariyay Baarlamaanka 2da Aq al oo wadajir ah. 27 bishii Dec em ber 2016 ayay ahey markii la dhaa riyay Xildhibaannada iyo Senatada 2 Gole ee G/Shacabka &Aqal ka Sare, xilligaasoo markii u horeysay uu dalku yeeshay Aqal Sare.

    Baarlamaanka 2da Aqal ee waqtigiisa dhamm aaday ayaa dalku waxaa uu gelinayaa xaalad cu sub, maadaama wali aysan dalka ka dhicin doora sho la isku raacsan yahay oo suura geliya Baarla maan bedela Baarlamaanka hadda waqtigiisu dhammaaday.

     Guddoomiyaha G/Shacabka Maxamed Mursal oo 7adkii hore ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka 10aad uu xilka sii heynayo illaa laga dhaariyo Baarlamaanka 11a ad, si aanay u dhicin firaaq dastuuri ah, sida uu Dastuurka qodobkiisa 60aad uu dhigayo iyo wax ka bedelka sharciga LR 20.

    Si kastaba ha ahaatee muddo xileedka ka dha mmaaday G/Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ku soo aaday, iyadoo dalka uu ka jiro khilaaf siyaas adeed oo ka taagan hannaanka doorashada oo aan weli la isku raacsaneyn, waxaana Baarlama anka 10aad uu waqtiga ka dhacayo, iyagoo aan ansixin miisaaniyadda sanadka 2021 oo ay soo gudbisay Xukuumadda, taasoo weli dood laga lee yahay.

Madaxweynaha Somaliland oo kulamo ka wadda Jabuuti

   Madaxweynaha  Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii shanaad ku sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u jo ogay hawlo shaqo ayaa Shalay booqday safaar adda Somaliland ay ku leedahay dalka J/Jabuuti.

    Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku si iyey safiirka J/Somaliland u qaabilsan dalka Ja buuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo ay we helinayaan safiir ku xigeenka, Amb. C/hi Xaaji Suldaan iyo ha wl-wadeenada safa aradda, isa goo ku dheeraaday mu dadii uu safiirku joogay wixii u qabsoomay.

    Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ay aa sharaxaad ka siiyey Madaxweynaha Somalil and iyo weftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee Free Żonę-ka Dhinaca kale madaxweynaha Som aliland Md/Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la soc day waxa hadhimo sharafeed u sameeyey maar eeyaha dekedaha Jabuuti Md. Abuubakor Cumar Xaddi oo ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo masuuliyiin kale.

Faysal Waraabe oo dalab xasaasi ah u jeedi yay Geelle, kadib safarkii Biixi ee Jabuuti

    Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa markii ugu horeys ay ka hadlay safar uu madaxweyna ha Somaliland Muuse Biixi ku tagay dalka Jabuuti, isagoona she egay arrin uga muhiimsan qaabkii ay xu kuumad da Jabuuti usoo dhaweysay Muuse Biixi.Faysal ayaa sheegay inaysan macno bu uran u sameynayn in madaxweynahooda loo dhigo roog cas, isla markaana loo dhiibo ubaxyo, balse taasi badelkeed ay ka jecel yihiin in xukuumadda Jab uuti ku dhiirato taageerada qad iyada Somaliland ee gooni-goosadka.   Waxa uu madaxweynaha J buuti ka dalbaday in uu ka mar qaati kaco madax-banaanida Somalil and, isagoo fagaarayaasha ca alami ga ka sheeg aya inay Somaliland tah ay dal jira oo ka madax-banaan J/Soo maali yada, hase yeeshe aan weli helin aqoonsi caalami ah. "Waxaan arkayey Mad axweynahee na oo Jabuuti tagay, Qadiifad loo dhi gay,Ubaxna loo dhiibay,Annagu waxaanu Uba xaa ka jeclayn Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) oo kalmad wanaagsan noo yidhaahda oo ah inaa nu dal aha an jirnay, oo Wallo-weyntan uu u tag ayo ee aan jirin uu ku yidhaahdo Dalkani dal idin ku soo biiray buu ahaa oo 4.5-ka aad sheegays aan muu jirin”.

    Sidoo kale waxa uu madaxweyne Geelle u je ediyay inuu DFS oo uu saaxiib dhow la yahay uu ka dhaadhiciyo in Somaliland aysan qeyb ka ah eyn hanaanka 4.5-ka, oo ay tahay dal jira, horena u jiri jiray, sida uu hadalka u dhigay.

    "Ismaaciil waxaanu leenahay sidii aanu kuugu shaqaynay ee aanu halganka kuugu galnay noo gu shaqee, jaarnimada eeg,Gacalnimada eeg, Ta ariikhda eeg,Cadaaladda eeg”ayuu ugu dambey ntiina yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaanada Waqtigooda Dhammaaday Oo Maanta Kulan Yeelanaya

   Xildhibaanada G/Sh/Baarlamaanka FS ee xil-ga arsiinta ah ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la fila yaa in mid kamid kulamadoodii caadiga ahaa ay ku yeeshan Xarunta Villa Hargeysa ee M/ Muqdi sho. Ajendaha kulanka Xildhibaa nada ayaa wax aa uu yahay sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo ba xay G/Sh.,Akhrinta 2aad ee Qo ondada Miisaaniy adda DFS ee sanad ka Cusub ee 2021.

    Xildhibaanada G/Shacabka ee waqtigoodu dha mmaaday ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aaddan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana la ga doonayo inay kasoo qeyb ga alan kulankaas, si loo dardar geliyo howlaha weli horyaalla Golaha.

    Maalintii shalay aheyd ayuu dhammaday mud do xileedkii Xildhibaanada 2da Aqal ee BFS, iyag oona xilka siheyn doona ilaa iyo inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 11-aad ee DFS.

    Guddoomiyaha G/Shacabka Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa horey u shaaciyay in Xil dhibaanada ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta laga soo dhaarinayo Xildhibaanada Cusub, xili uu weli khilaaf ka taagan yahay doorashada dalka ka dhaceysa.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2021

     Madaxweynaha DG/Hirshabeelle Md.Cali Gu udlaawe ayaa Shalay shir gudoomiy ay shirka G/W/Hirshabeelle oo Sha lay ka dhacay M.Jow har.  Madaxw eynaha ayaa Shirka G/Wasiirada ee Shalay warbixino uga dhageystay siihayay aasha Wasiirada Wasaaradaha Awqaaf ta iyo Ari maha Diinta, W/ Kaluumeysi ga, W/Xan aanada Xoolaha, W/ Bad roolka, W/Shaqada &Arimaha Bulshada, W/Hawe enka iyo Xuquuqul Insaanka iyo W/Dastuurka.

    Golaha Wasiirada Maamulka ayaa Shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyad Sanade edka 2021 ee Hirshabeelle oo 7aadkii hore    Gol aha ay usoo gudbisay W/Maaliyada.

    Xildhibaanada B/Maamulkaas ayaa loo gudbin doonaa Miisaaniyadda sanadka 2021, si ay u ansi xiyaan Miisaaniyada, iyagoona cod ga can taag ah u qaadi doona.


Wasiir Duraan oo dhagax-dhigay xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada X F S,Md.Duraan Axmed Faarax ayaa Shalay dhag ax-dhigay xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Hor umarinta Dhallinyarada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip