Saacadihii u dambeeyey nolashii Cumar Mukhtaar: Hoggaamiyihii xornimo u dirirka Liibiya.

0
Friday December 11, 2020 - 21:00:17 in Wararka by
  • Visits: 1787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saacadihii u dambeeyey nolashii Cumar Mukhtaar: Hoggaamiyihii xornimo u dirirka Liibiya.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Cumar Mukhtaar wuxuu ahaa hoggaamiyihii halgankii gobannimo doonka Liibiya ee dagaalka ba’an la galay guumaystihii Talyaaniga ee dalkaasi ku duulay isla markaana qabsaday muddadii u dhaxeysay 1920-1930.

 
Cumar oo da’diisu aheyd 73 sano ayaa ku dhaawacmay mid ka mid ah dirirtii ciiddankii Talyaaniga iyo xooggagii xoriyad u dagaalanka Liibiya, waxaana gacanta ku dhigay askartii Talyaaniga.
 
Dagaalka lagu qabtay Cumar Mukhtaar wuxuu ka dhacay 11 September 1931 tuulada Suluntah ee ka mid ah degmada Jabal al Akhdar oo 27km koonfurta uga began magaalada Bayda.
 
Saraakiishii Talyaaniga waxay isku dayeen inay Cumar Mukhtaar ka dhaadhiciyaan in uu dirirta joojiyo uuna kala diro kooxdiisa guumaysiga ka soo horjeeday, hase yeeshee waa uu diidday, waxaana ugu dambeyn go’aan lagu qaatay in la daldalo.
 
Subax Jimce ah, 16 Septmber 1931 Maxkamad ayaa la soo taagay Cumar Mukhtaar iyado lagu haminayey in haddii la dilo halgankii reer Liibiya uu la dhaminayo saga, markii Cumar oo ku labisan dhar qolka maxkamadda la soo galiyey, waxaa wada sheekaysi taariikhda galay uu dhexmaray isaga iyo Garsoorihii Talyaaniga ee dacwada qaadayey.
 
Xaakimkii Talyaaniga " Ma la dagaashay dawladda Talyaaniga?”
 
Cumar Mukhtaar "Haa”
 
Xaakimkii Talyaaniga " Dadka ma ku dhiirigalisay inay la dagaallamaan Talyaaniga?”
Cumar Mukhtaar "Haa”
 
Xaakimkii Talyaaniga "Ma ka war haysaa ciqaabta ay leedahay waxa aad ku kacday?”
Cumar Mukhtaar " Haa”
 
Xaakimkii Talyaaniga " Imisa sano ayaa ku jirtay dagaalka ka dhanka ah Talyaaniga?”
Cumar Mukhtaar " Labaatan sano in ka badan”
 
Xaakimkii Talyaaniga " Ma ka qoomamaynaysaa wixii aad sameysay?”
Cumar Mukhtaar "Maya”
 
Xaakimkii Talyaaniga "Ma ogsoonsatahay in lagu daldalayo?”
Cumar Mukhtaar " Haa”
 
Garsoorihii oo caro ka muuqato ayaa dubbaha miiska ku dhuftay, isagoo indho kulul ku soo eegaya Cumar Mukhtaar ayuu yiri " Waa in laga takhluusaa sida nin adiga oo kale ah”.
 
Cumar Mukhtaar oo u jawaabaya xaakimka maxkamadda ayaa yiri " Dalkeyga dartiis taasi waa sida ugu fiican ee nolasheydu ku dhammaan karto”.
 
Laakiin xaakimkii ayaa mar kale hadalka qaatay wuxuuna Cumar u soo bandhigay dalab uu kaga badbaadi karo in la dilo kaasi oo ahaa in dalka laga musaafuriyo waxaase shuruud ah in uu ka dalbado xoggaga mujaahidiinta inay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan Talyaaniga.
 
Hal mar ayaa la soo wada eegay Cumar Mukhtaar iyagoo la is leeyahay wuxuu u dabci doonaa dalabka Talyaaniga wuxuuna yiri hadalkii caanka ahaa " Farteydaas aan ku muujiyo marka aan tukunayo in ALLE uu yahay kan kaligiis xaqa lagu caabudo, Muxamed-na yahay rasuulka ALLE kuma qori karo erey been ah, isma dhiibayno waynu guulaysanaynaa ama waynu dhimanaynaa”.
 
Intaas ka dib Cumar Mukhtaar waxaa lagu fuliyey daldalaad oo xarig ayaa luqunta looga xiray ka dibna waxaa lala tuuray kursi isagoo ka soo laadlaada alwaaxa daldalaada ayaana naftu ka baxday.
 
Xigasho: Buugaagta: Omar Al Mokhtar Lion of the Desert, The Biography of Shaikh Omar Al Mukhtar.
 


Qoraa sare: Mowliid Xaaji Cabdi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip