'Waxaan ka mid ahaa dadkii joogay Gelato Divino, sidan ayeyna wax u dhaceen'

0
Saturday November 28, 2020 - 14:53:33 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Waxaan ka mid ahaa dadkii joogay Gelato Divino, sidan ayeyna wax u dhaceen'

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

‘Waxaan ka mid ahaa dadkii joogay Gelato Divino, sidan ayeyna wax u dhaceen’

 

Gelato Divino oo caawa [xalay] qarax ka dhacay ayaan ka mid ahaa dadkii halkaa fadhiyey oo ka badbaaday. Afar jeer oo ka horreeysay ayaa sidaan oo kale loo soo weeraray goob aan u Shaah doontay laakiin waa qoraalkii ugu horreeyey ee aan ka sameeyo.

Laba saaxiib oo ila socotay ayaan ku nimid Gelato Divino. Saacaddu waa siddeeddii fiidnimo. Waxaan isku-qabsannay aan gudaha galno iyo aan bannaanka fariisanno. Ugu dambeyn gudaha ayaan u gudubnay. Gabar ayaa dalab naga qaadday.

Intii dalabku noo maqnaa ayaan u sheegay saaxiibbaday in goobta aan joogno qatar tahay meel loo baxsadana aysan jirin. Hadalkeyga culeys uma aysan arkin laakiin aniga dhawr jeer oo aan isla Gelato Divino imidba isla hadalkaan ayaan iri.

Qiyaastii mar aan fadhinno 20 daqiiqo ayaa xaaladda oo dhan isbeddeshay. Qarax aad u weyn ayaa na qabsaday. Dadka intii badbaadday waxaa ku dhacay argagax. Dumar iyo carruur oynaya, meyd Iyo dhawaac daadsan iyo qaac madow ayey goobtii qurxooneyd isku beddeshay.

 

Dadka qaar waxay jabsadeen daaqad yar waana la isbuurtay si daaqaddaas yar looga baxo. Waxaan arkay inay adag tahay in la baxsado waxaana go’aansaday inaan meyd-yaal iska dhigo oo burburka dul seexdo ugu dambeynna qof ka mid ah Shaqaalaha Gelato Divino ayaa noo sheegay inaysan qatar kale jirin.

Bannaanka ayaan u soo baxay waxaana ku arkay dhammaan kuraasta oo ama qof dhaawac ah saaran yahay ama meyd ah. Walaalo han weyn lahaa ayaa nolosha la dhaafiyey iyadoo ciddii dishay aysan noo sheegi karin sabab ay ku beegsadeen shacab nabad ku wada shaahaya.

Ilaahey u naxariisto.

Bashiir Maxmud –Waxaa uu ka bad-baaday qaraxii xalay ka dhacay Gelato Divino. Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, inta noolna caafimaad deg deg ah oo taam ah ha siiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip