Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho

0
Saturday November 28, 2020 - 09:41:15 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

       Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan Al- Cusuumi ayaa cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ka gaysteen magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

        Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa adkeeyay in weerarada Al-Shabaab ay la beegsanayaan dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan aysan ka hor istaagi doonin Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaalkeeda la xiriira sugidda Amniga iyo xasilooni uu dalku gaaro. 

          "Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Shacbigeeda dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxaanan ka taageeri doonaa tallaabooyinka looga hortagayo ururada Argagixisada ah” sidaana waxaa yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan.

        Ugu danbayn guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday falkaasi , wuxuuna sidoo kale caafimaad buuxa oo dag-dag u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip