Daawo: Axmed Daaci oo u digay Xasan iyo Shariif, farriinna u diray FARMAAJO

0
Friday November 27, 2020 - 09:04:18 in Wararka by
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Axmed Daaci oo u digay Xasan iyo Shariif, farriinna u diray FARMAAJO

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Daawo: Axmed Daaci oo u digay Xasan iyo Shariif, farriinna u diray FARMAAJO

 

             Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) ayaa fariin u diray madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, isagoo si gaar ah ugu digay Madaxweyne Farmaajo.

            Axmed Daaci ayaa sheegay in ragga hadda siyaasadda isku haya kuwooda ugu cad cad ay bulshadu wada taqaano wax qabadkooda, mar dambena aan lagu hungoobi doonin.

        "Madaxweyne dalka markii laguu dhiibay halkii uu joogay hadda horay ayuu uga dhaqaaqay kuma dhaheyno, laakiin laba qodob ayaan kuu heynaa, waana in aad mushaarkooda siiso shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, balse wax ka daranaa yimid oo Shabaab ayaad mushaar siisaa,” ayuu yiri Axmed Daaci.

             Isaga oo sii hadlaayey ayuu yiri, "Madaxweyne nama aadan xoreyn ee xoolihii aad naga qaaday ayaad noo qeybisay anaga iyo Al-Shabaab, marka nin laba mushaar bixiya ayaad tahay, Al-Shabaab kuma dhiira karin markii hore inay canshuuraan dekedda, garoonka iyo ganacsiga kale ee dalka, marka wax dambe oo aad nagu sasabato kuuma yaaliine xabad yaanaa kaa dhaxlin.”

 

            Dhanka kale Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ayuu ka dalbaday in mucaaradka ay hoggaamiyaan aysan eed ka imaan, "Mucaaradku haduu dhibaato keeno adinkaa la idiin heystaa,” ayuu yiri.

          Sidoo kale waxa ugu baaqay labadaas masuul in kursiga sidii looga sugaayey ay u sugaan oo dalka aysan u hor seedin dagaal, "Dooda yaan la joojin, laakiin dalkan waxaa ka xaaraam ah xabadu inay dhacdo, Shabaab ayaa horay noogu wadaye xabad kale yaan la bilaabin,” ayuu yiri guddoomiye Axmed Daaci.

            Waxuu intaas ku sii daray, "Farmaajow ha is dhihin xabad laguugu ridi mayo ee is dhagooley, ninyahow ka deg kursigaas hadii waqtigaagu kuu dhamaado.”

 

Hoos ka Daawo


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip