Daawo: Cumar Filish oo u hanjabay midowga musharaxiinta kadib warkoodii maanta

0
Thursday November 26, 2020 - 20:17:52 in Wararka by
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Cumar Filish oo u hanjabay midowga musharaxiinta kadib warkoodii maanta

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Midowga Musharaxiinta oo maanta soo saaray war murtiyeed ay ku dalbanayaan in la kala diro guddiga doorashooyinka iyo qoddobo kale.

Cumar Filish ayaa sheegay in dowladu tanaasul ka sameysay arrimaha doorashooyinka, ayna xaq u leedahay inay magacowdo guddiga doorashooyinka, balse aan loogu hanjabi karin beel.


"Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Raisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu Gudoomiyihii gobolkaan ahay, gobolkaan masuuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid” ayuu yiri Cumar Filish.

Halkan Hoose ka Daawo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip