Qalbidhagax oo ka hadlay cidda leh mas'uuliyadda in loo dhiibay Ethiopia iyo musharaxnimada Kheyre

0
Saturday November 21, 2020 - 23:35:19 in Wararka by
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalbidhagax oo ka hadlay cidda leh mas'uuliyadda in loo dhiibay Ethiopia iyo musharaxnimada Kheyre

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Qalbidhagax oo ka hadlay cidda leh mas’uuliyadda in loo dhiibay Ethiopia iyo musharaxnimada Kheyre

 

     Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa cadeeyey cidda ay la tahay inay masuul ka aheyd in loo dhiibo Itoobiya, sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uu ka aaminsanyahay musharaxnimada Xasan Cali Kheyre.

Cabdikariin Qalbidhagax oo wareysigan siiyey Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dalkan loo doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaguna uu leeyahay mas’uuliyadda koowaad ee dhibaatooyinkii dhacay.

"Dunuubtan tirada badan ee dalka ka dhacay, markii aan si fiican u qiimeyno waxaa jira qof wadankan loo doortay, shacabka Soomaaliyeed baarlamaanka ay soo doorteen waxay cod siiyeen Farmaajo, isaga ayey aheyd inuu xafido xuquuqda qofka mawaadinta ah intii uu awoodo, dembi kasta oo dhacay marka waxaa mas’uuliyadiisa koowaad iska leh Madaxweynihii umadaan ay dooratay Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Qalbidhagax.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko musharaxminada Kheyre oo xilligii la dhiibay ahaa wasiirkii koowaad ee xukuumadda ayuu sheegay inuu bogaadinayo, hadii Kheyre isu arkay inuu yahay nin Soomaali wax tari kara.

 

Sidoo kale Qalbidhagax ayaa shaaciyey xog uu ka helay sidii isaga ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF loogu daray liiska argagixisada, isagoo sheegay inay fiicnaan laheyd in Kheyre cadeeyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisa.

Waxa uu sheegay in Kheyre ay la gudboontahay inuu yiraahdo ‘qaladkii dhacay intaas ayaan ku lahaa ee hala iga raali noqdo’ maadaama sida uu sheegay Qalbidhagax bini’aadanku qaldami karo mar kasta.

Sidoo kale Cabdikariin Qalbidhagax ayaa sheegay inuu aad ugu farxay markii uu arkay Xasan Cali Kheyre oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raali geliyey doorkii uu ku lahaa wixii loo geystay.

"Qadiyadeydu waxay aheyd mid foolxun oo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay gashay, taas oo dhaawac culus noo geysatay. Mas’uuliyaduna meel ayey ka bilaabataan kuna dhamaataa, ninka loo igmadayna waa madaxweynah Soomaaliya runtii,” ayuu yiri.

Qalbidhagax oo sii hadlayey ayaa yiri, "Golaha wasiirrada maalinkii ay fariisanayeen, waxaan xog ku helay in mudo markii ay fadhiyeen oo qodobkan la isku mari waayey inuu Mahdi Guuleed warqad la soo baxay ee akhriyey sababta ONLF iyo aniga argagixiso nagoola dhigaayo, isagoo halkaas ka sheegay in wax jawaab ah aysan ka furneyn ee la codeeyo, marka waxaan jeclaan lahaa in Kheyre iyo ragiisa ay cadeyaan sidii ay wax u dhaceen maalinkaas.”

Hoos ka Daawo wareysiga

Xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip