HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-NOV-2020
Madaxwayne
Farmaajo "Waxaan la qaybsanaynaa dhibaatada Shacabka iyo dowladda Turkiga”
Madaxweyne Farmaajo ay aa sheegay in
dowladda Soo maaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda
Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho,
dhaawac iyo burbur aad u xoog badan.
Ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo ayaa u
rajeeyey dowladda iyo dadka Turkiga in uu Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee
ay haatan wad do. Waxaa sare u sii kacaysa tirada dadka ku waxyeelloobay
dhulgariirkii ku dhuftay xeebaha Turikiga iyo Giriigga Jimcihii.
Dhulgariirkaas oo ay awooddiisu ahayd 6.6
cabbirka dhulgariirka ayay dowladda Turkigu sheegtay in 20 qof ay ku
geeriyoodeen halkaa 800 oo qofna ay ku dhaawacmeen.
Rooble
oo xukuumadda kaga digay Musuqmaasuqa
Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda
Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa
tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah
musuqmaasuqa iyo ku tagri-fal ka hantida iyo awoodda dowlad nimo.
R/Wasaaraha ayaa kulammo kula
yeeshay Madaxda iyo mas uuliyiin hay’adahan goobahooda shaqada, isagoo na ka
dhageystay warbixinno ku saabsan hanna anka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada
ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, R/Wasaare Rooble oo dul
istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka
mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysa naa
Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas,
iyadoo Xukuu madda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka
Soomaaliyeed.
R/ Wasaare Rooble ayaa kula
dardaarmay Mada xda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu boo qday in ay sii
dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn
xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida.
Xildhibaannada
Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.
GGShBS ayaa saraakiishan ugu hambalye eyay howsha
wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.
Intaasi ka dib Xoghayaha gu ddiga
Maaliyadda, miisaaniya dda, Qorsheynta iyo la xisa abtanka Hay’adda Dowladda ee
Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax
ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowlad da, isagoo ka codsaday in
goluhu ansixiyo sharcigan.
Xildibaannada G/Sh/B/S oo sharcigan cod u qaaday ayaa waxaa codka haa
ku ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Gola ha Shacabka oo
kulanka shir guddoominayay.
Xoghayaha guddiga maaliyadda, miisaaniyad
da,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dow ladda ee G/Sh/Xildhibaan
Cabdixakiin Macalin Ax med iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Ge esey oo ah
guddoomiyaha guddiga arrimaha guda ha ee Golaha Shacabka ayaa golaha uga mahad celiyay
ansixinta labadan sharci oo dalka muhiim u ah.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horum
arinta dhaqaalaha ee XFS Md. Jamaal Maxamed Xasan ayaa Xildhibaannada ka hor
Akhriyay Akhr inta 1aad ee Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay ’adda dhiira
gelinta maalgashiga, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaannada ay dhowr su’aal
Wasii rku ka weydiiyeen Hindise sharciyeedkan.
Sidoo sidoo kale Xildhibaannada GSh/B/F/S. ayaa Akhrinta 2aad marsiiyay Hindise
sharciyeed ka Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoon siga dadweynaha
Soomaaliyeed, waxaana ugu da mbeyn kulanka soo xiray G/G/Sh. Md. Maxamed Mursal
Sheekh Cabdiraxmaan.
Khadiija
Diiriye: "Sidee dad haysta madaxwe yne Farmaajo oo kale ay taageero u weydi
isan karaan beesha caalamka”
Wasiirka wasaaradda gargaarka, maareynta
iyo masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khad iija Maxamed Diiriye oo Shalay
hadal ka jeedisay xaflad loogu soo dhaweynayey wasaaradan oo ay ku cusubtahay
ayaa dadka Soomaaliyeed ugu ba aqday inay isku filaansho gaaraan.
Waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ceeb ku
tahay inay gargaar caal ami ah dalbadaan, iyagoo heysta ma daxweyne Farmaajo. "Dadkeenu
wax ay dhahaan beesha caalamku hana soo gaarto, si dee dad dowlad leh beel caalam wax u weydiis ta an?
Sidee dad madaxweyne Maxamed C/hi Far maajo oo kale heysta ay beel caalam wax u
wey diisan karaan? Sidee umad islaam ah oo Alle abu urtay ay bini’aadan kale
wax u weydiisan kar aan?,” ayey tiri wasiir Khadiija Diiriye.
Waxay
dadka ka dalbatay inay Ilaah tala saa rt aan, "Guud ahaan dowladda iyo
xukuumadda Mad axweyne Farmaajo Shalay meel ayey soo gaar tay,” ayey tiri.
Khadiija Maxamed Diirye ayaa lagu tiriyaa
wasiirrada sida weyn ugu dhow madaxweyne Far maajo, waxayna tan iyo markii uu
Farmaajo tala qabtay aheyd wasiir ka tirsan dowladda uu hogga amiyo.
Waddo
Muhiim Ah Oo Ku Taalla M/ Muqdisho Oo La Dhagax Dhigay
Ku-simaha G/G/Banaadir ahna Guddoomiye ku
xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa Shalay dhagax dhigay
waddada ka bilaabata Ex Hotel Shabeelle ee sii marta Beerta Nabadda ilaa iyo
isbitaalka Martiini.
Dhagax dhigida uu same eyay Axmed Xasan
ayaa wax aa ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeen ada Howlaha Guud iyo Arrimaha
Bulshada Gobol ka iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka.
Waddadan Shalay la dhagax dhigay ayaa in
30-kii sano ee lasoo dhaafay aheyd mid burbur san, waxaana Maamulka G/Banaadir
uu sheegay in dib u dayactirka lagu sameeynayo waddada uu muhiim u yahay isu socodka dadka iyo Gadidka.
Qaar badan oo kamid ah wadooyinka M/Muqd isho
ayaa sanadihii lasoo dhaafay dib u dhis lagu sameeyay, waxaana wali jira
wadooyin badan oo dib u dhis lagu sameyn ayna dhibaato ku qabaan dadka iyo
gaadiidka.
Khasaaro
ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Magaalada Muqdisho
Is rasaaseynta ayaa waxaa uu rag hubeysan
iyo Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay ku
dhex-mar tay agagaarka Isgoyska Dabka oo kala qeybiya de gmooyinka howl-Wadaag,
Hodan & Waaberi ee G/Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in
rag hubeysan oo watay mooto iyo Ciidamo ka tir san kuwa NISA qeybta dharcadka
ay israsaaseyn ta dhex-mratay,w axaana ku geeriyooday 3 ruux halka uu ku
dhaawacmay mid kamid ah ragga hubeysnaa.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa
sheegay in dablay mooto ka degtay ay rasaas ku furtay Ciidanka Dhar-cada ah ee
ilaaliya Kaamiro oyinka wadada taasna dhalisay Iska hor imaadka.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku
darayaan in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragga
weerarka geystay oo dhaa wac ah, waxaana muddo hakad galay isku socod ka dadka
iyo Gaadiidka walow dib ay u bilaaw deen.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa Magaalada
Muqdisho uu iska hor-maad ku dhex-maray Cii damo ka tirsan kuwa dowladda &
Xubno kamid ah Al-Shabaab, waxaana laamaha Ammaanka Soo maaliya ay sheegeen
inay xoojiyeen sugida Amni
ga
magaalada Muqdisho.
Shil
Khasaaro Geystay Oo Shalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Faah faahino ayaa laga helayaa shil Shalay
ka dhacay isgoyska Baar-ayaan ee degmada Yaa qshiid ee Magaalada Muqdisho,
kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay
Idaacad da Dalsan ayaa u sheegay in shilkaas uu ka dam beeyay, kadib markii
gaari nooca Soomaalida u taqaano Carro-gediska ama iska rogaha uu dul-maray
Mooto Bajaaj mareysay Isgoyska.
Mootoda ayaa waxaa la sheegay inay la
soc deen laba ruux iyo Darawalkii waday,
isla marka ana waxaa la tilmaamay in gaariga oo siday Carro uu ku socday
xawaare ah sare, uuna Darawalka xakameyn waayay gaarigaas, sidaasina uu ku
dul-maray Mootada.
2dii ruux ee saarnaa Mootada ayaa waxaa
soo gaaray dhaawac Culus, iyadoo mid xaaladiisa Caafimaad aad u liidatay,
kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana burbur xoogan
uu soo gaaray Mootada.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska
Soomaaliya oo xiligaas goobta ka Agdhawaa ayaa tegay goob ta, waxaana halkaas
ka baxsaday Darawalkii wad ay gaariga weyn, iyadoo goobta uu falku ka dhac ay
ay buux-dhaafiyeen dad farabadan.
Madaxweynaha
Galmudug oo Saxiixay Shuruuc Muhiim ah
Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada
Galmudug ayaa madaxweynuhu ku saxiixay shuru uc muhiim ah oo kala ah:-
Shuruucdan waxaa soo diyaari yey
wasaaradaha kala ah; Dee gaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arr imaha
Gudaha& Dowlaha hoose.
Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeybga lay
Madaxweyne Kuxigeenka DGM, Guddoomiya ha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee
Bar lamaanka, Xubno ka tirsan labadda gole, Garsoor ka, La- taliyeyaal &
Hawlwadeenno ka tirsan Mada daxtooyada.
Madaxweynuhu wuxuu Golaha Barlamaanka iyo
wasiiradda Galmudug uga mahadceliyey ans ixinta shuruucdan. isagoona xusay in
shuruucdu ay gundhig u noqondoonto in sifo sharci ah xuk uumaddu u fuliso
hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.
Jubbaland
oo Kismaayo ka dhiseysa xabsi weyn
Mas’uuliyiin ka tirsan W/Caddaaladda
Garso orka iyo Arrimaha Diinta D/G/Jubbalaand ayaa ko rmeer shaqo ku tagay
halka dhawaan laga dhisi doona xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo.
Kormeerkaan ayaa daar anaa sidii loo
baadhi lahaa cabirka uu ku fadhiyo boos ka la rabo in laga dhiso dhismaha
xabsiga, kaasoo lagu wado in si toosa loo guda galo dhismihiisa sanadka cusub
ee foodda inagu soo haya haddii lagu guuleysto baadhitanka la marin doono.
Dhismaha xabsiga ayaa waxaa D/G/Jubbal aand
ka caawin doonta Hay’adda UNOPS, taasoo dhawr xarumood oo kale kasoo hirgalisey
D/G/y ada K/ Galbeed Soomaaliya iyo Puntland.
Lataliyaha Wasaaradda Caddaladda Garsoorka
iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Jubbala and Aaden Cismaan Qalooshe ayaa
sheegay in qorshahaan diyaarinta Xasiga Dhexe la diyaarinay ay muda dheer balse
hada uu marayo meel wan aagsan.
Maxamed Caaqil Xirsi Taliyaha xabsiga
dhexe ee M/Kismaayo ayaa dhankiisa bogaadiyey dardar ta xooggan ee uu ku socdo
ka hawlgalidda dhisma ha Xabsiga kaasoo uu sheegay in waddooyin badan loo soo
maray hirgalintiisa.
Puntland
oo diiday in la kala diro guddiga ganacsatada
Waxaa uu sheegay in dhammaan la joojiyay ka
la dirista, islamarkaana loo baahan yahay in ay dardargaliyan shaqooyinka
horyaalla.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo
kale wasiirka iyo guddi kala dalbaday wada shaqeyn.
Halkee
buu marayaa Mashru uca Wadada Muqdisho iyo Afgooye
Mashruuca Wadada Afgooye waxaa uu u soc daa
si aad u xowli ah, sawirada laga qaaday ja wiga waxaa ay muujineysaan baaxada
Mashruu ca, waxaa ay dhamaan do ontaa shaqada Wadada 60 maalmood gudahood.
Wadadan oo muhim u ah isu socodka dadka iyo
gaadiidka ee M/ Muq disho iyo K/ta dalka Soo maaliya gaar ahaan mag aalada
beeraha caanka ku ah ee Afgooye.
Qaab dhismeedka laamiga cusub ee la saar ayo
wadadaasi ayaa ah labo laami,oo loogu tala galay gawaarida soo socda ama kuwa
sii socda ay isaga gudbaaan si fudud.
Mashaariicdaasi ayaa dhanka kale fursad
sha qo abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoo dalka horumarkiisa ay qeyb
weyn ka tahay.
Taliska
Ciidanka Xoogga Oo Digniin Cu lus Kasoo Saaray Isbaarooyinka
Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan guutada 5aad qeybta 27-aad ayaa saacadihii
lasoo dhaa fay howlgal ballaaran ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan
oo la sheegay inay ku sugn aayeen Alshabaab.
Ujeedka howlgalka ayuu Abaanduule C/hi
Bar re ku sheegay inuu ahaa sidii Al-shabaab looga sa ari lahaa deegaanada ay
kaga sugan yihiin G/Hiir aan gaar ahaan kuwa xiga dhinaca baadiyaha fog-fog.Abaanduulaha
guutada 5-aad ayaa tilmaamay in kaliya Al-shabaab aysan la dagaalameyn balse ay
sida Alshabaab ula dagaalami doonaan burca dda Isbaarooyinka wadada u dhigta
shacabaka ee dhaca u geysta, isagoo uga digay, qofkii lagu qabt ana ay ka qaadi
doonaan tallaabo sharciga waaf aqsan.
Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27 ayaa dhowr
jeer howlgalo kala oo dhan ah Al-shabaab ka sam eeyay Gobolka Hiiraan, waxaana
halkaas dhinac yada ku dhexmaray dagaalo geystya Khasaaro ka la duwan, sidoo
kalena Al-shabaab ay qaraxyo xoogan ka fulisay Gobolka.
Sidee
ayaa lagu reebay gudoomiyihii Baarla manka HirShabelle Sheekh Cusman?
Guddoomiyihii hore ee baarlamanka HirSha beelle
Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ku guul dareestay inuu ku soo laabto
kursigiisa Xildh ibaanimo ee dowlad gobaleedka HirShabeelle.
Warar ay heshay Caasimada Online
ayaa sheega ya in kursigaan uu qeyb ka ahaa kuraastii ugu adkeyd ee tartanka
islamarkaana qaatay waqti badan dhowrkii saacadood ee ugu dambeysay.
Kursigaan waxa ku tartamayey
Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Aadan Xeefow iyo Cabdixakiin Luqmaan oo hadda ku
guuleestay. Sheekh Cusm aan waxa uu ahaa Gudoomiyihii hore ee baarlam anka
HirShabeelle, halka Aadan Xeefow ahaa gu ddoomiyihii hore ee Beladweyne mana
soo bixin 2duba.
Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsan
safaaradda Soomaaliya ee daka Suudaan ayaa kursigaan lagu qo ray saacadihii ugu
dambeeyay ee Shalayy, iyadoona sidoo kale Habeen hore kurs igaan lagu qoray
Aadan Xeefow, basle waxaa laga badalay Shalayy kadib cadaadis badan oo la
saaray ugaaska beesha.
Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa
sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso Cabdixakiin Luqmaan,
islamarkaana ay la rabto guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle, taasina ay
sababtay in meesha laga saaro Sheekh Cus mana Barre oo aan kalsooni badan ku
qabin Villa Somalia.
"Shalay aroortii hore ayaa Ugaaska lagu
cada adiyay inuu beddalo Aadan Xeefow, waxaana loo keenay magaca Cabdixakiin oo
Habeen hore iyo Dorraadba qorshaha ku jirin meeshana oolin,” ayuu yiri mid
kamid ah masuuliyiinta guddiga farsa mada ee soo xulista baarlamanka
HirShabeelle.
Cabdixakiin Luqmaan, waxa uu ka
tirsanaa Safa aradda Soomaaliya ee dalka Suudaan waxa uuna madaxa ka ahaa
qeybta ganacsiga ee Safarada.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay
aad isugu fiicnaayeen mas’uuliyiinta dowladda Soom aaliya gaar ahaan kuwa
madaxtooyada islamark aana ay siyaasiin culus gadaal ka riixeen si loo si iyo
kursigaan.
Faahfaahin Qarax ka dhacay Qansaxdheere
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya
Qarax ka dhacay D/Qansaxdheere ee G/Bay sid da ay xaqiijiyeen ilo lagu
kalsoonaan karo.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari
uu watay Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere, wa xaana ka dhashay Khasaare isugu
jira dhimasho iyo dhaawac.
3 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay D/Qansaxdheere,
Gudoomiyaha degmada ayaa ku dhawacmay.
Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah
gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda, sidoo kale labo oo shacab ah oo mid ka
mid ah uu la shaqeyna yay hay’ad gargaar
Karaash
oo buriyay Warqad ka soo ba xday Wasiirka Ganacsiga Puntland
Wasiirka C/hi Cabdi Xirsi, ayaa Madaxweyne
ku xigeenku amar ku siiyay, in uu ka laabto warqaddii kala dirista Guddiga
Maamulka Ganacsiga, waxa ana Guddiga lagu wargeliyay in ay shaqadooda sii
wataan, inta ay ka dhammaanayaan doora shooyinka Soomaaliya.
Kala diristii uu Wasiirka Ganacsiga
Puntland kula kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsi ga Punntland ayaa
dhalisay khilaaf iyo isqabqabsi u dhexeeya Wasaaradda iyo Maamulka Rugta
Ganacsiga.
14-kii bishan October Wasiirka Ganacsiga,
Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland C/hi Cabdi Hirsi ayaa kale diray Gudigii
Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Puntland, isaga oo ganacsatada
Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorasho.
15-kii bishan October Maamulka Rugta
Ganac siga Puntland ayaa ka hortimid, kuna tilmaamtay faragelin aan sharci
ahayn go’aankii Wasiirka Gan acsiga Puntland.
27-kii
bishan October, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa ku simaha Xoghayaha
Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha u mac agaabay Maxamed Cali Axmed.
28-kii bishan October Wasiirka Wasaarada
Ganacsiga Puntland ayaa magacaabay Guddiga doorashada Rugta Ganacsiga iyo
Puntland.
29-kii bishan October, Rugta
Ganacsiga ayaa Baa rlamaanka Puntland u soo jeedisay inay toosin u sameeyaan
Wasaaradda Ganacsiga, iyadoo xust ay in aysan awood u lahayn magacaabista la
xiriir ta Guddiga doorashada iyo Xoghayaha guud.
Aktarkii
ugu horeeyay aflaamta 007 James Bond oo geeriyooday
HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-NOV-2020
.