HALKAAN KA AKHRISO-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA OKTOOBAR 2020-KA

0
Tuesday October 20, 2020 - 10:46:56 in Wararka by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA OKTOOBAR 2020-KA

    FANNAANADDII CAANKA AHEYD EE SEYNAB XAAJI CALI BAXSAN OO GEERIYOOTAY & DFS OO KA HADASHAY Alle Ha u Naxariistee waxaa M/Muqdisho ku geeriyootay Fannaanadda Caanka aheyd ee Soomaaliyeed Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sa nnadihii la soo dhaafay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FANNAANADDII CAANKA AHEYD EE SEYNAB XAAJI CALI BAXSAN OO GEERIYOOTAY & DFS OO KA HADASHAY Alle Ha u Naxariistee waxaa M/Muqdisho ku geeriyootay Fannaanadda Caanka aheyd ee Soomaaliyeed Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sa nnadihii la soo dhaafay ku xanuunsaneysay M/ Muqdisho. Qaar kamid ah eheladda ayaa Warbaahin ta u xaqiijiyay geerida, iyaga oo sheegay in bil ihi ugu dambeeyay uu xanuunkeeda ahaa mid aad u daran ugu dambeena Shalayta ay geeriy ootay. R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Ro oble aaya uga Tacsiyadeeyay Qoyska iyo Ehe llada ay ka Geeriyootay fanaannaddii Caanka aheyd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan. "Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliy eed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan). AUN Marxuumad Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii Dalka, dhis maha qarankeenna iyo nooleynta dhaqankeen na. Jannadii Firdows Allaha geeyo samir iyo iimaanna Allaha naga wada siiyo

TALIYAHA CIIDANKA DHULKA OO BOOQDAY SAL DHIGYO KU YAALLA JUBBADA HOOSE

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka So omaaliyeedJan.Cabbaas Amiin Cali iyo saraa kiisha qeybta 43 ayaa Shalay kormeer ku tag ay furimaha hore ee aagaga waqooyiga gaar ahaan deegaanada Buula gaduud iyo Baarsa nguuni ee Gobolka jubbada Hoose.

Taliyahaayaa Ciidamada ku bogaadiyayshaqada ay qaranka u hayaan, waxuuna ka ba llan Qaaday in agabka ay ubaahan yihiin ay ka heli doonaan D/F/Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu kulamo la qaataan saraakiisha C/X/D/S ee degaanna da Buula gaduud iyo Baarsanguuni, waxaana uu faray inay dar dar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

QOOR QOOR OO AGAASIME CUSUB U MGACAAB AY MADAXTOOYADA GALMUDUG EE DHUUSAMAREEB

axweyne Qoor-Qoor oo Agaasime cusub u mgacaabay madaxtooyada Galmudug ee Dhu usamareeb Mdqoor qoor Madaxweyaha M/mul Goboleedka Galmudug Md.Axmed Cabdi Ka ariye (Qoor Qoor) ayaa Shalay ma gacaabis sameyey, kadib wareegto ka soo baxday xafii skiisa.

Md.Qoor Qoor ayaa agaasima ha cusub ee madaxtooyada maamulk aasi ee Dhuusamare eb u magacaabay, Md.Cusmaan Macallin Xas an oo ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arri maha maamulka & horumarinta dhaqaalaha.

Cismaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale sanadyadii u dambeeyey ahaa guddoomi yaha Jaamacadda Caalamiga Somaliya (SIU).

Sidoo kale waxaa digreetadan lagu shaaci yey in magacaabistan ay timid, kadib markii madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabin ta leh ee madaxtooyada Glamudug.

HALKAN HOOSE KA AQRISO WAREEGTADA:

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxwe ynaha Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Md Cusmaan Macallin Xasan loogu magacaabay Agaasimaha Guud Ee Mad axtooyada Galmudug. Cusmaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh arrimaha ma amulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomal iyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ah aa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday ka dib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida de gdegga ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta.

GUDDIGA ISKAASHATOOYINKA GAADIIDLEY DA GOBOLKA BANAADIR OO LA KALA DIREY

Maamulka G/Banaadir ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku kala diray guddiga isk aashatooyinka gaadiidlayda G/Banaadir iyad oo lagu eedeeyey inay ku milmeen waxa loogu yeero argagixisada.

Kala dirida guddiga iskaa shatooyinka gaadiidleyda ayaa waxaa ku dhowaaqay afha yeen ka G/Banaadir Md.Saalax Cumar Xasan "Saalax dheere” isagoo ku tilmaamay guddiga Inay ku milmeen Al Shabaab.

Saalax Dheere ayaa sheegay in la soo dhisi doono guddiga Iskaashatooyi nka gaadiidlayda gobolka Banaadir oo uu she egay in lagu samaynayo baaritaan dheeri ah si loo hubiyo ayuu yiri "in ay xiriir la leeyihiin Arga gixisadda”.

"kala dirista guddigaan ay timid ka dib mar kii ay arkeen warbixinta hay’adaha amaanka Soomaaliya.”ayuu yiri Saalax Dheere.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan cidii Dhaqaale iyo dhiiragalin u samaysa waxa uu u gu yeeray Argagixisada.

TALIYAHA CIIDAMADA BOOLISKA OO XILKA KA QA ADAY QAAR KA MID AH TALIYAASHA SALDHIG YADA MUQDISHO

Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Gen. Ca bdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Magacaabay Taliyeyaal Cusub, halka uu kuwo kalana xilka ka qaaday Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa Tali yaha Saldhiga Booliska degmada Shibis ee G/Banaadir loogu magacaabay Cabdicasiis Axmed Baashane.

Sidoo kale Taliyaha CBS/DFS ayaa G/le Mahad Korow u magacaabay Taliyaha Qaybta Bari.Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale Habeen hore kormeer ku tegay Isgoysyada dhawaan laga qaaday dhagxaantii taallay.

Saldhigyada Booliska ee M/ Muqdisho ayaa mararka qaar wa xaa laga qaadaa xilalka iyadoo mararka qaarna la isku bedelo taliyaasha sal dhigyada.

YUUSUF GARAAD OO FARRIIN CAJIIB AH U DIRAY XUKUUMADDA CUSUB

Yuusuf Garaad oo farriin cajiib ah u diray xu kuumadda cusub Wasiirkii hore ee arrimaha di badda xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Gara ad Cumar oo war qoraal ah soo saaray ayaa fa rrin cajiib ah u diray xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Yusuf Garaad oo qoraalkan soo dhigay ba rtiisa gaarka ah ee Facebook-giisa ayaa marka hore tusaale u soo qaatay sawir ay ku jiraan sa gaal wasiir oo ka mid ahaa xukuumaddii hore sidoo kalena uu ku jiro isaga, kuwaas

oo qaarkood ay dhinteen, kuwana laga saaray golaha, halka kuwa kalena ay xukuumadda ka tirsanaayeen illaa laga rido.

Yuusuf Garaad ayaa yiri ” Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan masawirkan eego wu xuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsii yaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaq ay wasiirada cusub ee imaan doono inaysan noqon qorshe la’ aan, islamarkaana ay muhiim tahay in la yimaa deen qorshe guud oo dan u ah dalka.

"Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuq do Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku ko obnaan sida aad jeclaan lahayd oo keliya,” ayuu markale yiri hadal yaqaan Yuusuf Garaad Cumar.

HALKAN HOOSE KA AQRISO:-

Waa 2017. Waa sagaal Wasiir oo garbaha isku haya oo ka mid ah Xukuumad uu markaa uun Baarlamaanku kalsooni siiyay laguna hor dhaarinayo.

Xusuus keliya ma aha ee mar kasta oo aan Masawirkan eego wuxuu igu dhaliyaa feker hor leh. Wuxuu i taabsiiyaa sida marka aan qorshe sameysaneyno aan u moog nahay tan Rabbi.

Sagaalka Wasiir ee sawirka ka muuqda, 3 ka mid ahi waa ay geeriyoodeen. Allah ha u naxariisto.

3 waa laga saaray Golaha.

3na waxay ka mid noqdeen Xukuumaddii uu Baarlamaanku kalsoonida kala noqday Bart amihii 2020, iyaga oo kala qeybsan oo qaarna ay ridayaan Golihii ay ka tirsanaayeen, qaar la ga tiro batayna ay is leeyihiin daafaca.

9-ka Wasiir ee garbaha isku hayay, ku socday qorshaha Xukuumaddu, dariiqyada aan qaar ka soo noqoshada lahayn ee ay mareen, mid na kuma fekereyn maalintaas.

Haddii uu magacaagu ka soo dhex muuqdo Golaha Cusub ee la sugayo, qorshe la’aan ha noqon. Laakiin qorshahaagu yaanuu ku koob naan sida aad jeclaan lahayd oo keliya.

Is weydii sida dhici karta oo iyadana ka feker.

QORE YUUSUF GARAAD




MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KA HADLAY DILKII LOO GEYSTAY UGBAAD CALI.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mu use Biixi Cabdi ayaa Shalay ka hadlay Dil dh awaan M/Burco ee G/Togdheer loogu geystay Haweeneyd kamid aheyd dadka deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudb ad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Burco ayaa waxaa uu marka hore tacsi u diray Qoys ka iyo Ehelada Maxruumka la dilay oo lagu ma gacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox.

Waxaa uu sheegay Muue Biixi in dilkii loo geystay Ugbaad Cali uu ahaa mid fool xun, is agoona faray hay’addaha Garsoorka Somalil and inay si deg deg ah loo dadejiyo kiiska Max ruumada oo loo haayo Nin la tuhmayo in uu fal kaas dilka ah ka geystay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ay aa ballan qaaday in horey laga fulin doono xuk unka lagu rido Ninka eedeysanaha ee loo mal eeynayo inuu ka dambeeyay falkii Ugbaad oo aheyd Hooyo heysatay Saddex Caruur ah.

"Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyade ynayaa,gaar ahaan ardeyda Shalay ka qalin ja binaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haw eenka , dilkii foosha xumaa ee lagula kac ay Ugbaad Cali oo Shalay ka mid ahaan lahyd ar deyda qalinjabinaysa jaamacadda , wax aanan farayaa hay’addaha garsoorka in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , balana wa xaan ku qaadaya inaan hore ka fuliyo marka uu isoo gaaro” ayuu yiri Muuse Biixi.

Allaha u naxariistee Ugbaad ayaa aheyd Hooyo 3 Carruur ah dhashay ayaa waxaa la sheegayaa inuu dilay Nin ay sheeko wadaag ahaayeen, kaasi oo ay qabteen Ciidanka Bool iska Somaliland, isgoona haatan xiran.

LACAGTII MAAMULKII GAAS DAABACAY OO NAAF EYSAY DHAQAALAHA PUNTLAND

Dowladda Puntland waxay la kufaakacaysaa sicir-barar aafeeyay dhaqaalaha Puntland. Wa siirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire wuxuu dhowaan sheegay in dowladda Puntland saari doonto guddi ogaada kana talobixiya isha sicir-bararka.

Su’aasha madaxa dad badan ku wareegay sa ayaa ah: Muxuu shilinka Soomaaliga K/ Soomaaliya uga qiime-badan yahay kan Puntl and? Sida wasiirku sheegay 100 doollar koon furta Soomaaliya waxay ku sarrifantaa 2,500, 000 oo shilin halka Puntland kaga sarrifanto 4,000 000 shilin. Waa markii labaad oo uu shi linka Soomaaligu keenay kala duwaanaan he er sarrif aad u sameeyay dhaqaalaha qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Siyaasaddii lacageed ee maamulkii Cabdi weli Gaas ayaa curyaamisay dhaqaalaha Punt land. Tijaabadii lacag daabicista ee maamulkii madaxweyne C/hi Yuusuf (1998kii) may horse din sicir barar. Shilin Soomaali aad loogu baah naa ayuu maamulkaasi suuqa ku sii daayay. Maamulkii Cadde Muuse lacagtii u soo daabac ay waxay keentay sicir-barar bannaanbaxyo dhaliyay 2007dii.

Lacagta maamulkii Gaas soo daabacay may ka shaq ayso koonfurta Soomaaliya. Wax ay u dhiganta lacagtii N loo yiqiin oo uu Cali Mahdi u daabacday Waqooyiga Muqdisho. La cagtaas waxay ahayd mid aan ka shaqaynin koonfurta Muqdisho gaar ahaan qeybaha Jen eraal Ceydiid ka talinayay.

D/Federaalku way ka cagajiidaysaa soo daabic ista shilin Soomaali waayo taageero kama hay sato maamullada kale, mana hubto saameynta lacag la soo daabaco ku yeelan karto dhaqaa laha dal doollarka aad lagaga isticmaalo.

Shilinka koonfurta Soomaaliya (bidix) wuu ka qiime-badan yahay shilinka Puntland.

Sicir-bararka Puntland wuxuu ka yimid, qeyb ahaan ganacsatada Puntland oo aan kalsooni ku qabin shilinka Puntland dabaacday. Marka ganacsatadu ka warhesho in dad dowladda ku dhowdhow ay doollar badan iibsanayaan, sicir ka doollarku kor ayuu kacaa suuqana wuu ku yaraadaa. Taasi waxay keentaa in ganacsata du kordhiyaan sicirrada badeecooyinka iyagoo ku doodaya in shilin Soomaaligooda aysan sii san karin doollar ku sargo’an si ay badeecooy in u soo dejiyaan ama ugala wareegaan soo dejiyayaasha.

Qalalaasaha lacageed wuxuu saameeyaa danyarta iyo reer miyiga, oo shilinkoodu uusan u goyn karin wuxuu u goyn jiray sicir-bararka ka hor. Dowlad xilkas ahi may daabacdo lacag iyadoo aan diyaarin habab dadkeedu kaga gaa shaaman karaan saameyn dhaqaale oo ba’an oo ka dhalan karta lacagta ay daabacdo.

Inkastoo maamulka hadda ka jira Puntland uusan lacag daabicin, wuxuu dhibbane u noqd ay go’aammadii lacageed oo uu maamulkii ka horreeyay qaatay waayo Puntland waa maa mul madax-ka-nool ah oo uu madaxweynuhu maamusho.

Xeerdejinta Puntland may dheellitirto fulin ta. Waa sababta loo la’ yahay madax Puntland ah oo lagala xisaabtamo sicir-bararka xargo-go yska noqday.

HAWEENEY CARUUR SOO ‘AFDUUBATAY’ OO SHALAY LAGU QABTAY M/MUQDISHO

Haweeney Carruur soo ‘afduubatay’ oo Shalay lagu qabtay M/Muqdisho Ciidamada ammaanka ee DFS ayaa barqanimadii Shalay gacanta ku dhigay haweeney la sheegay inay caruur soo xaday, taas oo lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee G/Banaadir.

Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yah ay ayaa innoo sheegay in haweeneydaasi goor dhow lagu qabtay xaafadda lagu magacaabo, Xasan Jiis oo ka tirsan degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mar ka la qabanayeyay aY la socotay mooto ay ku wadatay labo cunug, waxaana ceyrsanayey dadka deegaanka. Ciidamo ka tirsan kuwa am manka oo ka ag-dhowaa goobta ayaa markii dambe ku soo baxay buuqa, waxayna gacanta ku dhigen haweneydaas iyo ilmaha ay wada tay .

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale inta asi ku daraya in rasaas ay fureen ciidamada ammaanka ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ah dadka deegaanka, taas oo la soo war iyey in markii dambe ku geeriyootay isbitaalka.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen falkaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in haween eyda la geeyey saldhigga.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa M/Muqdisho ka taagnaa cabsi xoogan oo ku aadan caruurta la xado oo aad ugu soo badanayey caasimada, iyadoona Dorraad ay u gu dambeysay gabar 18 jir aheyd laga afduub tay gudaha degmada Howl-wadaag, sida ay warbaahinta u sheegeen waalidiinteeda, sidoo kale dhowaan ayey aheyd markii labo nin oo ku sugnaa degmada Afgooye ee G/ Sh/Hoose lagu qabtay falkan oo kale.

WAALIDIINTA MUQDISHO OO SOO WAJAHDAY CABSI LA XIRIIRTA AFDUUBKA CARRUURTA

Waxaa Ku soo kordhaya M/Muqdisho war arka la xiriira afduubka loo geysanayo carruur ta ku nool caasimada dalka ee Muqdisho.

Cabsidan ayaa waxaa sii xoogeeyay kadib markii baraha bulshada lagu soo daabacay afd uubka carruurta gaar ahaan gabdhaha.

Dorraad ayaa waxaa baraha bulshada qabsad ay warar sheegaya in M/Muqdisho laga afduub tay gabar 16jir ah lana la’aa illaa Shalay.

Hase yeesheewaxaa soo baxay warar she egaya in gabadha oo magaceeda lagu sheeg ay Hibo Maxamed Xasan laga helay M/Guric eel oo ka tirsan G/Galgaduud. Taliyaha ciid amada Booliska M/Guriceel ayaa sheegay in gabadhan ay la socotay gaari ka soo tegey Mu qdisho ayna baaritaan ku sameynayaan.

Lama oga sida ay ku dhacday in gaari Dorraad ka tegeymagaalada Muqdisho uu ku gaaray M/Guriceel oo caasimada dalka mas aafo dhe er waddooyinkuna yihiin kuwo bur bursan mee laha qaarna ay roobab ka da’ een

Sidoo kale waxaa baraha bulshada qabsad ay gabar laga afduubtay degmada Howlwada ag taasoo markii dambe sheegtay inay ka soo baxsatay. "Sanka ayaa wax la ii mariyay waa na miyirdoorsoomay baabuur ay haweeney wa do ayaa la i saaraay laakiin gaariga ayaa cillad ka gashay kadibna waan ka soo cararay.”ayay tiri gabadha oo sheegtay inay ka soo baxsatay kooxdii afduubatay.

GUDDOOMIYAHA G/HIIRAAN OO EEDEYN & DIGN IIN U DIRAY CIIDAMADA LIYUU BOOLIS

Guddoomiyaha Maamulka G/Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa eedeyn kulul waxaa uu u jeediyay Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad deg aanka Soomaalida, waxaana uu sheegay in ay maalin walba dhibaato u geystaan Shacabka reer Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte oo Warbaahinta kula ha dlayay M/Beledweyne ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada liyuu Boolis ay kusoo xad-gudba an degaano ka tirsan G/Hiiraan ,isla markaa na ka maamul ahaan aysan indha ka qabsan doonin.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada liyuu Bool is ay wadaan saan saan colaadeed, waxaana uu ugu baaqay Madaxda DDS /Itoobiya inay waxka qabtaan dhibaatada ay Ciidamada ku hayaan dadka Shacabka ah.

Hadalkaan ayaa waxaa uu ka sheegayMd. Jeyte kul an lagu soo dhaweynayay Mashruca Biya xir eenka Wabiga Shabeelle ee B/weyne oo ay bixineyso D/Talyaaniga XFS ay dhawa an saxiiday.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA CODSADAY GOLAHA SHACABKA ANSIXINTA XUKUUMADDA RA’IISUL WASAARE ROOBLE

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Fa rmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka 1aad ee dalka Md.Maxamed Xuseen Rooble soo dhis idda Xukuumad tayo leh oo ka sha qeyn karta hirgelinta qorsh eyaa sha hortabinta u leh shac abka iyo dowladda Soomaaliy eed, kuwaas oo ay ugu horree yaan qabsoomidda doorasha da, adkeynta amniga .

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay R/Wasaaraha XFS tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dard aarmay dhammaan Golaha Wasiirrada inay no qdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himal ada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xill igaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo hor umarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoo nka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansi xinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee hor yaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuse en Rooble ayaa xalay waxaa uu si rasmi ah u gu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmi hii la soo dhaafay laga sugaysay.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu R/Wasaa re Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii G/Wasiirada Kheyre, waxaana Golaha Wasiir ada masoo muuqan oo laga tegay Wasiirada, Waxbarashada C/hi Goodax Barre, Warfaafin ta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiir ka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xe rsi Warfaa.

QIIMEYN LAGU SAMMEEYEY CIIDAMADA SOMA LIYA OO AY KA SOO BAXDAY NATIIJO CAJIIB AH

Qiimeyn lagu sammeeyey ciidamada Somal iya oo ay ka soo baxday natiijo cajiib ah

Ciidamada Soomaaliya ayaa sameeyey horumar weyn oo ay isugu filan yih iin, taasi oo u ogolaaney sa inay amniga dalka kala wareegaan Amisom, sida lagu sheegay qiim eyn ay sameysay Amisom.

Xogtan ayaa waxaa shaaca ka qaaday sar aakiil ka tirsan W/Gaashaandhigga dalka Ke nya, oo la hadlay wargeyska The Star.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyada, waxaa bi lihii tegay ciidamada Soomaaliya ay fulinayeen howl-gallo ka madax-banaan Amisom oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib tababaro xooggan oo ay heleen.

Amisom ayaa qiimeyn sanadle ah, oo loo gu magac daray Qiimeynta Diyaargarowga Ha wlgalka ku sameysa Ciidamada Soomaaliya. Ujeedka qiimeyntan ayaa ah in lagula socdo awoodda ciidamada Soomaaliya.

"Warbixinada qiimeynta ayaa sheegaya in ay caddahay in ciidamada Soomaaliya ay hel een heer awood oo macquul ah oo ay iskood isugu filan yihiin, inkasta oo weli taageero koo ban oo dheeri ah ay u baahan yihiin,” ayuu yiri il-wareedka la hadlay wargeyska The Star. Il-wareedyada ayaa sheegay in lagu guuley stay waxyaabo badan oo qeyb ka ah Qorsha ha Kala Guurka Soomaaliya ama Somali Trans ition Plan (STP), kaasi oo ah midka ciidamada Amisom looga saarayo Soomaaliya.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, iyo taliyaha Amisom Diom ede Ndegeya, ayaa dhowaan kulan la qaatay Golaha Amniga iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaga oo ka warbixiyey diyaar-garowga ay ciidamada Amisom uga baxayaan Soomaal iya, wax wanaagsanna ka sheegay ciidamada Soomaaliya.

Ndegeya ayaa sheegay inuu taliyayaasha qeybaha kala duwan ee Amisom uu amray inay si tartiib ah mas’uuliyadda ugu wareejiy aan ciidama amniga Soomaaliya.

Kadib sanado badan oo lagu sheegay "ku wa taag daran,” waxaa ugu dambeyn muuqa ta in ciidamada Soomaaliya ay awooddooda dib usoo laabatay.

TURKIGA OO TABABAR U FURAY BOQOLAAL ASKAR OO SOMALI AH OO DAGAAL GALAYA

Turkiga oo tababar u furay boqolaal askar oo Somali ah oo dagaal galaya Turkiga ayaa tababar cusub u furay boqolaal ka tirsan cii damada militariga Soomaaliya, tababarkaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasima dda Soomaaliya.

Tababarkan, oo ka furmay xerada Turksom ee Muqdisho, ayaa waxaa la siinayaa guutada 6-aad ee ciidamada dhulka Soomaaliya, wax aana uu la xiriiraa ka hor-tagga argagixisada, sida lagu sheegay qoraay ay twitter-ka soo dhi gtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa tababarka ka qeyb-galaya 450 aska ri, waxaana uu soconayaa illaa bisha March ee 2021, ayada oo xafladda dhaarinta askartan ay dhacday 15-kii October. Munaasabadda furita anka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsa DFS, safaaradda Turkiga ee M/Muqdi sho, iyo saraakiil sare oo ciidan oo ka kala soc day labada dal.

Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa guuleystay sanadihii lasoo dhaafay, iskaa shigoodana waxaa ka mid ah in Turkigu uu ta babaro sedax-meelood-meel ka mid ah ciidan ka military-ga Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Turkiga u jooga magaaladda Muqdisho Mehmet Yilmaz.

Yilmax ayaa u sheegay wakaaladda warar ka ee Anadolu "markii aan eegno wadarta gu ud, Turkigu waxaa uu tababarayaa sedax-meel ood-meel ka mid ah ciidanka Soomaaliya, oo lagu qiyaasay 15,000 ilaa 16,000 oo askeri.”

"Iskaashiga military ee Turkigu kula jiro Soo maaliya aad ayey muhiim ugu tahay wadanka an. Waxay qayb ka tahay amniga Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisadda,” ayuu yiri.

Isagoo sheegaya in rajadda ugu weyn ee be esha caalamku ay Soomaaliya ka qabto ay ta hay tababaridda unugyo xaqiijiya nabad-geliya dda wadanka, ayuu xusay suurta-galnimada ah in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxaan.

Waxaa intaas dheer in uu Mehmet Yilmaz sheegtay in meelaha kale ee ay iska kasha nayaan ay ka mid tahay caafimaadka iyo waxb arashadda.

AYAX TIRO BADAN OO KU DAGAY DEGMADA MAXAAS EE G/ HIIRAAN

Wararka naga soo gaaraya D/Maxaas ee G/ Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Ayax tiro ba dan oo guuraya uu ku habsasay ilaa 32 tuulo oo hoos yimaada degamada Maxaas.

Ayax oo aad u fara badan ayaa ku fariistay dhul lagu qiyaasay ilaa 80 KM sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay guddoomiyaha D/ Max aas Muumin Maxamed Xalane.

Ayaxan ayuu sheegay guddoomiyaha D/ Maxaas inuu kaga yimid dhanka gobolka Gal gaduud, waxuuna sheegay inuu xaalufinayo dhulkii daaqa ahaa iyo geedahii kuyaalay dee gaanka.

"Ayaxa dhirtii iyo daaqa intuu dhameyay ay uu hada cunaya filaqa la saarto aqal Soomaal iga lagu hoydo dadkuna way u tabar waayeen iney iska kiciyaan marka xa alada deegaanka waa mid halis ah waxuuna ayaxa baa ba'shay daaqii xoolaha ma adama dadka reer Maxaaseed ay u badan yih iin dad xoolo dhaqato ah "ayuu yiri guddoomi ye Muumin Maxamed Xalane"

ARGAGAX KA DHASHAY 'HOOYO LABO CANUG OO AY DHASHAY KU TUURTAY WEBI'

Muuqaalka ku saabsan hooyada oo ilmah eeda ku tuureysa webiga Warbaahinta Ciraaq iyo dadka adeegsada baraha bulshada carabta ayaa ka argagaxay warka ku saabsan hawee ney labo canug oo ay dhashay ku tuurtay web iga Dajlah ee dhexmara caasimadda Baqdaad.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bul shada ayaa muujinayaa, haweeneyda oo carru urta ku tuureysay webiga xilli ay taagneyd du sha sare ee meel buunddo ah.

Waxaan la sheegay in carruurta ay la tage en biyaha. Dadweynaha Ciraaq ayaa ka caroo day dhacdadan, saraakiisha amniga ayaa mar kii dambe soo xiray haweeneyda kadib ay qir atay dhacdada. Dadaallada lagu baadi goobayo meydadka carruurta ayaa weli ka soc da webiga, sida uu BBC-da u sheegay afah ayeen u hadlay booliska. Wuxuu intaas ku dar ay "In helo meydadka ay qaadan karto muddo 48 saacadood ah"

Dadka u ololeeyo xuquuqda aadanaha wax ay sheegeeyaan in sababta ay haweeneydaas carruurteeda ugu tuurtay webiga ay tahay "Ka dib dhibaatada dhaqaale iyo midda bulsho ee ka jirta dalka" Sidoo kale, warbaahinta waxay soo hadal qaaday in aabaha iyo hooyada dha shay carruurta uu ka dhex taagnaa khilaaf maa dama ay horraan kala tageen isla markaana uu kaga guleystay in carruurta uu isaga qaa to.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka waxay baahiyeen muuqaallo ay ku sheegeen inuu kasoo dhex muuqaday aabaha dhalay car ruurta oo ooynaya xilli uu ku sugnaa agagaar ka webiga.

Dadka qaar ee baraha bulshada isticmaala waxay dhacdada ku tilmaameen falal gurucan halka qaarkoodna ay soo jeediyeen in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado haweeneyda.

Sidoo kale dadka qaar waxay sheegayaan in loo baahan yahay in wax laga baddalo sharci ga ilaalinta carruurta ee dalkaas, halka qaarko odna ay soo jeedinayaan in la baaro caafimaadka hooyada.

DAACISH OO KA JAWAABTAY XIRIIRKA IMAARA ADKA, BAHRAIN IYO ISRAEL

Kooxda Daacish ayaa cambaareysay xiriir ka ay Imaaraadka Carabta iyo Bahrain la same ysteen Israel, waxaana ay ku baaqday weer aro aargudasho ah oo laga fuliyo Sacuudi Car abiya.

Afhayeenka Daacish Abu Hamza al-Qurai shi ayaa cod muuqaal ah oo lasoo dhigay bar ta Telegram waxa uu ku sheegay in heshiisya da lala galay dalka Yahuudda uu la macno ya hay "qiyaameyn lagu sa meyey” Islaamka.

Bahrain iyo Imaaraad ka Carabta ayaa laba daba xulufo la ah Sau di Arabia, oo weli aan xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelan Israel.

Sacuudiga waxay sheegeen in xiriir ay la yeeshaan Israel uu ku xiran yahay in la helo dal ay leeyihiin Falastiiniyiinta, inkasta oo la ru meysan yahay inuu xiriir hoose kala dhaxeeyo.

Afhayeenka Daacish ayaa dagaal-yahanada kooxdiisa iyo Musliimnta kale ugu baaqay inay weeraro ka dhan ah reer galbeedka ka fuliyaan boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaalaan la bada goobood ee ugu barakeysan Islaamka.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay inay beegsa daan dhuumaha shidaalka ee dalkaas.

Waxa uu sheegay in Sacuudiga ay taageereen xiriirka Bahrain iyo Imaaraadka la yeesheen Isr ael ayaga oo hawada dalkaas u furay diyaara daha Israel ee ku socda dalalka Khaliijka ee deriska la ah.

DOWLADAHA BAXREYN IYO ISRAEL OO SI RASMI AH DIB U SOO CESHTAY XIRIIRKA DIBLUMAASI

Munaasabad ka dhacday magaalada Man ama ayaa wadamada Baxrayn iyo Israel wax ay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaarado.

Heshiiska oo Mareykanka uu garwadeen ka ya hay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda

Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiri irkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Fal astiin

Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948.

Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah. Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jir in wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Isr aa’iil iyo Falastiin.

Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeedi yay ku sheegay inuu rajaynayo "iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro la bada dal.”Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabad da gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowla dood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin. Koo xda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicit aanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ru qsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hoga amiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda di idan baaqyada in dib u soo celiyaan xiriirka Israel.

Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xiriradan diblomaasiyadda deed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sano jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoo deed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sa cuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah 

Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Fal astiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka ma daxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay "Khiyaano”.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxr eyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bi shii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Fal astiin ay waxaa lagu sheegay "dhibaatada we yn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee la ma taabtaanka ah ee shacabka Falastiin ".

Israa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambe eyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la ga lay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.

HAY’AD CAALAMI AH OO SOO SAARTAY DIGNIIN LA XIRIIRTA BURCAD BADDEEDA SOOMAALIDA

Warbixin kasoo baxday Hay’adda badaha adduunka ayaa waxaa loogu baaqay Maraak iibta Shishiiye ee mara badda Carbeed iyo Ga canka Cadmeed inay ka feejignaadaan weer aro kaga imaan kara Kooxa Burcad Baddeeda Soomaalida.

Hay’adda ayaa Warbixinteeda ku qeexday in 2ii sano ee la soo dhaafay aysan jirin falal ay geysteen Kooxaha Burcad baddeeda Soo maalida oo la diiwaangeliyay, balse ay muhiim tahay feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxaa Warbix inta lagu sheegay in koox aha Burcad Baddeeda So omaalida ay siidaay een Bishii Agoosto ee la soo dhaafay seddexdii la hayste, kuwaas oo gacanta u galay sanadkii 2011-kii, markaas oo ay sii xoogan u jireen kooxaha Burcad Baddeeda " Waa muhiim feej ignaan amni, in kastoo ay hoos u dhacday aw ooda kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida, laakin weli awood ayay u leeyihiin inay wax afd uubtaan ayaa lagu yiri” Warbixinta Xafiiska Ca alamiga ah ee Badaha (IMB). Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hoos u dhacay aw ooda Kooxaha burcad Baddeeda Soomaalida, iyada oo ay aad u yaraatay afduubka lagu ha ayay mara akiibta Shisheeye ee mara badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed.

ILHAN OMAR OO SHAACISAY ARIN UU DAMAC SAN YAHAY TRUMP OO ‘HALIS KU AH’ NOLO SHEEDA

Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul ka bix isay eedeyntii uu dambeysay oo uu u jeediyey madaxweyne Donald Trump oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda ee wadankaasi

Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barteeda Twitt er-ka ayey ku sheegtay in weerarada ay kala kulanto iyada & siya asiyiinta kale ay yihiin kuwa shirqool ah, si da ay hadalka u dhig tay.

Ilhaan oo sidoo kale tixraaceysay eedeyntii uy Trumo uga jeediyey ololihii la qabtay Jimcihii la soo dhaafay ayaa sidoo kale sheegtay inuu we erar ku hayo nolosheeda gaarka ah.

"Weerarada is-daba jooga ah ee aan kala kulano Trump waa kuwo shirqool ah ee aniga iyo siyaasiyiinta kale ee haweenka ah ee can ka ah maaha kaliya ragga,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in hanja baadyada uu u dirayo madaxweynaha ay is-da ba joog noqdeen muddooyinkii u dambeeyey, taan oo ka dhan ah nolosheeda.

"Tan waxay u horseedayaan hanjabaado is-daba joog ah oo ka dhan ah nolosheena,” ay ey sii raacisay Ilhaan Cumar.

Si kastaba waxaa muddooyinkii la soo dha afay sii kordhayey eedeymaha kulul ee ay dha nka warbaahinta isku marinayeen madaxwey ne Trump iyo Ilhaan Cumar oo dagaalkooda siyaasadeed soo billowday. kadib markii Trump loo dortay madaxweynaha Mareykanka.

DOWLADDA INGRIISKA OO KENYA U TABABARA YSA KUN ASKARI OO SOOMAALIYA LOO DIRAYO

Ugu yaraan 1,000 askari oo ka tirsan Ciid anka Difaaca Kenya (KDF) ayaa qaadanaya ta babar dagaal, oo ay bixinayaan saraakiil ka so cda dowladda Ingiriiska, ka hor intaan loo soo dirin Soomaaliya bisha Janaayo 2021.

Askartan ayaa loo tababa rayaa xeeladaha dagaal ada dhuumaaleys iga ah oo ay adeegsada an Al Shabaab,si loogu di yaari yo ka mid noqosha da Howlgalka M/Afrika ee Somaliya AMISOM.

Waajibaadka ciidanka AMISOM ee Sooma aliya oo lagu wado inuu meesha ka baxo san adka 2021-ka, ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in aanay suurtagal in cii danka AMISOM xilligaas ka baxayaan Soom aaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa u ballanqaday in ay Kenya u tababarayso ciidamo lehwaxtar la gula dagaallamayo Shabaab. Waxyaabaha la barayo waxaa kamid ah, baaritaanka waxya abaha qarxa, la tacaalida maxaabiista Alshab ab ee isisoo dhiiba iyo falalka isqarxinta. Taba bbarkan uu militariga Ingiriiska siinayo ciida mada Kenya wuxuu ka dhashay iskaashi ist iraatiiji ah oo ay ku kala saxiixdeen Xoghayaha Difaaca Kenya Monicah Juma iyo dhiggeeda UK Ben Wallace bishii Sebtember ee 2019.

R/W ROOBLE OO MAGACAABAY GOLAHIISA WASIIRRADA CUSUB (AQRISO LIISKA OO DHAMMEYS TIRAN)

MAGACYADA WASIIRRADA
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Md.Xuseen Rooble ayaa goor-dhow ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa, ee muddada laga sugayey.

Liiska wasiirada ayaa waxaa ku jira xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumadda R/wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo celiyey, wax aana meesha ka baxay wasiirro miisaan culus ku la haa xukuu maddii hore


1– Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), R/ Wasaare Ku -Xigeen

2– C/dir Mohamed Nur (Jaamac), Wasaaradda Cadaaladda

3– Cumar Cali Rooble, Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Owqaafta

4– Khadiijo Maxamed Diiriye, W/Gargaarka iyo Maareynta Musiibooy inka

5– Gen. Mukhtar Xuseen Afrax, Wasaaradda arrimaha gudaha, federaa lka iyo Dib -u heshiisiinta

6– C/Raxmaan Ducaale Bayle, Wasaaradda Maaliyada

7– Xasan Xuseen Xaaji, Wasaaradda Gaashaandhigga

8– Xasan Xundubey Jimcale, Wasaaradda Amniga Guddaha

9 – Axmed Ciise Cawad Wasaaradda Arrimaha Dib iyo Iskaashiga Caalamiga ah

10– C/hi Abuukar Xaaji, Wasaaradda Waxbarshada iyo Taclinta Sare

11– Maryan Aweys Jaamac, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

12– Jamaal Maxamed Xasan, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta

13– Saalax Axmed Jaamac, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

14– Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar), Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

15– Khaliif Cabdi Cumar, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

16– Saciid Xuseen Ciid, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka

17– Cusman Abukar Dubbe, Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska

18– Cabdi Sheekh Axmed Rooble, Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada

19– Xanifa Mohamed Ibrahim, Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul -insaanka

20– Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

21– Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta

22–Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen (Badni), Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

23– Fowsiya Abiikar Nur, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

24– Xasan Cabdi Nur, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

25– Durraan Axmed Faarax, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

26– Maxamed Adan Mocalim (Somali), Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska

27– Xamze Saciid Xamze Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga

MAGACYADA WASIIRU DOWLAYAASHA

1– Xasan Macalin Khaliif, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada

2– Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Ra’iisul Wasaraha

3– Yusuf Xuseen Axmed Gamadiid, Wasiiru Dawlaha Cadalada

4 –Maxamud Macalim Yahye, Wasiiru dawlaha Diinta iyo Awqaafta

5 –Maxamud Xayir Ibrahim, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda

6 –C/dir Shariif Sheekhuna Maya, Wasiiru Dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

7 –Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

8 –Adan Abdinasir Maxamed, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha

9 –Shukri Maxamud Afrah, Wasiiru Dawlaha Tamarta iyo Biyaha

10 –C/llahi Bile Nuur, Wasiiru dawlaha Boostada iyo Isgaarsiinta

11 –C/raxman Kulmiye Xirsi, Wasiiru dawlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

12 –C/raxman Maxamed Jaabiri, Wasiiru dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

13 –Farxan Ali Axmedl Wasiiru Dowlaha Amniga Guddaha

14 –Abdalla Xaaji Alil Wasiiru dawlaha Qorsheynta

15 –Maxamed Xaaji Ibrahim Calil Wasiiru dawlaha Dhalinyarada iyo Isboortiga

16 –Balal Maxamed Osmanl Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda

17 –Cabdi Axmed Qasiml Wasiiru Dawlaha Shaqada iyo Arrimalia Bulshada

MAGACYADA WASIIR KU-XIGEENNADA

1 –Cabdicasiis Maxamed Maxamud (Qambe), Wasaaradda Caddaaladda

2 –Maxamed Sheekh Adan Hurale, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

3 –Isaaq Maxamed Maxamuud (Abow), Wasaarad Arimaha Gudaha iyo Federalka

4 –Fahmo Axmed Nur, Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaha

5 –Sahra Haji Huseen Ali,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

6 –Axmed Xuseen Macalim (Gurey), Wasaaradda Caafimaadka

7 –C/llahi Sheekh Cali "Qaloocow”, Wasaaradda Maaliyada

8 –Cabdiraxman Yusuf Alcadaala, Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska

9 –Abdifatax Qasim Maxamud, Wasaaradda Gaashaandhigga

10 –Abdirisaq Dahir Maxamuud, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

11 –Nuuriya Adan Ciise, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

12 –Cabdirashiid Maxamud Xasan, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

13 –Xiis Xasan Adan, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

14 –Dahir Cabdi Cabdullahi (Dr Go,) Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

15 –Xirsi Aadan Rooble, Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

16 –Cadil Sheegow Sagaar, Wasaaradda Amniga Guddaha

17 –C/raxman Iidaan Yoonis, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

18 –Xaamud Cali Xasan, Wasaaradda Beeraha

19 –Axmed Cumar Islow, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga

20 –Lutfi Sharif Maxamed Cumar, Wasaarada Arrimaha Dastuur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip