Ciidanka Xoogga oo dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellada Dhexe & maleeshiyaad kale.

0
Friday October 16, 2020 - 19:06:29 in Wararka by
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga oo dilay madaxi howl-galinta Al-Shabaab ee Shabeellada Dhexe & maleeshiyaad kale.

    Muqdisho:-Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in saraakiisha milateriga Soomaaliya ay sheegteen in dagaalkii gabaldhicii Arbacadii ka dhacay duleedka degmada Afgooye ay ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Idaacadda Ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in saraakiisha milateriga Soomaaliya ay sheegteen in dagaalkii gabaldhicii Arbacadii ka dhacay duleedka degmada Afgooye ay ku dileen in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa werisay in dagaal Arbacadii ka dhacay tuulada Bulullow oo hoos tagta Afgooye lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo Al-Shabaab ahaa. Sidoo kale waxaa lagu sheegay warkan in xubnaha lagu dilay dagaalkaas uu ku jiray madaxii howlgallada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Cismaan Ciil Fiidow. Major Maxamed Cali oo ah sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa maanta wakaaladda wararka eeReutersu sheegay weerarkii xalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye oo lagu dilay 13 askari. "Waxaan dilnay afar mintidiin ah, waxaana ceyrsanay Al-Shabaab. Kadib inta badan ciidankii waa ay soo laabteen waxaana halkaas uga soo tagnay dhowr iyo labaatan askari. Kadibna fiidkii ayey Al-Shabaab soo weerareen ciidankii aan kasoo tagnay waxayna dileen 13 askari," ayuu yiri Major Maxamed Cali. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, iyo dhimashada ciidan ka badan kan ay dowladdu qiratay. "Waxaan dilnay 24 askari, intii kasoo hartayna waa ay baxsadeen," waxaa sidaas yiri Cabdicasiis Abu Muscab oo ah afhayeenka howl-gallada ee Al-Shabaab, oo sidoo kale la hadlayReuters. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen rondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerarka lagu soo qaaday. Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo watay ciidanka uu weerarkaas qabsaday ayaa ka mid ah xubnaha milateriga Soomaaliya looga dilay duleedka Afgooye.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip