Soo dhoweyntii Guudlaawe oo daaha ka qaaday shaki maalmahan dhan taagnaa

0
Friday October 16, 2020 - 18:48:33 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soo dhoweyntii Guudlaawe oo daaha ka qaaday shaki maalmahan dhan taagnaa

    Soo dhoweyntii ugu weyneed abid ayaa shalay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loogu sameeyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soo dhoweyntii ugu weyneed abid ayaa shalay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loogu sameeyay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle.


Boqolaal ka mid ah shacabka ku nool magaalada Jowhar oo maalmahaan dhan la abaabulayay ayaa la safay garoonka diyaaradaha iyo qeybo ka mid ah bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta Shabeellada Dhexe.

Cali Guudlaawe waxaa safarka ku wehliya Cabdifitaax Xasan Afrax iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo labadooduba ah guddoomiyaashii hore ee gobalka Hiiraan, sidoo kalane la aaminsan yahay in ay yihiin musharaxiin u taagan xilka madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle.

Soo dhoweynta Cali Guudlaawe waxay daaha ka rogtay in uu yahay musharax abaabulan oo heesta taageerada in badan oo ka mid ah xubnaha HirShabeelle ku matala dowladda federaalka Soomaaliya iyo in ay gadaal ka riixeyso dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay daaha ka rogtay in Guudlaawe diyaarsaday qaar kamid ah siyaasiinta reer Hiiraan ku matali doona tartanka kuraasta sare ee madaxda iyo Xubnaha baarlamaanka ee ka iman doono Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhallinyaro ka mid noqda xubnaha baarlamaanka HirShabeelle islamarkaana matali doono beesha Xawaadle lagu diyaariyay Muqdisho waxeyna qaarkood qeyb ka ahaayeen wafdigii maanta gaaray Jowhar.

Howlaha soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa si xowli ah uga socdo Jowhar waxaana la sheegay in ay magaalada ku qul qulayaan wufuud kala duwan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip