Sheekadii Aw Muriidi iyo xildhibaankii Prank-ga ahaa.

0
Friday October 09, 2020 - 19:31:53 in Wararka by
  • Visits: 1543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekadii Aw Muriidi iyo xildhibaankii Prank-ga ahaa.

    Waa xilli casarkii ah, Aw-Muriidi iyo saaxiibkiis Kaleelow waxay ka soo laabteen salaadii Casar oo ay ku soo tukadeen Masaajid u dhowaa oo ku yaalla xaafad ka dambeysa suuqa mallayga ee Xamarweyne. Markii ay soo laabeen ayey aadeen gurigii Aw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa xilli casarkii ah, Aw-Muriidi iyo saaxiibkiis Kaleelow waxay ka soo laabteen salaadii Casar oo ay ku soo tukadeen Masaajid u dhowaa oo ku yaalla xaafad ka dambeysa suuqa mallayga ee Xamarweyne. Markii ay soo laabeen ayey aadeen gurigii Aw-Muriidi waxayna fariisteen meel daarad ah oo hoos galbeed qabow leh oo ku soo dhaceyso neecowda badda oo uu laamiga oo keliya u dhexeeyey. Aw-Muriidi daaradda waxaa u yaalla Waxa loo yaqaano kursi-jiif oo ah kuraas nooc hore ah oo odayaashu isticmaalaan siiba kuwa da'du soo hollisay halka uu saaxiib soo qaatay kursi xoogaa yara gaaban oo kuwa fadhiga ah.

Halkii bay sheeko ka bilaabeen wuxuuna Aw-Muriidi oo in muddo ahba rabay inuu hadalka bilaabo yiri” Saaxiibkeygoow..soo dhawaaw..aniga go’aan aan gaaray waxaan rabaa in aan xildhibaan naqdo…maalin walba ma firri kari dad horteyda baabuur buruuf eh ku wato…”

          Kaleelow ayaa soo booday isagoo leh”haye..saas maaba rabtaa …see camal adigoo saan eh oo duqoobay maaba xildhibaan raadihee”.

"Yaa ii diiday ani in aan xildhibaan naqdo..lacag lee ma la raboo waa dhiibaa…dadka dhan reer xamar intii maqan intii joogto waa wacaa…garabkey ha la buuxiyo aan dhahaa,,,,Axmed Naaji…shariif sheek….Nuuraani..shakeeti….Qumbow…abeesow..dham-maantood waa wacaa…buruuf mey ii gadi waayeen…haddii wax kale waayo dahabkii duq Maceey,,ayeeyadey ka dhimatay aan gadaa…ani waa naqahaa lee” ayuu yiri Aw-Muridi.

            Kaleeleow ayaa hadana hadalkii la wareegay isagoo leh "Aw-Muriidiyoow maanta waxaas ma ii keentay …ciyaalkaan sartaan xun ee bolosha eh ee ay degan yihiin in aad ka xaraashto maa rabtaa…reer xamar is oggol oo ku doorahaayo maa heysaa ..nin walba tiisaas u ordooyaa ..meeqa sharaxan ..ma arkinoo…AAjakis…Buur fuule…xildhibaan lee la wada dhahay”.

           Aw- Muriidi wuxuu ku adkeystay "Aniga waa ogahay siyaasad cimrigeedii ma joogo waa soo dhaafay…..cimri aan ku jiraa laakiin xildhibaanimadaan aan raadihaayo dad aan Prank ooga dhigaa..in ay yaabaan aan rabaa…in ay dhahaan Aw –Muriidi saan maas ahaay waa noo dhuuntay”.

              Intii ay sheekada wadeen ayaa waxaa kubbad yar soo qaatay Cabuuti yare oo ahaa wiil saadex sano jir ah oo uu Aw-Muriidi wiilkiisa dhalay, wiilka albaabka (Ganjeelka) oo furnaa awgeed ayaa kubbaddii dibedda uga yara baxday..Waxay labadooduba dhaheen "bax..soo qabso hee” laakiin wiilkii yaraa inta uu xoogaa guriga gadaal ugu sii durkay ayuu yiri” Waa la is xadooyaa” .

          Labadii oday oo hadalka wiilka yar la yaab ku keenay ayaa ku sii adkeeyey "War soo qabsoo yaa ku raboneh”

"Ilamaha yar yar waa la xadooyaa ..qof aan aqoonin ani maraacaayi…qof aqaano lee raacaa..mana baxaayi bannaanka kaligeey " yiri.

Aw- Muruudi iyo kaleelow waaa la yaabeen hadalka canugga yar wuxuuna kaleelow yiri ‘ Runtiis waaye dadka aas ka maqlaa ilmaa la xaday ilmaa la xaday…yaa dbbaal eh”


Sidii ay u wada fadhiyeen xilli ku dhow 11 saac ama shantii galabnimo ayaa odaygii Muriidi isagoo sheekeynaya ayuu khuuri bilaabay ..dabkaa ka tagay.

           Aw-Muriidi riyo ayuu galay…..wuxuu marayaa waddo cariiri ah oo xaafadda koodka ah xilli hore oo uu salaadda subax u soo baxay ..waxaa ka daba timid labo nin oo garbaduub u qabatay oo markii ay luuqii ka saareen ku riday gaari madow oo ay wateen….way la tageeen odayga waxaa ugu war dambeysay isagoo qol ay joogaan labo nin oo dhar cad cad wadata la sii galinayo……qalllin baa lagu sameyeeyey xanuun badan ..qeylo iyo rafashho …kellidaa laga muday ..hilib gaduudan oo is heysta ayaa faq laga soo siiyey……wuu qeyliyey kelideydii ..kelideydii …ii dhiga..ii dhiga .

Odaygii ag fadhiyey ee Kaleelow ayaa ka yaabay qeylada oday wiilkii yaraa ee Cabuuti eek u ag ciyaarayeyna waa soo jeestay oo wuxuu ka yaabay odayga hurdaya ee hadana qeylinaya >wuxuuna kaleeolw ku yiri” Baaba..ma la xadi rabay”.

            Kaleelow ayaa Aw- muriidi hurdadii uu riyada ku qarwayey ka toosiyey wuxuuna weydiiyey waxa uu ku riyoonayey.

Aw-Muriidi riyadii uu ku riyooday meel kale ayuu u weeciyey " waxaan ku riyooday anigoo Forex dhigtay kun doolar waa la ballamiyey labo bil ka dib waxay I dhaheen lacagtaada waa kuu dhalee…laakin markii dambe ee aan u tagay oo labadii bil dhammaatay waxaan tagay xafiis oo laga guuray ..markii galayba eey weeyn aa igu soo booday…..orod aan isku dayay ..meel waa gaari waayey..waan dhacay …waa igu soo booday kellidaas iga baxsaday..sidaas aaan u qaylinaayey…

Kaleelow waa rumeysan waayey fasirkaa wuxuuna yiri "Kelidey ii dhiga maxaa u laheyd haddii hal eey as ahaay”.




WQ:- Mohamed Shiil




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip