Gool-hayaha kooxda inter oo heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa
Gool-haya kooxda kubbadda cagta ee Inter Milan, Daniele Padelli ayaa heshiis cusub oo uu ku sii joogayo naadiga ka ciyaara Serie A-da u saxiixay ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-2021.
34 jirkaan ayaa qandaraaska uu kula joogay kooxda ka dhacay xilli-ciyaareedkii hadda soo gabagaboobay, balse haatan ayuu go'aansaday in uu sii joogo Inter ilaa Juunta soo socota.
Padelli ayaa 8 kulan ka soo muuqday safka Inter saddexdii sano ee uu ku sugna naadigan, waxaana kamid ahaa kulankii Milan derby ee uu Gool-haye Samir Handanovic ahaana kabtankii Inter uu far ka jabay.
Inter ayaa bayaan rasmi ah oo ay ku daabacday boggeeda ku xaqiijisay sii joogista Padelli ee kooxda.
.
Gool-hayaha kooxda inter oo heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa
Gool-haya kooxda kubbadda cagta ee Inter Milan, Daniele Padelli ayaa heshiis cusub oo uu ku sii joogayo naadiga ka ciyaara Serie A-da u saxiixay ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-2021. 34 jirkaan ayaa qandaraaska uu kula joogay kooxda ka dhac