Beesha Caalamku inta ku tiraa, Riyo ii fasir yaan lagu garaacin=Nasashada Jimcaha.Q-217-aad=

0
Friday September 11, 2020 - 20:13:47 in Wararka by
  • Visits: 1635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamku inta ku tiraa, Riyo ii fasir yaan lagu garaacin=Nasashada Jimcaha.Q-217-aad=

    1-Odayaal meel ku shirayo ayaa 3 oday shirkii ka istaageen, waxeyna codsadeen in shirka hal maalin dib loogu dhigo. Waxaa lagu yiri: Waan idin siinay si aad go'aan u soo gaartiin. Waxay yiraahdeen, haddaba waan heeysanaa go'aankii, oo Saaxi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Odayaal meel ku shirayo ayaa 3 oday shirkii ka istaageen, waxeyna codsadeen in shirka hal maalin dib loogu dhigo. Waxaa lagu yiri: Waan idin siinay si aad go'aan u soo gaartiin. Waxay yiraahdeen, haddaba waan heeysanaa go'aankii, oo Saaxiibkeen ayaa noo sheegay, ee waxaan ka baqeeynaa in aan hilmaano, waxaan u bexeyno ma ahan in aan soo fekerno ee waa in aan ku celcelino go'aanka naloo yeeriyay si uuna nooga dhumin. ( F.S: 1aad) ( Yac, Magac ma sheegin, Adigu ha magacaabin) 2-Ardaydii oo fasalka wada fadhido ayaa Macalinkii soo galay oo uu hor istaagay, kuna yiri: Fasalka hadduu ku jiro Qof aaminsan in uu Xoolo yahay oo warkiisu uuna macna leheeyn ha istaago. Arday ayaa istaagay. Macalinkii ayaa yiri: kaligaa miyaa Xoolo ah? Ardaygii ayaa yiri: maya, Macallin intii Xoolo ah ha istaagaano ma dhihinoo, in aad kaligaa istaagto ayaa i dhibee. ( F.S:2aad)(Madaxda Doodaha TV-yada ka qeyb galayo, haddii ay yiraahdiin, qofkii musuq iyo Qabyaalad inuu sameeyay isku og ha istaago. halala istaago Madaxda,yaan la cidleeyn iyagaa koow ka ah)

3-Nin Tuug ah ayaa u soo galay habeen Haweeney duq ah oo kaligeed Qol jiifto, waxa uu yiri: ha qeylin ee Hantida aad heeyso keen. Waxa ey ku tiri: Dahabka halkaa ku jiro qaado, Tuugnimada duruuf ayaa kuu geeysay ee waad shaqeysan leheyd. Laakin Wiilkeeygiiyoow hal sheey ayaan kaa codsanayaa, kaa oo ah Riyo aan caawa ku riyooday in aad ii fasirto.wuuna ka aqbaly.
Waxa ey ku tiri: waxaan ku riyooday, Aniga oo kaligeey socdo Wabiga dhunaciisa ayaan simbiririxday, waxaan arkay Anniga oo ku sii dhacaayo Wabigii, kor ayaan u qeeyliyay waxaan iri: Faaraxoow iga soo gaar, iga soo gaar, "kor ayeey hadalkaa u tiri”. Tuugii ayaa yiri: Faraxaasi kumuu ahaa?. isla markii Wiilkeedii Farax oo qeylada Duqda ku soo toosay ayaa Qolkii soo galay. Tuugii waa la garaacay. Duqdii ayaa tiri: war ka jooji, markaan yuuna kugu dhimane. Tuugii ayaa yiri: si fiican ii garaac. Anniga khaladka leh. Halkaan ma waxaan u imid in aan Riyo fasiro. ( F.S:3aad)
(Beesha Caalamku inta ku tiraa, Riyo ii fasir yaan lagu garaacin)
4-Wiil iyo Saaxiibkii ayaa Qol ka kireystay sh. Cilmi. Markii ey saddax bilood deganaayeen ayuu yiri: kiradii i siiya. waxa ey ku yiraahdeen, Annagaaba kaa rabno kiradii Qolka aan kaa deganeyn. Sh. Cilmi waxa uu u yeeray Qaraabadii Ninka. kuna yiri: Ninkaan iyo saaxiibkii iiga qaadan kirada, iigana saara qolkaan. Waxa ey ku yiraahdeen , ma kan yar oo weliba qolkaagii kiro kaa weydiistay gardaradiisa ayaad nooga dacwoonee, Anagaaba in aan kaaga dacwoono kuugu nimid.
Sh.Cilmi ayaa yiri: Idiinkaga dacwoo maayo ee waa idin ogeeysiinayay, waxa uu rabaa in aan Qolka dhaxdiisa ku dagaalno anna waxaa i dhibayo in Daaqadaha cusub iyo Albaabadu iga burburaan. Laakin hurimee, ee Bisha Afraad hala gaaro.
( Horaa loo arkay tuug soo galay Guri Qoys degan yahay, wuxuu soo xasuustay in Caawa ay jirtay Ciyaar Final ah oo ey ciyaareysay koox uu jecelyahay, TV-gii Reerka ayuu shitay, wiliba markii kooxdiisii ey Gool dhalisay ayuu Sacab iyo qeylo bilaabay. TV-gii waa jabay laakin Tuugii…….)
5-Nin sheikh ah oo kitaab Akhrisanayo ayaa waxaa soo ag fadhiistay Nin Reer miyi ahaa oo aan weligii Kitaab aqrin. Kitaabkii ayuu u soo dhawaaday oo uu fiiriyay. Shiikhii ayaa ku yiri: Maxaad ka fiirinee wax akhriskaba ma taqaanide. Reer Miyiga ahaa ayaa yiri: Wax yar ayaan ka fahmay. Waxa uu yiri Sheikhii: Maxaad ka fahamtay? Waxa uu yiri: Waxaan ka fahmay Cirif ha degin. Waxa uu arkay in Waqadaha Kitaabku ey dhinacyada ka soo rifmeen oo dhaxda oo kaliya uu ka fiyoowyahay. (F.S: 4aad)
( Ilmahaaga Qurbaha,cirifyada ameey ka le’deen. Mar mar keen Dalka inta eynan Gudaha ka bololin).
6- Doorasho Qof iyo Cod ah oo ka dhacdo waddanka Hindiya ayaa waxaa ka qeyb galayay Sannad kasta Oday 90 jir ah. Mar kasta oo uu codeeyo, Diiwaan galiyaha ayuu weeydiiyaa Xaaskeeygii Marwo Caasho ma ka qeyb gashay Doorashada, Diiwaanka ayaa la fiiriyaa, waxaana laga helaa magaceeda ,waxaa la gu yiri: haa , weliba hal saac ha hor ayeey Codeeysay.
Odaygii oo kaligii meel fadhiyo oo murugeeysan ayaa waxaa u yimid Nin ka mid ah Gudiga Doorashooyinka Madax Banaan. Waxa uuna ku yiri: maxaa kugu dhacay oo aad la murugeeysan tahay. Odaygii ayaa ku yiri: waxaan la murugeeysanahay. Xaaskeegii 7 Sanno ka hor ayeey dhimatay, Sannad kastana wey codeeysaa, Annagana nama soo booqato. ( F.S:5aad)
(One man One Vote, Diiwaan galinta Gudigga iyo Xaaladda ka jirto Somaliya waa la fahmay,in Meeyto Codeey rabto ayaa loo qaatay waana laga noqday)
                              Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip