Hooyo shan carruur oo mataano ah ku umushay Magaalada Muqdisho

1
Tuesday August 04, 2020 - 18:15:26 in Wararka by
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo shan carruur oo mataano ah ku umushay Magaalada Muqdisho

    Hooyo Soomaaliyeed oo degan Magaalada Muqdisho ayaa shan carruur oo mataano ah ku umushay Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer), ka dib markii qaliin lagu sameeyay. Hooyadan ayaa maalintii Arbacada saddex wiil iyo laba hablood ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo Soomaaliyeed oo degan Magaalada Muqdisho ayaa shan carruur oo mataano ah ku umushay Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer), ka dib markii qaliin lagu sameeyay. Hooyadan ayaa maalintii Arbacada saddex wiil iyo laba hablood ku umushay Isbitaalkan Degmada Hodan ku yaala, waxayna xaaladda carruurta ahayd mid wanaagsan. Warkan ayaa soo shaac-baxay saacadihii la soo dhaafay, ka dib markii barta Mogadişu Somali Türkiye Recep Tayyip Erdoğan uu ku leeyahay Twitter-ka lagu baahiyay warka la xiriira shanta mataanaha ahi, ee ay hooyadan Soomaaliyeed ku umushay isbitaalkaasi.

Dr. Axmed Isaaq Xuseen oo horkacayay dhakhaatiirtii qaliinka ku sameysay hooyadaasi ayaa sheegay in carruurta, ay umushay iyagoo caafimaad qaba, inkastoo mid ka mida uu dib ka saqiiray.

Dr. Axmed Isaaq Xuseen oo la hadlay BBC ayaa tani ku tilmaamay wax mucjiso ah, oo ay yar tahay in caalamka ka dhacdo, ayna markii ugu horeysay noqoneyso in hooyo Soomaaliyeed ay mar qura umusho shan ilmo ah.

"Gabadhan waxay ka tahay waxyaabaha mucjisooyinka ah, ee sida naadirka ah loo arko caalamka, waana kiiskii ugu horeeyay intaan hubo Somaliya, hooyo inay shan canug halmar umusho.” Ayuu yiri Dr. Axmed Isaaq.

           

     




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip