Ururada bulshada rayidka ah oo Sharci daro ku tilmaamay Magacaabis ay sameeyeen xubnaha Xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay

0
Saturday August 01, 2020 - 08:48:10 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururada bulshada rayidka ah oo Sharci daro ku tilmaamay Magacaabis ay sameeyeen xubnaha Xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay

    Isutaga ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa ka horyimid magacaabistii guddiga golaha adeegga garsoorka Soomaaliya ee khamiistii ay Magacaabeen Golaha Wasiirada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee horay kalsoonida lagala laabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isutaga ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa ka horyimid magacaabistii guddiga golaha adeegga garsoorka Soomaaliya ee khamiistii ay Magacaabeen Golaha Wasiirada dowladda dhexe ee Soomaaliya ee horay kalsoonida lagala laabtay. War-saxaafadeed ka soo baxay Isu-tagga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan awood u lahayn, in ay magacaabid sameeyaan ,islamarkaana wixii ay magacaaban uu sharci-darro yahay, maadaama iyaga laftoodu aysan sharciyad haysan, balse ay xilka ku simayaan Xukuumadda dhalan doonta. Isutaga ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sharci-darro ku tilmaamay Golaha Adeega Garsoorka iyo hay'adda Batroolka Soomaaliya, oo ay maalmo ka hor magacaabeen Golaha Xukuumaddii laga qaaday kalsoonida ee xilka weli sii haya.

            



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip