HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-JULY-2020

0
Tuesday July 28, 2020 - 10:50:22 in Wararka by
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-JULY-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Taliyaha Ciidama da Booliska ee Saldhiga Garoonka Aadan Cad de Cabdi Fitaax Bashiir. Cabdi Fitaax Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyay Taliyaha Booliska Garoonka Aadan Cadde Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Taliyaha Ciidama da Booliska ee Saldhiga Garoonka Aadan Cad de Cabdi Fitaax Bashiir. Cabdi Fitaax Bashiir ayaa markiisi hore da rajadiisa waxa ay aheyd G/lle Boo lis ah, balse Dalacsiinta cusub ee u soo baxday ayaa ka dhigeysa Darajada G/lle Dhexe oo ka tirsan CBS. Horay waxa uu u soo noqday Cab di Fitaax Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Hodan, sidoo kalena wuxuu soo noqday Tali yihi Qaybta Booliska ee Waliyow Cadde. Sarkaalkaan ayaa ku sifoobay hawlkarnimo la xiriirta inuu ka muuqdo goobaha loo dhiibo, gaar ahaan inuu meel bilic & shaqo wanaag leh ka dhigo rugta uu maamulaayo. Dalacsiintaan la dalacsiiyay Sarkaalkaan ka tirsan CBS ayaa waxaa Dhacdo.com u xaqiij iyay ilo wareedyo ka tirsan qaybta guud ee Bo oliska G/Banaadir. Xigasho:dhacdo.com

Soomaaliya oo Turkiga ugu hambalyey say arrin ay dalalka Carabta qaar ku dhaliileen

      DFS ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay D/Turkiga iyo shacabkeeda, iyadoo ugu ham balyeysay furitaanka Masjidka weyn ee Hagia Sophia oo horay u ahaa madxaf ku yaal M/Istanbul.

     Masjidkaas ayaa furitaankiisa muran badan dhaliyay oo dowladdaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta oo Sacuudiga iyo Imaaraadka ugu horeeya an ay ku dhaliileen madaxwey naha Turkiga Recep Tayyip Erdogan."Wasaaradda Awqa afta iyo arrimaha Diinta Somaliya waxay u ham balyeyneysaa guud ahaan dunida muslimka ah, gaar ahaan shacabka walaalaheena Turki ga, qaadashada go’aanka ah in dib loogu cel iyo xaruntiisii hore masjidka Hagia Sophia,” ayay ku soo qortay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Somalia barteeda Twitter.

     Masjidka Hagia Sophia ayaa waxaa markii ugu horreysay dhisay Boqortooyadii Byzantine qarnigii 6-aad ee milaadiga, balse waxaa mar kii dambe masjid ka dhigay Cusmaaniyiinta oo sanadkii 1453 qabsaday Qisdhandhiiniyah (Constantinople) Shalayna ah magaalada Istanbul.

     Hagia Sofiya waxay kaniisad ahaan jirtay il aa 916 sanadood ilaa laga qabsaday M/Istan bul, waxayna masaajid ahaan jirtay laga soo bilaabo 1453 ilaa 1934 – ku dhawaad 500 sa no, xiligaasi wixii ka danbeeyayna waxaa loo badalay matxaf 86 sano.

    Mid ka mid ah dhismayaasha taariikhiga ah ee sida weyn loo booqday ee ay leeyihiin dalx iisayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, Ha gia Sophia waxaa lagu dairy Liiska dhaxalka dunida la wada aqoonsan yahay ee diiwaanka UNESCO sanadkii 1985, waqtigaas oo ahayd madxaf.

    Maxkamad Turki ah ayaa baabi’isay qaraar kii golaha wasiirada xukuumaddii jirtay 1934 taa soo u beddeshay Hagia Sophia madxaf, taa soo wadada u xaareysay in mar kale loo isticmaalo masjidka kadib 86 sano.

Dowladdaha reer Galbeedka oo ugu horeeyo Mareykanka ayaa si caro leh ugu hadlay mow qifka masjid mar kale loogu badalay Hagia Sophia, waxayna madaxweynaha Turkiga ay ku eedeeyeen inuu meel ugu dhacay diimaha dadka ay aaminsan yihiin. Halka Dunida Isl aamka qaar si weyn looga soo dhoweeyay, inkastoo dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay ku dhaliileen arrintaasi Turkiga.

Sii Haye Guuleed oo booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda

     Sii hayaha xilka R/Wasaaraha Mahdi Maxa med Guuleed ayaa Shalay kormeer ku tegey xarunta W/Maaliyada ee DFS ee MMuqdisho.

Kormeerka ayaa la xiriirtey sidii uu Sii Hayaha Xafiiska R/Wasaaraha ugu kuurgeli lahaa howlaha sha qo ee ay W/Maaliyadda hay so,waxana uu mas’uuliyiin ta Wasaaradda kala hadlay dardar gelinta shaqooyinka iyo in isbedelada jira aysan saameyn ku yeelan socodsiinta how laha ay qaranka u hayaan.

     Siihayaha Wasiirka Maaliyadda XFS Md.C/ raxmaan Ducaalle Beyle oo soo dhoweeyay sii hayaha R/wasaaraha ayaa sheegay inay ka wada hadleen dib u habeynta dhaqaalaha iyo qodobo kale.  "Waxa aan ka wada hadalnay ku simaha ra’Iisul wasaaraha dar-dar galinta how laha Maaliyadda, sida dib-u-habeynta dhaqaa laha,sare u qaadidda dakhliga dalka iyo saam eynta dhaqaale ee Covid-19” ayuu yiri sii haya ha Wasiirka maaliyadda”ayuu yiri wasiir Beyle.

Madaxweynaha Hirshabelle oo soo gaaray Muqdisho

     Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Md.Maxamed Cabdi Waare ayaa soo gaaray M/Muqdisho, kadib safar uu uga soo baxay M/Dhuusamareeb ee Galmudug oo muddooy Inkii dambe ku sugnaa.

    Madaxweyne Waare waxaa Garoonka Diy aaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ma daxweyne Ku xigeenka Hirshabelle Cali Guu dlaawe, Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirsha belle & Xildhibaano.Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn ujeedada ka dambeysa imaansha ha Safarkiisa M/Muqdisho Madaxweyne Waare, ay aa haddana waxaa lala xiriirinayaa isbe delka Siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

     Shalay isagana waxaa Muqdisho soo ga aray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Ax med Cabdi Kaariye Qoorqoor oo tan & markii la do ortay Safarkii ugu horeeyay ku soo gaa ray Muqdisho. Muqdisho xilligaan waxaa ka ji ra guux siya asadeed oo ballaaran, maadaama dhinacyo ka la duwan xusul duub ay ugu jiraan shaqsiga la ga dhigi doono inuu noqdo R/W. Somaliya, ka dib xil ka qaadistii X. C. Khayre.

Xildhibaan Fowsiya oo sheegtay in Kheyre xilka looga qaaday arrin uu caqabad ku noqday

    Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji  Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha BFS horayna usoo noqotay wasiiradda arrimaha dibada Somalia, ayaa soo dhowey say xil ka qaadista R/wasaa re Xasan Cali Kheyre oo Dorraad baarlamaanka uu codka kalsoonida kala noqday. Fowsiya Yuusuf ayaa sheegtay in Khe yre uu hortaagnaa islamarkaana caqabad ku ahaa doorasho qof iyo cod ah in dal ka ka dha cdo, iyadoo tilmaamt ay inuu doonayay in dal ka dib loogu celiyo doorasho dadb an."Marar badan oo aan dhageystay hadalka ra’Iisul wasaare Kheyre waxaan ka dhadhans aday hadalkiisa  inu usan ogoleyn in dalka doora sho dadweyne ka dhacdo, ha ddii uu hor istaa go wixii shan sano aan usoo diyaar garooow nay oo waqti badan nooga lum ay waan ku qan acsanahay in malaga hor leex iyo,” ayey tiri    Xildhibaan Fowsiya oo u waram eysay idaaca dda BBC.

     Xildhibaan Fowsiya ayaa sidoo kale ku eed eysay Kheyre inuu shaki geliyay kana soo hor jeestay sharciga doorashooyiska oo labada aqal ee baarlamaanka ansixiyeen, aakhirkiina madaxweynaha uu saxiixay.

       Mas’uuliyadda dib u dhac kasta oo ku yim aada doorashada ayay dusha u saartay xukuu maddii Kheyre oo ay tilmaamtay in Kheyre uu xafiiska ku haystay sharciyadii loo baahnaa in la dhameystiro.

     Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Aadan ayaa ka mid ah xildhibaanada aan mowqifkooda siyaas adood meelna jirin haddey ahaan laheyd dhina cyada xisbiyada mucaaradka ama dowladda Nabad iyo Nolol.

Maxaa ka jira in Internet-ka Soomaaliya loo jaray arrimo siyaasadeed dartood?

        Wasiirka W/Boostada, isgaarsiinta iyo Tik noolojiyada ee XFS Eng Cabdi Canshuur Xas an ayaa faah-faahin ka bixiyey adeega Inter net-ka oo Dorraad gabi ahaan ka go’an M/Muqd isho.

    Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyey in dow ladda Soomaaliya ay Internet-ka u jartay arr imo siyaasadeed, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya arri ntaasi. Wasiir Cansh uur ayaa carrabka ku dhuftay in cillad aan la fileyn ay ku timid fiilada Fiber Optic ee soo dhexmarta badda hoosteeda.

    Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan lagu howlan yahay in la ogaado ciladaasi iyo mee sha ay ka dhacday, si loo farsameeyo.

     "Waxaa si cad u sheegayaa waxa dhacay waa cilad farsamo, laakiin ma’ahan cilad siya asadeed iyo howlo kale.”ayuu yiri wasiirka boo stada Soomaaliya.   Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in DFS aysan dhibaato ku aheyn sha cabkeeda, isla markaana loo baahan yahay inaan la’iska eedeyn."Tecnolojiyada, aqoonta iyo waxyaaba ha dhaqaalaha saameynaayo, marna dowlad da ma siyaasadeyso.” ayuu had alkiisa sii raac iyey wasiirka. Adeegga Internet-ka oo ay inta ba dan ku xiran yihiin dadka So omaaliyeed ayaa maqnaashiyihiisa wuxuu sa meeyey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana sidoo ka le jira khasaare badan oo ka dhashay, walow aan la shaacin karin inta uu la’egyahay.


Deni oo si kulul uga hadlay xil ka qaadista R/W Kheyre, kashifay qorshaha Farmaajo

     Madaxweynaha Puntland Saciid C/hi Den ayaa si adag ugu hadlay tallaabadii xilka baar lamaanka ugu qaaday R/wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo qeexay waxyaabo badan oo loola dan lahaa xil ka qaadista Kheyre.

     Md.Saciid Deni ayaa sheegay in tallaabadii xilka looga qaaday Xasan Cali Kheyre isagoo Cad aado u jooga qabsoomi da jawi doorasho ay ku dhacdo in madaxweynu hu dhabarka too gto, taasoo uu ku sheegay inay aheyd mid ba al marsan sharciga dalka u yaal, wuxuuna Mad axweyne Farmaajo uu ku eedeeyay inuu ku tu ntay dastuurkii ummada lagu dhaqayay.

     "Waxaa cajiib ah oo tallaabada sharci dar ada baarlamanka kasii daran in madaxweynihii jamhuuriyada oo ku cel celin jiray waxaan ilaal inayaa dastuurka inuu si deg deg ah ku aqba lay arrintaasi sharci darada oo muuqato inuu buriyay qodobo dastuuri ah, waxaa intaa ka da ran ra’iisul wasaarihii oo Dhuusamareeb ka te gin isla waqtigaasi inuu madaxwynuhu daqiiqa do kadib wareegto kusoo saaray inuu xilka sii hey doono ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Gulled” ayuu yiri Saciid Deni.

    Wuxuu sheegay in Puntland ay si adag u dii day tallaabooyinka baarlamaanka iyo go’aanka madaxweynaha DF oo ay u aragto in lagu ma ja xaabinaayo shirkii Dhuusamareeb oo ay u aragtay in xalka Somalia uu ku jiray.

     "Waxaa aad u muuqaneysa in madaxweynu hu raali ka aheyn in doorasho dalka geliyo, in dalku si dimuqraadi ah u maamulo, wuxuu cad eeyay in wareegto isaga u gooni ah ku maa mulo uusana ixtiraameyn dastuurka, sidaasi darteed markaan derisnay muwaaqiftaasi Punt land waxay shaki gelineysaa ku dhaqanka iyo xeerarka dastuurka dalka u degan, waxaana u aragnaa in wixii dhacay lagu maja xaabinaayo shirkii Dhuusa mareeb oo wixii quruxda badan kasoo baxay” ayuu yiri madaxweynaha Puntl and.

      Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaa jo in uu xagal daacinaayo shirkii Dhuusamare eb iyo balantii loo balansanaa Agoosto 15-kee da iyo inuu keeno guddigii loo balansanaa.

      Dhinaca kale wuxuu khudbadiisa ku xusay dadaaladii uu ra’iisul wasaare Kheyre uu ka wa day Dhuusamareeb xiligii la dhabar jabiniyay, isagoo sheegay in ra’iisul wasaaruhu ka go’n eyd in dalku doorasho xiligeeda ku dhacda la qabto, dadaalkeedana uu u joogay Galmudug, balse nasiib daro laga horyimid in dalku dora sho ka dhacdo.

     Hadalka Saciid Deni oo aad u dheeraa ayaa wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliy eed inay gacan ka geystaan in dalka la badbaa diyo, isagoo beesha caalamka ugu mahad cel iyay falcelintii iyo taageerada shacabka Sooma aliyeed, isagoo ka codsaday inay badalaan nid aamka taageerada iyo inaysan madaxda xilig aan kusii deyn inay wixii ay doonaan sameeya an, hantidii caalamka ka gashay dalkana khas aarin.

    Fariinta madaxweynaha Puntland ayaa u muuqata mid culeyskeeda leh, dhalinna karta xaalad hor leh oo madaxda maamul goboleedy ada ay ku midoobaan, taasoo dab kusii shidi karta xaalada xiligaan ee kala guurka.

Md.Cumar Cabdirashiid oo shaaciyey sida uu u arko xil ka qaadista Kheyre

    Ra’iisul Wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo wareysi sii yey VOA, ayaa sharci-darro ku tilmaamay hab ka loo maray xil ka qaadista ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Dorr aad sheegay inay xilka ka qaadeen ra’iisul was aarihii dalka Xasan Cali Kheyre, kaasi oo saaca do kadib isna sheegay in uu iscasilay.

  Md.Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in baarlam anka uu sharci ahaan lee yahay awood uu xilka uga qaado ra’iisul wasa araha,hase yeeshee in la jebiyey xeer hoosa adka baarlamanka, taasi oo tallaabadaas ka dhigay mid sharci darro ah. Md.Cumar waxa uu sheegay in marka hore ay ahayd in la eede eyo xukuumadda, kadibna la siiyo fursad ay is ku difaacdo, markaas kadibna loo qaado cod ka kalsoonida, arrimahaas oo dhammaantood aan la sameyn.

    Waxa uu sheegay in baarlamanka laga ya abo inuu haystay codad ku filan oo lagu ridi kar ay xukuumadda Kheyre, balse usuan garan eyn sababta ay uga cabsadeen inay nidaam sharci ah maraan.  Xil ka qaadista Kheyre ay aa waxaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay oo dhaleeceeyey Midowga Yurub oo sheegay "in hanaanka loo maray mooshinka codka kals ooni kala noqoshada xukuumadda uusan buu xin xitaa shurudaha ugu yar ee dastuuriga ah.”

     Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa she egtay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre ay dib u dhac ku tahay isbedellada hor umar ee ka socday Soomaaliya.

Midowga Yurub oo ka biyo diiday kalsooni kala noqoshadii Xukuumadda Khayre

     Ururka Midowga Yurub ayaa si adag uga horyimid tallaabadii Dorraad kalsoonida looga la noqday Golihii Xukuum adda, ee uu hogga amina yay R/Wasaare Xasan Cali Khayre. Madaxweyne Kux igeenka M/Yurub, Josep Borrell ayaa War Sax aafadeed uu Shalay soo saaray waxaa uu ku sheegay inay nasiib darro tahay wixii Sabtidii Dorraad ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka, ayna horseedi doonto dib u dhaca Somaliya iyo kalsoonidii uu ku qabay Midowga Yurub.

"Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Sha cabka Somaliya Sabtidii, waxay dib u dhac ku yihiin Somaliya iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Somaliya.” Ayuu yiri Josep Borrell.

     Madaxweyne Kuxigeenka ayaa War Saxaa fadeedka ku sheegay in hannaanka loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumaddii Khayre aynaan waafaqsanayn Dastuurka Qaranka.

"Hannaanka loo maray mooshinka codka kal sooni kala noqoshada Xukuumadda, xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuur iga ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Midowga Yurub.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ficilada ce ynkani oo kala ah, ay ixtiraam darro ku yihiin aasaasidii Dastuurka Dalka, ee maal-gelintiisu uu lahaa Ururka M/Yurub. "Ficiladan waxay xu shmad darro weyn ku yihiin aasaasiga dastuu riga ee Somaliya ee MY uu maal-gelinayay.” Ayuu yiri Josep Borrell, Madaxweyne Kuxig eenka Midowga Yurub.

     Borrell ayaa sidoo kale War Saxaafadeedki isan ku sheegay in M/Yurub uu si taxadar leh u eegi doono ciddii ka masuulka ahayd arrintaasi iyo weliba cidda ay tahay inay masuuliyadeeda qaaddo. "M/Yurub wuxuu si taxadar leh uu dib ugu eegi doonnaa, sida ay ku yimaadeen dha cdooyinkan iyo cidda qaadeysa masuuliyadda iyo heerka ay Somaliya ka weecin karaan hour markii ay sameyneysay.” Ayuu yiri Mr. Borrell.

Hadalka adag ee ka soo yeeray Ururka M/Yur ub ayaa xoojinaya warkii Habeen hore ka soo yeeray Xukuumadda Washington, ee lagu dha liilay dhabihii loo maray kalsooni kala noqo shada Golihii Wasiirada, ee Xasan Cali Khayre uu garwadeenka ka ahaa.

Ujeedka uu Madaxweynaha Galmudug u yimid Magaalada Muqdisho

     M/Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Shalay waxaa soo gaaray Madaxweynaha D/G/G/Mudug Md.A xmed Cabdi Kaariye Qoor qo or iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Madaxweyne Qoorq oor ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, waxaana xubnahaas ku jiray kuwo    siweyn uga soo horjeeday Doorashiisa.

     Intaas kadib Madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu marka hore u mahadceliyay Xildhibaanada iyo Mas’u uliyiinta kale ee kusoo dhaweeysay M/Muqdis ho, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay dib ugu soo laabashada Caasimadda dalka.

    Waxaa uu sheegay Qoorqoor in Ujeedka uu u yimid Caasimadda dalka ay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa Madaxda DFS, isagoo kala hadli doona Arrimo kala oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Waa markii ugu horreysay oo uu Magaalada Muqdisho yimaado Madaxweynaha maamulka Galmdug Axmed Cabdi Kaariye tan iyo markii loo doortay Madaxtinimadda Galmdug, wuxuuna safarkiisa kusoo aaday, xili xil ka qaadis lagu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dil ka dhaca Muqdisho iyo Shabaab oo war kasoo saaray

    Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Soom aaliya ayaa lagu dilay isgoyska Tarabuunka ee D/Hodan, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Feyte. Sida ay warnaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah sarkaalkaas waxaa di lay nin ku hubeysnaa qori AK-47 ah, kaas oo mar kii uu dilka geystay kadib goobta ka baxsaday.

    Marxuumka ayaa markii la dilayey waxa uu watey gaari nooca raaxada ah, waxuuna Feyte horay uga tirsanaa saraakiishii Nabad Sugidda Soomaaliya ee markii dambe lagu biiriyey boo liska. Sida lagu baahiyey warbaahinta tageer ta Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuli yadda dilka sarkaalkaas, waxayna sheegtay inuu ahaa taliyaha D/Hodan.

  

Masaajid ku yaala dhulka Falastiin oo Shalay dab la qabadsiiyay

      Masaajid ku yaala Daanta Galbeed ee Ma amulka Yahuudda uu xoog ku haysto ayaa Shalay dab la qabadsiiyay, inkastoo aanu dabk aasi wada saamayn qaybaha uu Masaajidka asi ka kooban yahay.    Shaqaalaha Waaxda Dab Demiska ee Falastiin ayaa sheegay in Masaajidka la gubay, ka dib markii walxo dare ers ah oo holkacaya looga soo dusiyay mid ka mid ah daaqadaha Ma saajidka.

   Shaqaalaha Dab De miska oo gacan ka hel aaya dadka deegaan ka ayaa ku guuleystay inay baqtiiyaan dabka asi, isla-markaana ay ka hortaggeen in Masaa jidka uu wada gubto. Goobta lagu tukado ee Masaajidka ayaa ka nabadgalay in waxyeelo ka soo gaarto dabkaasi.

    Wasaaradda Arrimaha Diinta ee Falastiin iyo Madaxa Wada-xaajoodka Falastiin, Saeb Erekat ayaa ku eedeeyay dadka Yahuudda ee deegaameynta doonaya inay falkaasi ka damb eeyan. Amir Peretz oo ka tirsan Golaha Wasiir ada ee Maamulka Yahuudda ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku cambaareey ay weerarkan, isagoona sheegay inay ka dam beeyan dembiile-yaal buu yiri naceyb abuura ya.

Amir Peretz ayaa ku baaqay in cadaaladda ka horkeeno kuwii ka dambeeyay falka lagu gu bay Masaajidkan ku yaala Magaalada Al-Bireh.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay doon ku qalibantay xeebta Marka

   Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qof oo kalane waa la la’yahay kadib markii ay qal ibantay doon ka baxday Muqdisho kuna sii Jee dday M/Marka ee xarunta G/Sh/ Hoose.

    Goobjoogayaal ku sugan Marka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo badbaadiyeen 8 qof, waxaana wadarta dadkii saarnaa lagu sheegay 11 qof, oo ay ku jirta hal qof oo dumar ah.

     Qaar kamid ah dadka la soo badbaadiyay oo qa ba dhaawacyo culus ayaa hadda lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaalla M/ Marka.Qaar kamid ah doonleyda M/Marka iyo dad kale oo dabaal yaqaan ah ayaa ku baxay sidii loo soo Badbaadin lahaa labada qof ee maqan.

    Badweynta Hindiya ayaa Shalay aad u kac san waxaana Shalay sidoo kale qal qal xoog leh laga dareemay dekadda M/Muqdisho.

   Qaar kamid ah maraakiibta ku xiran Deka dda Muqdisho ayaa la sheegay in Shalay xarg aha goosteen inkastoo aysan dhicin dhibaato weyn, sida aan xogta ku helnay.

Golaha Wasiirada oo jawaab ka bixiyey qoraalladii kasoo baxay Mareykanka iyo EU

    Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Ma xamed Gulled ayaa kulankii ugu horeeyay ee shirka G/wasiir ada codka kalso onida la gala no qday shir guddo om iyay, waxaa na looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragelinta beesha caalamka, arrimaha amniga iyo ta llaaba dii baarlamaanka ku riday xukuu maddii Kh yre Qoraalka G/wasiirada ay soo saareen ayaa jawaab u ahaa baaqyadii adkaa ee Ma reykanka iyo Midowga Yurub ee ku socday ma daxweynaha iyo baarlamaanka, kuwaasi oo looga soo horjeeday xil ka qaadista Kheyre.

      Golaha Wasiirada ayaa waxay ugu baaqe en saaxiibada Soomaaliya oo ay ula jeedaan beesha caalamka inay ilaaliyaan madax ban naanida dalka, hammaan talooyinka ay siinay aana dowladda ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

     Hadalkaasi oo ka dhashay baaqyadii bee sha caalamka ay ku cambaareeyeen tallaaba dii baarlamaanka ku riday xukuumaddii ra’iisul wasaare Kheyre kuna xuseen in dib u dhac u keeneyso hannaanka dimoqraadiyadda iyo raj ada caalamka ka qabay Soomaaliyada cusub.

       Qoraal kasoo baxay D/Mareykanka ayaa walaac looga muujiyay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaana warbixin safaaradda Mareykanka ee Somaliya lagu sheegay in D/Mareykanka ay ka xun tah ay ficilladii madaxweynaha iyo baarlamaanka ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda Kheyre, taasoo ay sheegtay in ay xagal daacin eyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya DFS& maamul-gobol eedyada.

     Sidoo kale, war murtiyeed kasoo baxay M/Yurub iyo IGAD ayaa walaac looga muujiyay habkii uu u dhaqmay BF, madaxweynuhuna ku raacay.

 

<


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip