Xildhibaan dheexaa oo aan Dadkiisa wax u qaban, marka Doorashadu soo dhawaato ma wuxuu Dadka uga sheekeeyn doonaa…=Nasashada Jimcaha.Q-209=

0
Friday July 17, 2020 - 19:16:25 in Wararka by
  • Visits: 1595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan dheexaa oo aan Dadkiisa wax u qaban, marka Doorashadu soo dhawaato ma wuxuu Dadka uga sheekeeyn doonaa…=Nasashada Jimcaha.Q-209=

    1-Waqtigii Cusman Caato iyo Jen. Caydiid ey ku dagaalamayeen Xamar, ayaa Wiilal yar yar Magaalada loo soo diri jiray, si ey u soo ogaadaan, Ra'yiga Dadweynaha ee Dagaalka. Wiil la soo diray ayaa yimid Biibito Kaffeda lagu cabo oo ku tiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Waqtigii Cusman Caato iyo Jen. Caydiid ey ku dagaalamayeen Xamar, ayaa Wiilal yar yar Magaalada loo soo diri jiray, si ey u soo ogaadaan, Ra'yiga Dadweynaha ee Dagaalka. Wiil la soo diray ayaa yimid Biibito Kaffeda lagu cabo oo ku tiil Xaafadda Xamar weyne – Via Roma. Waxa uu dhageystay Odayaal iska sheekeeysanayo. Mid ayaa yiri: War Ninkii Fanaanka ahaa ee Maxamed Saleemaan Tubeec, Nin xun ayuu Noqday, waxa uuna isku Diray, Axmed Naji iyo Faaduma Qaasim, kaaga darane Abwaankii Maxamed Gacal Xaayoow waa iska fiirsanayay. Wiilkii ayaa xarunta Seey biyaano ku noqday oo wixii uu soo maqlay uga sheekeeyay kuna yiri: War kuwaasi Siyaasad war uma hayaan ee fanaaniin ayeey ka sheekeeystaan. Odayaashii ayaa yiri: Waa Runtaa, kuwaa Siyaasad ha ka sugin. Siidoow oo ahaa Wiil yar oo xarunta Nadiifiye ka ahaa ayaa yiri: Waxa ey ka hadlayeen Siyaasad. Waxaa lagu yiri: Sideed ku ogaatay? Waxa uu yiri: Marka ey leeyihiin Maxamed Saleemaan Tubeec ayaa wax isku diray, waxay ula jeedaan Magaca Labaad, Qabiilka Saleemaan ayaa isku diray.         Waxaa lagu yiri: Maxaa meesha keenay Axmed Naaji iyo Faaduma Qaasim. Wuxuu yiri: waxay ka wadaan Qabiilada Sacad iyo Reer Hiloowle. Axmed Naaji Sacad ayaa la yiraa Magaciisa Saddaxaad ayaa ah "Sacad”. Faaduma Qaasimna Magaceeda saddaxaad Fiiriya, waa Faadumo Qaasim Hillowle, waxay ka wadaan "Reer Hiloowle” ayaa "Sacad” ku goobtay. Abwaan Maxamed Gacalna magaciisa Saddaxaad waa Maxamed Gacal Xaayoow, waxay ka wadaan "Abgaalna” waa iska fiirsanayay.
 
      ( Maxaa Siyaasiyiin Qurba joog ah ay fahmi la’yihiin, sida Qorax joogto ula socdaan waxa Dalka ka dhacayo).
2-Macallin Xalay oo dhan Qaad ku dhafray, ayaa Fasal soo galay. Ul ayuu Miiska soo saartay Ardaydiina waxa uu ku yiri: kii shanqar yar sameeyo, 10 Ul ayaan ku dhufanayaa, Kursigii ayuuna gadaal gadaal ugu seexday.
       Ardaydii oo wada Aamusan iyo isagii oo khuurinayo ayuu Maamulihii Dugsiga oo Dul taagan ku soo toosay. Mar kaliya ayuu indhaha kala furay, kuna yiri Ardaydii: Ma fahamteen Qisada Asxaabul kahfi ee Qur’aanku noo sheegay. Siidaa ayeey Asxaabul kahfi u hurdayeen 300 Sanno. ( F.S: 1aad).
          (Xildhibaan dheexaa oo aan Dadkiisa wax u qaban, marka Doorashadu soo dhawaato ma wuxuu Dadka uga sheekeeyn doonaa Qisadii Asxaabul kahfi).
        3-Nin Reer Garoowe ah oo Caato ahaa, ayaa Magaalada Jowhar shaqo loogu soo bedelay. Waxaa laga Celi waayay Nin Reer Jowhar ah oo aad u xoog badan. Waa is dagaaleen, kii Reer Garoowe ayaa Dhulka Xoog loogu dhuftay, si xunna loo garaacay isaga oo aad u dhiigayo ayaa Dadkii ka dul kiciyeen Xoog weynihii. Waxaa lagu yiri: War Ninkaan waaba kaa xoog weeyn yahay oo dhulka ayuu ku dhigtay ee maxaa kugu diray?.
Wuxuu yiri: war ma Libintaad la dooneysaaniin, Soow Anniguba Balaayo ku Hoos Jidho ma aheeyn. ( F.S: 2aad)
              ( Siyaasi Somali ah ayaa lagu yiri: war wadamada Deriska idin la ihi, Ciidan ahaan iyo Siyaasad ahaanba waa idin Lagdeen. Waxa uu yiri: Libinta miyaad noo diideysiin, Soow Annaguna Qaxooti badan oo Somali ah kuma Fatahin).
                  4-Nin Sakhraansan oo Ookiyaalo ( Eye glasses) xirnaa ayaa Ishu cuncuntay, markaa ayuu xoqxoqay Ookiyaalihii korkooda. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Ookiyaalaha iska siib, kadibna isha iska xoq. Sakhraankii ayaa ku yiri: Adiguba markii Dabadu ku cuncuneysay, Surwaalka iskama siibin ,ee kor ayaad ka xoqxoqday. ( F.S: 3aad)
           ( Siyaasiyiinta Somalida ee Ajaanibta ku daydaysanayoow, Xal kuu keeni mee ku daydayasho oo weli xanuunkii waa ku hayaa ee Adigu is xali, oo meesha ku xanuunee iska xoq)
5- Nin Reer Waqooyi ah oo Muqayil weyn ahaa, ayaa waxa uu guursaday Naag Reer koofur ah. 10 Caruur ah ayeey isku dhaleen, waxa ey dareentay Ninkeeda oo horena Muqayil weyn u ahaa in Raganimadiisii ey laciiftay.
Subax ayey ku tiri: Xalay waxaan ku riyooday Alaabtii Ragga oo dhan oo la i soo Hor dhigay. Waxa uu ku yiri: Keeygu ma ku jiray? Waxa ey ku tiri: kaagu wax la fiiriyo maba dhameeyn. Aad ayuu uga xumaaday.
               Habeena kadib ayuu ku yiri: war Heblooy Xalay waan Riyooday. Waxa ey ku tiri: Maxaad ku Riyootay?. Waxa uu ku yiri: Waxaan ku Riyooday Alaabtii Dumarka oo dhan oo Hool weyn Dhaxdiisa lagu soo bandhigay. Waxa ey ku tiri: Teeydu maku jirtay? Waxa uu ku yiri: Ha, Kaagu waxa uu ahaa Hoolka dhaxdiisa lagu soo bandhigay . ( F.S: 4aad).
               ( Somaliyeey wax badan waad isla soo dhaqanteen, ee yaan leyska ceeba sheegin, si Qooysku u sii dhaqmo, Caruurtana yaan la baadiyeeyn, waa la isku ag duqoobay, midkiina kaligii Qooys ma dhisi karo ee Midnimadda ilaaliya Somaliyeed ilaaliya)
6-Cabdi yare oo ku jiray Isbitaalka Dadka waalwaalan oo aan Dabaal aqoon ayaa isku tuuray Baraag Biyo ku jireen, isaga oo ku dhax rafanayo ayaa Dhakhtarkii Daaqadda ka arkay. Faarax Fataal oo isna ka mid ahaa Bukaanka Isbitaalka oo xoogaa soo roonaaday, Dhakhtarkana caawiyo, ayaa Dhakhtarkii ku yiri: War adigaa dabaal yaqaan ee Doqonkaa Cabdi yaraa, ka soo saar Baraagta.
             Faarax waa u tagay waana ka soo saaray. Saacad kadib ayaa dhakhtarkii Daaqadda ka arkay Cabdi yare oo Xarig Qoorta ugu jiro, oo Geed ka soo laalaado oo Meyd ah.
           Dhakhtarkii ayaa Faarax ku yiri: war Maxaa ku dhacay Cabdi yare, muxuu isku daldalay?. Faarax ayaa yiri: isma Daldalin, ee markii aan Biyaha ka soo saaray ayaan Rux ruxruxay oon hurgufay waana waray, kadibna Xarig ayaan ku xiray si uu u qalalo.
              ( Xafiisyada waxaa ku batay, kuwa Dadka qoyan Geed ka soo raaricinayo ,si ay u qalajiyaan. Kadibna ku leh: This is new express system to dry, maxaad ka taqaan, Amniga iyo Cadaalada)
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip