Goormaad dhimanee? maxaad Cunee?

0
Wednesday July 15, 2020 - 20:14:45 in Wararka by
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormaad dhimanee? maxaad Cunee?

    Fulayahow ha ka walwalin Goormeed dhimee? Bakhiilyahow haka walwalin Maxaad Cunee? 1. Mr. Stamaytis Muraytis, oo ahaa Nin u dhashay Dalka Japan, ayaa dareemay Xanuun Bogga ah, waxa uuna aaday Dalka Mareykanka Sanndakii 1975tii, Isbitaal caan ah ayuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fulayahow ha ka walwalin Goormeed dhimee? Bakhiilyahow haka walwalin Maxaad Cunee? 1. Mr. Stamaytis Muraytis, oo ahaa Nin u dhashay Dalka Japan, ayaa dareemay Xanuun Bogga ah, waxa uuna aaday Dalka Mareykanka Sanndakii 1975tii, Isbitaal caan ah ayuu tagay oo lagu diibo Dadka Maal qabeenka ah, waxaa loo diyaariyay 9 Dhakhtar oo caan ah. Baaritaan dheer kadib, Dhakhaatiirtii ayaa isku raacay in uu qabo Kaansarka Sambabada weliba Nuuc halis ah oo ku fiday Jirkiisa, uuna Noolaan karo 6 Billood oo kaliya. waxa uu ku laabatay Dalkiisii, waxa uuna u sii gudbay Tuuladii uu ku dhashay, waxa uu bilaabay in uu Beer yar khudaar ku abuurto si 6da Bil ee u hartay uu u cunno Cunto uu isagu gacantiisa ku beertay, waxa kale oo uu talaalay Dhir waaweyn si Dadka ka dambeeyo uga faa'iideeystaan. Muddadii ayaa dhamaatay, waxa uu dareemay in caafimaadkiisu soo hagaagayo. Sannadkii 2012, ayuu aaday Dalka Mareeykanka, si Dhakhatiirtii tiri 37 Sanno ka hor waxaad dhimanee 6 Bil kadib uu ula kulmo, Nasiib daro ayeey ku noqotay markii uu Isbitaalkii tagay waxaa loo sheegay in 9kii Dhakhtar ey mar hore dhinteen. ( F.S: 1aad).
       
Isagiina waxa uu dhintay isaga oo jiro 102 Sanno, taa oo ku beegan 40 sanno kadib markii la yiri, 6 Bil kadib ayaad geeriyoonee.
2. Irsaaqada Allaa hayo, Xayawaanka Naasleeydaa ee Faranfarka oo aan leheeyn, Quwad uu isku difaaco, ama uu Banaanka cunto uga raadsado, dhogor uu Qaboowga isaga xafido, Kuna Nool inta badan dhulka hoostiisa,waxa uu cunaa inta badan xididada dhirta, waxa uu u noolyahay Qooys Qooys, Badanaa waxa uu noolaadaa 6 Sanno, qaarkood weliba kuwa dhidig waxaa cumrigoodu gaaraa 30 Sanno, dhidiguna dhalmada madaayo inta uu noolyahay. Irsaaqadiisa Allaa u ballan qaaday. ( F.S: 2aad)
Fulayoow Geeri haka baqin, Bakhiiloow Baahi haka baqin. Allaah tawakalo.
Qore : Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip