ANNAGII OO WADA SHIMBIR KAN AH, XATTAA MADAXWEYNAHA.!!!

0
Saturday July 11, 2020 - 07:45:58 in Wararka by
  • Visits: 1614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ANNAGII OO WADA SHIMBIR KAN AH, XATTAA MADAXWEYNAHA.!!!

    Shimbirkan oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo PARROT, ka Norwejiyaankana PAPEGØYE ayaan u waayey magac Soomaali qurxoon marka laga reebo BAQBAQAA oo ay dad badani ugu yeeraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shimbirkan oo afka Ingiriiska lagu yiraahdo PARROT, ka Norwejiyaankana PAPEGØYE ayaan u waayey magac Soomaali qurxoon marka laga reebo BAQBAQAA oo ay dad badani ugu yeeraan.
Waa shimbir cajiib ah oo shimbiraha kale kaga duwan inuu hadalkaad tiraa kaa daba dhihi karo.
Muddo sanad ka badan, waxay Soomaali badan oo mucaarad ah lahaayeen ‘Doorasho waa inay Dalkan ka dhacdaa oo ay xilligeedii ku dhacdaa. Marka uu Siyaasi magac leh sidaas yiraahdo, BAQBAQAA ayaa ka daba dhaha ‘doorasho waa inay dalkan ka dhacdaa, xilligeediina ku dhacdaa’.
Dadka baaqaas dirayey iyo Shimbirka ka daba lahaaba waxay farriintan u dirayeen Dowladda Maxamed Farmaajo madaxweynaha ka yahay, Pm Kheyrre na Ra’iisulwasaaraha ka yahay, si ay doorashadaas la wada doonayey u diyaariyaan, Farsamo, Amni, siyaasad iyo Maaliyad ba, una qabtaan waqtigeedii.
La yaabka jira ayaa se ah in Madaxdii aan ka rabnay qabashada doorashadu ay maanta iyagoo Shimbirkii BAQBAQAA la mid ah ay naga daba dhahaan ” Doorashadu waa inay dhacdaa, waqtigeedina ku dhacdaa”.!!
Mucaaradka ayaa ‘Doorasho’ yiri asaa RW. Kheyrre ‘ Doorasho ka daba yiri, daqiiqado ka dibna, Madaxweyne Farmaajo ayaa ‘ Doorasho’ ka daba yiri.
Ilaahey baarri waayee, yaa hee doorashada noo qabanaayo, waa annagan wada Shimbirta ahe.?



QORE:-Qaasim Nero.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip