Halgankii, Cusman Sh. Xassan Duubweyne "Xariin Gooye".

0
Monday July 06, 2020 - 08:55:49 in Wararka by
  • Visits: 1562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halgankii, Cusman Sh. Xassan Duubweyne "Xariin Gooye".

    Dad badan ayaa aaminsan in Sayid Barqash uu xakumayay Xeebaha koofureed ee Dalka, sida Magaalada Mogadishu. Barqash weligii ma imaan Dalka Somaliya mana xakumin qeyb ka mid ah. Laakin Reer Galbeedka ayuu ka dhadhacsiiyay in uu xakumo, kadibna ka iibs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa aaminsan in Sayid Barqash uu xakumayay Xeebaha koofureed ee Dalka, sida Magaalada Mogadishu. Barqash weligii ma imaan Dalka Somaliya mana xakumin qeyb ka mid ah. Laakin Reer Galbeedka ayuu ka dhadhacsiiyay in uu xakumo, kadibna ka iibsaday, Markii Talyaanigii soo galay Magaalooyinka ayuu ogaaday in uu la lahaa xiriir Ganacsi oo kaliya Barqash laftiisana Cashuur laga qaadi jiray. (Taariikhdaa si gaar ah ayaan uga hadli doonaa).       
      Magaalooyinka ayuu u soo diray Dad Carab ah oo Dadka ka dhaadhaciyo in ey ogolaadaan in Sayid Barqash uu soo dego Dalka, Dadkana waxa ey ku cabsiin jireen in xoog uu ku qabtaan doono, waxa eyna Basaasi jireen, Cududda Qabiilada Somalida. Qabiilka Biyamaal ayaa soo qabtay 50 ka mid ah Basaasiintii Carabta ee Barqash, dhamaantoodna weey dileen.
      iyaga oo ka feejigan in Ciidan Barqash leeyahay oo aar goosi doon ihi ey soo weeraraan deegaanka Biyamaalka.
Xeebaha Dalka waxaa imaan jiray Laba Nuuc oo Doonyo ah Nuucii loona yaqiin Xariin.
     1. Xariin Calanleey, waxaa isticmaali jiray Ganacsato kala ahaa: Carab, Hindi, Indunisiya, Maleshiya, China iyo wadama kale.
2. Hogob Cad, waa mid Shiraac Cad leh, badanaana marto Badweynta fog lehna Shiraac Cad lagana cabsan jiray.( F.S: 1aad)
Sannadkii 1903 dii ayaa meel u dhaw Ceel Axmed waxaa la arkay Doon Baroosinka dhigatay, waxaa looga shakiyay in ey yihiin, Carab rabto in ey Xeebaha ka Afduubtaan Haween iyo Caruur, Adoon ahaan loo iib geeyo ama ey yihiin Carab Aar gudsi u socto, Xeebtii ayaa laga fogeeyay Haweenkii iyo Caruurtii waxaana loo diyaariyay Ciidan dhalin yaro ah, Gurmadna waxa uu uga yimid Magaalada Marko.
       Waxaa lagu heshiiyay in Wiil dhalin yaro ah loo diro Doonta Caawa Bishu markeey dhacdo, si uu u jaro Xariga Baroosinka ee doontu dhigatay Badda, ( Waqtigaa Xaryantu ma isticmaali jirin Baroosinka Birta ah).
       Wiil la yiraa Cusman Sh. Xassan ayaa yiri: Anniga ayaa sameeynayo, Galabtii Ciddisii ayuu la soo dardaarmay, Habeen Barkii ayuu yimid isaga oo wato Middi Laba Afley ah oo uu ku gooyo xariga, Qur’ aan ayaa la saaray Baddii ayuu galay Saqdii dhexe waqti mugdi ah si aan loo arag. Muddo ayuu Badda ku maqnaa, kadibna isaga oo aad u daalan ayuu yimid, waxa uuna sheegay in uu Xarigii Xariinka soo Gooyay.( F.S: 2 & 3aad).
Subaxdii ayaa la sugay si Doontu marka ey soo caariso loo laayo Carabta loogana qaato Hantida ey wateen, laakin Doontii markii ey Dareentay in Xariggii Xariinka laga jaray, ayey si nafla caari ah Badweynta ugu carartay.
       Sidaa ayeeyna ku badbaadeen Dadkii Deegaanku gaar ahaan Biyamaalkii u diyaar garoobay Dagaalka. Maalintaa wixii ka dambeeyay ayaa wiilkii Cusmaan Sh.Xassan Duub weyne loo bixiyay Naaneysta "Xariin gooye”. weli faraciisii waxa ey ku noolyihiin. Deegaanka Shabeelaha Hoose illaa Jubada hoose.
       Ar Faracii Xariin gooye Amaan u dirnaa Baddeena ey Kenyaanku nagu heeystaan.
      FG: wixii Faahfaahin ah ka raadi Qoraalada: Mr. Pietro Brile iyo Dr. Geytaano, ama Faraca Odayaashii berigaa noolaa ee Awoowa yaashood ey uga sheekeeyeen, Ama Aniga oo Xug ururin ka sameeyay.
Mahadsanid, wixii aan ka khalday iga sax, wixii aan ka tagayna ku dar, Arrgtidaadu waa muhim.
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip