
Tobankii Qodob ee iga yaabisay.=Muusiga iyo Heesaha macaani macna maleh haddii aad ku soo bandhigto Tiyaatarka dhagoolayaasha=
			Sida qoraaladeydii hore aan idiinkugu sheegay, Sannadkii 1986 Annaga oo Arday iyo Macalimiin ah oo ku sheekeysaneyno Maqribkii, Barxadda Machadkii SIDAN- Mogadishu, Qeybta Jaamacadda ,oo ka hadleeynay Somali weyn ayaa Nin Faransiisa oo ka shaqeynayay Xafiis yar oo Faransiisku ku dhax lahaa Xarunta ayaa nagu yiri: Waxaad ka hadkeeysiin Somali weyn, Laakin waxaa laga yaabaa in aad aragtiin Xuduuda Somaliya oo Balcad maree, kadibna Warshiikh Badda ka galee. waan la yaabnay.
Maanta Warkiisii shaki ayuu i galiyay.                        
          
	
	
	
	
	
	
	
	
	
	
	
	
	
                  
    
        
  
1. Punt land waxa ey qoratay sharcigaan, fiiri No.3: oo 
leh inta laga helayo Dastuur Afti loo qaaday, waxaan noqoneynaa Dowlad 
Madax Banaan ( F.S:1aad)
2. Somali land waxa ey tiri: waxaan nahay Dowlad Madax banaan oo Somaliya ka go’day.
3. Gobalada kale qaar, wax xiriir ah lama laha Dowlada dhexe.
4. Dowlada dhexe ma dhafsano xaafado xamar ah, Gobaldana
 Xuduudo ayaa u kala sameeysan oo la kala ilaashado, Canshuurtana lagu 
kala qaato…….”xuduuda kaliya ee aan la ilaalin waa xuduuda Qaranka”.
5. Meesha kaliya ee Dowladnimo laga Hadal hayo waa 
Mogadishu, iyadiina Dadkeedii waxa ey ka cabanayaan Cadaalad daro, 
Cashuur, Nabadgalyo la’aan. waxa ey ku dhawdahay in ey yiraahdiin 
Annaguna waan goosanay, waxaana sameeysaneynaa Calan iyo passport noo 
gaar ah, inta Somaliyo Cadaalada ku heshiinee.( F.S: 2aad)
6. Anniga oo Reer Galmudug ah, markii aan ka hadlayay 
Xuquuqda Dadka Balad xaawo, Marko, Baardheere iyo Borame, waxaan ahaa 
Wadani u doodayo xaqa dulmanaha, markaan u doodo Xaqa Reer Banadir 
waxaan ahay Qabyaaladiiste, Aqoon yahay lagu khasaaray Aqoontiisa.
7. war Somaliyeey aan runta isku sheegno, wadankii 
faraha ayuu ka sii baxayaa, aan u bareerno in aan Runta isku 
sheegno.Waddo adag ayaa na sugee.
8. Siraadku waa Buundo, bridge, ama kaabad Dul Marta Naarta Jahanamo, laakin waa waddada loo maro Jannada.( F.S: 3aad)
9. Aan Runta la dhibsanayo isku sheegno, aan dhowrno 
xaqa walaalaheen, Cadaaladu waa Buundada, Bridge- ka loo maro Midnimada,
 in Runta la sheego Diintaa na faree.
10. Siraaka Jahanamo kor maro, Qof waxa uu u dul maraa 
sida iftiinka oo kale waana loo waasiciyaa, Qof waxaa looga dhigaa sida 
sakiinta Afkeeda oo kale ciriiri ah, dhaqsina uma maro, Qofna waa ka 
dhacaa oo Naarta ayuu ku dhacaa. Siraadka Alla ha noo fududeeyo, 
Maslaxeedeena in aan garano oo xaqa walaal aan dhowrno Alla hana tuso, 
Midnimadii Somaliyeedna in aan soo ceshano Alla ha noo aqbalo.
Ha leeyska ilaaliyo Owlaad ayaan rabaa, Guursanna maayo,
 Janno ayaan rabaa, Cibaadeysanna maayo, Midnimo Somaliyeed ayaan rabaa,
 Cadaaladna ma ogoli.
Qore: Yahya Amir
 
                
      

 0
                0            





 
                               
                               
                               Facebook
Facebook Twitter
Twitter Youtube
Youtube Google+
Google+ RSS Feed
RSS Feed
Tobankii Qodob ee iga yaabisay.=Muusiga iyo Heesaha macaani macna maleh haddii aad ku soo bandhigto Tiyaatarka dhagoolayaasha=
Sida qoraaladeydii hore aan idiinkugu sheegay, Sannadkii 1986 Annaga oo Arday iyo Macalimiin ah oo ku sheekeysaneyno Maqribkii, Barxadda Machadkii SIDAN- Mogadishu, Qeybta Jaamacadda ,oo ka hadleeynay Somali weyn ayaa Nin Faransiisa oo ka shaqeynayay