Qof kasta inta aysan Dowladu Xil u magacaabin, ha la weeydiiyo Dadka yaqaan, Hadii kale…=Nasashada Jimcaha.Q- 206=

0
Friday June 26, 2020 - 17:14:45 in Wararka by
  • Visits: 1600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof kasta inta aysan Dowladu Xil u magacaabin, ha la weeydiiyo Dadka yaqaan, Hadii kale…=Nasashada Jimcaha.Q- 206=

    1-Wiil Qurbaha ka yimid ayaa Ciyaalka Xafadda ku yiri: Haweeneydaa Uur leh ayaan ka careeysiinayaa. Kadibna Xaamiladii ayuu ku yiri: You woman, wallaahi, Calool qurux badan ayaa kugu taal. Naagtii Uurka leheyd ayaa si fudud ugu jawaabtay kuna tiri: N

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wiil Qurbaha ka yimid ayaa Ciyaalka Xafadda ku yiri: Haweeneydaa Uur leh ayaan ka careeysiinayaa. Kadibna Xaamiladii ayuu ku yiri: You woman, wallaahi, Calool qurux badan ayaa kugu taal. Naagtii Uurka leheyd ayaa si fudud ugu jawaabtay kuna tiri: Ninkeeyga ma kaala hadlaa, Calooshaan oo kale ha kuu sameeyee. ( F.S: 1aad)
             (Wiilkii, Naaneystii Maalintaa loo bixiyay Darteed, dib looguma arag Xaafada, Naaneysta ha i weydiin. Ciyaalka Akhlaaqda hala baro, Dumarkuna waa hooyee Dulmiga ha laga daayo)
              2- Oday Muridi oo ah 60 jir Reer Xamar weyne ah, ayaa Bas u soo raacay Xafadda "Macmacaanka” ee Magaalda Mogadishu, waxaa dhinac fadhiyay Gabar 20 jir ah oo Reer Mudug ah. Odaygii waxaa cun cunay Jilibka, waxa uu is yiri: iska xoq xoq Jilibka, gacantiisii ayuu hoos u raariciyay, Nasiib daro Diricii gabarta ayaa gacntii u gashay, hore ayuu u sii raacay, Jibibkii Gabadha ayuu Xoq xoqay, waxba kama dareemin Jilibkiisa Muridi, hore ayuu u sii raadiyay Jilibkiisii.
           Gabadhii ayaa ku tiri: Adeer Markaan xageed u sii Socotaa? Waxa uu yiri: Gabarteey Macmacaanka ayaa u socdaa. Ceeb, Caay iyo Cijo wixii Muriidi ku dhacay waxaa ka darneyd. ( F.S: 2aad)



              ( Gartii ayaa la galay, Dhaartii Muriidi Lama Dhageeysan ,Dacwadiina wey sii Socotay illa Muriidi laba Guri laga xaraashay. Hadda, Dhibka ku heeysto Adigu marka hore iska xalli, haddii Dowladda Jilibku cun cuno, Jilbaha ha iska hubiso, yeyna Maamul Gobaleedyada Jilbaha ka xoqin)
               3- Wiil ayaa yiri: Anniga oo 17 jir ah ayaan jeclaaday Gabar Xaafadda nala deganeyd, Waddada ayaan mar mar kula hadli jiray, laakin Gurigooda ma tagi Karin. Maalin Hooyadeed xanuunsatay, ayaan hore u sii raacay Hooyadeey oo u socotay Gurigooda. Markii aan Booqanay ayaa naloo shubay 2 koob oo Shaah ah, intii ey labada Hooyo sheekeeysanayeen ayaan koobkeeygii ula sii jeestay dhinaca kale oo Gabadhu fadhiday, Anniga oo isha hoos uga xadayo iskana dhigay Nin weyn oo salaam u yimid.
                Hooyadeey ayaa i aragtay Aniga oo cabayo Shaahii ey Gabadhu ii shubtay. Hooyadeey ayaa tiri: Naa ma waalatay, maxaad sameeysay, maxaad Ninkaan Shaaha u siisa, Habeenkii Kaadi ayuu nagu dilay, Subax kasta Joodarigiisa Cadceeda ayaan dhignaa. ( F.S: 3aad)
                ( Qof kasta inta aysan Dowladu Xil u magacaabin, ha la weeydiiyo Dadka yaqaan, Hadii kale Joodaryaasha Qaranka ayuu Nijaaseeynayaa)
4-Nin Sakhraan ah ayaa Mobile laga Xaday, waxaa uu tagay Saldhiga Boliska, waxaana lagu yiri: Hadda iska Bax, DHUL iyo CIR meeshii uu ku qariyay Annagaa ka soo saareeyno, waxaan u xilsaareeyna Koox uu Hogaaminayo Isbatoore Farax.
Ninkii waa soo baxay, wadada ayuu ku arkay shaqaalihii shirkadda Hormuud oo Xaafadda Biya galinayo oo DHULKA qodayo si Tubooyin ey u galyaan. Waxa uu ku yiri: Waa la ii sheegay in Dhul iyo Cirba laga baarayo Mobilkeyga, si fiican u raadiya waa Samsom Madoow ah oo Shaashadda ka jaban.
          ( Horta Dhakhaatiirtii Gololeey lagu dilay, ee la yiri: Gacan ku dhiiglayaashii Dhul iyo Cir waa la soo helayaa, Guddi baaro ayaana loo xil saaray, Mobile Madoow miyeey raadinayaan Gudigu?)
5- Luul Qurux oo aheyd Gabar Hub qaad wanaagsan iyo Aamoow Siidow ayaa soo wada codsaday shaqo wariyanimo ah oo ka banaaneyd Wasaaradda Warfaafinta. Agaasimihii imtixaanka qaadayay ayaa ka helay Luul, waxa uuna labaddii Gabdhood ku yiri: Annaga quruxdiina waxba nagama galin, waxaan tix galineeynaa Aqoontiina oo kaliya, Shahaadadiina iyo khibradiinu waa isku mid, sidaa daraadeed waxaan idinku kala saareeynaa sida aad uga jawaabtaan su’aalahaan.
           Su’aashii koobaad waxa uu weydiiyay, Luul Qurux. Waxa uuna yiri: Waxaad sheegtaa meeqa Qof ayaa ku dhimatay Qaraxii 14kii Oktobar 2017kii, ka dhacay isgooyska Zoobe? . Luul ayaa ku jawaabtay: 1000 Qof ayaa ku dhimatay.
Waxa uu yiri: Si wanaagsan ayaad uga jawaabtay, very good, waxaad heshay 4 dhibcood. Su’aashii Labaad ayuu weeydiiyay Aamoow Siidow. waxaad sheegtaa Magacyada Dadkii ku geeriyooday Qaraxii Zoobe?. ( F.S: 4aad)
           ( Shaqada Xafiisyada ma loo siman yahay? Hadaad Fahamtay ula jeedadada, Imtixaanka Qofkii ku guuleeystay ha i weydiin, Guul Cadaaladda )
6- Wiil 7 jir ah ayaa hooyadii weydiiyay. Hooyo, Aabe Khamiista iyo Jimcaha nooma yimaad ee xaguu aadaa? Hooyadii ayaa ku tiri: Waxa uu aadaa Xaaska cusub ee Minyarada ah ee uu dhawaan guursaday. Wiilkii ayaa yiri: Hooyo, Muxuu Xaas labaad u guursaday? . Hooyadii oo Maseeyrsan, Madaxana rux ruxee ayaa tiri: Ragga soow Meel Ciriiri ah lagama Raacin, Alla Ciriiri ha galiyee.
Wiilkii ayaa yiri: Hooyo, Ciriiri Maxaa laga wadaa? Waxa ey ku tiri: Iga Aamus, Nacasyohoow Madaxa weyn leh, waxaas oo dhan Madaxaaga Baaldiga la eg ayaa u sabab ehe. ( F.S: 5aad)
         ( Wiil ayaa Aabihii oo Siyaasi ah weydiiyay. Aabe, Arrinta Wabiga Nile, Masar iyo Ethiopia, maxaan Ethiopia ula safanay? Aabihii ayaa yiri: War naga aamus, Siyaasada ma taqaanide, waxaa u sabab ah Dalalka Fetnam iyo Barazil.
Hooyooy, Dambiga Aabaha, Wiilka Madaxiisu ha saarin, Siyaasiyoow Adiguna Shacab Jawaab kaa sugayo Juqda ha u dirin)

Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip