HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 22-JUNE-2020

0
Monday June 22, 2020 - 09:57:21 in Wararka by
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 22-JUNE-2020

    Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay xeer loo gudbiyay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa waxaa Shalay kulan ku yee shay Xildhibaannada golaha Shacabka, wax aana kulankooda ay uga doodayeen dham eystirka dooda ku saabs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay xeer loo gudbiyay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa waxaa Shalay kulan ku yee shay Xildhibaannada golaha Shacabka, wax aana kulankooda ay uga doodayeen dham eystirka dooda ku saabsan xeerka qoonda da haweenka. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha G/Shacabka Md.Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan,waxaana goobjoog ka ahaa,waxaana dood dheer kadib 134 Xil dhibaan ayaa ogolaadeen in kuraasta haw eenka aan lagu darin kuwa raga oo loo gaar yeelo, halka 7 Xildhibaan ay diideen. G/G/Shacabka Md .Mursal oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Xerka an oo kamid ah xeerarkii ay gudbiyeen Gu ddiga soo diyaarinta xeerarka doorashooyin ka uu yahay mid ansax ah.

Wasiir Fowsiya & Wakiilka QM ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

         Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxa ay ku soo dhaweysay Isbitaalka Guud ee De-Martino wafdi uu hogaaminayay Erga yga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qara mada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr.James Charistopher Swan.

Sidoo kale wafdiga Amb, James Swan ay aa waxaa kamid ahaa madaxa Hay’dda Ca afimaad ka Adduunka ee Soomaliya (WHO Somalia) Dr Malik,iy aga oo mas’uuliyiintaan kulan gaar ah ku wada qaatay Gudaha Isbitaalka.

     Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Hay’dda Caafimaadka Adduunka ee Somaliya (WHO Somalia) Dr.Malik ayaa waxaa ay uga mah adceliyeen dhamaan madaxda Wasaa radda iyo shaqaalaha caafimaadka Isbitaal ka gu ud ee De-Martino sidii geesinimada la hayd ee ay ula dagaalameen cudurka dilaa ga ah ee saameeyay dunida oo dhan COVID-19.

       Sidoo kale Mr.James waxa uu mar 2aad u mahad celiyay Shaqaalihii naftood huray aasha ahaa ee safka hore kaga jiray ladaga alanka cudurka COVID-19.

Dowladda oo ka shirtay Ammaanka muna asabadaha maalmaha Xuriyadda

     Kulankan oo looga hadlay u diyaar gorow ga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuus ka Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex ma ray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guur ada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka Sida wax aana shir guddoominayey Guddoomiya ha guddiga Qa ban-qaabada xuska maalma ha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

     Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ah ayd ayey guddiga Xuska maalmaha xoriyad du layeesheen Saraakiisha C QS ee Qaranka oo uu ugu ho reeyo Taliyaha C.X. Dalka So omaaliyeed Sareeye Guuto Od awaa Yuusuf Raage, wax aa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha Ciid anka Booliska So omaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciid amada Asl uubta Soomaaliyeed S/guuto Mah ad Cab draxmaan Aadan, Taliyaha Booliska G/Ban aadir Saadaq Cumar Maxamed, sar aakiil ka socday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maa mulka G/Banaadir ayaa looga hadl ay Adkay nta Amaanka Caasimadda inta la gu guda jiro 7baadka Xoriyadda si gaar ah na looga gaashaanto falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan umadda Soomaali yeed Masuuliyiinta ayaana ku nuuxnuuxsa day Muhiimada ay leedahay in Masuuliyadd layska saarayo goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto Maamuska Ayaamaha Xoriyadda JFS.

       D/Soomaaliya ayaa u diyaar garawday xuska 7baadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray he eryadii gumaystaha oo  kabilaabanaysa 26 bisha juun maalintii ay gobolada waqooyi xo riyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta Xurnimada Gobolad da Koofureed iyo Maalintii ay midooben Gob oladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aasaasay dowladii iyo  ugu horeeyay gayiga J/F/Soomaaliya.

Shariif Xasan oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay degmada Walanweyn

     Madaxweynihii hore ee Maamulka K/Gal beed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii mataanaha ahaa ee Habeen hore lagu weeraray Hoyga Sarkaal ka tir sanaa Ciidamada Dowladda ka degan yahay degmada Walanweyn ee G/Sh/Hoose.

    Md.Shariif Xasan ayaa qaraxyadaasi wax aa uu ku eedeyay inay ka dambe eyaan Al-Shabaabw,wax aana uu ka tacsiyadeeyay dadkii isugu jiray askarta iyo Shacabka ee qaarxaasi ku dhintay.

"Waxaan cambaareynayaa  kana tacsiyeyna yaa weerarka qaraxyada ee Al Shabaab ka geysteen D/Wanlaweyn ee G/Sh/Hoose.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sh. Aadan,waxaan xog ku helay in dadka qaraxy adaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan wax ba Shalaysan oo carruur u badan ayuu yiri” Shariif Xasan.

      Ugu dambeyn Shariif Xasan Sheekh Aad an, Madaxweynihii hore ee K/Galbeed ayaa waxaa uu ugu baaqay laamaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka damb eeyay qaraxyadaasi, isla-markaana ay sharciga horkeenaan. Qaraxaydii ka dhacay degmada Walanweyn ee G/Sh/Hoose ayaa waxaa inta la xaqiijiyey ku geeryooday Afar Ruux oo isugu jiray askar iyo Shacab halka 7 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka u dhintay cudurka Corona virus ee Soomaaliya oo gaartay 90

     Wasaaradda Caafimaadka dowlada Soo maaliya ayaa faahfaahisay Wararkii ugu da mbeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaliya.

   Warbixinta kasoo baxday W/Caafimaadka ayaa sidaan u qorneyd:-

21 June 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 24

> Somaliland: 15

> Puntland: 6

> Benadir: 3

> Lab: 18

> Dhedig: 6

> Bogsasho: 31

> Dhimasho: 2

——————————–

> Tirada Guud Laga Helay: 2,779

> Bogsashada Guud: 782

> Dhimashada Guud: 90

Ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan oo bannaanbax ka dhigay Muqdisho

   Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa Shalay dibadbax Cabasho waxaa ay Shalay ka dhigeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa taalada Daljirka daahsoon iyo Xarunta Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

          Ciidamadaan oo ku labisan dareeska Millaetriga iyo hubka noocyadiisa kala du wan ayaa waxaa ay sheegeen inay kamid yihiin qeybta 27aad ayna muddo Sanad iyo Sideed Bilood ah qaadan wax mushaar ah, isla markaana ay sababr ku Shaqeeynay een.

     Qaar kamid ah Ciidamada oo Warbaahin ta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in mu ddo sanado ah ay ku jireen dafaacyada Ciid amada,iyada oo aan wax mushaar ah qaad an,hayeeshee Baarlamaanka ay ka maqleen in Ciidamada mushaar la siiyay.

     Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya ayay ugu baaqeen inay xaquuqdooda siiya an,isla markaana ay madaxda ka sugayaan

 jawaabta ku aaddan cabashadooda.


Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland Eedeyna u jeediyay DFS

     Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.Ciidankan tababarku u soo xirmay Shalay ayaa ka kala yimid du gsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciida nka Shalay tababarku u xirmay ayaa soo ba ndhigay xirfado xeeldheer oo ay barteen mu dadii uu u socdey tababarku.

     Madaxweyne Deni oo la dardaarmay ciid anka Shalay tababarku usoo xirmay ayaa sheegay in Dastuurka Puntland iyo kan Soo maaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta shar afta shacabka. Waxa uu xusay in DFS isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska diidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

      "Sida Dastuurka Puntland iyo kan Soo maaliyaba farayo Dowladda waajibaadka lag arabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqa daasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go’an in ahmiyadda 1aad, 2aad& 3adba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad wa ajibkooda gaadha”.

    "Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal Million oo dollar sidii So omaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaay een Puntland inaysan ka helin DFS, taas wa xaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuul iyiinta DFS ka ah hanti ay hayaan loogu du dimaayo, balse waa inaysan caqabad ku no qon waxa beesha caalamka laga helayo, wa xaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, ha dana cadawgu meel walba waa joogaa, dhi smaha ciidankana meelwalba waa looga ba ahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Pu ntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiy adda ciidamadu leeyihiin”. Ayuu yiri Madaxw eynaha Puntland.

      Madaxweynaha Puntland Md.Siciid C/hi Deni ayaa ku amray ciidamada Puntland in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulxooda iyo xuduudahoodaba, waxa uu Madaxweyne Deni fariin adag u diray Soomaaliland.

     "Waxaan rajaynayaa ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan inay sugaan xudu udaha Puntland ee Dastuurku nafarayo. Pun tland waa astaanta midnimada Soomaaliye ed,Puntland waa astaanta kala dambaynta & xasiloonida,maamul wanaagga iyo dowladni mada, Puntland waxay ku naaloonaysaa in dadkeeda nabad ku noolaadaan, deegaana da kale ee Soomaaliyana ay gacan ka geys ato”. "Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen ar gagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Pu ntland inaad u diyaargarawdaan. Puntla nd waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhic inayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda da stuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal la ga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, wax aan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharaf leh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” Ayuu yiri Madax weynaha Puntland Siciid C/hi Deni.

Donald Trump "Soomaaliya wax dowl ad ah kama jirto, Ilhan Cumar waxay dooney saa inay mareykanka..”

       Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka oo khudbad ka jeediyay isu-soo bax lagu taageerayay Ololihiisa Dib-u-doora shada Madaxtinimada Maraykanka, kaas oo ka dhacay magaalladda Tulsa ee Gobalka Oklahoma ayaa ka had lay arrimo ka mid ah xaa lada dalka Soomaaliya.   Madaxweynaha Maray kan ka Donald Trump ay aa eedeyn kulul wuxuu marka hore u jeedi yay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo uu sheegya inay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay ka soo qaxday ee Soomaaliya.

       Trump wuxuu Khudbadiisa ku soo ha dal-qaaday inay Ilhan Omar doonayso inay galangal badan ku yeelato Dowladda Joe Biden oo ah Murashax Xisbiga Dimuqraadi ga ee xilka Madaxtinimada kula tartami doo no Trump.

       Madaxweynaha dalka Mareykanka Don ald Trump ,isaga oo ka hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay san ka jirin wax dowlad ah waa sida uu hadalka u dhigay.

       "Ilhan Cumar waxay dooneysaa inay ma reykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee Soo maaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowl ad ah, Boolis kama jiro, nabad kama jirto,ba lse waxaa kaliya ka jira amar la’aan iyo jah wareer, waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

       Dhanka kale Eedeynta uu Madaxweyna ha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kon gareeska Maraykanka ayaa waxay qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeyay labada mas’uul oo horay uu uga dhex-jiray dagaal dhinaca Twitter-ka ah.

Degaano ka tirsan Soomaaliland oo Ayax fara ba’an ku haya.

    Waxaa saacadihii la soo dhaafay Ayax fa ra badan lagu arkay degaanka Balli-Cabane oo ku yaalla duleedka M/Hargeysa ee degaa nnada Soomaaliland,kaas khatar weyn ku haya dalagyadii beeraha.

      Axmed C/hi Ibraahim G/Degmada Balli-Cabane ee G/Hawd ayaa Warbaahinta u sheegay in Ayaxa uu baabi’yay dalagyo fa rabadan iyo nabaadkii dhulka ee xooluhu ay cuni lahaayeen. Guddoomiyaha wuxuu shee gay in badi Ayaxa uu dusha kaga dagay ba rkadihii biyaha laga cabayay, halkaasi oo ay ka dhalan karto caafimaad daro soo wajaha da dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi.

      Ugu dambeyntii Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo hay’adaha ku shaqada leh uu ka socdsaday inay la soo gaaraan waxyaabi hii lagula dagaalamayey Ayaxa si loo badb adiyo dalaga iyo daaqa xoolaha ee daagaan kaasi.

Masar oo ku hanjabtay iney taageero Milatari siineyso Khalifa Xaftar

     Madaxaweynaha dalka Masar Abdel Fat tah al-Sisi ayaa ku gooddiyay iney suurtagal-tahay in dalkiisa qaadi doono tallaabo mila tari oo lagu taageerayo janaraal Khaliifa Xa ftar oo ay awooddisa hoos u sii socoto in kastoo weli uu ka amar taagleeyo magaala da sirte.

     Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Sisi ka sheegay in magaalada sirte ay masar u tahay khad cas, wuuxuna ku nuux-nuuxsa day in dhaq-dhaqaaqkasto oo ay sameeyne yso xukuumadda Qaahira ay noqon doonto mid waafaqsan sharuucda caalami ga ah.

Dowladda ay aqo ons an-tahay QM ayaa hadalka madaxaweyne Cabifataax ku tilShalayy inuu yahay ‘dagaal ka dhan ah da dka reer Liibiya’ waxayna shegtay ineysan jir in wax la yirahdo khad casaan ah oo ku yaa lla gudaha Liibiya.

    Ciidamadadowladda oo uu Turkiga barit aarayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iy agoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ahaa Janaraalka loo taagta-waay ay. Xulkuumadda Ankara ayaa tiri: ‘waa in Janaraal Xaftar uu isaga baxo magaalada Sirte, haddii la doonayo in la helo xabad joo jin waarta’

     Mar sii horreeysay dalalka baritaara khal ifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaal adda ka aloosan Liibiya. Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonay ay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowl adda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar.

     Baratamihii sannadkii hore ayaa waxaa aad u xogeystay awoodda khaliifa Xaftar isa goo gulufyo xooggan ku qaadayay xarunta dowladda ee Tripoli iyo guud ahaan koo nfurta Liibiya.


Madaxweynaha Soomaaliya oo Magacaabis sameeyay

     Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa u magacaabay Maaree yaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan,kaas oo xilkaasi si KMG ah u haayay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

      Madaxweyne Farmaajo wuxuu Eebe uga baryay inuu la garab galo ma suuli yadda cul us ee loo igm ad ay Maaree yaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan.

     4-tii Bishii Jannaayo ee sanadkaan 2020 ayaa Xildhibaannada Golaha Shacbaka wax aa ay ansixiyeen Sharciga duulista Rayidka halka 10-kii Bishii Febaraayo ay Xildhibaann ada Aqalka Sare dhankooda ansixiyeen.

Degmada Luuq ee G/Gedo oo laga dareemayaa u diyaar garowga Maalm aha Xoriyadda.

    Iyadoo maalma qura ay Ka harsantahay munaasabadaha maamalmaha Xoriyadaha ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa u di yaar Garowga munaasabadahaasi Degma da Luuq Ee Gobolka Ge do Waxaana Urura da bulshada rayidka sida ur urka dhalinyara da degm ada Luuq iyo ururka Haweenka ay bilaabeen Bilic soocelinta deg mada Luuq.

      Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada De gmada Luuq feysal Cabdiraxman ayaa u  sheegay warbaahinta qaranka in ay Tahay waajib saaran u diyaar Garowga munaasa badaha maamalmaha Xoriyadaha Kuwaasi oo nagu soo fool leh.

Puntland oo Shalay lagu wareejiyay deeq Daawo ah

      Wasaaradda caafimaadka Puntland ay aa dawooyin iyo qalabka loogu talagalay cis bitaalada iyo xarumaha hooyada iyo dhalaan ka kala wareegtay hay’adda World Vision Puntland.

    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ab dinaasir Yuusuf Xaaji oo uu weheliyo agaasi maha guud ayaa qalabka xarunta wasaarad da kagala wareegay madaxa hay’addaha World Vision Puntland.

     Cali Salaad Xasan Madaxa World Vision Puntland ayaa hadal uu ka jeediyay ku shee gay in qalabkaan iyo dawooyinkaan loogu tal agalay cisbitaalada iyo xarumaha hooyada iyo dhalaanka,waxaana uu bogaadiyay wa da shaqaynta dhaw ee ka dhaxaysa wasaar adda iyo hay’adda World Vision waxaana uu rajeeyay inuu xiriirkaasi sii wanaagsanaan doono .

      Abdinaasir Yusuf Xaaji wasiir kuxige enka wasaaradda oo qalabka la wareegay ayaa soo dhaweeyay qalabkaan iyo dawada waqtigii loo baahnaa aad soo gaarsiiseen, waxaana uu sheegay in qalabkaan xaruma ha loogu talagalay dhakhso loogu gudbin doono si bulshada uga faa’iidaystaan.

Maamulka G/Hiiraan & kan DDS oo ka shiraya xalinta dagaal beeleedyada

    Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha G/Hiiraan Cali jeyte Cis maan ayaa Shalay waxaa ay gaareen degmada feerfeer oo ku taalla xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago itoobiya. Dhawaan waxaa Degmada Feerf eer ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed oo degmada feerfeer iyo degaannada hoostaga ada dega.

     Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo Xubno ka socda hoggaan ka Nabadgelyada dowlad deegaanka Soo maalida Itoobiya oo maalma ka hor feerfeer gaaray ayaa la filayaa inay kulan looga hadl ayo xalinta dagaal beeleedkaas ku yeesha an degmada Feerfeer.

       Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Odayasha Dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay si xal looga gaaro dagaalada soo laab laabtay ee halkaasi ka dhaca.

       Socdaalka guddoomiye jeeyte ee Feer Feer u ku tagay ayaa kusoo aadaya xilli ho ggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka u ku howlan yahay sidii u baaritaan dhab ah ugu sameyn lahaa sida ay ku bilaawdeen dagaal beeleedyada.

Kadib shirkii Jabuuti, Muuse Biixi oo ‘xee lad cusub’ degay

Madaxweynaha Somalil and, Muuse Biixi Cabdi ayaa wax badan ka badalay qaabkii uu ula kulmi jiray xubnaha xi sbiyada muca aridka ah, kadib shirkii Jabuuti oo uu dhaw aan kasoo laabtay.

    Madaxweynaha ayaa si gooni-gooni ah ula kulmaya guddoomiyeyaasha mucaaridka ah, isagoona uga xog waramaya arrimihii wa da-hadalada ee dhawa an ka furmaya dalka Jabuuti iyo aragtidoo da, maadamaays an ka qeyb galin xisbiy ada mucaaridku.

     Madaxweyne Biixi ayaa hore si wada-jir ah kulamada ula qaadan jiray guddoomiyeya asha labada xisbi ee mucaaridka, balse xal ay waxa uu kulan gaar ah la qaatay mid ka mid ah xisbiyada mucaaridka.

    Muuse Biixi ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Ciro iyo xub no kale, isagoona dhowr maalin kadibna la kulmi doona guddoomiyaha xisbiga Ucid.

       Sida ay ogaatay Caasimada Online, tala abada Biixi ayaa ah xeelad cusub oo uu ku rabo in labada xisbi uu si kala gooniya u kala xado, isla markaana uu midkasta ku marxa beysiiyo qorshe gooniya, walow uusan ilaa hadda si cad usoo shaac bixin. Talaabada Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxay imaneysa xili ay labada xisbi ku kala aragti duwan-yihiin arrinta wada-hadalada, maad ama uu si adag uga horyimid xisbiga mucaar idka ah ee Ucid in wax wada-hadal ah lala fu ro dowladda federaalka.

    Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaysan xiligan munaasib aheyn in wada-hadal lala furo dowladda federaalka, oo uu aaminsan yahay inay tahay cadowga 1aad ee Somaliland. Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland ayaa ku kala ar agti duwan dib u furista wada-hadalada Soo maaliya iyo Soma liland ee madhaleyska no qday, xili dhowaan loo balansan-yahay inay kulamo kale ka dhacaan dalka Jabuuti

. Xigasho:casimadda.net

Qoondada haweenka ee Baarlamaanka oo carqalad abuurtay

   Dood xoog leh ayaa ka dhalatay Xeerkii qo ondada haweenka, ee ay shalay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarl amaanka Somaliya. Xeerka qoondada haw eenka ayaa lagu sheegay boqolkiiba soddon (30%).

      Xeerka qoondada haweenka ee la ansixi yay ayaa oranaya boqolkiiba afar iyo labaat an (24%) kuraasta haweenka waa kuwo ay haween oo keliya ku tartami karaan, halka lixda kalana ay kula tartami doonaan ragga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip