HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-JUNE-2020

0
Monday June 01, 2020 - 10:30:36 in Wararka by
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 1-JUNE-2020

    Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxa qabsaday gaariga shacab ka saarnaayeen Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kha saaraha ka dhimashada & midka dhaawaca ee ka dhashay Qaraxii Shalay qabsaday gaari ay saarna ayeen dad shacab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxa qabsaday gaariga shacab ka saarnaayeen Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kha saaraha ka dhimashada & midka dhaawaca ee ka dhashay Qaraxii Shalay qabsaday gaari ay saarna ayeen dad shacab ah oo maraayay deegaanka Xaa wo Cabdi ee G/Sh/hoose. Gaarigan ayaa la sheegay inuu ka ambabaxay Isgoyska Excontrol Afgooye, waxaana uu ku sii jeeday D/Wanlaweyn ee G/Sh/hoose, waxaa na saarnaa Baabuurka dad gaaraya 22 ruux oo shacab ah. Qaraxa gaariga wuxuu ku qabsaday Deega anka Xaawo Cabdi, kadib markii miino wadada dhinaceeda lagu aasay uu ku istaagay gaari gaan. Guddoomiyaha deegaanka lafoole, Ibraa him Xuseen Saalax ayaa waxaa uu sheegay in gaariga uu ka ambabaxay Ex-kontorool Afgoo ye, kuna wajahnaa D/Walanweyn ayna saran aayeen 22 Ruux oo 6 kamid ah ay geeriyood een, halka 14 kale ay dhaawacmeen. Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Dr. Maxam ed Yuusuf ayaa sheegay in Isbitaalka Madiina la keenay 13 ruux oo 7 kamid ah ay dhaawac ahaayeen iyo dhimashada lix ruux, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay deegaanka lafoole. Warka ayaa intaa raacinaya in geerda halkii hore ay ka sii bataya oo ayn ilaa haatan gaar aayaan 13 qof dadkaa oo ahaa kuwa u socday in ay ka qeyb galaan Tacsi wanlaweyn lagu qa bnayey hase yeeshee ay geeriyoodeen inta aysan gaari


DF oo war kasoo saartay qaraxii Shalay ee duleedka Muqdisho

   Dowladda FS  ayaa war qoraal ah kasoo sa artay qaraxii Shalay ay ku gee riyoodeen dad badan oo sha cab ah kana dhacay wad dada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgo oye.

     Dowladda waxey sheegtay inay tacsi u dirayso ehalada da dkii ku geeriyooday falka as,waxeyna falkaas, oo ay ku tilmaamtay arx an darro, ku eedeeye en fulintiisa Xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

   Ma jirto cid sheegatay iney ka dambeysay qaraxii Shalay dhacay, balse falalka nuuca an oo kale waxaa looga bartay kooxda Al-Shaba ab oo bartilmaameedsada gawaarida dowladd a iyo kuwa AMISOM ee sida weyn u isticmaala waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Halkaan ka akhriso qoraalka wasaaradda:

Baaritaanka xasuuqii Golaley waxaa qeyb ka ah ciidankii lagu eedeeyay

    Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay ay aa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa degaanka Golaley ee D/Balcad ay qeyb ka yihiin ciidanka ilaalada guddiga ku mashquulsan baaritaanka musiib adii dhacday.

   Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa Caa simada Online u sheegay in saraakiil ay tuhm ayaan in ay ku lug lahaayeen musiibadii dhac day ay hadda safka hore uga jiraan ilaalinta guddiyada baaritaanka wada, sidoo kalane ay qaarkood qeyb ka yihiin baaritaanka socda.

    "Mar haddii ay ilaalada guddiga yihiin, dadka ay la kulmayaan guddiga ay saameyn ku leey ihiin mararka qaarna ay iyaga door weyn ku le eyihiin baaritaanka waxaa noo muuqato in ays an waxba ka soo bixi doonin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka.

    Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugan Golaley islamarkaana lagu eedeeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay degaankaas ayaa la sheegay in mas’uuliyiinta ku sugan de gaankaas ay ilaalo u yihiin islamarkaana ay ka qeyb galeen su’aalo weydiinta dadka degaan ka, taas oo meesha ka saareysa in ay shacab ka ku dhiiradaan ka hadlidda tuhunada ay qab aan.

   Senator Muuse Suudi Yalaxow, ayaa Dorraad warbaahinta u sheegay in aan dowladda Som aliya laga filayn, in ay baaritaan dhab ah ku sa meyso musiibadii degaankaas ka dhacday.

Kulankii Madaxweyne Deni iyo Isimada oo baaqday

    Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni oo Shalay xarunta Baarlamaanka kula ballansa naa Isimada iyo Guddoonka G/Wakiilada ayaa kulankaasi ka cudur-daartay.

  Md.Deni ayaa Isimada iyo Guddoonka Baarl amaanka ku soo wargeliyay inuusan kulanka Shalay imaan karin, balse wuxuu ballan-qaad ay inuu Isniinta  kulan Qado ah Sharaf ah u sa mayn doono Isimada iyo Guddoonka Baarl amaanka.

   Md.Dani  ayaa la filayaa in uu kulanka berri ku soo bandhigo qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne Ku xigeenkiisa si loo dhex-dhex aadiyo labada mas’uul.

   Waxaase xusid mudan in Madaxweyne Deni uusan Isimada iyo G/G/Wakiilada u sheegin go obta uu ku qaban doono kulankaasi qadada ah.  Isimada dhex-dhexaadinta wada iyo Gudd oonka Baarlamanka ayaa Dorraad la kulmay Madaxweyne ku xigeenka oo ay ka dhegayste en qaladaadka uu tabanayo ee dhaliyay mur anka isaga iyo Madaxweyne Deni.

AMISOM oo cambaareysay dilka shaqa alaha Xarunta Caafimaadka Gololey ee degmada Balcad.

     Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa dhalleeceeyay afduubkii iyo ula kac loo dilay todobo shaq aale caafimaad ah iyo qof ra yid ah xarun caaf imaad oo ku taal tuulada Gololey ee D/Balcad ee G/HirShabelle bi shii May 28, 2020. Sida ay sheegayaan war bixinnada maxalliga ah, qiyaastii 13: 00-kii Ma ajo 27, 20 20,rag hubaysan oo ku labisan dharka militariga ayaa afduubay 7shaqaale ca afimaad ah iyo qof rayid ah oo ka tirsan Goo laha Caafimaad ka Gololey. 8xabadood oo xab ado rid ah ayaa markii dambe lagu tu uray wa dada weyn ee aagga maalintii ku xig tay.

    Iyada oo Soomaaliya ay weli wajahayso ca qabadda  cudurka ‘COVID-19 pandemic’, shaq aalaha caafimaadku waxay sii wadaan inay bix iyaan daryeel caafimaad oo aad loogu baahan yahay. Waxay noloshooda saf u dhigaan si ay u badbaadiyaan dadka kale duruufo aad u adag.

      Waxaan la yaabay dilalka macno darrada ah ee loo geysto dadka rayidka ah. Madaxa ful inta ee AMISOM, Danjire Francisco Madeira, wuxuu yiri "Weerarro loo geysto xirfadleyda ca afimaadka iyo xarumaha waa xadgudub weyn.

      Howlgalka M/Afrika ee Soomaaliya, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii ay ka dhi nteen, dadka iyo DFS geerida ku timid muwaa diniintan u go’ay.

Guddiga Wadajirka oo soo geba-gabeey ay shaqadii loo igmaday

     Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qar anka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Shalay soo geba-gabeeyey shaqadii loo igmaday.

   Guddiga ayaa warbixint ooda ku saabsan 4-ta xeer ee loo xilsaaray u gudbin doona Guddoonka 2da Aq al ee ee B/Somaliya.

    Kulankoodii ugu dambeeyay oo ay Shalay yeesheen ayaa waxaa shir guddoominayay Xil dhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Gu/Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystir ka Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxaa na goobjoog kaa ahaa xubnaha guddiga.

      Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Shalay soo geba-gabeeyeen hawshii loo xilsaaray, is la-markaana xogihii ay uruuriyeen u gudbin do onaan 2da Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

    "Shalay waxaa xaqiiqowday in shaqdii waqt iga iyo maskaxda la geliyay ee lagu dadaalay soo geba-gabowday ee umadda Soomaaliy eed iyo Baarlamaankaba ay naga sugayeen, waxaana hadduu Alle yiraahdo warbixinta gud diga u gudbin doonnaa 2da Aqal ee BFS.” Ayu u yiri Gudoomiye Yarow.

    Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli R/W/Somaliya, Khayre uu Khamiistii ku baaq ay in si deg deg ahi looga shaqeeyo, sidii ay doorashada ugu qabsoomi laheyd waqtigeeda.

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre

    Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhow eeyay hadalkii R/Wasaaraha ee ahaa doora sho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, si doo kale waxay dowlad du ugu baaqeen inay ka dhabeyso hadalkaas, ayna aqbasho qabasha da shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saa mileyda siyaasadeed.

    Waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen dowlad da Soomaaliya inay cadeyso maqaamka G/Banaadir. Waxaa sidoo kale xusay in dham maan Saamileyda Siyaasadeed laga doonaa yo in ay diy aar u noqdaan doorasho ku dhac do waqtigii loogu tala galay.


General Dirir oo sheegay in ay hawlgal ku dileen 18 Shabaab ahaa

Gen.C/xamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Ciidan ka Dhulka ee XDSayaa ka hadlay hawlgal Cii danka XDS ka fuliyeen G/Sh /Hoose. Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalka oo la ga sameeyay tuulooyinka Busley iyo Buulo Urunji oo hoos-tagga deegaanka Janaale ay ka damb eysay,ka dib markii ay ka war he layn in xubno Shabaab ahaa ku dhuumaleysa nayaan hawdka tuulooyinkaasi. Isagoo la had layay Idaacaddda CQ/Sida ayaa tilmaamay in ay la soo xiriireen dadka deegaanka, isla-mark aana ay ku soo wargeliyeen Shabaabkii halka asi ku dhuumaaleysanayay.

   Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay ha wlgalkaasi Ciidanka XDS ku dileen 18 nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Ururka Al Shabaab, sida uu yiri.      Waxaa uu intaa ku daray in si doo kale ay hawlgalka ku burburiyeen doomo ay Shabaabka isaga kala gudbi jireen Webiga Shabelle, ee mara deegaanka Janaale iyo qa ybo kaloo ka mid ah G/Shabellaha Hoose.

   CXDS oo gacan ka helaya Xoogagga Nabad Ilaalinta M/Afrika ayaa 16-kii bishii March da gaal culus kula wareegay gacan ku haynta dee gaanka Janaale. G/S/Hoose ayaa ah kan ugu badan ee hawlg alada joogtada ahi ka sameey an CXD  guutooyinka Danab &Gorgor ah

Guddoomiye Najax oo ka hadlay dadkii ku dhintay Qaraxii deegaanka lafoole

     G/Maamulka G/Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa si kulul waxaa uu kaga hadlay qarixii dadka badan ay ku dhinteen oo Shalay ka dhacay agagaarka Isbitaalka Xaawa Cabdi ee duleedka M/Muqdisho.

  G/Najax ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku geeri yooday qaraxaas, isaga oo ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo dhowr jeer wadada xiriirisa Muqdisho &Afgooye qara xyo ku weraray Ciidamo DFS& kuwa AMISOM

     "Allaha u naxariisto shacabkii Shalay arga gixisada Shabaab ay ku xasuuqeen Ceelasha biyaha ka dib miino ay ku qarxiyeen gaari ay saarnaayeeen, tani waxay cadeyneesaa in Shabaab ay u taagan yihiin xasuuqa shacabka ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

   Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Hey’adaha amaanka ka howlagala Af gooye ilaa Ceelasha ay sugaan amniga dadka ku safraya wadadaas,hayeeshee mararka qaar ay weeraro ay ku waxyeeloobaan Shacab ay ka dhacaan.

     Qarixii ka dhacay deegaanka lafoole ee dul eedka M/Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyood ay in ka badan 10 Ruux oo saarnaa Gaari noo ca Soomaalida u taqaano Hoomey,kaas oo ka ambabaxay M/Muqdisho kuna sii jeeday Degm ada Afgooye ee G/Sh/Hoose.

Heshiis lagu maalgelinayo ganacsatada yar-yar oo Shalay Muqdisho lagu kala saxii xday

     Mashruuc dhan 20 Malyun oo lagu maal-gal inayo ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ay na fulinayaan Bankiyada Ga nacsiga ee dalka qaarkood ay aa Shalay heshiis lagu k ala saxiixday M/Muqdisho

GARGAARA Company Limited oo kaashanaya DFS (W/Maaliyadda), iyo Baanka Aduunka ayaa Shalay heshiis ma al-gelineed la saxiixday Bankiyadda Ganacsi ga qaarkood.    Heshiiskaas waxaa lagu maal-gelinayo ganacsatada yar yar iyo kuwa dhexe, gaar ahaan dumarka iyo dhalinyaradda aanan fursad maal-galineed horey u helin si loo kobc iyo dhaqaalaha wadanka waqtigaan xasaasiga ah ee COVID-19.

    Maal-galintaan oo ah wajigeedii 1aad ayaa gaarayso 20 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, iyadoo ka qayb qaadan doonta horumarin ta iyo koboca dhaqaalaha oo horumuud u yah ay Ganacsiga. Maal-gelintaan, waxaa ka faa’I ideysan doona ganacsatada heerar kooda kala duwan ee Soomaliyeed, waxaana fulinaya Ban kiyadda Ganacsiga ee buuxay shuruudihii isk aashiga iyo hanaanka hufan(Due Diligence) ee   GARGAARA ugu tala gashay maal-galintaan.

    Bankiyadda IBS Bank, Amal Bank, & Premi er Bank ayaa heshiiskan la saxiixday GARGA ARA Company Limited oo maal-gelintaan waki il uga ah DFS & Baanka Aduunka. Heshiiskan oo lagu fulinayo ilaa 3da sano ee soo socoto ayaa waxuu xoogga saarayaa soo nooleynta il aha dhaqaalaha muhiimka u ah dalka sida Be eraha, Kuluumeysiga, Xoolaha, iyo Tamarta. Waxaa kaloo maal-gelin lagu sameyn doonaa meelaha Caabuqa CORONA ay wax yeleysay.

   Dr.Cabdirisaaq Hasan oo ah Madaxa GAR GAARA ayaa sharaxayo dhaqaalaha ku baxa yo Mahsruucan, muhiimadiisa, iyo faa’iidada uu u leeyahay umaddeena, isla markaana DFS iyo Baanka Aduunka ugu mahadceliyay taage erida maal-gelintaan.

     Agaasimaha Fulinta Baankiga IBS C/hi Ma lin Ahmed( Saalax) iyo Maxamed Geeddi Jim caale Agaasimaha Maalgalinta Premier Bank ayaa sheegay inay ku fulin doonan mudada ay u qorsheysay dowladda maal-gelintaan.

    Talaabadan ayaa ah mid dhinacyo badan ay uga faa’iideysan doonan Shacabka Soomaaliy eed isla markaana dhaqaalaha dalkeena ahmi yad weyn ugu fadhiso, iyadoo fursadan ay tah ay mid ay u siman yihiin shacabka Soomaaliy eed meel walbo ay dalka ka joogan, ayna u ga arto si siman Maal-galintan.

Mas’uul ka tirsanaa maamulka Dayniile oo Mindi lagu dilay

    Allaha u naxariistee waxaa D/Dayniile ee B/ Banaadir lagu dilay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, C/dir Fooldi bi, kaas oo ahaa guddoomiyaha laanta ama waaxda Halgan ee D/Dayniile.

     Sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay falkan ay aa waxaa ka dhacay guri ku yaalla degmadaa si oo uu marxuumka deganaa.

     Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi ay ka dambeysay xaaskiisa oo Mindi ku dhufatay, is lamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe uu ku dhintay isbitaalka.

> Laga Helay: 60

> Jubbaland: 32

> Somaliland: 18

> Benadir: 6

> Galmudug: 4

> Lab: 53

> Dhedig: 7

> Bogsasho: 21

> Dhimasho: 5

——————————–

> Tirada Guud Laga Helay: 1,976

> Bogsashada Guud: 348

> Dhimashada Guud: 78

     Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka iyo xaaskiisa uu soo kala-dhex-galay muran, islamarkaana ay si gaadma ah ugu dhufatay Tooreyda .

     Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dilkaasi..

.Dowladda Somaliya oo agab caafimaad geysay Gaalkacyo

   DFS ayaa Shalay agab caafimaad geysay M/ Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug, iyadoona ku wareej isay Maamulka Galmudug. Diyaarad agabkan ka qaaday Magaalada Muqdisho ay aa ka dejisay Magaalada Gaalkacyo, halkaa soo ay kula wareegeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

     Wasiir Kuxigeenka W/Caafimaadka Gal mudug, Dr. Mahad Caabi Ciise, oo uu wehliyo W/Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ay aa agabkaasi kala wareegay xubno ka socday Guddiga Ka Hortagga COVID-19 ee Qaranka.

    W/Amniga Galmudug ayaa Guddiga Qaran ka kaga mahadceliyay agabka ay soo gaarsii yeen M/Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta ay Gal mudug ka arrimiso.

    "Guddiga Gurmadka Qaran ee Ka Hortagga COVID-19 waa mahadsan yihiin inay soo gaa rsiiyaan Galmudug qayb ka mid agabka looga hortago cudurkaas.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

W/Fiqi oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Face book ayaa yiri "Dr.Mahad Caabi, W/Kuxigeen ka Caafimaadka ayaa agabkaas kula wareeg ay Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo dhexdiisa, ayadoo si toos ah loogu wareejiyey isbitaalka.”

Agabkan caafimaad ayaa isugu jiray maaska afka iyo sanka lagu xirto, gacmo gashi iyo qalab kale, oo dhammaantood ay qayb ka yihiin dadaalada looga hortaggi karo xanuuns idaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Waa markii labaad oo Dowladda Somaliya ay agab caafimaad ku wareejisay Galmudug. Arb acadii ayay ahayd markii deeqdii ugu horeysay ay ka dejisay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya oo xil u Magacow day Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Galm udug

     DFS ayaa Agaasimaha Guud ee W/Batrool ka XFS u Magacowday Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo horay u soo noqday Madaxweyne ku xigeen ka Galmudug.

W/ku xigenka W/Batroolka XFS.    Hilaal ayaa sheegay in Maxamed Xaashi Ca bdi Carabey la isku raacay in uu noqdo Agaas imaha Guud ee Wasaaradda.

     "Waxaan si diiran u soo dhawaynaynaa una hambalyayneynaa Agaasimaha Guud ee W/Ba troolka Iyo Macdanta JFS Md.Maxamed Xaa shi Carabeey” ayuu yiri W/ku xigeenka W/Bat roolka. Agaasimihii Guud ee W/Batroolka ayaa ho ray isku casilay ka dib markii Khilaaf uu soo ga la dhex galay W/W/Batroolka XF Soom aaliya.

Dadka u dhintay Covid 19 oo gaaray 78 qof

W/Caafimaadka DFS ayaa faahfaahisay Warar kii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee So omaaliya. Warbixinta kasoo baxday W/ Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd:

31 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soo maaliya.


Masjidka Nabiga oo laba bil kadib dib loo furay

      Wararka laga helayo wadanka Sacuudiga ayaa sheegaya in 2 bilood ka dib dib loo furay Shalay masjidka Nabiga (N.N.K.H), salaadii su bax ee Shalay ayaana la furay qaar ka mid ah alb aabada si dadka loogu og olaado iney waaj ibka ku gutaan. Masaajidda Bar akeysan ee Makka iyo Madii na ayaa la xiray dhama adkii Maarso iyadoo la ga cabsi qabay inuu faafo fayrus-ka dunida dhibaatada ba’an gaarsiiyay ee Coronavirus, balse sida la xaqiiji yay dib ayaa loo furay Masj idka Nabiga ee ku yaalla M/Madiina.

   Wali lama wada furin albaabada oo dhan, bal se waxaa la rajeynayaa in maalinba maalinta ka dambeysa la furo albaabo hor leh, waxaana la fahamsan yahay in kaliya loo ogolaan doono 40% iney dadka soo galaan masjidka.

    Iyadoo la muujinaayo taxadar ayey dadka kala fogaan doonaan wakhtiga Salaadaha, ma adaama ay wali jirto cabsi laga qabo xanuunka COVID19 oo muddo ku dhaw 3 bilood kala xir ay isku socodka dadka dunida ku wada nool.

Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaa yo kusoo xiray shir dib u heshiisiin ah

    Shirkan waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka 2Aad ee Jubbaland, 2da gole ee Dowlada Odayasha Dhqanka Cul imada iyo Sidoo kale beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ay dhax mar tay, Madaxweynaha Ju baland oo madasha ka hadlay ayaa ku dheera day dhibaatada ay lee dahay dhiiga qof Muslim ah oo macna daro la gu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa.

    Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbad an beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dag aaladu ka dhaceen isla markana cid walba la ga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowla du ay wado ay u hogaansanto.

     "Waxaan rabaa Shalay inaad qaadataan dhulka ilaahay baa iska leh, qof walbana intuu ku nooleeystuu ku leeyahay, Guddiga waan la dardaaramay Iyo Culimada 2 qolana waan u sheegay laangooyada, dhulka la oodayo, waxa badan ee la jiidayo, hala joojiyo” ayuu yiri Ma daxweynhaa Jubbaland oo la dardaarmaya dhamaan dadkii kasoo qayb galay shirwayna haa iyo guud ahaan dadka reer Jubbaland.

<


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip