HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 2-4-2020

0
Thursday April 02, 2020 - 10:58:34 in Wararka by
  • Visits: 1174
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 2-4-2020

    Soomaaliya oo kordhisay muddada xayiraadda ee duullimaadyada caalamiga ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dhibaatada fayraska Corona ee CO-VID19 iyo saameynta uu ku yeelan karo dalka iyo sidoo kale qaabka looga gaashaaman karo xan-uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya oo kordhisay muddada xayiraadda ee duullimaadyada caalamiga ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dhibaatada fayraska Corona ee CO-VID19 iyo saameynta uu ku yeelan karo dalka iyo sidoo kale qaabka looga gaashaaman karo xan-uunkan dunida dhibaatada badan ku haya. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka cod-saday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi ge-linta fayraska Corona, waxa uuna dhanka kale ga-nacsatada ugu baaqay inaysan sare u qaadin sicirka raashinka daruuriga ah. Kheyre ayaa Wasaaradda Maaliyadda si-doo kale u sheegay in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta uu dalka wajahayo dhibaatada xanuunkan. Dhanka kale waxa uu Ra'iisul Wasaaraha sheegay in illaa iyo amar dambe ay sii xirnaan doo-naan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, isk-uulada, dugsiyada Qur'aanka iyo jaamacadaha, is-agoona dhinaca kale carrabka ku dhuftay iney lag-ama maarmaan tahay in la joojiyo dhammaan xaf-ladaha iyo in sare loo qaado foojignaanta fayraska Corona. "Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno xaa-lad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa in cu-durkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurk-an sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono", ayuu yiri Ra'iisul Was-aare Xasan Cali Khayre. "Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaq-ayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cud-urkan saf-marka ah. Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan umma-ddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan. Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan", ayuu sidoo kale Codsaday Ra'iisul Wasaaruhu.

R/ Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo geeriyoodey

R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqii jiyey inuu Shalay ku geeriyoodey M.Lon don ee dalka Ingiriiska,halkaas oo maalm ihii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay.

Geerida /Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa xaqiijiyey Wiilki isa Xaaji Maxam ed Nuur Cadde,isaga oo sheegay in Shalay 7:00 Subaxnimo uu ku geeriyoodey M/ lond on. oo uu labadii todobaad ee la soo dhaa fay ayaa uu la jiifey Cudurka Coronavirus, isaga oo ku jirey Isbitaal ku yaalla Magaal ada london ee dalka Ingiriiska,isla markaa na lagu baxnaaninayey xaaladiisa caafi maad.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Wiilk iisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa wax aa uu ku sheegay in Meydka Marxuumka loogu Aasayo Magalada london si waafq san Shareecada Islaamka.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaq ay Baroordiiq Qaran, ka dib geeridii Nuur Cadde

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- R/Wasaarihii Hore ee dalka Md.Nuur Xasan Xuseen (Nu ur Cadde) oo ku geeriyood ay M/London ee cariga Ingi riiska.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka we yn ee uu ka soo qaatay -Alle ha u naxariis tee marxuumku- dib u soo kabashada dal ka, isaga oo wakhti adag u istaagay in uu ka shaqeeyo dowladnimada iyo samata bixinta dalkeenna.

"Innaga oo garoowsan dadaalka uu mar xuumku ku bixiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxaan ku dhawaaqayaa Baroor-diiq Qa ran oo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo muddadaas calanka JF/Soo maaliya, si aynu u siinno R/Wasaare Nuur Cadde –Alle ha u naxariistee- Maamuuska Qaran ee uu naga mudan yahay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuum ka oo ahaa halyeey Qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u we ydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lillaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun.

R/W KHEYRE oo war ka soo saaray geerida Nuur Cadde

R/wasaaraha XFS Md.Xasan Cali Khayre ay aa ka hadlay Allaha u naxariistee geeridii ku timid, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa R/wasaare hore, kaas oo Shalay ku dhintay dalka Ingiriiska.

Khayre ayaa marka tacsi u diray dhammaan Umma dda Soomaaliyeed iyo qoys ka uu ka baxay marxuumka oo u ge eriday caabuqa Cor ona.Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa marxuumka alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii sa Firdowso.

"Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan um madda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka bax ay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxu um, Nuur Cadde oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelka na uu samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Md.Khayre.

Dowladda oo lacag ka dalbatey Bangiga Adduunka

Wasiirka W/Maaliyadda XFS Md.C/xma an Ducaale Beyle oo Shalay la hadlay War baahinta ayaa waxa uu sheeg ay in wadama da ku bahoobay Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyeen 1.4 Bilyan oo Dollar oo ay ku la haayeen.

Waxa uu sheegay Wasiirka qaar in kamid ah wadamadaasi uu shir muuqaal toos ah oo dhanka internetka ah la qaatay dalalka ku bahoobay Paris Club kaas oo looga wada-hadlay muhiimadda ay xilligaan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymihii la gu lahaa.

Waxa uu intaa ku daray Wasiirka in shir ka oo saacado badan qaatay kadib xubnihii ka qayb galayay ee matalayay wadamadaa si ay go’aamiyeen in Soomaaliya laga cafiyo deyntaasi.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheeg ay in wadamadii shirka ka qayb-galay ay dhawaan bilaabi doonaan qorshihii wadama da carabta ay Soomaaliya uga cafin lahay een deynta ay kuleeyihiin.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu shee gay in cudurka coronaviruska laga cabsi qabo in uu dhibaato badan u keeno Soomaa liya wa xa uuna sheegay in bangiga Adduun ka ay ka dalbadeen lacago loogu talagalay in looga hortago faafidda Cudurk aani.

Wararkii ugu dambeeyay Rasaastii lagu furay Guriga Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed

Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka ayaa War kasoo saaray rasaas ay sheegeen in Cii damo ka tirsan Booliska ay ku fureen Dif aaca 1aad ee laga ilaaliyo Guriga Shariif Sheekh Axmed. Warka ayaa sidaan u qor naa:

Gaari nuuciisu yahay qooqan laba shirrey Toyota, taariko number keedana uu yahay POL318 oo ah gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed, ayaa rasaas ku furay checkp oint laga ilaaliyo Xarunta Madasha Xisbiya da Qaran iyo Hoyga uu degan yahay Madax weynihi hore Sh. Shariif Sh.Ahmed.

Gaarigan ayaa si’ bareer ah rasaas ugu fu ray ciidanka ilaalada Sh. Shariif, waxayna as karta G/Madasha muujiy een masuuliyadd wax ja waab celin ahna kama bi xin falkaas oo ay ka dhal an kartay xaalad dagaal.

Masuuliyadda ay muujiyeen ilaalada Md. Sh.Shariif ayaa muujineysa wacyi gelinta ay ka heystaan hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu ugu horreeyo Madaxweynihi hore, waxaana tani noqoneysaa isku deygi 3xaad oo ah xaalad abuur lagu beegsaday Hoyga Madaxweynaha iyo Xarunta Madasha Xisb iyada Qaran.

Xildhibaan Yusuf Hussein Gama’diid, Xo ghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa kormeeray barta kontrool ee la rasaaseeyey.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay cida ka dambeysay rasaas ka dhacday agag aarka Guriga Sheekh Shariif

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suley man Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in rasaas Shalay ka dhacday agagaarka Gur iga uu degan yahay Madax we ynihii hore Sheekh Shariif ay rideen Ilaaladaas oo jidka fu ranayay.

Xeer ilaaliyaha ayaa qoraal uu bartiisa Fa cebook soo dhigay ku sheegay in aanay jirin cid weerartay Ilaalada guriga Sh.Shariif.

Waxaa uu sheegay in 1 xabbad ay goobta ka dhacday oo ay rideen Ilaaladiisa, isla mar kaana lagu riday 2 gaari yaryar oo wadada ku sheekeysanayay, wadadana xirtay.

"Gaariga la sheegay inuu Xabbad huwi yay ilaalada Madaxdwaynihii hore Md.Sh. Shariif, waa gaari Police ah oo ilaaladayda saarnaynd. 2 gaari oo yaryar oo waddada ku sheekaysanayay waddadana xirtay ka dibna gaarigii Booliska sanka u soo galiyay gawa aridooda ayaa keentay 1 xabbo ee dhacday. Waxaa caddaynayaa wax intaas ka wayn in aysan jirin cid weerartay ilaalada Madax wayne Sh. Shariifna aysan jirin”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.


Xogta wada-hadallo si rasmi ah uga fur may Nayrobi oo u dhaxeeya Axmed Madoobe, Seeraar iyo Xiddig

Waxaa M/Nayrobi ee caasimadda Kenya ka furmay wadahadalo u dhaxeeyo Madaxw eynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Xubn aha Mucaaradka ku ahaa Maamulkiisa ee Golaha Is-bedel doonka Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, wadahadaladaan ayaa waxaa garwa deyn ka ah Dowlad da Kenya oo ka sha qeysay sidii la isugu keeni lahaa Madaxweynaha Jubbaland iyo Golaha isbadal doonka oo diiday doorasha dii ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan wada hadala daan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Jubb aland Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar iyo Sheekh Daahir oo ka mid ahaa xubnaha ugu weyn ee mucaar adka, sidoo kalana waxaa goob joog ka ah xubno ka socdo Dowladda Kenya.

Ajandaha kulankaan ayaa ah sidii xal ka ma dambeys ah looga gaari lahaa khilaafka soo jiitamayey ee u dhaxeeyo madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubunaha mucaaradka oo garab ka helayey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Caasimadda Online ayaa oga atay in xubnaha Kenya ku matalayey kulank aan ay badankooda ahaayeen saraakiil ka tir san sirdoonka iyo militariga Kenya.

Wadahadalaan oo qodobadii ugu hore eyey la isku fahmay ayaa la filayaa in la dha meystiro maalmaha soo socdo, waxaana la soo saari doonaa war murtiyeed ku aadan waxbaayaha ay ku heshiiyeen labada dhi nac.

Horraantii bishii Febuaray ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubbaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya loo ga soo qaaday Magaalada Kismaayo, waxay na markii hore kulamo kala duwan la qaate en xubnaha ay Dowladda Kenya u xil saar tay inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac.

Bishii August ee sanadkii hore Dib u do orashadii Axmed Madoobe ayaa mucaarada da ugu weyn ee uu gudaha kala kulmay wax ay ahaayeen C/rashiid Xidig iyo C/naasir Se eraar, kuwaasoo iyana si iskood ah Kism aayo ugu dhawaaqay in loo doortay Madaxw eynaha Jubbaland.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlam aanka K/Galbeed oo la doortey

M/Baydhabo ee Xarunta G/Baay waxaa Shalay lagu qabtey doorashada guddoomiye kuxigeennada Baarlamaanka K/Galbeed, iyada oo Shalay duhurkii Dr Cali Saciid Fiqi loo doortey Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarla maanka K/Galbeed ayaa waxaa ku tartamey Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo haley Codad gaaraya 84 cod halka Amina Isxaaq Maxamed oo la tartameyseyna ay heshay 8 cod,waxaana guddiga ay ku dhawaaqeen in Maxamed Nuur Maxamed Macalin uu ku gu uleystay G/kuxigeenka 1aad ee Baarlamaan ka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee G/Wakiilada KGS ayaa waxaa ku guuleystay Shamso Mohamed Yarow oo ay san jirin Cid La tartameysay waxana loogu Codeeyay Gacan taag waxana ay heshey Cod ad gaareya 92 majirto cid diidey ama ka Aamu stey.

Shalay ayaa sirasmi ah ay u dhacdey do orashada G/Baarlamaanka K/Galbeed iyo 2diisa kuxiegen,wax aana xusid mudan in do orashada Shalay aysan aheyn mid xiiso lah eyd maadaama badi la sii ogaa dadka guul eysanaya.

Al-Shabaab oo sheegtay in Qarax ku dileen Madaxii Saadka guutada 12-ka April iyo ciidamo la socday.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay bartamaha M/Muqdisho kaasi oo lagu beegsaday askar iyo saraakiil ka tirsan cidamo M/teriga DFS.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodon ayaa lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo uu wa tay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada melleteriga dowladda.

War rasmi ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in qaraxa ay ku dishay askar, waxaana dadka dhintay ku jira madaxii Saadka guutada 12-ka Apriil kaa si oo magaciisa lagu soo gaabiyay Magar oow.

Qaraxan khasaaraha badan dhaliyay ay aa ka dhacay inta u dhaxaysa Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer, qaraxyada iyo weera rada tooska ah ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda ayaa si joogta ah uga dhaca inta badan degmooyinka G/Banaadir.

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyey Maxaabiis

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/ 042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiya da aan aadka u cuslayn ku xuku man ee xabsiyada ku xir an. Waxaanay u dhignayd War eegtada Madaxweynuhu Sid an:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis :-Markaan Arkay: Dastu urka Somal iland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad; Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhays an 31/03/2020;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xe er Ilaaliyaha Guudee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020; Markaan La-tashaday: Hay’ adaha Ay Khusayso;Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo ta ariikhda 1-4-20202 aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cusl ayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xir an, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boq ol iyo 574 Maxbuus. Cafiskani saamayn ku ma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaay een, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafis kan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxa abiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.

Amnesty: Mareykanka Shacab ayey ku dileen Soomaaliya

Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bishii Febraayo dilay laba qof oo sha cab ah islamarkaana dhaawacay saddex ka le, waxaa sidaas bayaan ay Shalay soo saar tay ku sheegtay hay’adda xuquuqda aadana ha ee Amnesty International.

Duqeyn 2dii Febraayo ka dhacday M/Ji lib ayaa lala beegsaday qoys cunteynayey, sida ay sheegtay Amnesty, waxaana halk aas lagu dilay Nuurto Kuusow Cumar Abuu kar oo ahayd 18 jir, laguna dhaawacay laba gabdhood oo walaalaheed ka yar ah, oo da’deedu tahay 7 iyo 12 jir, iyo ayeydood oo 70 jir ah. Amnesty ayaa dhacdadadn kasoo xigatay aabaha Nuurto, oo goobjoog u ahaa weerarka, balse aan lagu dhaawaciin.

Maxamed Cumar Abuukar, oo ah wiil ay dhashay haweeneyda 70 jirka ah ayaa wak aaladda wararka Reuters u sheegay in qoys kiisa ay burburisay duqeynta.

Duqeyn kale oo 24-kii Febraayo ka dhac day xaafadda Kumbarere, oo 10 km waqooyi ka xigta magaalada Jilib, ayaa lagu dilay Ma xamuud Salaad Maxamuud, oo ahaa aabe 53 jir ah oo lahaa sideed caruur, islamarkaa na deegaanka haystay beer, mas’uulna ka ahaa xafiiska shirkadda isgaarsiinta Hormu ud, sida ay sheegtay Amnesty. Hormuud ay aa xaqiijisay dhimashada Maxamuud.

AFRICOM ayaa bayaan ay soo saratay ka dib labada duqeyn waxay ku sheegtay in lagu dilay mintidiin.

"Kadib duqeyn kasta, AFRICOM waxay fulisaa taxliilin dheeeri ah si loo xaqiijiyo in la gu guuleystay hadafyada militari ee laga la haa, mana jirin wax khasaare shacab ah,” ayey AFRICOM u sheegtay Reuters, ayada oo ka jawaabeysa eedeynta Amnesty.

"Taxliilinteena qotada dheer ee duqeym aha kadib waxay isku haleysaa hab sirdoon, oo aysan heli karin ururada Amnesty oo kale ah…qiimeynta taliska ee khasaaraha sha cabka waa mid sax ah, oo buuxda islamar kaana ay hogaamiyaan koox khubaro ah,” ayuu yiri taliska AFRICOM.

Cabdullaahi Xasan oo ah cilmi-baare ka tirsan Amnesty ayaa ka dalbaday AFRICOM inay tahay inay aad u cadeeyaan habka ay u baaraan eedeymaha ku saabsan khasaraa ha ka dhanka ah shacabka. "Waxay u muu qataa inay ku nool yihiin been ah in duqey mahooda xaqiiqdii ay dila an dad shacab ah,” ayuu yiri. Sanadii tegtay, Amnesty ayaa soo saartay warbixin tuhmeysa in shan duqeyn oo Mare ykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya 2017 iyo 2018 lagu dilay 14 qof oo shacab ah. AFRI COM ayaa diiday warbixintaas, hase yeesh ee waxay goor dambe qiratay in laba qof lagu dilay duqeyn dhacday 2018


Akhriso: Taariikh nololeedkii Nuur Cadde

AUN Nuur Xasan Xuseen oo ku magac dheer Nuur Cadde waxa uu dhashay 16-kii Febaraayo sanadkii 1937-dii, waana Ra’iisul Wasaarihii 12-aad ee Taariikhda Soomaa liya soo maray.

Nuur Cadde waxa uu shaqadiisii ugu hor eysay uu qabtay ka bilaabay qaybta kastam ka oo uu sarkaal ka noq day sanadkii 1958-dii labo sano kahor madax banana ida Soomaaliya, waxaana uu kamid noqday saraaki isha Booliiska Caalamiga ah ee Interpol.

Tababar ciidan oo dibadda ah waxaa u dir ay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaali ya Maxamed Siyaad Barre, kadib markii soo soo dhameystay waxa uu daraaseeyay kulli yadda sharciga Jaamacadda Umadda Soom aaliyeed iyo iskuul lagu magacaabo Fiscal Law oo ku yaalla Magaalada Rome ee Caasi madda Talyaaniga.

Waxa uu noqday Qareen, kolkii ay dhac day Dowladii Kacaanka sanadkii 1991-dii dal kana uu burburay galay waxa uu noqday Xo ghayaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed.

22-kii November sanadkii 2007-dii, Mad axweynihii Dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisay Kenya Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxa uu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde kadib mar kii uu is casilay Ra’iisul Wasaare Cali Maxa med Geedi 29-kii October isla sanadkaas.

Marxuum Nuur Cadde markii uu codka kalso onida ka helay Baarlamaankii KMG ahaa wa xa uu waqti kooban kadib ku dhawaaqay Xu kuumad ka kooban 73 xubnood, 31-Wasiir, 11- Wasiiru Dowle iyo 31-Wasiir ku xigeen.

17-kii December waxa uu isbadal lagu yar eeyay Xukuumaddii ka koobneed 73-da uu ku sameeyay, waxaana uu magacaabay Xuk uumad cusub oo lagu soo koobay 17-Wasiir, Shan Wasiir ku xigeen iyo shaqsiyaad ka baxsan Baarlamaankii xiligaas.

10-kii Janaayo waxaa Wasiirada cusub waxaa ansixiyay Baarlamaanka, kadib mar kii codeyn loo sameeyay kalsoonida lagu sii yay 223 Cod, waxaana kasoo horjeystay Shan Xildhibaan iyo labo Mudane oo ka aamustay.

Nuur Cadde waxa uu udub dhexaad u noqday Wadahadalkii dhexmaray Dowladii KMG iyo Garab kamid ah Maxkamadihii oo saldhigtay Jabuuti, waxaana ugu dambeyn la dhisay Baarlamaan ka koobnaa saddex dhinac oo kala ahaa, Dowladdii KMG, Max kamadaha iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa Bul shada.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu qa btay sanadkii 2007-dii waxa uu baneeyay sa nadkii 2009-kii, kadib markii Jabuuti lagu do ortay Madaxweynihii Dowladdii KMG Shariif Sheekh Axmed oo isna Ra’iisul Wasaare mu ddo kadib u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xigasho: Mustaqbal

Ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad isku rasaaseeyey Mooyaale

Wararka ka imaanaya M/ Mooyaale ayaa sheegaya inay rasaas is weydaarsadeen ciid amada Kenya iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Mooyaale.

Rasaastan ayaa ka dambaysay markii sida la sheegay ciidamada Ke nya ay keeneen baldoosa rro lagu qodayo dhulka ka dib markii dawladda Ken ya ay amartay in la xiro xuduudda si looga hortago faafitaanka cudu rka Coronavirus.

Ilaa hadda ma cadda in dad ay wax ku no qdeen rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac.

Wargayska Daily Nation ee dalka Kenya ayaa qoray in dablay reer Itoobiya ah oo ka xanaaqsan xiritaanka xuduudda ay rasaasta ku rideen qandaraaslayaal.

Qof ku sugan magaalada Mooyaale wa xa uu VOA u sheegay in labada dhinac ee is rasaasaynayey ay ku labbisnaayeen dharka ciidanka.xigasho;radiorisaala.com

Laamaha Amniga oo Gacanta ku dhigey Nin xaaskiisa diley

Ciidamada Booliska M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Nin xalay xaaskiisa oo lagu Ma gacaabi jirey Shukri Indhacad ku diley toor eey,kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Haweeneyda oo kamid aheyd Ganacsata da Jaadka (Qaadka) M/Beledweyne ayaa la shegay in Seeygeeda uu ku duftey Toor eey,isla markaana dhaawac culus oo gaarey ay ugu geeriyootey Isbitaalka M/Bel edw eyne.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Boolis ka M/Beledweyne ayaa waxaa la sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Ninka oo isku dayay in uu baxsado maadaama falka dilka uu geystay. Dad ku sugan M/Beledweyne ayaa Risaala waxaa ay u sheegen in Haweene yda la diley iyo Seeygeeda maalmihii la soo dhaafay uu ka dhex-jirey khilaaf xoogan oo aan weli la cadeyn waxa uu salka ku haa yo,hayeeshee ugu dambeyn ay sababtay in uu dilo.

M/Beledweyne ee xarunta G/Hiiraan ayaa xa lay ilaa saakay aad looga hadal haayaa dilka Haweedeyda kamid aheyd ganacsatada Ma galadaas uu u geystey Seeygeeda,kaas oo Ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigen.

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan hoostaga Dhoobley

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan h oostaga Dhoobley Dagaalyahannada Al-Sha baab ayaa lagu soo warramayaa in Shalay ay la wareegeen deegaanka Dag-Caday oo hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kadib dagaal ay la galeen ciidanka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahnno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaankaasi oo u dhow xadka So omaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay u su ura-gashay inay guud ahaan qabsadaan, ka dib iska hor imaad ka dhacay halkaasi.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan Dag-Caday,islamarkaana ay dagaalka ku gu been gaari ciidan, sida ay hadalka u dhigen.

Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalyah annada Al-Shabaab meel fagaare ah ay kula hadleen dadka deegaanka, welina ay jooga an halkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, iyado ona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo gobollada Jubbooyinka ee koon furta Soomaaliya.

Ciidamada huwanta ayaa maamihii u da mbeeyey xoojiyey dhaq dhaqaaqyo milatari ee au ka wadaan K/Soomaaliya, inkastoo is ka caabin ay kala kulmaan Al-Shabaab.

Xigashocaasimadda.net

Jabuuti oo laga helay shan kiis oo cu sub, lana xiriira Coronavirus

Dalka Jabuuti ayaa waxaa laga helay kii sas cusub oo la xiriira caabuqa dilaaga ah ee COVID-19, ee ka dhashay fayriska dun ida faraha kulul ku haya ee Corona.

W/Caafimaadka Jabuuti ayaa waxay xaqiij isay in shan kiis oo hor leh laga diiwaangel iyay dalkaasi, ka dib markii baaritaan caafi maadeed la marsiiyay 195 qof.

Warsaxaafadeed ay gelinkii dambe ee Talaadadii soo saartay W/Caafimaadka Jab uuti ayaa lagu sheegay in shantaasi qof uu xanuunkoodu saddex ka mida yahay mid la’isku gudbiyay, labada kalena ay yihiin xaal ado cusub. Warka ayaa waxaa lagu cadeey ay in tan iyo markii baaritaanada xanuunkaa si laga bilaabay J/Jabuuti, in baaritaan caafi maad lagu sameeyay 815 qof, xanuunkana laga helay 30 qof oo reer Jabuuti ah.

W/Caafimaadka Jabuuti ayaa warsaxaafa deedka ku muujisay in maalinba maalinta ka dambeysa, uu cudursidaha Coronavirus ku sii fidaayo dalkaasi. Marka la qiimeeyo xaal adda caafimaad ee dadka laga helay xanuu nkaasi ayaa waxaa warka lagu sheegay inay tahay mid degan, balse loo baahan yahay in la kordhiyo feejignaanta dadka ee la xiriira ka hortagga xanuunkaasi, bacdamaa sida uu u fidaayo aan la saadaalin karin.Ugu dam been dadka reer Jabuuti ayaa loogu baaqay inay si wanaagsan u texgeliyan talooyinka badbaadada ah, ee ay soo jeedisay Xukuu madda Jabuuti.

dadweynaha reer Jabuuti ayaa waxaa Dorraad u bilowday toddobadkii labaad, mu dada ay jiri doonto xanibaadda lagu same yay dadweynaha, iyadoona ay xaaladan sii jiri doonto illaa 9-ka bishan April, waxaana suurtagal ah in mudada la kordhiyo, haddii xaaladda ka hortagga caabuqan laga fursan waayo.



BOGGA CAYAARAHA


Xulka qaranka Jarmalka oo weerar ku ah Kooxda Liverpool… (Sidee wax u jiraan?)

Sida wararku ay sheegayaan xulka qaranka Jarmalka ayaa weerar ku ah Liverpool, waxaana ay doonayaa in tababaraha kooxdaas ee Jurgen Klopp ay ka dhigtaan macallinkooda cusub.

Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inuu u aqoonsaday macallinka Liverpool ee Jurgen Klopp inuu yahay ninka kala wareegaya Tababare Joachim Low shaqada xulka qaranka.

Tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay garoonka Anfield sanadkii 2015-kii, Klopp ayaa Liverpool ku hoggaamiyay 155 guulood 256 kulan oo uu leyliyey, 57-sano jirkaan ayaana u heellan kooxda haysata Champions League, waxaana uu kula jiraa qandaraas ku eg ilaa sanadka 2024-ka.

Si kastaba ha noqotee sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, macallin Klopp wuxuu si gaar ah u qirtay in Liverpool ay u badan tahay inay noqoto shaqadiisa ugu dambeysa ee uu tababaro koox, waxaana la sheegayaa inuu xiiseynayo doorka xulka qaranka.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in tababarihii hore ee Kooxda Borussia Dortmund inuusan qorsheyneynin inuu ka tago Anfield ka hor sanadka 2022-ka, markaasoo heshiiska Low uu kula joogo xulka qarankiisa uu dhacayo.

Milkiilayaasha Liverpool ee Fenway Sports Group ayaa la sheegay inay xiiso u muujinayaan sidii ay u abuuri lahaayeen howshii Sir Alex Ferguson oo kale, waxaana ay ka doonayaan shaqadaan inuu qabto Klopp, laakiin waxaa laga yaabaa inay wajahaan dagaal culus si ay u sugaan mustaqbalka fog ee hoggaamiyahan reer Jarmal.

Tababare Low ayaa qabtay 181 kulan tan iyo sanadkii 2006, isagoo ku guuleystay xulka Jarmalka Koobkii Adduunka ee 2014-kii, laakiin afar sano kaddib waxa uu ku guul-darreystay inuu ka gudbo wareegga group-yada.

RASMI: Blaise Matuidi oo heshiiska u kordhiyey Kooxdiisa Juventus

Laacibka khadka dhexe ee Juventus, Blaise Matuidi ayaa heshiiska u kordhiyey kooxdiisa ka dheesha horyaalka Serie A, waxaana uu qandaraaskiisa gaarsiiyey illaa bisha June sanadka 2021-ka.

32-sano jirkaan ayaa heshiiskiisii hore waxa uu ku ekaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku kordhiyey xilli ciyaareed kale, isagoo qandaraaska u cusboonaysiiyey hal sano oo kale.

Si kastaba ha noqotee, Matuidi ayaa qalinka ku duugaya heshiiskan cusub, marka laga soo laabto karaantiilka Coronavirus, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.

Matuidi ayaa 31 kulan ciyaaray tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, ka hor inta uusan ku dhicin Coronavirus.

Xiddiga xulka qaranka France ayaa noqday ciyaaryahankii labaad kaddib Daniele Rugani, kaasoo laga helay Covid-19, inkastoo kaddibna laga helay caabuqan weeraryahanka kooxda ee Paulo Dybala.

Kooxda Barcelona oo iska iibinaysa Ivan Rakitic & Qiimaha ay Madaxihiisa duldhigtay oo daaha laga rogay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay iska iibinayso ciyaaryahankeeda Ivan Rakitic, waxaana la sheegayaa inay madaxiisa duldhigtay adduun lacageed dhan 20 milyan oo euro oo u dhiganta 17.6 milyan oo gini.

Xiddigan khadka dhexe ayaa si aad ah loo malaynayaa inuu ka tago Camp Nou, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga soo socda, Rakitic ayaana la filayaa inuu dib ula midoobi doono kooxdiisii hore Sevilla.

Sida ay warinayso Jariiradda Marca, Barcelona ayaa kalsooni ku qabta inay ku iibin karaan xiddigan xulka qaranka Croatia adduun dhan 20 milyan oo euro, Rakitic ayaa lagu soo waramayaa inuu buuxin doono dalabkaas, haddii uu ka tago kooxda reer Catalan.

Barcelona set €20m asking price for Rakitic?

Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in kooxda tababare Quique Setien ay heshiis ciyaaryahan iyo lacag kaas ah ku bixin karaan 32-sano jirkaan, iyagoo indhaha ku haya sidii ay ku heli lahaayeen Neymar Jr iyo Lautaro Martinez.

Rakitic ayaa loo diiwaan geliyey saddex caawin 21 kulan oo uu horyaalka La Liga u ciyaaray kooxda Barcelona intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkan 2019-20.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Madaafiic ay xuutiyiintu ku rideen Magaalada Riyadh.

Xukuumadda Somalia ayaa waxa ay si kulul u cambaaraysay maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen.


Caro ka dhalatay meydad waddooyinka lagu daadinayo

Carada shacabka ah ayaa sii xoogeys aneysa kaddib markii ay dadka ku dhaqan magaalada ugu caansan dalka Ecuador ee Guayaquil baraha bulshada ku faafiyeen meydad daadsan waddooyinka.

Muuqaalada laga arkayo meydadka lagu qubay jidadka ayaa si weyn la isula wadaa gay. Shaqaalaha caafimaadka ee dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay hadda dhibaato weyn kala kulmayaan aruurinta me ydadka dadkii dhintay maalmihii lasoo dhaa fay - kuwaasoo kaliya aan u geeriyoonin xanuunka coronavirus balse u dhintay sababo kale.

Qaraabada dadka meydadkooda la tuu ray ayaa soo tabiyay inay waqti badan oo mararka qaar ilaa 4 maalmood ah sugayeen in laga qaado meydadka, iyadoo qaarkood ay iska dhigeen guryahooda bannaankooda.

Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo El Universo ayaa ku warramay in meydad tira dooda u dhaxeyso 400 ilaa 450 aan wali la ga qaadin guryaha ay yaallaan.

Duqa magaalada Guayaquil, Cynthia Viteri ayaa Talaadadii Dorraad sheegtay in la howlgaliyay mid ka mid ah saddex gaw aari ah oo ay saaranyihiin kunteenarrada me ydadka lagu keydiyo.

Waddamada ku yaalla qaaradda Koonfur ta Amerika ayaa laga soo sheegay inuu gaa ray xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus.

Dalka Brazil, waxaa laga soo tabiyay kii skii ugu horreeyay ee coronavirus ah, kaa soo ku dhacay qof kasoo jeeda qowmiyada ha asalka ah ee dalkaas.

Haweeney 19 jir ah oo kasoo jeedda qow miyadda Kokama ayaa lagu tilmaamay qof ka uu xanuunka haleelay, sida uu sheegay Francisco Ferreira Azevedo, oo ah sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka.Waxaa jirta cabsi laga qabo in dadka asalka ah uu si ba 'an u saameeyo cudurka, maadaama ay dag gan yihiin dhul miyi ah oo aan laga helin adeegyada caafimaadka.

Waddanka El Salvador, oo ku yaalla isla qaaraddaas ayaa shaaciyay dhimashadii u gu horreysay ee ka dhalatay cudurka Covid-19.

Qofka dhintay ayaa ah haweeney 60 jir ah oo dhawaan ku laabatay El Salvador ka dib markii ay ka safartay waddanka Marey kanka, sida uu sheegay madaxweynaha dal kaas Nayib Bukele.

Madaxweyne Bukele ayaa ka mid ah ma daxdii ugu horreysay ee Latin Ameerika oo soo rogay xayiraado adag oo dhinaca dhaq dhaqaaqyada ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax miino oo Shalaybarqadii ka dha cay degmada Hodan ee M/Muqdisho ayaa lagu dilay G/sare Cusmaan Muuse Maqaa row oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdibile ah oo uu Sarkaalk an saarnaa oo marayay nawaaxiga Isbit aalka Digfeer.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku dhintar askari, waxaana ga ariga la qarxiyay oo waddada ka baxay uu waxyeelo gaarsiiyay dad kale oo goobta ka ag dhowaa.

Qaraxyada miino ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhayay M/Muqdisho, iya doo jimcihii ay aheyd markii Kolonyo Ciidam ada AMISOM lagu qarxiyay agagaarka Suu qa Bakaaraha.

Qoraal la soo baxay Alshabaab ayaa waxaa ay ku sheegtay in ay ka danbeysay qarax asi shalay muqdisho ka dhacay.

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka iyo Howladeennada Wargeys ka Mogadishu Times Daily News Paper wa xa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Qoysk Marxuum iyo ummadda soomaaliyeed ba, iyagoo ugu tacsiyadeyana Geerdii ku timid Ex R/iisawasaare Col. Nuur Xasan Xuse en {Nuur Cadde} oo shalay ku geeriyooday M/Landon ee carriga Inraiiska waxeyn alle ugu barayayaan inuu Marxuumka jannada Far dowaso ka waraabiyo ehelka iyo axsab ta uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan saa daq ah ka siiyo inaa lillaahi wa innaa illaahi Raajicuun

Aamiin Aamiin

 


SOOMAALIYA


 


OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

 

 

LITEACE

 

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

 

TOYOTA JIDOSHA KABUSHIKI KAISHA (also trading as TOYOTA MOTOR CORPORATION), a corporation organized under the laws of Japan of 1, Toyota-cho, Toyota-shi, Aichi-ken, Japa

.

 

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

 

Gawaarida iyo qeybaha qaab dhismeedka ah.

 

OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYAin talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama si kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip