SAWIRRO: Guddiga Diyaarinta Xeerarka Sharciga Doorashooyinka oo la doortay

0
Tuesday March 24, 2020 - 21:52:14 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Guddiga Diyaarinta Xeerarka Sharciga Doorashooyinka oo la doortay

    Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta yeeshay kulankoodii labaad ayaa ku doortay guddoomiye,guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guddiga. Kulanka waxaa shir guddoominaayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta yeeshay kulankoodii labaad ayaa ku doortay guddoomiye,guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guddiga. Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdi-weli shiekh Ibraahim Muudeey. sidoo kale waxaa goob joog ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan maxamed cabdullahi Xassan Nuux. Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa loo doortay xildhibaan Ibraahim Yaroow Isaaq halka Guddomiye ku xigeenka guddiga loo doortay senator jawaahir Axmed cilmi iyadoo Xoghayaha guddiga loo doortay xildhibaan lufti shariif maxamed. Guddigaan oo ay horay u magacaabeen guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa shaqadoodu tahay sida ay u soo dhamaystir lahaayeen xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka oo ay haray u ansaxiyeen labada aqal ee baarlamaanka,isla markaana uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllahi Maxamed Farmaajo. Guddoomiye ku xigeenka kobaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdi-Weli shiekh Ibraahim muudeey ayaa kula dardaarmay Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka in ay soo dadajiyaan xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip